JAMHUURIYADDA SOMALILAND

 

AGRICULTURAL LAND OWNERSHIP LAW – Law No: 08/99

 

XEERKA LAHAANSHAHA DHUL-BEEREEDKA (Xeer Lr. 08/99)

 

 

GOLAHA WAKIILADA

 

MARKUU ARKAY               Qodobada 16 (2) iyo 47 (1) & 14 ee Dastuurka JSL.

 

MARKUU DHAGAYSTAY  Soo jeedinta Guddiga bulshada ee Goluhu soo  bandhigeen  ee    ku saabsan xeerkan

 

MARKUU KU QANCAY-    Baahida loo qabo xeer noocan ah oo lagu fardaamiyo mushkiladaha iyo muranada ka abuuran lahaanshaha dhul beereedka.

 

MARKUU U HABEEYEY:  Si waafaqsan shareecada islaamka, Dastuurka iyo caqlifayow:

 

                                                                                                                                   

WUXUU ANSIXIYEY XEERKAN:

 

QODOBKA KOOWAAD

QEEXIDDA EREY-BIXINTA

Ereyadda iyo weedhaha hoos ku qoran waxa jeedaa Xeerkan gudihiisa sidan soo socota:-

 

1. DhuL beereed: waxa loola jeedaa dhul kasta oo ku haboon in wax laga beero.

2.Lahaansho: waxa loola jeedaa;lahaanshaha dhul beereed.

3. mulkiyad:  waxa loola jeedaa warqadda lagu cadeynaayo xaqa lahaansha dhul   

  beereedka.

4. Wasiir: waxa loola jeedaa Wasiirka Wasaaradda Beeraha.

5. Xeer nidaamiye- dawladeed  waxa loola jeedaa xeer-nidaamiyaha Dawladeed ee lagu fasilidoono laguna fulin doono.

6. Qoys:  waxa loola jeedaa Xaas ka kooban nin iyo haweenaydiisa iyo  Carruurtooda aan qaan-gaadhin.

7. Shirkad: Waxa loola jeedaa dad isku darsaday hantidoodii, gashanaya dhul  beereed.-

8. Masuul: Waxa loola jeedaa madaxa qoyska Beerta ku nool.

9.Ruqsad : Waxa loola jeedaa qofka beerna qabsaday inta aan la siin Mulkiyadeeda.

 

QODOBKA LABAAD

LAHAANSHAHA DHULKA

Iyadoo la tixgelinaayo sida uu qorayo sharcigan la haanshaha dhul-beereedka jamhuuriyadda Somaliland , ha lahaado ama yaan la laahaan guud ahaan dhulka waxa ka masuul ah Dawladda qofku wuxuu yeelanayaa dhul beereerdka marka la siiyo mulkiyadda .

 

QODOBKA SADEEXAAD

MAAMULKA DHULKA

Wasiirka Wasaaradda Beeruhu wuxuu awood u leeyahay kormeeridda dhul beereedka isagaana dawladda uga masuul ah maamulka dhul beereedka .


QODOBKA AFRAAD

BIXINTA MULKIYADDA

Marka waaxda dhulka iyo biyaha ee wasaaradda Beeraha iyo deegaanku ay soo diyaariso mulkiyadda waxa loo gudbinayaa Wasiirka Beeraha isagoo hubinaaya lahaanshaha kadibna oggolaanshaha bixinta mulkiyadda ku soo celinaya waaxda dhulka ee wasaaradda Beeraha si ay u dhamaystiraan diinwaan gelinta beerta

 

QODOBKA SHANAAD

DHULKII HORE LOO HAYSTAY

1. Dadkii hore dhul beereedka u lahaan jiray waa in mulkiyada waydiistaan  Wasaaradda Beeraha Sanad gudihii laga bilaabo taariikhda sharcigani dhaqan galo ,si dhulka ay haystaan loogu diiwaan galiyo ,

2.Dadka diiwaan galin waaya dhul beereedkooda mudada kor ku xusan waxa la ganaaxayaa marka koowaad 50,000/= Sh, Sl ,

Marka labaadna 100,000/= Sh Sl , intaa dabadeed way waayaan rukhsadda .

3.Dhul beereedka la siinayo shirkadda , iskaashato IWM  waxa lagu qeexayaa xeer gaar ah .

 

QODOBKA LIXAAD

NIDAAMKA BIXINTA MULKIYADDA

1-    Qoys ama qof kastaa waxaa dhulka cusub loo siin karaa hal mulkiyad oo keli ah ,

2-     Dadkii hore beero  u haystay waxaa la siinayaa kolba inta mulkiyadood ee uu yeesho dhulkoodu

 

QODOBKA TODOBAAD

BAAXADDA UU YEELAN KARO DHULKA

LA BIXINAYAA .

1-       Baaxadda dhul beereedka cusub ee mulkiyada la siinayo qof ama qoys ee ugu saraysaa (Maximum) waa 8 hektar dhulka roob-falatada ah , 4 hektar dhul waraabka ah .

2-       Baaxada dhulka roobka falatada ee kor ku sheegay kuma saabsan beeraha dawladda , Dawladda Hoose Wakaaladaha madaxa banana iyo shirkadaha .

 

QODOBKA SIDEEDAAD

LA WAREEGIDA DHUL DAN GUUD AWGEED

1-       Dhul kasta oo beeran ama la beeri jiray waa lala wareegi karaa danta guud awgeed .

2-       Dhul beereedka dan guud awgeed loo la wareego cidii lahayd waa in loo magdhabaa ,mudoo saddex biloood gudahood ahna lagu siiyo dhul beereedka lagala wareegay ,

 

QODOBKA SAGAALAAD

WAXYAABAHA KA REEBANA MULKIYADDA DHULKA

1-       Mulkiyadda dhulka lagu bixiyo waxa ka reeban in uu seero ka dhigo.

2-       Mulkiyada dhulka cusub lagu bixiyay waxa ka reeban in la  iibiy , muddo saddex sano ah mudaadaas ka dib waa la ibin karaa  marka ogolaansh laga helo wasaaradda beeraha .

 

QODOBKA TOBNAAD

XUQUUQDA UU LEEYAHAY QOFKA DHULKA QODAYAA 

QOFKA DHULKA QODAYAA WAXA UU XAQ U LEEYAHAY

1-    In dhulka uu beero waxna  ka soo  saaro.

2-    In uu beerta qiimaheeda amaah ahaan kaga qaadan karo lacag ahaan bankiyada dalka .

3-    In uu lacagta ku baxday beerta iyo wixii la xidhiidha hadii ay debadda ka timid, inuu xaq u siinayo in qaar ka mid ah faa’iidada uu ka helo beerta inuu debadda u diran karo

4-    Dhul beereedka wuu iibin karaa , kireyn karaa xataa waanu wareejin karaa marka laga reebo tan ku xusan qodobka 9aad

 

QODOBKA KOW & TOBNAAD

WAAJIBAADKA SAARAN QOFKA DHULKA QODAYA

1-    Qofka dhulka qodaya waxa saaran waajibaadka hoos ku qoran in aanu dhulka u isticmaalo si ka duwan shuruudihii lagu siiyey ,

2-   In uu dhulka u falo sida ugu fiican isagoo kordhinaya wax soo saarka ,

3-   In uu siiyo haddii ay jiraan shaqaalaha u shaqeeya mushahar u qalma shaqadooda sida uu qorayo sharciga shaqaalaha dalka u yaala ,

4-   In uu bixiyo cashuurta dhulka ee lagu sheegay sharcigan ama kuwa uu qori doono xeer ridaamiye dawladeed ,

 

QODOBKA LABA & TOBNAAD

KA QAADIDA MULKIYADDA

Waxaa qofka mulkiyadda looga qaadi karaa markii lagu helo sababahan soo socda :-

1-       Markii ay dawladdu dhulka la wareegto sida uu qorayo qodobka 8aad ee sharcigan ,

2-       Markii qofka dhulka la siiyey ka soo bixi waayo shuruudaha lagu siiyey mulkiyadda ,labada ganaax ka dib ,

3-       Marka qofka dhulka la siiyay  uu sharcigan ama xeer nidaamiyihii ku xad gudbo laba ganaax ka dib ,

4-       Marka qofku dhulka qodi waayo saddex sano oo isku xiga laga biloobo taariikhdii mulkiyadda la siiyey ,

 

QODOBKA SADEX & TOBNAAD

DHAXAL

1-       Marka uu dhinto qof mulkiyadda dhulka la siiyey ,mulkiyadda dhulka waxay ku wareegaysaa dadka dhaxalkiisa leh sida shareecadda islaamku qeexaayso .

2-       Markaas oo kale diiwaanka dhulka ayaa lagu qorayaa dadka dhaxalka u helay mulkiyadda dhulka sida qorayo sharcigan .

 

QODOBKA AFAR & TOBNAAD

CASHUURTA IYO KHARASHKA KALE

BIXINTA CASHUURTA

1-       qof kasta oo dhulka ku dhaqma waxaa waajib ku ah in uu bixiyo cashuurta dawladda ,

2-       Cashuurta dhulka waxaa loo eegi doonaa sida beeruhu u kala weyn yihiin iyo nooca ay kala yihiin .

3-       Shuruudaha bixinta Cashuurta iyo habka lagu bixinaayo waxa lagu sheegi doonaa xeer nidaamiye dawladeed ,

 

  

QODOBKA SHAN & TOBNAAD

DIIWAAN GELINTA DHULKA

Dhulka mulkiyadda lagu bixiyey haddii ay hore u hagaajisay dawladda hoose , ama wakaaladaha madaxa bannaan , kharashka waxa bixinaaya qofkii mulkiyadda dhulka la siiyey ,

                                                     

QODOBKA LIX & TOBNAAD

DIIWAAN GELINTA DHULKA

1-       Wasaaradda Beeraha  waa in ay leedahay khariidad tilmaameed iyo diiwaan ku saabsan dhulka beeraha oo lagu qorayo dadka dhulka la siiyey magacyadood iyo shuruudaha lagu siiyey mulkiyadda dhulka

2-       Wakiilka degmo walba u jooga wasaaradddda beeraha wuxuu diiwaan gelinayaa dhulka beeraha  degmada ku yaall.

3-       Iyadoo la tixgalinayo sharcigan wixii lagu qorayo diiwaanka dhulka waxa saldhig u noqonaya mulkiyadda dhulka

4-       Marka la ogolaado wixii lagu qoray diiwaanka dhulka qofka dhul leh waxa la siinayaa shahaado muujinaysa wax allaale wixii ku saabsan dhulka mulkiyadda loo siiyey .

5-       Wakiilka wasaaradda beeraha  u jooga degmada wuxuu ugu dambeytii u gudbinayaa Wasaaradda Beeraha nuqul ku saabsan Caddeynta beerta .

 

 

QODOBKA TODOBA & TOBNAAD

KALA XADAYNTA DHUL BEREERDKA

& DHUL DAAQEEDKA

1-   Dhul daaqeenka Jsl , lagama bixin karo Beer- roobaad

2-   Beer biyood waa laga bixin karaa dhul daaqeenka hadii aanay xidhayn ama wax u dhimayn waddooyinka xooluhu ka arrooraan ama iyo sabada ceelasha ee xooluhu joogsadaan

 

QODOBKA SIDEED & TOBNAAD CIQAABTA

Waxa lagu faahfaahinayaa xeer nidaamiye Dawladeed

 

QODOBKA SAGAAL & TOBNAAD

AWOOD

Maxkamadda sharciga ah ayaa awood u leh inay qaadaan dacwooyinka ku saabsan sharcigan

 

QODOBKA LABAATANAAD

XEER –NIDAAMIYE DAWLADEED

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA  SL

 Wuxuu awood u leeyahay in uu soo saaro xeer nidaamiye dawladeed oo lagu faahfaahin doono sharcigan isaga oo tixgelinaya talada u soo jeediyay Wasiirka Wasaaradda Beeruhu .

                                               

QODOBKA KOW & LABAATANAAD

TIRTIR

Waxa la tirtirayaa sharci kasta oo ka soo hor jeeda ama aan la socon Karin sharcigan , marka laga reebo shareecadda Islaamka iyo Dastuurka .

 

QODOBKA LABA & LABAATAABAD

Sharcigani wuxuu dhaqan galayaa marka Madaxweynahu Saxeexo laguna soo saaro faafinta ah ee Dawladda , ansixinta Baarlamaanka dabadeed .

 

 

                                                ALLAA MAHAD LEH

 

 

 

(MAXAMED XUSEEN CISMAAN )

XOGHAYAHA GUUD EE G.WAKIILADDA JSL

 

 

 

(C/QAADIR X.ISMAACIIL JIRDE )

GUDIIMIYE KU XIGEENKA KOWAAD JSL