Jamhuuriyadda Somaliland

 XEERKA JINSIYADDA (Xeer Lr. 22/2002)

 

GOLAHA WAKIILADA JSL

Markuu Arkay:                 Qodobka 4aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

Markuu Tixgeliyay:        Baahida loo qabo xilligan dejinta Xeer lagu maamulo arrimaha Jinsiyadda Somaliland oo qayb ka ah taabagalinta  xuquuqda muwaadinka ee  u coddaynta doorashooyinka.

Markuu Darsay:               Nuxurka mashruuc-sharciga, kuna saleeyay dhaqanka, diinta Islaamka, curfiga duwaliga ah  iyo duruufaha dhaqan-dhaqaale ee ina saameeya.

 

WUXUU ANSIXIYEY XEERKAN:

 

Qodobka 1aad

Qeexidda Erey-bixinta

Muwaadin: Waxa loola jeedaa qofka ka ISIRRAN dadkii deganaa gayiga Somaliland 26 Juun 1960kii iyo ka hor iyo qofka sifa sharci ah lagu siiyey jinsiyadda Somaliland.

Laaji:            Waxa loola jeedaa qofka loo aqoonsado qaxootinimo ee ku sugan dal uu marti ku yahay.

Ajanabi:       Waxa loola jeedaa qof kasta oo aan ahayn muwaadin Somaliland ah.

Qaan-gaadh: Waxa loola jeedaa muwaadin kasta oo da’diisu gaadhay 15 sano iyo ka badan.

Caruur:        Waxa loola jeedaa muwaadin kasta oo da’diisu ka yar tahay 15 sano.

Guddiga:     Waxa loola jeedaa Guddiga Qaranka ee Jinsiyadda ee Madaxweynuhu magacaabo.

Aabe-laawe:  Waxa loola jeedaa ilmaha aan la aqoonsan aabihii balse leh hal waalid oo la yaqaan (single parent) oo ah hooyada dhashay oo keliya .

 

Qodobka 2aad

Muwaadinimada u Dhalashada ah

1)            Waxa Muwaadin dhalad Somaliland ah qof kasta oo uu dhalay Aabbe ka Isirran dadkii deganaa dhulka Somaliland 26 Juun 1960kii iyo ka hor.

2)           Muwaadinka dhalad Somaliland ahi wuxuu qaadan karaa jinsiyad dal kale (dual nationality) iyadoo aanu luminayn muwaadinimadiisii Somaliland.

3)           Qof kasta oo qaan-gaadh ah oo uu dhalay muwaadin Somaliland ah ee ku nool dal shisheeye ama haysta jinsiyad dal kale ama laaji ku ah wuxuu muwaadinimada Somaliland qaadan karaa marka ugu horaysa ee uu soo galo dalka Somaliland, haddii aanu iskii uga tanaasulin.

 

Qodobka 3aad

Hellidda Aqoonsiga Muwaadinimada.

1)            Aqoonsiga caddeynta Muwaadinimada Somaliland waxa lagu kasban karaa marka codsaduhu la yimaado arrimahan:

a)      Caddayn uu Maxkamadda horteeda ka bixiyey Caaqil ka diiwan-gashan Wasaaradda Arrimaha Guduhu ee ardaaga uu ka soo jeedo codsaduhu.

b)     Soo buuxiyo foomka loogu talagalay oo uu soo saarayo xafiiska Jinsiyaddu, isla markaana saxeexo.

2)     Aqoonsiga muwaadinimada Somaliland wuxuu ahaanayaa mid isku mid ah oo leh tiro taxane ah oo ka diiwaan-gashan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxana saxeexaya Gudoomiyaha Gobolka awoodda u leh.

3)           Qaabka, midabka, qoraalka lagu muujinayo aqoonsiga iyo ogolaanshaha daabacaadiisa iyo maamulkiisa waxa xeer nidaamiye ku soo saaraya Wasiirka Arrimaha Gudaha.

 

Qodobka 4aad

Ogolaanshaha Muwaadinimo ee Qof Ajanabi ama Qaxooti ah

1)            Qofka ajanabiga ah ama qaxootiga ah ee sifo sharci ah ku jooga dalka Somaliland ee soo codsada muwaadinimo Somaliland; waxa la siin karaa marka uu buuxiyo shuruudahan:

a)      In codsaduhu qaan-gaadh yahay.

b)     In ugu yaraan 10 sano si sharci ah oo xidhiidh ah u deganaa  dalka Somaliland.

c)      Inuu ku sifoobay dhawrsanaan iyo dhaqan wanaag.

d)     Inaanu ku dhicin xukun ciqaabeed oo maxkamad horteed kaga cadaadey, kana qayb qaadan fal ka dhan ah Qaranimada Somaliland.

e)      Inuu ahaa cashuur-bixiye mudadii uu dalka deganaa.

f)       Inuu bixiyo caddeyn uu kaga tanaasulayo jinsiyaddiisii hore, isla markaana maro dhaarta ku xusan qodobka 6aad ee Xeerkan.

2)           Qofka ay dhashay hooyo muwaadin Somaliland ah ee la xaqiijiyo inuu yahay aabe-laawe, ee soo codsada muwaadinimada Somaliland, waxa la siin karaa muwaadinimada marka uu buuxiyo shuruudaha ku xusan farqadda 1aad ee qodobkan.

 

Qodobka 5aad

Habka Loo Bixiyo Ogolaansho Muwaadinimo

1)            Ogolaanshaha muwaadinimo ee ku sheegan qodobka 4aad waxa bixinaya Madaxweynaha oo Degreeto ku soo saaraya, marka uu dhagaysto talada Guddiga Qaranka ee Jinsiyadda oo ka kooban 12 xubnood oo Golaha Wasiirada ah oo uu gudoomiye u yahay Wasiirka Arrimaha Guduhu.

2)           Xubnaha Guddiga jinsiyaddu waa inay yihiin muwaadiniin ku sifoobay daacadnimo, kana kooban bulshada degaanada Somaliland.

 

Qodobka 6aad

Dhaarta

1)          Go’aanka ogolaansho muwaadinimo ma ansaxayo haddii aanu codsaduhu ka tanaasulin jinsiyaddiisii hore ama uu dal kale hoos tago ama aanu marin dhaartan: “WAXA IGU WALAAHI AH, IGU BILAAHI AH, INAAN DAACAD U NOQONAYO DALKA SOMALILAND OO AAN ADEECAYO DASTUURKA IYO QAWAANIINTA SOMALILAND, SI BUUXDANA UGA TANAASULAY JINSIYADAYDII HORE”

2)           Codsaduhu wuxuu ku hor dhaaranayaa Gudoomiyaha Gobolka awoodda u leh, iyadoo uu dhaarta u laqimayo garsoore maxkamadda degmada ka tirsan.

 

Qodobka 7aad

Sida Lagu Waayayo Muwaadinimada

Muwaadinimada Somaliland waxa lagu waayi karaa:-

1)            Marka qofku iskii uga tanaasulo ee uu qaato jinsiyad kale.

2)           Qofka oo aqbala shaqo Dawlad kale ama ku biira ciidan dawlad kale oo wax u dhimaysa Qaranimada Somaliland ee diida inuu shaqadaas kaga baxo wakhtiga dawladda Somaliland u qabatey.

3)           Muwaadinimada lagu helay sida ku sheegan qodobka 4aad waa laga noqon karaa marka Guddiga Qaranka ee Jinsiyaddu ku qanacdo in qofkii la siiyay aanu istaahilin ama uu jabiyo shardi ka mid ah shuruudihii lagu siiyey.

4)           Haddii ay  cadaato in laga been sheegay caddeymihii lagu bixiyey muwaadinimada, waa laga noqonayaa ogolaanshihii, ciddii been-abuurka samaysayna dembiga ayaa lagu oogayaa.

5)           Ka noqoshada ogolaansho muwaadinimo waxa lagu soo saarayaa Degreeto Madaxweyne marka uu dhagaysto tallo soo jeedinta Guddiga Qaranka ee Jinsiyadda.

 

Qodobka 8aad

Dib-U-Helid Muwaadinimo

1)            Qofka lumiyey muwaadinimada Somaliland ee mar kale soo codsada inuu la soo noqdo; waa loo ogolaan karaa haddii uu buuxiyo shuruudaha ku xusan qodonka 4aad ee Xeerkan.

2)           Dib-u-ogolaanshaha muwaadinimo waxa lagu saarayaa Degreeto Madaxweyne marka uu dhageysto talada Guddiga Qaranka ee Jinsiyadda.

 

Qodobka 9aad

Gabadha Guursata Ajanabi

1)            Gabadha ajanabiga ah ee  guursata nin muwaadin ah waxay helaysaa muwaadinimada Somaliland, waanay haysan kartaa xataa haddii la furo, haddii aanay iskeed uga tanaasulin.

2)           Gabadha muwaadin ah ee guursata nin ajanabi ah, way waayaysaa muwaadinimadeedii haddii ay qaadato jinsiyadda ninkeeda.

3)           Gabadha muwaadin ah ee uu qabo nin lumiyey muwaadinimada Somaliland ee qaatay jinsiyad kale, way luminaysaa muwaadinimadeedii haddii aanu ninku laaji noqon.

4)           Gabadha lumisay muwaadinimada Somaliland guur dartii dib ayay u heli kartaa haddii ay la timaado sifaha xeerkani tilmaamayo.

 

Qodobka 10aad

Caruurta

1)            Caruurta aan qaan-gaadhin ee aabahood helay ama lumiyey ama dib u helay muwaadinimada Somaliland , mar kasta waxay la xeer yihiin tan aabahood.

2)           Ilmuhu marka uu qaan-gaadho wuxuu dalban karaa aqoonsiga muwaadinimada.

 

Qodobka 11aad

Ilmaha ku jira Duruuf Gaar ah

Waxa ogolaansho muwaadinimo la siin karaa ilmaha ku dhashay geyiga Somaliland oo aan la aqoon waalidkiisa, waxana arrintan u soo dacwoon kara cidda ilmaha haysa ama xanaanaysa.

 

Qodobka 12aad

Tir-tirid

Waxa la tir-tiray xeer kasta oo ka soo hor jeeda ama aan la socon Karin xeerkan.

 

Qodobka 13aad

Xeer-nidaamiyaha dhaqan-galinta Xeerka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guduhu markuu la tashado Guddiga Qaranka ee Jinsiyadda wuxuu soo saarayaa xeer-nidaamiye lagu dhaqan-galinayo Xeerkan.

 

Qodobka 14aad

Dhaqan-galka

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa marka uu saxeexo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ansixinta Baarlamaanka dabadeed.

 

DHAMAAD

 

Maxamed Xuseen  Cisman

XOGHAYAHA GUUD GOLAHA WAKIILADA

 

C/Qaadir X. Ismaciil Jirdeh

K/S GUDOOMIYAHA G/WAKIILADA