SOMALILAND CONSTITUTIONAL COURT DECISION ON THE CONSTITUTIONALITY OF THE HOUSE OF REPRESENTATIVES’ ELECTION LAW PASSED BY BOTH HOUSES – Referral of the Law to the Court by the President of the Republic under Article 77(4) of the Somaliland Constitution

(For a summary of the Court’s decision in English, see the endnotes to the final House of Representatives’ Election Law 2005)

JAMHUURIYADDA SOMALILAND
MAGACA UMMADDA SOMALILAND
MAXKAMADDA DASTUURIGA AH

MS/DD/01/05 26/02/05.

Maxkamadda Dastuuriga JSL oo ka kooban:

1. Faysal Xaaji Jaamac Geeddi Guddoomiye
2. Maxamuud Xirsi Faarax Xubin
3. Sh. Cali Cabdi Guuleed Xubin
4. Yaasiin Xasan Ismaaciil Xubin
5. Cabdi Cilmi Xasan Xubin
6. Cismaan Ismaaciil Axmed Xubin
7. Maxamed Cumar Geelle Xubin

oo ay kaalinayso Sahra Ismaaciil Cabdillaahi, waxay 23/02/05, u fadhiisatay Dacwadda Dastuuriga ah ee uu Maxkamadda Dastuuriga ah u soo gudbiyey Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, tirsigeeduna yahay XIG/JSL/31/2005, kuna taariikhaysan Hargeysa 20/2/05, Nuxurkeeduna yahay:

Anigoo cuskanaya Qod. 77, xubintiisa 4aad ee Dastuurka JSL, waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa qoraalka Madaxweynaha JSL ee sumaddiisu tahay JSL/M/Xig/102-1034/022005 ee 19/2/05, kuna saabsan Xeerka Doorashada Golaha Wakiillada, Xeer No. 20-2/05, oo la xidhiidha ku xadgudub Qodobada Dastuurka ah ee kala ah 22, 48, 70, sababtoo ah waxay ku xadgudbeen Xuquuqda muwaadinka ee ah in la doorto, waxna uu doorto, waxaana laga dabray muwaadiniinta in ay doorashada dhiibtaan maalintii uu Madaxweynuhu u cayimay, sida uu jidaynayo Qod. 42 xubintiisa 2aad ee Dastuurka JSL, qodobada Xeerka [ee] Doorashada Dabarka ku ah waxay yihiin Qod. 10aad Xubintiisa 1aad, 2aad iyo Qod. 13aad Xubintiisa 1-8 ee Xeer No. 20-/05, Xeerka Doorashada Golaha Wakiillada, kuwaas oo 130ka Qodob ee Dastuurku ka kooban yahay aan ku jirin qodob ama xubin si toos ah ama si dadban toona u tilmaameyn [u tilmaamaya] in Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Doorashadu ay waajib tahay, tirakoobka, sugida xuduudaha iyo kala xadaynta soohdimaha Degmooyinka cusub oon dhamaantood aan shardi looga dhigin labadii doorasho ee dalka ka dhacay, haddii ay ka dhici weydona ay ku sheegeen inay tahay khiyaamo qaran, waana qodobo lagu dabrayo hab socodka iyo himilada hiigsiga Dimuqraadiyad taam ah oo Dalka ka hana qaadda, iyadoo labada Gole ee Guurtida iyo Wakiilladu ku meelmariyeen Cod 2/3 Saddex meelood laba.

Waxa kale oo ay ku xadgudbeen fasiraada Qod. 8,9,25,44,50,96,109,127 ee Dastuurka JSL, kuwaas oo ay dhammaantood u soo qaateen si aan Dastuurka waafaqsanayn una fasireen si ka soo horjeeda Macnaha ay xambaarsan yihiin qodobadaasi, iyadoo ay muuqato inay fuliyeen awoodii waaxda Garsoorka ee uu dhigayey Qod. 98 (1) ee Dastuurka JSL.

Sidaa darteed, waxaan maxkamadda Dastuuriga ah ka codsanayaa in ay laasho qodobada kor ku qoran oo ah kuwo aan Dastuurka waafaqsanayn.

Haddaba, Maxkamaddu Markay Aragtay Xeerka Doorashada Golaha Wakiillada No. 20-2/2005 ee 18/01/2005 qodobadiisa 10aad, 13aad, 38ad, 44aad ee Dastuurka JSL.

Markay Aragtay, Qodobada Dastuuriga ah ee loo cuskaday Xeerka Doorashada Golaha Wakiillada Qodobadiisa 127 (t), 22aad, 25aad, 48aad, 96aad.

Markay Aragtay Qodobka 97aad Xubinta 2aad ee Dastuurka JSL.
Markay Aragtay Qodobka 98aad Xubintiisa 1aad xarfihiisa (b), (j) ee Dastuurka.
Markay Aragtay Qodobada 334 XHM [Xeerka Habka Madaniga].

Markay Aragtay Qodobada 8aad, 9aad, 22aad, 25aad, 40aad, 41aad, 42aad, 44aad, 50aad, 109aad, iyo Qodobka 127aad, Xarafkiisa (t) ee Dastuurka JSL oo fasiraadoodu tahay sidan:

1. Qodobka 8aad ee Dastuurka waxa uu ka hadlayaa sinnaanta Muwaadiniinta ee kama hadlayo Doorashada Golaha Wakiilada.
2. Qodobka 9aad ee Dastuurka JSL waxa uu ka hadlayaa Nidaamka siyaasadeed ee kama hadlayo kuma saabsana Xeerka Doorashada Golaha Wakiilada.
3. Qodobka 22aad ee Dastuurka JSL, wuxuu ka hadlayaa Xuquuqda Siyaasadeed, dhaqaale, Bulsho iyo Xaqa Doorashada.
4. Qodobka 25aad ee Dastuurka JSL, waxa uu ka hadlayaa xaqa xorriyadda, Damaanad qaadka iyo Shuruudaha Xuquuqda iyo Xorriyadqaadka ee kama hadlayo wax la xidhidha Xeerka Doorashada Golaha Wakiilada.
5. Qodobka 40aad ee Dastuurka JSL, wuxuu ka hadlayaa tirada Golaha iyo Doorashadiisa oo keli ah.
6. Qodobka 41aad ee Dastuurka JSL, wuxuu ka hadlayaa shuruudaha qofka isu taagaya Doorashada ee kama hadlayo waajibaadka laga rabo qofka wax dooranaya.
7. Qodobka 42aad ee Dastuurka JSL, wuxuu ka hadlayaa mudada Xilka iyo xiliga Doorashada.
8. Qodobka 44aad ee Dastuurja JSL, wuxuu ka hadlayaa isugu yeedhida Golaha Cusub ee kama hadlayo Diiwaan gelinta Codbixiyayaasha Doorashada Golaha Wakiilada ka hor iyo Shuruudaha Codbixiyayaasha lagu xidhay.
9. Qodobka 50aad ee Dastuurka JSL, wuxuu ka hadlayaa waayida xubinimada Golaha Wakiillada ee kama hadlayo Xeerka Doorashada Golaha Wakiillada
10. Qodobka 109aad ee Dastuurka JSL, wuxu ka hadlayaa qaabdhismeedka Dalka Xubintiisa 1aad waxay u dhigan tahay sidan:

I. Dalka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu ka kooban yahay Gobolo, Gobol kastaana waxa uu u sii qaybsamaa Degmooyin, kamana hadlayo sugitaanka tiro koob oo lagu sameeyo dadweynaha ku nool Gobolada iyo Degmooyinka doorashada ka hor.
II. Dhismaha Gobolada iyo Degmooyinka xuduudahooda iyo darajooyinkooda Xeer baa tilmaamaya ee kama hadlayo, habka qaybinta kuraasta iyo in la sameeyo tiro koob sugan oo diiwaan gashan doorashada ka hor.

11. Qodobka 127aad wuxuu ka hadlayaa xuquuqda wax ka bedelka iyo kaabista Dastuurka xarafkiisa (t) wuxuu ka hadlayaa Midnimada Dalka (israacsanaanta Dhul ahaaneed) ee ma sheegayo inay waajib tahay in doorashada Golaha Wakiilada mar ka wada dhacdo Gobolada iyo Degmooyinka Dalka oo dhan.

Markay Aragtay Qodobka 13aad, 10aad ee Xeerka doorashada Golaha Wakiilada iyo Qodobada 38aad, 44aad ee isla xeerkaasi.

Markay Daristey muranka Dastuuriga ah ee ku saabsan qodobo ka mid ah Xeerka Doorashada Golaha Wakiilada iyo fasiraada Xeerkaasi loogu cuskaday qodobo ka mid ah Dastuurka JSL, waxay Maxkamaddu soo saartay Go’aankan hoos ku qoran:

GO’AANKA MAXKAMADDA

1. Waxaa Maxkamadda u cadaatay in ay qodobada 10aad, 13aad, 38aad, 44aad ee Xeerka Doorashada Golaha Wakiiladu ka soo horjeedaan Dastuurka JSL, Dabar iyo carqaladna ku yihiin qabsoomida Doorashada Golaha Wakiilada mudada loo cayimo. Sidaa darteed, Maxkamadda Dastuuriga ahi waxay laashay qodobada 10aad, 13aad, 38aad, 44aad ee Xeerka Doorashada Golaha Wakiilada ee No. 20-2/05 ee 18/01/05. Qodobada la laalay wixii qaab farsamo ah ee loog maarmi waayo doorashada Madaxtooyada Socodsiinta Hawsha Doorashada Golaha Wakiilada, waxaa loo raacayaa xeerka Doorashada Madaxtooyada iyo Golayaasha Deegaanada Dalka ee Lam.20/2001.

2. Xeer No. 20-2/2005 marka laga reebo Qodobada la laalay waxa si toos ah loogu dhaqmayaa marka uu saxeexo Madaxweynaha JSL.

3. Go’aankani wuxuu soo baxay 26/02/05.


GARSOORAYAAL

1. Faysal Xaaji Jaamac Geeddi Guddoomiye
2. Maxamuud Xirsi Faarax Xubin
3. Sh. Cali Cabdi Guuleed Xubin
4. Yaasiin Xasan Ismaaciil Xubin
5. Cabdi Cilmi Xasan Xubin
6. Cismaan Ismaaciil Axmed Xubin
7. Maxamed Cumar Geelle Xubin.