House of Representatives Election 2005 Monitoring Board

 

Election Monitoring Board

The National Electoral Commission of Somaliland announced on 06/09/2005 the names of the Election Monitoring Board. The members of the Board were selected in consultation with the political parties. The Board consisting of 14 members represent a cross section of the society and were  chosen on the basis of their moral authority (distinguished religious figures), academic qualifications, work experience, etc. and  include academics, former senior public officers, civil society members, etc.  It is function was to police infringements of the 2005 Code of Conduct for the Political Parties.

 

The members of the Election Monitoring Board are:

1.            Hassan Meygaag Samater
2.            Dr. Aden Abokor Yusuf
3.
           Prof. Abdi Haybe Elmi
4.            Aden Muse Jibriil
5.
           Yasin Ibrahim Magan
6.            Hussein Ali Nour
7.            Hassan Mohamed Jama
8.            Rashid Sheikh Abdillahi
9.
           Abdillahi Haji Ahmed Qulunbe
10.
        Mohamed Omer Hussein Dhuux
11.
         Abdillahi Saeed Farah
12.          Abdilkadir Ali Hassan
13.          Saeed Ali Giir
14.          Sacdiya Aw Musse Ahmed

 

The function of the Board was described by the Chairman of the Somaliland National Electoral Commission in a press interview reported by Hadhwanaagnews.com as follows:

 

Gudoomiyaha Komiishanka Qaranka J.Somaliland ayaa Shaaca ka Qaaday inay Hawl galeen Xeer beegtida ka garnaqeysa wixii Khilaafaad ah iyo Ciqaab marinta cida jabisa xeerka iyo isbadal lagu Sameeyey Ololaha Doorashada Barlamanka


Hargeysa-(HWN) (06/09/2005):  Gudoomiyaha komiishanka Qaranka J. Somaliland Mud:Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa shaaca ka qaaday inay hawl galeen xeer beegitida ka Garnaqeysa wixii khilaafaad ah iyo ciqaab marinta cida jabisa xeerka Gudoomiyaha gudida doorashooyinka qaranka Mr.Cadami ayaa kaloo sheegay inay shalay hawl galen gudi hoosaadkii lashaqeyn lahaa gudida komiishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland ee u xilsaarnaa cabashooyinka iyo ciqaab marinta cida jabisa xeer hoosaadka mar uu doorashada ka hadlayey xaflad ay shalay qabatay shirkada telesom oo ay ku qabatay toteel maansoor ee magaalada hargeysa.

Gudoomiyuhu waxa uu intaa raaciyey in ay gudidaasi ay waxa ka qaban doonaan wixii iyaga awoodooda ah sharci ahaan danbiyada ama cabashooyinka waaweyna ay u gudbin doonaan maxakamadaha ku hawl leh arintan, waxa kale oo uu gudoomiyahu sheegay in gacanta laga galiyey gudidaasi wixii hawshooda u fududeyn lahaa sida ku tubta iyo qoraalada sharci ee ay ka mid yihiin dasduurka, xeerka doorashada iyo xeer hoosaadka waxaanu gudoomiyuhu tilmaamay inay sadexda xisbi qaran ay la socdaan xubnaha gudidaasi ka kooban tahay oo ay iyagu qaar soo maga caabeen.


Dhinaca kale Komiishanka doorashooyinka somaliland ayaa shaaciyey in isbedel lagu sameeyey ololaha doorashada baarlamaana ee dhacaysa 29 september 2005.


Gudoomiyaha komiishanka qaranaka Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa waxa kale oo uu xafladaa ka cadeeyey in ay wadajir ahaan sadexda xisbi qaran shir ay yeesheen waxa ay sabtidii 3/9/2005 ay isku waafaqeen halkii ay toban cisho loogu tala galay banana baxyada lagu soo uruuriyo laba cisho iyadoo maalin tagtay, iyadoona la tixgalinayo duruufaha dhaqaale iyo nabad gelyo ee dalka si aanay dhibaato u dhicin Ayaa waxay sadexda xisbi qaran ay go'aansadeen arintan aynu kor ku soo sheegnay iyo komiihanka qarankuba.”

 

Election Monitoring Board  Proclamation 14/09/20025

Guddiga Ilaalinta iyo La Socodka Doorashooyinka (Election Monitoring Board) kulan uu Maanta (14/9/05) uu yeeshay, waxa uu ku falan-qeeyey dhacdooyinkii u dambeeyey ee ku saabsanaa ololaha doorashada Golaha Wakiilada, waxaana uu si buuxda isugu waafaqay arrimahan hoos ku xusan:

1. In la joojiyo dhammaan wixii carqalad ku keeni kara habsami-u socodka ololaha doorashada iyo guud ahaanba sidii doorahadu ugu qabsoomi lahayd si nabadgelyo ah.

2. In saddexda xisbi qaran ay ku dhaqmaan xeerka doorashada iyo xeerka hab-dhaqanka doorashada (Code of Conduct), kana fogaadaan sida xeerarku dhigayaan inaanay ku kicin wax kasta oo khal-khal gelin kara nabadgelyada, deganaanshaha iyo xasiloonida dalka iyo dadka sida:

a. Aflagaado iyo cambaaraynta shakhsiga ah iyo adeegsiga erayda aan ku haboonayn golaha, waxtarna u lahayn hannaanka doorashada.

b. Xubnaha golaha wasiirada ee u ololaynaya musharaxiinta xisbiga Talada haya ee UDUB ha joojiyaan hab-dhaqanka kicinta ah ee la midka ah kii Salaasadii (13/9/05) ay ku kaceen wasiiradii galbeedka gobolka Hargeysa uga ololaynayey musharaxiinta xisbiga, gaar aahaan degmada Gebiley ee laga baahiyey Tv-ga qaranka.

c. In Tv-ga qaranku, isaga oo ku dhaqmaya xeerka anshaxa doorashada iyo kan saxaafadaba, isla mar ahaantaana ilaalinaya sharafta shacbiga iyo jiritaanka JSL, in ay ka reebanaadaan faafinta waxyaabaha abuuri kara khalkhal, carqaladna ku noqon kara habsami socodka ololaha doorashada.

d. Musharaxiinta axsaabtu, iyaga oo ku ammaanan hufnaanta iyo asluubta iyo ololahooda ilaa hadda ku wataan, waxa hadana guddigani ku guubaabinayaa ka fogaanshaha wax kasta oo rabshado iyo nabadgelyo darro keeni kara, iyada oo xafiisyada musharaxiinta qaarkood aad isugu dhow yihiin amaba iskuba xigaan iyo in ay wacyi-geliyaan taageerayaashooda.

e. In warbaahinta qaranku, gaar ahaan Tv-ga iyo Radio-ga Hargeysa ay saddexda xisbi qaran u qoondeeyaan wakhti siman oo ay barnaamijyadooda ku baahiyan, iyada oo aan ilaa hadda taasi ka muuqan. Waxayse ku ammaann yihiin barnaamijka Masraxa Musharaxiinta oo si bisayl ka muuqdo ay u soo qaabeeyeen.

f. Axsaabta mucaaradka ah waxa guddigu xusuusinayaa in ay ka reebanaadaan wax kasta oo iska hor-imaad iyo kala fogaansho shacbi sababi kara.

Ugu dambayn, warbaahinta madaxa-banaan iyo kuwa qarankaba waxa guddigu ku adkaynayaa in aanay xilligan xaasaasiga ah ku dhex-milmin is-riix-riixa iyo tartanka ololaha doorashada wakiilada ee xisbiyada qaranka.