Copyright © 2007 Somalilandlaw.com. All rights reserved

Voter Registration Law

   Somaliland Voter Registration Law 2007

Law No: 37/2007

 

Jamhuuriyadda Somaliland

Golaha Wakiillada

 

Xeerka Diiwaan-Gelinta Cod-bixiyayaasha

Xeer Lr.37/2007

 

Markuu  Tix-geliyay :     Qodobbada 40aad iyo 83(1) iyo 111aad(2) ee dastuurka oo tilmaamaya in “mas’uuliyiinta sare ee qaranka lagu doorto doorasho guud oo toos ah  iyo cod bixin qarsoodi ah.

Markuu Arkay:                 Qodobka 22(2) dastuurka oo xaqiijinaaya  xuquuqda uu mu muwaadinku u leeyahay in la doorto waxna uu doorto qodobka 8(1)oo tilmaamaya xaqa sinnaanta muwaadiniinta ,qodobka 9(1) oo qeexaya  nidaamka siyaasadeed ee dalka oo ah mid ku salaysan habka xisbiyada badan oo dimoqraadi ah.

Markay u Muuqatay:      In ay lagama maarmaan tahay in la abuuro jawi suurto gelinaaya an  in si hufan loo qabto doorashooyinka uu dastuurku tilmaamay  islamarkaana ay muhiim tahay in la xaqiijiyo in muwaadiniintu ay ka faa’iidaystaan xuquuqaha aas aasiga ah ee uu dastuurku siiyay  ee kor ku xusan.

Markuu Arkay:                  In ay muhiim tahay tahay in laga faa’idaysto waayo-aragnimadii laga dhaxlay doorashooyinkii kala duwanaa  ee ay soo martay ummadda somaliland , taasoo muujinaysa in loo baahan yahay in la adkeeyo nidaamka  sharci ee suurtogelinaaaya in muwaadiniintu ay codkooda dhiibtaan islamarkaana la tirtiro in ay dhacdo in lagu noq-noqdo codbixinta taasoo sharci-darro ah:

Markuu Xaqiiqsaday:     In habka ugu wanaagsan ee lagu sixi karo nidaamka dooarashadu uu yahay in la abuuro nidaam lagu diiwaan-gelinayaa  dhammaan  cod bixiyeyaasha taasoo sahlaysa in cod-bixiyeyaashu ay si sahalan codkooda u dhiibtaan maalinta doorashada:

Markuu u Codeeyay :      Wax ka bedelkii golaha guurtida ay ku soo sameeyeen qodobo ka mid ah xeerkan

 

WUXUU SOO SAARAY:

 

XEERKA DIIWAAN-GELINTA COD-BIXIYEYAASHA

CUTUBKA KOOWAAD

 

Qodobka 1aad

 Macnaha Eray-bixinta

1. Diiwaanka:                      Waxa loola jeedaa diwaanka lagu qoro magacyada cod-bixiyayaasha ee  goob-doorasho kasta.

2. Diiwaanka Guud:           Waxa loola jeedaa diiwaanka dhexe ee la dhigo xarunta komishanka doorashooyinka  kaasoo lagu kaydiyo dhammaan magacyada   cod-bixiyeyaasha  qaranka Somaliland

3. Cod-bixiye:                       Waxaa loola jeedaa muwaadin kasta oo xaq u leh in uu wax doorto, lana doorto islamarkaana gaadhay da’da cod-bixinta.

4. Muwaaddin:                    Waxaa loola jeedaa qof kasta oo buuxiyay shuruudaha uu tilmaamayo Xeerka Jinsiyaddu xeer Lm. 22/2002.

5. Diiwaanka Gobolka

    ama Degmada:                Waxaa loola jeedaa diiwaanka heer gobol ama degmo

6. Kaadhka Cod-bixinta: Waxa loola jeedaa kaadhka la siiyo cod-bixiyaha marka la diiwaan-geliyo.

7. Kaadhka Aqoonsiga:     Waxaa loola jeedaa kaadhka aqoonsiga muwaaddinimo (teesarada)

8. Komishanka:                   Waxaa loola jeedaa komishanka doorashooyinka qaranka

9.  Wakiil Xisbi;                   Waxa loola jeedaa xubinta uu xisbi u soo magacaabo in uu wakiil uga noqdo goobaha diiwaan-gelinta codbixiyayaasha.

10. Goob-joogayaal:          Waxa loola jeedaa kormeerayasha caalamiga iyo kuwa maxaliga ah ee hubinaya habsami u socodka hawlaha diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha.

11. Dastuur:                           Waxa loola jeedaa dastuurka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland

                           

Qodobka 2aad

Mabaadii’da Guud

Xeerkan waxaa lagu maamulayaa Diiwaan-gelinta codbixiyayaasha  Qaranka Somaliland

 

Qodobka 3aad

Shaqada Komishanka Doorashooyinka Qaranka

Komishanka Doorashooyinka Qaranku isagoo la kaashanaaya Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxaa uu dalka Somaliland ka  dhaqan-gelinayaa hawsha diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha.

 

Qodobka 4aad

Diiwaanka Cod-Bixiyeyaasha Qaranka Somaliland

Xeerkani waxa uu aasaasay Diiwaanka cod-bixiyeyaasha Qaranka Somaliland, Diiwaankaasi oo lagu diiwaan-gelin doono dhammaan muwaaddin kasta oo xaq u leh in uu wax doorto ama la doorto, sida ku cad Dastuurka yo Xeerarka kale ee dalka. Diiwaanku waxa uu noqonayaa Dokumenti lagu kaydiyo Qalabka Kombiyuutarka iyo qoraal oo ka kooban dhammaan xogaha laga qoro muwaaddinka marka loo diiwaan-gelinaayo cod-bixiye ahaan.

 

Qodobka  5aad

Daabacaadda Diiwaanka Cod-bixiyayaasha

Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa xil ka saaran yahay habaynta, dhaqan-gelinta iyo daabacaadda  diiwaanka codbixiyeyaasha. Diiwaanka guud  waa in la dhigo xarunta Komishanka qaranka, waxaana maamuli doona Waax gaar ah oo uu madax ka yahay mas’uulka diiwaanka codbixiyeyaasha ee Qaranka, oo ay magacaabayaan komishanka qaranku, waxa kale  oo jiraya diwaanka gobolka, degmada, iyo goobta.

 

Qodobka 6aad

La haanshaha diiwaanka

Diiwaanku waa hanti ummadeed waxaanu u furan yahay dadweynaha. Xisbi kasta oo siyaasadeed waxa uu xaq u leeyahay in uu la socdo habaynta, dhaqan-gelinta, iyo daabacaadda  Diiwaanka. Muwaaddin kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu Xarunta uu yaallo Diiwaanku uu ka helo xog kasta oo uu u baahdo oo ku saabsan arrimaha Doorashooyinka.

 

Qoddobka 7aad

Hawl-galka diiwaan-gelinta Cod-bixiya-yaasha & sugidda Muwaadinimadda

Bilawga Hawl-galka diiwaan-gelinta cod bixiya-yaasha waxa sal-dhig iyo gun-dhig u ah Qoddobadan soo socda oo ay waajib tahay in la dhammaystiro.

1)        Marka diiwaan-gelinta la sammaynayo waa in la sugo Muwaadinnimada Qofka Somalilanderka ah (Nationality ID card) iyo tan Diiwaan-gelinta cod-bixiyaha (Registration Card) oo mar la wada qabanayo, is-diiwaan-gelinta ugu horaysa  oo kaliya

2)       Maadaama Xeerka Jinsiyada xeer lambar 22/2002 Qoddobkiisa saddexaad (3) farqada 1aad Xarafka A & B anu sahli karin, lana jaaan-qaadi karin sugida Muwaadinnimada & Diiwaan-gelinta cod-bixiyaha, iyada oo aan laga heli karin Maxkammadd goob-kasta,  ayaa waxa leh awoodda bixinta Aqoonsiga Muwaadinka Wakiiladda Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wakiilka Maxkammada, iyada oo ay goob-joog yihiin Wakiiladda Komishanka & Xisbiyada. 

3)       Goob kasta oo diiwaan-gelineed waxa ka hawl-galaya:

    1         Wasaarada Arrimaha Gudaha laba Xubnood

    2         Wakiilka Maxkammada Hal Xubin

    3         Komishanka Qaranka laba Xubnood

    4         Wakiilada Xisbiyada Saddex Xubnood

         Qoddobkani waxa uu si gaar ah dhaqan gal u ahaanaya xilliga diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha ee u horaysa. Wakhtiyda lagu jiro xilliyada aanay diiwaan-gelinta cod-bixiyayaashu jirin waxa la adeegsanaya Qoddobka 3aad ee Xeerka Jinsiyada Xeer Lambar 22/2002.

4)       Diiwaan-gelinta waxa loo raacayaa heerarkan ama jaran-jarooyinkan :-

    b.      Qofkasta oo raba in uu is diiwaan-geliyo wuxu soo maraya Wakiiladda Wasaaradda & Wakiilaka Maxkammada ka dib marka ay sugnaato muwaadinnimadiisnau wuxu u gudbaya Wakiiladda Komishanka oo diiwaan-gelin doona iyaga oo Wakiiladda Axsaabtuna ay goob joog-yihiin.

    t.       Waxa isla goobtaasi lagu wada siinaya qof kasta oo ay u sugnaatay Muwaadinimadiisu Kaadhka Muwaadinimadda (Nationality Card) iyo kan diiwaan-gelinta cod-bixiyaha (Registration Card).

    j.         Marka ay sugnaato Muwaadinnimada qofka is diiwaan-gelinaya, laguna dhaarto in uu muwaadin yahay waxa uu Mas’uulka Wasaaraddu gelinaya formka rasmiga ah,waxana lagu qorayaa magaca oo afran, sanadka dhalashada lab & dhedig in uu yahay qof xaas leh iyo in kale, ka dibna Mas’uulku ku saxeexo wakiilka maxkammada hortiisa.

5)       Qofka ay Wasaaradda & Maxkammadu ay sugi kari waydo Muwaadinimadiisa waxa lagu war-gelinayaa in uu wakhti cayiman Guddigga horteeda ku keeno Caaqil, haddii ay suurta-geli waydana uu keeno qof la yaqaan oo Hanti ma-guurta ah ku leh Degaanka, oo caddeeyaa in uu yahay muwaadin Reer Somaliland ah, kuna dammiinto hantiddiisa.

6)       Maxkammadaha Racfaanka ee Gobolladda ayaa magaacabaya Wakiiladda Maxkammadaha ee uga qayb-gelaya goobaha diiwaan-gelinta cod-bixiya-yaasha, Wakiiladda maxkammadaha & xisbiyadu waa in ay sitaan warqad Wakaaladda  rasmiga ah iyo kaadhadh aqoonsi (ID card).

7)       Diiwaan-gelintu waa hawl qaran oo soconaysa muddo cayiman (periodic process).

 

Qoddobka 8aad

Formka Diiwaan-gelinta

Formka diiwaan-gelinta ayaa sal-dhig u noqonaya diiwaan-gelinta Muwaadinka, Diiwaan-gelinta oo dhammaystiran ayuunba la gelin karaa diiwaanka.

 

Formka Diiwaan-gelinta waxa lagu qorayaa ugu yaraan xogaha hoos ku qoran ee Cod-bixiyaha :-

1.       Magaca Cod-bixiyaha oo afran una qoran sida uu ugu qoran yahay formka Muwaadinimda ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha

2.       Sanadka uu dhashay iyo meesha uu ku dhashay

3.       Lab ama dhedig

4.       Goob-doorasho Gobol ee uu cod-bixiyuhu ka dhiibanayo codkiisa

5.       Sawirka cod-bixiyaha.

6.       Saxeexa cod-bixiyaha ama tilmaan tusaysa in aanu cod-bixiyuhu saxeexi karayn

7.       Lambarka gaarka ah ee lagu diiwaan-geliyay cod-bixiyaha

8.       lambarka tix-raaca diiwaan-gelinta cod-bixiyaha

9.       lambarka warqadda Aqoonsiga (ID Card Number)

10.     Komishanka Doorashooyinku waxa uu awood u leeyahay in uu ku daro formka Diiwaan-gelinta xog kasta oo dheeraad ah oo ay u arkaan in ay muhiim u tahay in ay qabsoonto doorasho Dimuqraaddi ahi, isagoo kala tashanaya Axsaabta Qaranka.

 

Qoddobka 9aad

Shaqaalaha ka hawl-galaya sugitaanka Jinsiyadda

Shaqaalaha loo qaadanayo Xafiisyada kala duwan ee sugidda Muwaadinimo waxa lagu xulanaya shuruudahan:-

1.       Waa in uu Muwaadin reer Somaliland ah yahay.

2.       Waa in aan da’diisu ka yaraan 25 jir.

3.       Waa in uu Caafimaad qabaa jidh ahaan & Maskax ahaanba.

4.       Waa in aanu xukun maxkammadeed oo kama-dambays ahi ku dhicin.

5.       Waa in uu leeyahay aqoon Dugsi Sare, heer-jaamacadeed ama wax-u-dhigma.

6.       Waa in uu ku sifoobaa karti, daacadnimo & Aaminaad Bulshada dhexdeeda ah, sumcadna ku leeyahay.

7.       Sifooyin ka kalana waxa uu la wadaagaa, sifaha lagu xullanayo Shaqaalaha Diiwaan gelinta.

 

Qodobka 10aad

Reebbanaan

Waxa reebban in shaqsiyaadka hoos ku xusan loo diwaan geliyo cod-bixiyayaal ahaan: -

1.  Qofka aanu xuskiisu dhamayn (waalan)

2.   Maxaabiista Xukuman ama gar-sugayaasha ah.

3.  Ajnabiga dalka gudihiisa ku sugan

4.  Qofka aan gaadhin da’da cod-bixinta

                                                                          

Qodobka 11aad

Shaqaalaha Diiwaan-Gelinta

1.      Si loo dhaqan-geliyo Diiwaan-gelinta, Komishanku waa in uu shaqaaleeyaa shaqaale khibrad iyo xirfad u leh dhaqan-gelinta Diiwaan-gelinta, oo ay ka mid yihiin:

    a)       Mas’uulka Diiwaanka Qaranka oo mas’uul ka noqon doona maamulka Diiwaanka islamarkaana ah madaxa Waaxda Diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha ee Xarunta Komishanka Doorashooyinka Qaranka;

    b)       Mas’uulka Diiwaanka ee Gobol kasta;

    c)        Mas’uuka Diiwaanka ee Degmo kasta. Haseyeeshee Degmooyinka ay ku nool yihiin dadweyne badani, Komishanku waxa uu xafiisyada Diiwaan-gelinta ee heer Degmo u magacaabi karaa in ka badan hal mas’uul, si hawsha doorashadu si habsami ah ay ugu dhaqangasho oo loo qabto;

    d)       Mas’uulka Diiwaanka ee goob kasta oo cod-bixineed.

2.     Shaqaalaha loo qaadanaayo xafiisyada kala duwan ee Diiwaan-gelintu waa in ay noqdaan dad reer Somaliland ah oo ka madaxbannaan siyaasadda oo lagu soo xushay khibradda iyo aqoonta looga baahan yahay booska uu ka shaqaynaayo. Inta aan qofka la shaqaalayn ka hor, Komishanku isagoo ka duulaaya shuruudaha heer caalami (international criteria), waa in uu qeexo:

    a)       Shuruudaha iyo xirfadaha looga baahan yahay qofka loo qaadanaayo booska;

    b)       Habka loo raacayo xulashada Shaqaalaha; iyo

    c)        Waajibaadyada shaqo ee qof kasta (boos kasta) uu ku lahaanayo geeddi-socodka hawsha Diiwaan-gelinta. Booska Mas’uulka Diiwaanka heer Qaran waa mid joogto ah.

3.     Qaabdhismeedka maamulka goobaha diiwaan gelinta waxaa loo raacayaa xeerka doorashooyinka qaranka.

 

CUTUBKA LABAAD

DIIWAAN-GELINTA CODBIXIYEYAASHA

 

Qodobka 12aad

Dhaqan-gelinta  Diiwaan-gelinta

1.      Komishanku waa in uu dhaqan-geliyaa diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha ugu yaraan muddo lix bilood ah ka hor maalinta doorashada.

2.     Diiwaan-gelintu waxa ay soconaysaa muddo aan ka yarayn hal bil kana badnayn saddex bilood.

3.     Komishanku isagoo adeegsanaya dhammaan hababka warbaahinta kala duwan ee ka jira dalka, waa in uu daabaco islamarkaana baahiyo xilliga loo cayimay Diiwaan-gelinta iyo dhammaan wixii xog ah ee ay muwaaddiniintu u baahan yihiin in ay ogaadaan.

4.     Komishanka waxaa ku waajib ah in uu baro islamarkaana ku wacyi geliyo muwaaddiniinta muhiimadda ay Diiwaan-gelintu leedahay.

5.      Si arrintaa loo suurto-geliyana Komishanku waa in uu diyaariyaa barnaamij qayb ka ah geedi-socodka Diiwaan-gelinta oo loogu talo-galay in lagu baro laguna wacyi geliyo dadwaynaha in ay isu diyaariyaan doorashada.

6.     Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqaya xiliga la bilaabaayo diwaan-gelinta cod-bixiyayaasha, isaga oo ku soo saaraaya digreeto Madaxweyne ka dib  marka uu helo soo jeedinta komishanka doorashooyinka qaranka muddo shan iyo toban  maalmood gudahood.

 

Qodobka 13AAD

Ansixinat Diiwaangalinta Cod-Bixiyaasha

Komishanka ayaa ansixinaaya Diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha ee doorasho kasta. Hase ahaatee, Komishanku waa in uu furo diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha muddo aan ka yarayn bil gudaheed, lix bilood ka hor xilliga doorasho kasta si loo diiwaan-geliyo cod-bixiyeyaasha cusub iyo wixii isbedel ku yimid cod-bixiyeyaashii hore loo diiwaan-geliyay,  Isla markaa kaadhadhka cod-bixinta ee hore loo bixiyey waxay noqonayaan kuwo ansax ah.

 

Qoddobka 14aad

Goobta Diiwaan-gelinta

Iyadda oo laga duulayo waaya-araginimaddii aynu ka helnay Doorashooyinkii hore-

b)      Komishanku waxa uu cayimayaa Goobo-doorashooyin, waxaanu dejinayaa nidaam lagu kala garto goobaha doorashooyinka, iyada oo uu siinaayo goob-doorasho kasta tirsi lambar (code) oo gaar u ah goob kasta.

t)        Cod-bixiyaha waxa laga diiwaan-gelinaya Goob-doorasho cayiman.

u)       Cod-bixiye kastaa, waxa uu codkiisa ka dhiibanay maalinta cod-bixinta Doorahooyinka Goobtii hore looga diiwaan-geliyay oo kaliy.

 

Qodobka 15aad

Doorka shaqo ee Wasaaradda

Doorka shaqo ee ay Wasaaradda Arrimaha Guduhu ku yeelanayso geeddi-socodka Diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaashu waxa uu noqonayaa iyadoo la raacaayo sida ku xusan Qodobka 4aad ee Dastuurka iyo Xeerka Jinsiyadda ee tirsigiisu yahay 22/2002; sidaas darteed, Wasaaraddu waa in ay  kala caddayso muwaaddinnimada shakhsiyaadka raba in ay isu diiwaan-geliyaan cod-bixinta doorashada. Hawsha shaqo ee Wasaaradda ee ah in ay xaqiijiso muwaaddin-nimada muwaaddiniinta waa in ay Wasaaraadu qabataa ka hor inta aan diiwaan-gelinta la bilaabin balse hawsha diiwaan-gelintuna ay socoto.

 

Qodobka 16aad

Wakiillada Asxaabta Qaranka ( Goob-joogayaal)

Xisbi kasta oo siyaasadeed waxa uu magacaabayaa wakiil uu u soo dirsado goob kasta oo diiwaan-gelineed. Wakiilada Xisbiyadu waxa ay hubinayaan in geeddi-socodka diiwaan-gelintu uu waafaqsan yahay sharciga, iyo in aanay dhicin wax kala takoorid ahi, iyo in aan muwaaddin looga reebin diiwaan-gelinta si sharci-darro ah, iyo in ay xaqiijiyaan in nidaamka loo raacay geeddi-socodka diiwaan-gelintu uu yahay mid sax ah. Wakiillada Xisbiyadu way diiwaangelin karaan wixii cabasho ah ee arrimahaas ku saabsan.

 

QODOBKA 17AAD

NIDAAMKA DIIWAANGELINTA COD-BIXIYAYAASHA

Maalin kasta inta aan la furin goobta lagu diiwaan-gelinaayo Codbixiyeyaasha waxaa waajib ku ah :-

1.       Mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Wakiillada Xisbiyadu waa in ay is xaadiriyaan islamarkaana ay saxeexaan qalabka diiwaan-gelinta iyagoo diiwaan-gelinaaya lambarka tixraaca Foomka Diiwaan-gelinta ee ay maalintaa ku shaqaynayaan.

2.      Marka ay shaqada dhammeeyaanna waa in sidaas si la mid ah ay magacyadooda ugu saxeexaan iyagoo sheegaaya tirada muwaaddiniinta ay diiwaan-geliyeen maalintaa; inay diiwaan-geliyaan dhacdooyinkii ay la kulmeen, gaar ahaan haddii ay jiraan foomam xumaaday ama si qaldan loo daabacay; inay qoraan tirsiga lambarka foomamka aan la isticmaalin.

3.     Wakiillada Xisbiyadu, ka hor inta aanay saxeexin, waxa ay xaq u leeyihiin inay dhiibtaan wixii talo ah ama cabasho ah ee la xidhiidha diiwaan-gelinta maalintaas.

4.     Labada Dokumenti ee la saxeexay waa in nuqullo ka mid ah la siiyo Mas’uulka ka socda Wasaradda Arrimaha Gudaha iyo Wakiillada Xisbiyada ee goobtaas jooga.

5.      Haddii mid ama in ka badan oo wakiillada Xisbiyada ka mid ahi ay diidaan in ay saxeexaan dokumentiga, mas’uulka ka socda Komishanka Doorashooyinku waa in uu arrintaas diiwaan-geliyo. Si kastaba ha ahaatee, ka baaqsashada uu wakiil ka mid ah Xisbiyadu ka baaqdo in uu saxeexo dokumentiga waxba ma yeelayso (uma dhimayso) hawsha Diiwaan-geinta.

 

QODOBKA 18AAD

HAWSHA MAS’UULKA KOMISHANKA DOORASHOOYINKA QARANKA

Marka uu mas’uulka Komishanka Doorashooyinka Qaranku helo nuqulka caddaynaya muwaadinnimada cod-bixiyaha waxa uu qabanayaa hawlahan soo socda:

1)       Mas’uulku waa inuu waydiiyo cod-bixiyaha in ay rasmi yihiin xogaha la geliyay foomka muwaadinnimada.

2)       Mas’uulku waa inuu xogta sare ku xusan geliyo Foomka diiwaan-gelinta cod-bixiyaha, isla markaana uu u akhriyo cod-bixiyaha.

3)       Cod-bixiyuhu waa inuu suulka bidix dhigo ama  saxeexo Foomka diiwaan-gelinta codbixiyaha iyo kaadhka codbixinta,

4)       Cod-bixiyaha waa in la sawiraa isla markaana la siiyaa kaadhka cod-bixinta.

5)       Cod-bixiyuhu waxa uu qaadanayaa kaadhka codbixinta, iyadoo ay joogaan mas’uulka iyo wakiillada Xisbiyada Siyaasaddu.

6)       Cod-bixiyuhu waa inuu saxeexaa inuu qaatay kaadhka cod-bixinta.  

 

QODOBKA 19AAD

CABASHADDA COD-BIXIYAHA EE XOGTA FOOMKA LA GALIYAY

Haddii uu cod-bixiyuhu sheego in aanuu ku qanacsanayn xogaha lagu buuxiyay (la geliyay) Foomka muwaadinnimada, mas’uulka Komishanka Doorashada Qaranku waxa uu nuqulkaasi ku celinayaa mas’uulka wasaaradda si uu u saxo.

 

QODOBKA 20AAD

COD-BIXIYAHA AAN LAHAYN AWOODA SAXEEXA

Haddii  cod-bixiyuhu aanu saxeexi karahayn Foomka Diiwaan-gelinta, waxa uu ku saxeexayaa Suulka oo uu saarayaa. Haddii uu cod-bixiyuhu naafo yahay oo aanu adeegsan karahayn suulka bidix , waxa uu adeegsanayaa suulka gacanta midigta, waase in sababta lagu qoro diiwaanka. Haddii uu codbixiyuhu naafo dhammaystiran yahay waa in arrintaa lagu sheego Foomka Diiwaan-gelinta.

 

QODOBKA 21AAD

 SIXITAANKA DA’DA

Haddii uu muwaadinku yahay mid aan gaadhin da’da doorashada xiliga diiwaan-galinta, balse uu gaadhayo da’da doorashada wakhtiga doorashada, qofkaasi waa la diiwaan-gelinayaa kaadhka cod bixintana waa la siinayaa.

 

QODOBKA 22AAD

HABKA XAFIDAADA QALABKA DIIWAAN-GELINTA

1.      Marka ay dhammaato hawl-maalmeedka shaqo ee diiwaangalintu, dhammaan Foomamka diiwaangelinta iyo Foomamka muwaadinnimada iyo qalabka kale ee loo isticmaalay diiwaangelinta waxa lagu celinayaa oo la dhigayaa si looga qaado maalinta shaqo ee xigta xafiiska diiwaangalinta ee Degmada. Haddii sidaas la yeeli waayo, Mas’uulka Diiwaangelinta Degmada waxa xil ka saaran yahay in sida ugu dhakhsaha badan uu u wargeliyo Booliiska islamarkaano uu faro in mas’uulka qaladkaasi ku kacay la soo qabto loona keeno mas’uulka Degmada; Haddii uu qaladku yahay mid ku yimi dhayalsi ama si niyad xumo ah, mas’uulka Degmadu waxa uu islamarkaaba shaqada ka eryayaa masuulka ku kacay falkaasi ama waxaa lagu ciqaabayaa Xeerka Ciqaabta iyadoo loo eegaayo xaaladda iyo hadba culayska fal-dambiyeedkaasi uu leeyahay.

2.     Meelaha ay jirto gaadiid  xumo, dokumentiga waxuu ku dhaxayaa diiwaangaliyaha goobta oo u gudbin doona diiwaangaliyaha Degmada hal mar todobaadkiiba maalinta khamiista. Haseyeeshee mas’uulka diiwaaangeliyaha ah waxa uu xil ka saaranyahay qorista iyo xafidaada diiwaanka hawl maal- meedka diiwaan-gelinta oo dhan sida ku qeexan Qodobka 17aad ee Xeerkan. Komishanka ayaa go’aaminaya goobdoorashooyinka uu qodobkani saamaynayo, iyagoo la tashaday xusbiyada qaranka.

3. Hawlmaalmeedka goobta diiwaangelinta waxaa la bilaabayaa 6:00 subaxnimo,waxaanay dhammaanaysaa 6:00 galabnimo,haddii dib u dhac ku yimaado saacada furitaanka ee goobta waa in lagu caddeeyo war bixinta sababta keentay dib u dhacaas,haddii dib udhacu aanu garawshiiyo lahayn waa in masuulka diiwaangelinta ee degmadu talaabo ka qaadaa,sidaasina uu war bixinta uu ku guddbiyaa.

Haddii la gaadho 6:00 galabnimo oo ay joogaan dad aan la diiwaan gelin, waxaa loo raacayaa xeerka doorashooyinka,waxaana la diiwaan gelinayaa dad kaas ilaa in ta ay ka dhammaanayaan dadka markaas joogaa.

 

QODOBKA  23AAD

WAAJIBAADKA MAS’UULIYIINTA DIIWAAN-GELINTA

1.      Masuulka diiwaangalinta  ee heer Degmo wuxuu habaynayaa oo uu haynayaa gelinayaana warbixinada diiwaangelinta qabsoontay todobaad walba Foomka uu siin doono Komishanku, wuxuuna u gudbinayaa mas’uulka heer Gobol xog faahfaahsan oo ku saabsan sida ay diiwaangalintu uga qabsoontay todobaadkii tagay Degmadiisa.

Mas’uulka heer Gobolna ka dib markuu soo ururiyo warbixinta degmooyinka gobolka wuxuu u gudbinaya warbixin dhamaystiran komishanka qaranka.

2.     Komishanka waxa waajib ku ah inuu todobaad kasta ku daabaco Wargaysyada Qaranka kana baahiyo Idaacadaha iyo Telefeeshinka tirada muwaadiniinta is diiwaangelisay  iyo inuu sidoo kale qaado talaabooyin uu dadka ku wacyi –gelinayo si ay suurtogal ugu noqoto in ay isdiiwaan- geliyaan tirada ugu badan ee suurto galka ahi.

Komishanku wuxuu bixinayaa dhammaan Foomamka loo baahdo oo dhan. Warbixintuna waa inay lahaato saxeexa masuulka soo diray.

 

QODOBKA 24AAD

HAB QORAALKA MAGACYADA

Magaca cod-bixiyaha waa in lagu qoro xuruuf la isla wada sar-gooyey; waana in aanay kala duwanaanin xuruufta iyo qoraalka ay Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo masuuliyiinta Komishanku u adeegsanayaan diiwaangalinta.

 

QODDOBKA 25

MURANKA DA’DA COD BIXIYAHA.

Haddii Mas’uulka Wasaaradda ama wakiilka Maxkamaddu aanay hubin ama mugdi ka  galo da’da muwaadinku in ay gaadhay da’dii cod-bxinta-doorashada waxa la waydiinayaa oo la qaadanaya da’da uu sheego Waalidkii , haddii la waayana waxa go’aan ka gaadhaya Mas’uuliyiinta Goobta.                           

 

CUTUBKA SADDEXAAD

LIISKA COD-BIXIYEYAASHA

                            

QODOBKA 26AAD

SOO SAARISTA LIISASKA

Komishanka Doorashooyinka