Law on the Prevention of Deforestation & Desertification (Law N: 04/1998)

 

This Law sets out the type of wild plants (30 in all) which can be cut down under licence issued by the Ministry of Rural Development (Art. 1) and the type of  plants (10 in number) which cannot be cut down (Art. 2).  The fees and taxes for licences are set out in   Art.14.

 

The Law also deals with forest reserves - 18 are listed in Art.3 as absolute reserves, but there is provision for more may be created near towns and villages.   There are also seasonal, draught and rotational reserves (Art. 7).  Art. 5 bans trading in wild plants and grass without licence. 

 

Art.8 bans the hunting and exportation of wildlife, but significantly, it exempts wildlife which is detrimental to agriculture, and provides no list of such wildlife.  Gifts of wildlife (maximum of one or two in number) which is not near extinction by high Government officials are allowed.

 

The Ministry is given powers to undertake range management, where necessary, and may designate land in certain parts for various uses, under Art.9 and Art.10, and the Ministry may appoint environment protection rangers under Art.11.

 

Art.17 deals with punishment for offences created by this Law, which fall   within the range of the District Court jurisdiction.

 

www.somalilandlaw.com

 

 

 

Jamhuuriyadda Somaliland

 

GOLAHA WAKIILADA

 

 

XEERKA KA HORTAGGA XAALUFKA IYO NABAD GUURKA (Xeer No. 04/98)

 

GOLAHA WAKIILADDA JSL.

 

MARKUU ARKAY                 Qodobka 16’aad ee dastuurka oo tilmaamaya in dawladdadhexe masuul ka tahay kheyraadka dabiiciga ah, kuna waajibiyay in ay qaado talaabo kasta oo sida haboon loogaga faa’iidaysan karo khayraadkaas.

MARKUU ARKAY                      Qodobka 26’aad ee dastuurka oo waajibiyay in dawladdu mudnaanta koowaad siiso daryeelka iyo iaalinta degaanka, kana tabaysato sidii looga shortage lama aafooyinka dabiiciga ah ee ka yimaada baabiinta degaanka.

MARKUU OGAADAY              Sida ba’an ee loo gumaadayo dhirta loona baabiinayo bii’adda oo maraysa heer aad u xunoo aan la eegan karin.

MARKUU KA DOODAY         Qodobada mashruuc sharcigan, ka dib markuu dhagaystay soo jkeedimaha iyo talooyinka guddi hoosaadkii arrimaha bulshada iyo iftiiminta uu ka bixiyay Wasiirtka ku shaqada leh.

MARKUU KU QANCAY         Sida daran ee loogu baahan yahay sharci xakameeya nacabka degaanka, laguna soo celiyo dhulka nabaadkiisii.

 

 

WUXUU  SOO  SAARAY  XEERKAN.

 

Qodobka 1’aad

DHIRTA AAN MAMNUUCA AHAYN

a.                   Dhirta  aan mamnuuca ahayn ee lagu jari karo ruqsad ay bixisay ama amar cad ka soo baxay Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga, daaqsinta iyo degaanka, waxa kala yihiin

1.             Beeyo                                    2.            Bidin (Malmal

3.            Jeerin (Danno)                 4.            Dharkayn

5.            Garas                                    6.            Lebi

7.             Meydi                                  8.            Maraa

9.            Xuyeen                                10.          Cadaad

11.            Folaa                                     12,          Kabxan

13.           Dheydey                              14.          Ximir

15.           Gob                                       16.           Ganlaalo

17.           Bisiq                                      18.           Xaskul

19.           Xarar                                     20.         Kulan (Sheelax)

21.          Cansheendi                       22.         Dheygaan

23.         Dhamal                                24.         Yaaq

25.         Mataan Biyood                 26.         Shorrey

27.          Reydab                                28.         Dheynta

29.         Kidi                                       30.         Galool.

 

b.                   Qof kasta oo amar la’aan ama ruqsad la’aan ku jara, guba, rida dhaawaca, u isticmaala midhihiisa baayac mushtar, dhoofin ama warshadayn, wuxuu mutaysanayaa ciqaabta qodobka 17’aad ee xeerkan.

 

Qodobka 2’aad

DHIRTA MAMNUUCA AH.

a.                   Dhirta goynteeda iyo gubideedu mamnuuca tahay guud ahaan Dalka JSl, waxay kala yihiin:-

1.             Yicib

2.            Hobob

4.            Barde

5.            Midho cas

6.            Gomoshaa

7.             Xamur         

8.            Dareemo (Cawo Gaab)

9.            Bal dhoole (Caws)

10.          Himir.

 

b.                   Qof kasta oo gooya, gubba, dhirta ku xusan faqrada (a) ee qodobkan, wuxuu mutaysanayaa ciqaabta qodobka 17’aad ee Xeerkan.

 

Qodobka 3’aad

SEERO KEYMOOD JOOGTA AH (Absolute forest Reserve)

a.                   Seero keymoodka joogta ah (Absolute forest reserve) ee dalka JSl, waa sedan hoos kku qoran:-

1.                                Geed deebkle (Natural park)

2.                              Debis (Plantation)

3.                               Gacan Libaax (Natural + Plantation)

4.                              Batalaale (Plantation)

5.                               Libaaxle ((Natural)

6.                               Cal madaw (Natural)

7.                               Daalo (Natural)

8.                               Lafaruuq (Plantation)

9.                               Layacaddo ((Plantation)

10.                            Wager (Natural)

11.                              Cabdilqaadir (Plantation)

12.                            Jifada Keynta (Natural)

13.                            Boorame  (Natural)

14.                            Burco

15.                            Ceerigaabo

16.                            Caynabo

17.                             Hargeysa Shacab

18.                            Golis

19.                            Qaar kale oo magaalooyinka waaweyn iyo degmooyinka loo sameyn doono.

 

Qodobka 4’aad

ADKEYNTA KEYMO SEEREEDYADDA.

a.                   Qof kasta oo keymoha seere xiliyeedyada iyo kuwa joogtada ah ee ku xusan qod. 3’aad ruqsad la.aan ama amar cad la’aan.

1.                    Gooya, rida, qaata gubba, dhaawaca, khayraadka dhirta ama

2.                  Xagaafa, qota, beer ahaan u isticmaala amma ujeedo kale dhul ka mid ah seerayaasha dawladda ama

3.                   Dhista, sii furta, ka qabta shaqo amma

4.                  Degga, ag degga dhul ka mid ah seeraha dawladda amma

5.                   ka taaga guri, dhismo, xero xoolaad ka sameeya, amma

6.                   Daajiya, dhex mariya xoolo, u oggolaada dajin xoolihiisa, amma

7.                   Ku xidha gaaguuri malab ahaaneed, bedela aalada lagu ururiyo malabka, qaata xabag barsheedka malabka, amma.

8.                   Waxyeela, riixa, bedela, wareejiya, dhaqaajiya, faragalin ku sameeya caalamadaha seeraha 

wuxuu muteysanayaa ciqaabta qodobka 17’aad ee xeerkan

 

b.                   Haddii qof amar la’aan seeraha gudihiisa ka goosto daababka, hangooladda, budhadhka, mooyayaasha, bakoortadaha, tibaha, iwqm wuxuu mutaysanayaa ciqaabta qodobka 17’aad ee xeerkan

c.                   Wasiirka ama cidda uu u xilsaaro ayaa awood buuxda u leh inuu ruqsad ka bixiyo arrimaha faqradaha (a-b) Markey lagama maarmaan noqoto.

 

Qodobka 5’aad

KHAYARAADKA DHIRTA & DAAQA.

a.                   Qofka lagu helo inuu si sharci la’aan ah ku sito, wuxuu ku difaacana haysan ee ka baayac mushtareeya kheyraadka daabiiciga ah, cawska midhaha ee lagu qabto, wuxuu mutaysanayaa ciqaabta qodobka 17’aad ee xeerkan.

b.                   Alaabta kheryraadka dhirta & daaqa ee la laqabto, waxay maxkamaddu ku wareejineysaa Waswaaradda Horumarinta Reer Miyiga oo markaas iibineysaa, wixii ka soo baxana ku wareejineysa Wasaaradda Maaliyadda.

 

Qodobka 6’aad

BEEN ABUUR & BEDELID CAALAMAD SEERO

1.           Qof Kasta oo :-

 a.    Been abuura, bedela, amma masaxa shaambad calaamadeed ama saxeexa liisanka amma sharciga amma ruqsadda lagu gooyey xeerkan amma amar kastoo lagu bixiyey ama digniin kastoo lagu bixiyey.

 

a.       Bedelaad, ka riixa, baabiiya, ama sheegta calaamad kastoo seero dhireed mid daaq iyo ugaadheed ama mid dhinac ahaan loo isticmaalo ugaadh ama daaqa ama dhulka la ilaaliyo.

 

b.       Jabiya shuruudaha liisan kasta ama ogolaansho ama la soo bixi waaya ama la siiyay oo ku saabsan xeerkan.

2.                  Wax kastoo ka soo go’a kheyraadka dhulka oo gaadiid lagu soo qaado, oo lagula wareego xeerkan waa la xaraashayaa, qiimahoodana waxaa lagu wareejinayaa wasaaradda Maaliyadda.

3.                   Liisanka dambi lagu helo ama oggolansho dembi lagu helo lwaa lagala lnoqonayaa ciddii siiyey.

 

Qodobka 7’aad

NOOCYADDA SEERAYAASHA & SABADA CEELASHA

1.             Seerayaasha JSl, waxay noqon karaan noocyaddan soo socda:-

a.             Seero xilli (seasonal reserve) oo ah mikd waqti go’an la furo, waqti go’an la xidho sanadkii.

b.            Seero abaaareed (Drought reserve) oo ah dhul la seeray waqti dheer oo aan la furi krin ilaa ay baahi culusi timaado ama abaaro.

c.             Seero talantaali (Rotational Reserve) oo ah seerto abaareed loo daaqo si talan taali ah.

d.            Seero joogto ah (Absolute reserve) ii ah seero joogta ahaan u xdhian looguna talaa galaybaadhis cilmiyeed ama geedo dabar go’aya

e.             Dhulka la xidhayo ama la seero waa inuu yahay xuduudo la lcadeynaayo lana calaamadiyo.

f.              Xeritaanka ama furitaanka seerayaasha goob kasta waxaa lagu  furi karaa oo xaliya oggolaansho qoran oo uu  bixinaayo Wasiirka Horumarinta reer miyiga markuu la tashado madaxda Gobolka iyo dadweynaha ay khusayso.

 

2.                  Dhulka ku xeeran tuuloooyinka dhan walba in ah 1km. (Ikm radius) si xooluhu u helaan meel ku filan oo banana si ay biyahooda u cabaan una nastaan, waxaa mamnuuc ah in dhulka sabadda ceelka loo soo jirsado wax ka yar 200 mitir dhinac walba.

 

Qodobka 8’aad

UGAADHA & SHINBIRAHA

a.                   Waa mamnuuc ugaadhsigu, ka baayacmushtaraynta, dhoofinta nooc kastoo ugaadha iyo shinbiro ah, oo aaney ku jirin kuwa beeraha wax yeeleeya.

b.                   Waxaa banana bixinta hadyad ahaaneed ee ugaadha & shinbiraha qodobkan ku xusan oo aan ka badneyd mid & laba waxaana bixin kara madaxda heer qaran, gobol iyo degmo.

c.                   Lama bixin karo ugaadha iyo shinbiraha ku dhaw dabar go’a sida gariga, dameer farawga, goodirka, biciidka iwm.

 

Qodobka 9’aad

KALA XADEYNTA & BABAADINTA DHULKA

a.                   Wasaaraddu mar aliyaale markii ay la noqoto iney tahay lagama maarmaan, iyadoo ujeedadu tahay haboonaanta dhulka xagga daaqsiinta reer miyiga, beeraha, dhireynta, dhaqaalaynta carradda ama nabaad guurka, ama la doonayo in dhulka lagu soo celiyo caradii iyo daaqii, iyadoo lala tashanayo wasiirada Beeraha, Biyaha, iyo xoolaha ayey awood u leedahay calaamadeynta xaaraantinimeynta iyo kantaroolka qodobkan:-

 

1.                    Kala xadeynta dhulka daaqa, beeraha, buuraha, u qeydan.

2.                  dhulka loo isticmaalo oo loo cayimey xoolo dhaqatada.

3.                   dhulka la qodo ama la geed qaado oo loo isticmaalo geedaha xooluhu ku naaxaan (food crop production).

4.                  dhulka la gubo ama la jaro geedihiisa.

5.                   dhulka loo isticmaalo ;biyo xidheenka, ceelal, togaga ee dhulka daaqista, beeraha iwm.

6.                   dhulkka shubka ah iyo dhulka la seero.

 

b.                   Wasaaraddu si ay u kantaroosho dhulka daaqa, dhirta iyo wixii la xidhiidha ee geedka ka yimaada iyo ugaadha, lagana faa’iideysto biyaha, waxay qaadi kartaa talaabooyinka hoos ku qoran, iyagoo la kaashanaya wasaaradda beeraha, iyo biyaha:-

 

1.                    Ilaalinta qararka dooxyadda, jeexjeexa ah ee ka baxsan dhulka beeraha.

2.                  Joojinta iyo ilaalinta carro guurka (soil erosion).

3.                   horumarinta daaqa ku yeela dhulka Jsl, lana keeno baad cusub oo ku haboon dhulka.

4.                  samayntya beero & xerooyin lagu abuuro daaqa cusub ee geedaha tayada camuudda xoojiya (Legumes) ee haboon.

5.                   Dhiiri glint beeralayda geedaha tayada leh iyo beero loo abuuro keydinta geedaha, loona hayo marka loo baahdo (Fodder bank)>

6.                   abuurida shirkaddo xoolo ;dhaqato ah oo xoolaha loo abuuro ;lwaxay u baahan yihiin.

7.                   sahaminta dhulka daaqsinta, buuraha bannaanka iwm, oo lolo qeybiyo -soonayaal is le’eg, oo hour;marinta ;soon soon loo raaci doono, iyadoo soon waliba yeelan doono lambar u gaara.

8.                   sahaminta dhirteena iyo ururinta geedaha dawada leh.

9.                   qaadista tiro koob xoolo dhaqato, xoolo u kala habooniksta dhulka, xagga beeraha, daaqa dhirta, cilmi baadhista (land suitability, range lands, agene, forestry, research etc).

10.                dhiiri glinta iyo cilmi barista wixii bedeli lahaa dhuxusha geedaha oo casri ah (alternative chergy)

 

Qodobka 10’aad

ABUURISTA BEERO HAWLO GAAR AH

a.                   Wasaaraddu waxay ogolaan kartaa abuurista beeraha u gaarka ah geedaha xoolaha lagu naaxiyo (fodder crop production) iyo keydinta geedaha & cawskooda oo gundhig u noqonaya baanka geedaha (fodder Bank) in lagu sameeyo meelaha kala ah;-

 

1.        Dhulka loo qoondeeyey beeraha oo kaliya (agri land only).

2.      Meel kasta oo dib loo soo celinayo loona barwaaqeynayo oo nabaad guurtay bohol yeelatay, oo debadda ka ah dhulka beeraha loo qoondeeyey.

 

b.                   Wasiirka ama W/xigeenku isagoo la tashanaya wasiirada beeraha iyo xoolaha wuxuu ogolaan karaa.-

 

1.                    Meel lagu kobciyo geedaha, dhirta, ubaxa, ama kuwa xoolaha (Nursery to raise forestry, ornamental and flowering species & legumes) meel kasta oo aan cidi laheyn, oo aanay ku jirin meel macdan loo qoondeeyey ama dawladu hawl gaar ah u cayintey.

2.                  Meel la xidhey si loo hayo sideeda oo lagu dhaqaaleeyo dabiicadda iyo cimilada, waxbarashana noqota (Absolute natural reserve for scientific purposes).

 

Qodobka 11’aad

ILAALADA DEEGAANKA.

a.                   Wasaaradani waxay abuuri kartaa ciidan ama shaqaale (environment protection rangers) u gaar ah baadhista, qabashada socodsiinta, xeerkan si loo badbaadiyo dhulka, daaqa, dhirta, ugaadha, biyaha iyo wax alaale wixii la xidhiidha deegaanka iyo cimiladiisa.

b.                   Ciidankaas ama ilaaladaas waxaa loo bixinayaa ciidanka ama ilaaladda badbaadaqda deegaanka (environment conservation protection rangfers)

 

Qodobka 12’aad

HORUMARINTA BIYAHA & BII’ADDA.

1.                    Xilka wasaaraddu wuxuu yahay horumarinta biyaha loogu talo galey horumarinta xoolaha iyo daaqa, wasaaraddu la shaqayn & talo waxay weydiisan kartaa hay’adaha kale ee u xilsaaran hawshaas.

 

2.                  waa in ruqsad loo qaataa samaynta berkadaha, tuulooyinka. baliyada iyo waraha.  Haddii uu nabaad guur ka jiro dhulka ku dhow, wasaaraddu ayadoo la tashanaysa, lana go’aan qaadanaysa Golayaasha heer gobol iyo tuulo ee deegaankaas waxay awood u leedhay:-

a.                   In ay baabiiso barkadaha, waraha iwm, haddii loo arko inay dhibaato keenayaan.

b.                   In ay xidho dhulka ku dhow kuna abuurto dhirayn dabayl celin ah (shelter belt programme)

               

3.                   Berkadaha meel ku wada yaal ee samaysmay sharcigan kadib, waa in aanay ka badnaan 35 barkadood.

4.                  Wasaaradda horumarinta reer miyiga ayaa iska leh ogolaanshaha harooyinka, baliyadda, iyo berkadaha dhulka miyiga, ayadoo lala socodsiinayo wasaaradda Macdanta iyo biyaha.

5.                   Wasaaraddu waa in ay diiwaan galiso dhammaan barkadaha, waraha, ceelasha miyiga, iyadoo siinaysa lambaro u gaar ah gobol kasta oo dalka ka mid ah.

 

Qodobka 14’aad

CASHUURAHA & KHIDMADDA RUQSADAHA.

Wasaaraddu waxay qaadaysaa cashuuraha iyo khidmadda ruqsadaha ee hoos ku qoran:-

1.             Ruqsadda cawska (Grass permit)                           Sl.Sh.     30.000/=

                -              Cashuurta cawska B/Buurta 3-6 Ton       Sl.Sh.    20.000/=

                -                                                                      7-19 “       Sl.Sh.     50.000/=

                -                                                                          20       Sl.Sh.     90.000/=

                -                                               Damerka Fardaha      Sl.Sh.     10.000

                -                                                          A w r k s              Sl.Sh.     10.000/=

 

2.            Casuurta dhuxusha                                                        Sl.Sh. 200/= halkii kiish

3.            Cashuurta Nuradda/xaabada                                    Sl.Sh. 10.000/= buurka 6 ton ah.

4.            Ruqsadda Berkadaha                                                    Sl.Sh. 10.000/= Barkadiiba

5.            Cashuurta Berkadda                                                      Sl.Sh. 20.000/= sanadkiiba

6.            Ruqsadaha Ganacsiga.

                -              Liisanka ganacsiga dhuxusha                   Sh.Sl. 150.000/=

                -              Lisanka ganacsiga xaabadda                     Sh.Sl.     40.000/=

                -              Liisanka ganacsiga nuuradda                    Sh.Sl.100.000/=

7.             Cashuurta xabkaha;-

                -              Maydiga ------------------------            Sh.Sl.15.000/=

                -              Moxorka (foxa)----------------               Sh.Sl. 10.000/=

                -              Malmalka-----------------------             Sh.Sl.     5.000/=

                -              Xabkaha kale-------------------              Sh.Sl.     5.000/=

8.            Cashuurta ganaaxa xoolaha ruqsad la’aan gala seerayaasha ama beeraha cilmi baadhista, waxa laga qaadayaa.-

                -              Geella ---------------------------           Sh.Sl.     1.500/=

                -              Lo’dda---------------------------            Sh.Sl.     1.000/=

                -              Adhigga-------------------------            Sh.Sl.        500/=

                -              Damero/fardo-------------------             Sh.Sl.     1.000/=

 

Qodobka 14’aad

AWOODA BAADHISTA & QABASHADDA.

Shaqaalaha Wasaaraddu, sida seere ilaaliye iyo badbaadada deegaanka iyo Booliiska waxaa loo xil saarey oo ay awood u leeyihiin inay baadhaan, qabtaan qofkii Ku-xad-gudba xeerkan, iyagoo isla markiiba horgeynaya Maxkamadda ku shaqada leh.

 

Qodobka 15’aad

RUQSAD LA NOQOSHO.

a.                   Qofkii caado ka dhigta inuu ku xad gudbo xeerkan, ruqsadda ama ogolaanshaha uu haysto waa laga joojinayaa mudo afar bilood ah, waana laga qaadi karaa ruqsadaas.

b.                   Qof kastoo qaadan waaya alaabta dambiga lagu galay muddo saddex bilood ah, alaabta dawladda ayaa la wareegeysa.

 

Qodobka 16’aad

XUQUUQDA HAWL FULIYAYAASHA

Qof kasta oo soo sheega ama soo qabta dambi kasta oo ku saabsan xeerkan, waxaa la siinayaa 30% dakhliga ka soo baxa marka la iibiyo waxa la qabtey.-

a.                   Dakhli ururiyayaashu waxay xaq u leeyihiin 30% dakhliga ay soo ururiyaan,

b.                   Dakhliga xeerkan waxaa si deg deg ah loogu xareynayaa khasnadda dawlada ee ugu dhaw goobta lagu qabtey dakhliga.

 

Qodobka 17’aad

CIQAAB IYO GANAAX.

Qof kasta oo ku xad-gudba xeerkan wuxuu mutaysanayaa ciqaabta 6-9 bilood oo xadhig ah ama/iyo ganaax lacageed oo u dhaxeeya 200.000/= ilaa 1.000.000/= Sl.Sh. ah.

 

Qodobka 18’aad

R A C F A A N

Dambiilaha ciqaabta xeerkan lagu fuliyaa wuxuu xaq u leeyahay racfaan qaadasho, haddii uu ku qanci waayo xukunka ku dhacay.

 

Qodobka 19’aad

DHAQAN GALKA

Xeerkan wuxuu dhaqan galayaa marka Madaxweynuhu saxeexo, ansixinta Golaha Wakiilada kadib, laguna soo saaro qalabka warbaahinta dalka Jsl.

 

 

Allaa Mahad Leh

 

 

(Maxamed Xuseen Cismaan)

XOGHAYAHA GUUD G/WAKIILADA

 

 

(Cabdi/dir X. Ismaciil Jirde)

      K/S. GUDDOOMIYAHA G/WAKIILADA JSL.