House of Elders Resolution Extending the Terms of Office of the House of Representatives: 27 April 2002

 

On 27th April 2002,  the House of Elders passed a resolution under Article 42(3) of the Constitution extending the five year term of office of the current House of Representatives by one year.  The term was due to come to an end in May 2002. The voting was 53 votes for, and 3 abstaining out of 57 members (including the Speaker) present.  A second similar Resolution was passed by the House of Elders  in February 2003.

 

Article 42(3) of the Constitution states:

“If the election of the House of Representatives cannot be conducted because of dire circumstances, the outgoing House shall continue in office until the end of these circumstances and a new House is elected.  Dire circumstances are: a wide war, internal instability, serious natural disasters, such as earthquakes, epidemic diseases, (and) serious famines; and shall be determined and resolved by the House of Elders on the proposal of the Council of Government”

 

A copy of the Resolution in Somali is re-produced below.

 

 

GO’AANKA GOLAHA GURTIDA

KOORDHINTA MUDADDA XILKA GOLAHA WAKIILADA

(Sida ay soo warisay  MANDEEQ 30/04/02, Go’aanku wuxu soo baxay Sabti 27/04/2002))

 

“GOLAHA GUURTIDU:

 

Markuu arkay qodobka 42aad ee Dastuurka dalka, faqradiisa 3aad,

 

Markuu arkay faqradiisa 1aad,

 

Markuu Goluhu arkay soo jeedinta xukuumadda ee shantii bishii saddexaad 2002,

 

Markuu arkay, kana baaraan degay xaaladaha sababay qabsoomid la’aanta doorashada Golaha Wakiilada, sababay qabsomi la’aantii doorasooyinkii Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka,

 

Markuu isku qanciyey hawlaha dhiman iyo muddada wax ku dhamaystirmi karaan, gaar ahaana doorashooyinka is daba jooga, ee kala horeeya, ila markaana uu ka taxadiray niyad jab dhinacyada hawlaha u qabyeysan ah,

 

Markii  uu falaqayn iyo dood dheer laga yeeshay, wakhtiyada ama xilliyada ay ku kala beegmi karaan doorashooyinku,

 

Wuxuu Goluhu go’aamiyey:

 

1.           In muddada korodhsiimada ee Golaha wakiiladu noqoto hal sano oo ka bilaabmaysa dhammaadka muddadii xilkooda hore ee haatan gebogebada ah, kuna eg sida Dastuurku qoray xilligii la dhaariyey, xilkooda hadduna wuxuu ku eg yahay muddadaas oo sanad lagu darro.

 

2.            In muddadaa ka hor, gaar ahaan sanadkan dhammaadkiisa uu dhamaystirmo xeerar iyo hawl kasta oo la xidhiidha doorasho, una baahan sharciyad gaar ahaan xeerka la xidhiidha baarlamaanka, kuwa hadda horyaala ee ku saabsan doorashooyinka, gaar ahaana xeerka maamulka Gobolada iyo degmooyinka in sida ugu dhakhsaha badan loogu soo gudbiyo golahan Guurtida oo lagu keeno bil gudaheed.

 

3.            Xubnaha Golaha wakiiladu inay ka qayb qaataan wacyi gelinta bulshada iyo u bislaynta bulshada inay ka qayb qaataan nidaamka axsaabta ee tartanka.

 

4.            Golaha Guurtidu wuxuu ka codsanayaa Golaha Wakiilada arrimahan.

 

5.            In mudnaanta koowaad la siiyo maslaxada qaranka iyo sida ay wax inoogu hagaagi karaan, waafaqsana dastuurka dalka.

 

6.            Sidii horeba ugu cadayd, go’aamadii la socday muddo kordhintii madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, waxaa looga fadhiyaa laguna codsanayaa dardar cusub, is xilqaan buuxa oo kuna saabsan meel marinta himillada shacbiga, wax walbana laga hormariyo danta dalka”

 

Go’aanka muddo kordhinta waxaa Goluhu ku ogolaaday cod aqlabiyad ah, oo dhan 53 mudane oo ogolaaday, halka 3 Mudane ka aamuseen, guddoomiyuhuna aanu cadayn, tirada guudna waxay  dhamayd 57. (Fadhigu wuxu dhacay Sabtidii 27 April 2002)

 

www.somalilandlaw.com