JAMHURIYADDA
Marku Arkay:- Qodobada 109,111 iyo
112 ee Dasturka Jamhuriyadda Somaliland.
Markuu Arkay: mashruuc-sharciga ay
u soo gudbiyeen Golaha Wasiirada JSL.
Marku Arkay:-
muhimada balaadhan ee ay leeyihiin dhismaha golayaal degaan oo dadweynuhu
doortey, oo nasteex u ah horumarinta iyo daryeelka danaha umadda.
Marku Tixgeliyey:- Baahida
weyn ee loo qabo dhamaystirka Xeerka
gobollada iyo degmooyinka oo gundhig u ah doorashooyinka golayaasha
degaanada.
Macnaha erey-bixinta
Gobol: waxa
loola jeedaa gobolada uu u qaybsan yahay dalka Jamhuuriyadda Somaliland ee
Xeerkani tilmaamayo.
Degmo: Waxa
loola jeedaa degmooyinka ay u qaybsamaan gobolada dalka JSL ee xeerkani
tilmaamayo.
Soohdin/aha: waxa loola
jeedaa xariiqyada khariidada dalka ee xadeeya gobolada dalka JSL wadagaan ama
gobol la wadaago dalalka aynu jaarka nahay ee xeerkani tilmaamay.
Xuduud/aha: waxa loola
jeedaa soohdimaha u dhexeeya degmooyinka dalka ee xadeeya jiidaha maamulka
degmada hoos yimaada.
Gole degaan: waxa loola
jeedaa xubnaha dadweynuhu si sharci ah
ugu doorteen hogaaminta maamulka iyo sharci dejinta degmada.
Duqa/Mayor: waxa loola
jeedaa xubinta golaha degaanka ee degmo iska dhex doortaan inuu noqdo
gudoomiyaha degmada iyo
Xoghaye Fulin: waxa loola
jeedaa hawlwadeenka u qaybsan socodsiinta maamulka dawlad Hoose ama xarun gobol
ee uu soo magacaabay Wasiirka Arrimaha Guduhu.
Wasiir: waxa
loola jeedaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Wasaaradda: waxa loo jeedaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Darajo/oyinka: waxa loola
jeedaa maqaamka degmo loo qoondeeyay markii la qiimeeyay, waxsoosaarka,
dhaqalaha, tirada dadweynaha, baaxada dhulka iwm. Sida xeerkani tilmaamyo
QODOBKA 2AAD
Qaab dhismeedka dalka
Jamhuuriyadda
Shuruudaha
lagu magacaabi karo gobol ama degmo
Shurudaha (criteria) lagu
magacaabi kara Gobol ama Degmo waxa waajib ah inay ku salaysnato buuxinta
shurudaha hoos ku qoran:-
a) Baaxada Dhulka ay ku fadhido.
b) Miisaanka iyo baaxada dadweynaha deeganka ku nool.
c) Wax soo saarkeeda iyo
khayraadka dabeeciga ah .leedahay.
c) Isku fillaanshaha iyo hanashada adeegyada arrimaha bulshada.
Qodobka 4aad
Shuruudaha Qimaynta
Faahfaahinta shuruudaha
Qimaynta ee lagu magacaabi karo Gobol iyo Degmo ee ku qoran Qodobka 3aad
farqadahiisa A.B.C.D ee xeerkan, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku soo
saaraysa xeer hoosaad sharaxaaya.
Gobolada iyo degmooyinka jamhuuriyadda
b) Jamhuuriyadda Somaliland
waxay u qaybsanta 6 Gobol oo kala ah:-
b. Gobolka
Hargeisa
t. Gobolka
Togdheer
j. Gobolka
Sanaag
x. Gobolka Awdal
kh. Gobolka
Sool
d. Gobolka
Saaxil
t) Gobolkiiba wuxu u sii
qaybsama Degmoyin derajadoodu kale yahiin A, B, C, D.
J)
Xukuumadda waxa ku waajib ah inay soo diyaariso xeer u gaar ah maamulka
caasimadda, una soo gudbiso
Barlamanka, si loo ansixiyo.
x) Magaalo madaxda Goboll kasta
Derajadeedu waa “A” oo ah kuwan soo socda:-
Magaca Magaalo
Madaxda Darajada
1)
Hargeisa
“A”
2)
Burco
“A”
3)
Ceerigabo “A”
4)
Borama
“A”
5)
L/caanod
“A”
6)
Berbera
“A”
Qodobka 6aad
Darajooyinka degmooyinka dalka JSL
1) Gobolka Hargeisa
Magaca Darajada
1) Degmada Hargeisa A
2) Degmada Gabiley A
3) Degmada B/Gubadle C
4) Degmada Sallaxley C
5) Degmada Faraweyne D
6) Degmada Sabawanag D
7) Degmada Cadaadlay D
8) Degmada D/Sallaam D
9) Degmada Allaybaday D
2) Gobolka Togdheer
Magaca Darajada
1) Degmada Burco A
2) Degmada Oodweyne B
3) Degmada Buhoodle B
4) Degmada Duruqsi D
5) Degmada Sh.Xasan Geele D
6) Degmada Qoryaalle D
3)Gobolka Sanaag
Magaca Darajada
1) Degmada Ceeri-gaabo A
2) Degmada C/Afweyn B
3) Degmada Badhan B
4) Degmada L/Qoray C
5) Degmada Dhahar C
6) Degmada Gar-adag C
7) Degmada Maydh D
8) Degmada Dararweyne D
9) Degmada Fiqi Fuliye D
10) Degmada Xiis D.
4) Gobolka
Awdal
Magaca Darajada
1) Degmada Boorama A
2) Degmada Saylac B
3) Degmada Baki C
4) Degmada Lughaya C
5) Degmada Dilla D
5)Gobolka
Sool
1) Degmada L/Canood A
2) Degmada Caynabo C
3) Degmada Taleex C
4) Degmada Xuddun C
5) Degmada Boocane D
6) Degmada Yagoori D
6. Gobolka
Saaxil
Magaca Darajada
1) Degmada Berbera A
2) Degmada Sheekh C
3) Degmada Mandheera D
4) Degmada B/Xaar D
5) Degmada Xagal D
Qodobka 7aad
Soohdimaha gobolada
iyo xuduudaha degmooyinka
a)
Xiliigii
Ingiriska ee ay ka farcameen ee hadda ah Gobollada.
b)
Degmada
B/Gubadle oo la magacaabay xilligii halganka iyo degmada Salaxley oo lagu
Soohdimaha lixda Gobol ee JSL ka kooban
tahay waxay ku salaysan yihiin xuduudihii ay lahaan jireen lixdii Degmo ee
waaweynaa ee jiray xilligii Ingiriiska ka hor 26/6/1960 ee kala ahaa Hargeysa,
Burco, Ceerigaabo, L/caanood, Boorama iyo Berbera. Kuwaasoo isku beddelay
gobollada JSL hadda ka kooban tahay.
Marka laga reebo gobolka Saaxil oo soohdimihiisu ahaanayso jiidihii cod-bixinta aftida Dastuurka ee ay ka hawlgashay.
c)
Degmooyinkii
hore ee la magacaabay xilliyadii xukuumadihii hore ee Soomaaliya, kana farcamay
lixda Degmo ee ku xusan Qodobkan 5aad, xarafkiisa “x” waxay xuduudahoodu yihiin
sidoodii hore, shardina waxa ah inay ku jiraan soohdimaha xuduudihii
degmooyinka go’aamiyey shirweynihii 3aad ee Beelaha Somaliland waxay xuduudahoodu
ku ekaan doonaan, oo lagu saleeyey goobihii codbixinta Aftida Dastuurka
ee ay ka hawlgaleen
d)
Degmooyinka cusub ee darajada “D” sidooda ayay ahaanayaan, loomana
dhisayo golayaal degaan doorashadan u horaysa ee Dawladaha Hoose, maadaama
aanay sugnayn xuduudahoodu.
e)
Dadwaynaha
degmooyinka cusub waxay doorashada u horaysa u codaynayaan golayaasha degaanka
ee degmooyinkii ay ka go’een. Hasa yeeshee degmada Xagal waxay la codaynaysaa
degmada Berbera ee Gobolka Saaxil
f)
Xukuumadda
waxa ku waajib ah inay soo dhamaystirto xuduudaha iyo shuruudaha kale ee
degmooyinkaas cusub una soo gudbiso Golayaasha Barlamanka si loo ansixiyo.
g)
Degmo
kasta oo la magacaaba waxay xuduudaheedu
ku jirayaan soohdimahii Gobolka iyo xuduudahii Degmada ay ka farcantay leedahay
sida ku cad xarafyada kala ah A,B. C ee qodobkan.
WAX KA BEDDELKA GOBOLLADA IYO DEGMOOYINKA
XUDUUDAHOODA
Qodobka 8aad
Qiimayn iyo Darajo ka Beddelid
Degmo
Degmooyinku waxay ku mutaysan karaan darajo beddelid oo noqon
karta dallacaad darajo ama hoos u dhigid darajo, ama waayis marka la qiimeeyo
ayada oo laga duulaayo Qodobka 12aad Farqadiisa 1aad ee Dastuurka iyo Qodobka
3aad, 4aad ee xeerkan.
Qodobka 9aad
Kala Xadaynta soohdimaha
gobolada
& Xuduudaha degmooyinka
Kala xadaynta soohdimaha Gobollada iyo xuuduudaha Degmooyinku waa
xilka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayada oo kaashanaysa Wasaaradaha iyo
Hay’adaha qaranka ee qaab farsamo u soo
geli kara.
Xubinta 3aad
Awoodda Ismaamulka
Qodobka 10aad
Wax ka Beddilidda
Qaab Dhismeedka Dalka
Wax ka beddelka tirada
Gobollada iyo Degmooyinka ama xuduudahooda ayada oo sababaysan waxa soo
jeedinaya Golaha Xukuumadda waxaana oggolaanaya Golaha Wakiiladda iyo Golaha
Guurtida. Sida ku qeexan Xubinta 2aad, Qodobka 109aad, Farqadiisa 3aad.
Qodobka 11aad
Awoodda ismaamulku wuxuu ku
ekaanayaa, Heer Gobol sida uu tilmaamayo Qodobka 112aad ee Dasuurka JSL.
Qodobka 12aad
Golayaal Gobol
Gobol kastaa wuxuu yeelanayaa
Guddi fulin iyo gole Horumarineed oo ka kooban sidan soo socota:-
a)
Guddiga
Fulinta wuxuu ka koobanaan doona:-
1. Guddomiye Gobol Guddomiye
2. Guddomiye Ku Xigeen Gobol Xubin
3. Xoghayaha Fulinta Gobolka Xoghaye.
Guddiga fulinta gobolka waxaa
soo magacaabaysa xukuumadda Dhexe, waxana loo magacaabaya sida ku cad Qodobka 111aad ee faqradiisa 5aad
ee Dastuurka.
Guddomiyaha Gobolka iyo Ku
Xigeenkiisa waxaa lagu magacaabayaa xeer Madaxweyne, Xoghayaha Fulinta
Gobolkana waxaa lagu magacaabayaa Digreeto Wasiir.
a)
Golaha Gobolku wuxuu ka
kooban yahay
1. Guddomiye Gobol Guddomiye
2. Guddomiye ku Xigeen Gobol Xubin
3. Xoghayaha Fulinta Gobolka Xoghaye
4. Maayarada degmooyinka
gobolka xubno
5. Madaxda laamaha Dawladda ee
Gobolka
oo kala talin doona xag farsamo
oo aan cod lahayn Xubno.
Qodobka 13aad
Xilka Golayaasha Gobolka
1.
Go’aaminta
Arrimaha Siyaasadeed, dhaqaale, maamul iyo nabaddgelyo iyo horumarineed ee
saameeya gobolka.
2.
dib u eegid Miisaniyaddaha Degmooyinka
Gobolka.
3.
Adkaynta
nabad gelyada iyo sugida amaanka.
4.
Dib
u eegidda go’aamada maamul iyo siyaasadeed ee Degmooynka Gobolka
5.
Dhe-dhexadinta
Degmooyinka iyo bulshada Gobolka
6.
Dhismaha
Guddi hoosaadyo goluhu u wakiilan karo hawlo gaar ah.
Qodobka 14aad
Xilka iyo wajibaadka Guddomiyaha Gobolka
Guddoomiyaha Gobolku waa
xidhiidhiyaha Xukuumadda dhexe iyo Degmooyinka Gobolka isaga oo hoos imanaaya
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Waajibaadka iyo xilkiisuna yahay sida tan:-
Qodobka 15aad
Xilka Guddomiye ku Xigeen
Gobol kastaa wuxuu yeelan
doonaa Guddomiye ku xigeen Gobol oo xukuumadda magacwdo. Wuxuu qaban doona
xilka Guddomiyaha Gobolka marka u maqan yahay
iyo wax alla wixii kale ee Guddomiyuhu u xilsaaro.
Qodobka 16aad
Xilka iyo Waajibaadka Xoghaye fulin Gobol
1.
Hagista
maamulka & maaliyadda , kormeerka iyo la socodka wax qabadka shaqaalaha
xarunta gobolka iyo hawlgalka dhammaan hay’adaha gobolka (kuwa madax banaan iyo
kuwa kaleba)
2.
Qabashadda
iyo maaraynta hawlaha uu xilsaaro Guddomiyuhu
3.
Diyaarinta
warbixinada gobolka
4.
Dabagalka
warbixinada Gobolka.
Qodobka 17aad
Xilka iyo waajibaadka Duq magaalo
1.
Shir
gudoonka Golaha Deeganka Degmadda.
2.
Hawlgelinta
iyo fulinta qorshayaasha wax qabad ee Degmo.
3.
Fulinta
go’aamada golaha Degmada
4.
Isuduwidda
hawlaha kala duwan ee deegaanka.
5.
Diyaarinta
iyo gubinta warbixinada khuseeya Degmada.
6.
Dabagalka
iyo fulinta shuruucda Degmo Gobol iyo qranba.
7.
Soo
jeedinta miisaaniyadda Degmada
8.
Soo
jeedinta xeer hoosadyo, isagoo hor keenaya Golaha.
9.
Saxeexyada
heshiisyada Dawladda Hoose dhinac ka tahay.
10.
Ogolaanshaha
iyo saxeexa kharash bixinta (jeegaga).
Qodobka 18aad
Xilka Guddomiye ku Xigeen Degmo
Degmo kasta waxay yeelan
doontaa Guddoomiye ku –Xigeen Degmo oo qaban doona xilka Duqa magaalada marka
uu maqan yahay iyo hawshii kale ee uu u
xilsaaro Duqu.
Qodobka 19aad
Xilka iyo waajibaadka Xoghaye fulin Degmo
1.
Xidhiidhinta
shaqada waaxyaha iyo qaybinta awaamiirka Dawliga ah.
2.
Hubinta
fulitaanka go’aamada Golaha iyo awaamiirta duqa Degmada.
3.
La
socodka iyo jaanqaadka Waaxyaha iyo hubinta adeega.
4.
Soo
ururinta iyo hubinta warbixinada waaxyaha Degmada.
5.
Hubinta
iyo dhiirigelinta qorshe hawleedka Waaxyaha.
6.
Dhirigelinta
go’aan wadaaga madaxda Waaxyaaha.
7.
Hogaamint
waaxyaha Dawladda Hoose ee Degmada.
8.
Ka
warbixinta shaqaalaha , dalacsiintooda iyo soo jeedinta ruqsayntooda.
9.
Diyaarinta
Misaaniyadda iyo ku dhaqankeeda.
10.
Ku
dhaqanka shuruucda iyo Xeerarka Maamulka Lacagta
11.
Diyaarinta
Xisaab xidhka iyo ka warbixinta dhaqaale.
12.
Hubinta
iyo kormeerka goobaha cashuur ururinta iyo dakhliga
13.
Sugida,
dabagalka iyo ilaalinta hantida Dawladda Hoose.
14.
Hubinta,
Saxeexa foojarada, jeegaga kharash
bixinta iyo gelida saxeexa codsiyada kharashyada caadiga ah ee hawl socodsiinta
maamulka.
Qodobka 20aad
Waajibaadka
Golaha Deegaanka Degmada
1)
Daryeelka fayo-dhawrka guud gaar ahaan nadaafadda
magalooyinka iyo ka hor tagga cudurada faafa.
2)
Aasaasida
suuqyo badeeco iyo kuwa xoolaha
3)
Kormeerka
dhismooyinka cusub, kuwa la cusboonaysiinayo iyo kuwa u baahan in la dumiyo.
4)
Ka
hor taga dhibaatada abaarta, duufaanada, dabka halista ah iyo dhibaato kasta oo
wax u dhimi karta dadweynaha.
5)
Daad
guraynta dadweynaha hadii aafo dhacdo.
6)
Diyaarinta
iyo fulinta mashaariicda ama barnaamijyada lagu horumarinaayo dad weynaha xag
caafimaad, dhaqaale, ama bulshaba.
7)
Kordhinta
tacabka, wax soo saarka iyo abuurida ilo dhaqaale iyo daryeelka hantida umadda.
8)
Dhismo
Dugsiyada aasaasiga ah, kuwa quraanka iyo maamulkooda.
9)
Dhismo
xarumaha xanaanada Hooyada, dhalaanka iyo maamulkooda.
10)
Dhismo
Dugsiyada xanaanada Caruurta, kuwa horumarinta qoyska iyo maamulkooda.
11)
Dhismaha
iyo horumarinta hawlaha ileyska magalooyinka Degmada.
12)
Horumarinta
Fanka, Ispoortiga iyo Sugaanta.
13)
Dhismo
goobo biyood oo magaalooyinka iyo Tulooyinka dhexdooda ah.
14)
Samaynta
iyo dayac tirka wadooyinka dhex mara magalooyinka Degmada.