JAMHURIYADDA SOMALILAND

 

XEERKA   GOBOLLADA & DEGMOOYINKA (Xeer Lr. 23/2002)

 

 GOLAHA WAKIILADA JSL

 

Marku Arkay:-                            Qodobada 109,111 iyo 112 ee Dasturka Jamhuriyadda Somaliland.

Markuu Arkay:                           mashruuc-sharciga ay u soo gudbiyeen Golaha Wasiirada JSL.

Marku Arkay:-                            muhimada balaadhan ee ay leeyihiin dhismaha golayaal degaan oo dadweynuhu doortey, oo nasteex u ah horumarinta iyo daryeelka danaha umadda.

Marku Tixgeliyey:-                     Baahida weyn ee loo qabo dhamaystirka Xeerka  gobollada iyo degmooyinka oo gundhig u ah doorashooyinka golayaasha degaanada.

 

WUXUU  ANSIXIYEY  XEERKAN

 

 Qodobka 1aad

Macnaha erey-bixinta

 

Gobol:                          waxa loola jeedaa gobolada uu u qaybsan yahay dalka Jamhuuriyadda Somaliland ee Xeerkani tilmaamayo.

Degmo:                        Waxa loola jeedaa degmooyinka ay u qaybsamaan gobolada dalka JSL ee xeerkani tilmaamayo.

Soohdin/aha:               waxa loola jeedaa xariiqyada khariidada dalka ee xadeeya gobolada dalka JSL wadagaan ama gobol la wadaago dalalka aynu jaarka nahay ee xeerkani tilmaamay.

Xuduud/aha:                waxa loola jeedaa soohdimaha u dhexeeya degmooyinka dalka ee xadeeya jiidaha maamulka degmada hoos yimaada.

Gole degaan:                waxa loola jeedaa xubnaha dadweynuhu si sharci ah  ugu doorteen hogaaminta maamulka iyo sharci dejinta degmada.

Duqa/Mayor:                 waxa loola jeedaa xubinta golaha degaanka ee degmo iska dhex doortaan inuu noqdo gudoomiyaha degmada iyo kan Golaha degaanka.

Xoghaye Fulin:             waxa loola jeedaa hawlwadeenka u qaybsan socodsiinta maamulka dawlad Hoose ama xarun gobol ee uu soo magacaabay Wasiirka Arrimaha Guduhu.

Wasiir:                          waxa loola jeedaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Wasaaradda:                  waxa loo jeedaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Darajo/oyinka:              waxa loola jeedaa maqaamka degmo loo qoondeeyay markii la qiimeeyay, waxsoosaarka, dhaqalaha, tirada dadweynaha, baaxada dhulka iwm. Sida xeerkani tilmaamyo

 

 

 

 

 

 

QODOBKA 2AAD

 Qaab-dhismeedka dalka

 

Qaab dhismeedka dalka Jamhuuriyadda Somaliland wuxu ka kooban yahay una qaybsama Gobollo, Degmooyin iyo Tulloyin.

 

QODOBKA 3AAD

 Shuruudaha lagu magacaabi karo gobol ama degmo

 

Shurudaha (criteria) lagu magacaabi kara Gobol ama Degmo waxa waajib ah inay ku salaysnato buuxinta shurudaha hoos ku qoran:-

 

a)       Baaxada Dhulka ay ku fadhido.

b)      Miisaanka iyo baaxada dadweynaha deeganka ku nool.

c)    Wax soo saarkeeda iyo khayraadka dabeeciga ah .leedahay.

c)       Isku fillaanshaha iyo hanashada adeegyada  arrimaha bulshada.

 

Qodobka 4aad

Shuruudaha Qimaynta

 

Faahfaahinta shuruudaha Qimaynta ee lagu magacaabi karo Gobol iyo Degmo ee ku qoran Qodobka 3aad farqadahiisa A.B.C.D ee xeerkan, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku soo saaraysa xeer hoosaad sharaxaaya.

 

QODOBKA 5AAD

Gobolada iyo degmooyinka jamhuuriyadda Somaliland

 

b) Jamhuuriyadda Somaliland waxay u qaybsanta 6 Gobol  oo kala ah:-

b.   Gobolka Hargeisa

t.    Gobolka Togdheer

j.    Gobolka Sanaag

x.   Gobolka Awdal

kh.  Gobolka Sool

d.   Gobolka Saaxil

 

t) Gobolkiiba wuxu u sii qaybsama Degmoyin derajadoodu kale yahiin A, B, C, D.

 

J) Xukuumadda waxa ku waajib ah inay soo diyaariso xeer u gaar ah maamulka caasimadda, una soo     gudbiso Barlamanka, si loo ansixiyo.

 

x) Magaalo madaxda Goboll kasta Derajadeedu waa “A” oo ah kuwan soo socda:-

 

Magaca            Magaalo Madaxda                    Darajada

 

1)                   Hargeisa                                                           “A”

2)                   Burco                                                               “A”

3)                   Ceerigabo                                                        “A”

4)                   Borama                                                             “A”

5)                   L/caanod                                                          “A”

6)                   Berbera                                                            “A”

 

Qodobka 6aad

Darajooyinka degmooyinka dalka JSL             

 

1)       Gobolka Hargeisa   

Magaca                                    Darajada

1) Degmada Hargeisa                            A

2) Degmada Gabiley                             A

3) Degmada B/Gubadle                         C

4) Degmada Sallaxley                           C

5) Degmada Faraweyne                         D

6) Degmada Sabawanag                        D

7) Degmada Cadaadlay                         D

8) Degmada D/Sallaam                          D

9) Degmada Allaybaday                                    D

 

2) Gobolka Togdheer

   Magaca                                                         Darajada

1) Degmada Burco                                            A

2) Degmada Oodweyne                                     B

3) Degmada Buhoodle                                      B

4) Degmada Duruqsi                                          D

5) Degmada Sh.Xasan Geele                             D

6) Degmada Qoryaalle                                       D

 

3)Gobolka Sanaag

   Magaca                                                         Darajada

1) Degmada Ceeri-gaabo                                  A

2) Degmada C/Afweyn                                       B

3) Degmada Badhan                                          B

4) Degmada L/Qoray                                         C

5) Degmada Dhahar                                           C

6) Degmada Gar-adag                                       C

7) Degmada Maydh                                           D

8) Degmada Dararweyne                                   D

9) Degmada Fiqi Fuliye                                     D

10) Degmada Xiis                                              D.

 

4) Gobolka Awdal

   Magaca                                             Darajada

1) Degmada Boorama                                       A

2) Degmada Saylac                                           B

3) Degmada Baki                                              C

4) Degmada Lughaya                                        C

5) Degmada Dilla                                               D

 

5)Gobolka Sool

  Magaca                                              Darajada

1) Degmada L/Canood                          A

2) Degmada Caynabo                            C

3) Degmada Taleex                               C

4) Degmada Xuddun                              C

5) Degmada Boocane                           D

6) Degmada Yagoori                             D

 

6. Gobolka Saaxil

Magaca                                          Darajada          

1) Degmada Berbera                             A

2) Degmada Sheekh                             C

3) Degmada Mandheera                                    D

4) Degmada B/Xaar                               D

5) Degmada Xagal                                 D         

 

Qodobka 7aad

Soohdimaha gobolada  iyo xuduudaha degmooyinka

 

a)             Xiliigii Ingiriska ee ay ka farcameen ee hadda ah Gobollada.

b)            Degmada B/Gubadle oo la magacaabay xilligii halganka iyo degmada Salaxley oo lagu Soohdimaha  lixda Gobol ee JSL ka kooban tahay waxay ku salaysan yihiin xuduudihii ay lahaan jireen lixdii Degmo ee waaweynaa ee jiray xilligii Ingiriiska ka hor 26/6/1960 ee kala ahaa Hargeysa, Burco, Ceerigaabo, L/caanood, Boorama iyo Berbera. Kuwaasoo isku beddelay gobollada JSL hadda  ka kooban tahay. Marka laga reebo gobolka Saaxil oo soohdimihiisu ahaanayso jiidihii   cod-bixinta aftida Dastuurka  ee ay ka hawlgashay.

c)             Degmooyinkii hore ee la magacaabay xilliyadii xukuumadihii hore ee Soomaaliya, kana farcamay lixda Degmo ee ku xusan Qodobkan 5aad, xarafkiisa “x” waxay xuduudahoodu yihiin sidoodii hore, shardina waxa ah inay ku jiraan soohdimaha xuduudihii degmooyinka go’aamiyey shirweynihii 3aad ee Beelaha Somaliland waxay  xuduudahoodu  ku ekaan doonaan, oo lagu saleeyey goobihii codbixinta Aftida Dastuurka ee ay ka hawlgaleen

d)             Degmooyinka cusub ee darajada “D” sidooda ayay ahaanayaan, loomana dhisayo golayaal degaan doorashadan u horaysa ee Dawladaha Hoose, maadaama aanay sugnayn xuduudahoodu.

e)            Dadwaynaha degmooyinka cusub waxay doorashada u horaysa u codaynayaan golayaasha degaanka ee degmooyinkii ay ka go’een. Hasa yeeshee degmada Xagal waxay la codaynaysaa degmada Berbera ee Gobolka Saaxil

f)               Xukuumadda waxa ku waajib ah inay soo dhamaystirto xuduudaha iyo shuruudaha kale ee degmooyinkaas cusub una soo gudbiso Golayaasha Barlamanka si loo ansixiyo.

g)            Degmo kasta oo la magacaaba waxay  xuduudaheedu ku jirayaan soohdimahii Gobolka iyo xuduudahii Degmada ay ka farcantay leedahay sida ku cad xarafyada kala ah A,B. C ee qodobkan.

XUBINTA 2AAD

 

WAX KA BEDDELKA GOBOLLADA IYO DEGMOOYINKA XUDUUDAHOODA

 

Qodobka 8aad

Qiimayn iyo Darajo ka Beddelid Degmo

 

Degmooyinku waxay ku mutaysan karaan darajo beddelid oo noqon karta dallacaad darajo ama hoos u dhigid darajo, ama waayis marka la qiimeeyo ayada oo laga duulaayo Qodobka 12aad Farqadiisa 1aad ee Dastuurka iyo Qodobka 3aad, 4aad ee xeerkan.

 

Qodobka 9aad

Kala Xadaynta soohdimaha gobolada

& Xuduudaha degmooyinka

 

Kala xadaynta soohdimaha Gobollada iyo xuuduudaha Degmooyinku waa xilka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayada oo kaashanaysa Wasaaradaha iyo Hay’adaha qaranka ee  qaab farsamo u soo geli kara.

Xubinta 3aad

Awoodda Ismaamulka

 

Qodobka 10aad

Wax ka Beddilidda

Qaab Dhismeedka Dalka

 

Wax ka beddelka tirada Gobollada iyo Degmooyinka ama xuduudahooda ayada oo sababaysan waxa soo jeedinaya Golaha Xukuumadda waxaana oggolaanaya Golaha Wakiiladda iyo Golaha Guurtida. Sida ku qeexan Xubinta 2aad, Qodobka 109aad, Farqadiisa 3aad.

 

Qodobka 11aad

 

Awoodda ismaamulku wuxuu ku ekaanayaa, Heer Gobol sida uu tilmaamayo Qodobka 112aad ee Dasuurka JSL.

 

Qodobka 12aad

Golayaal Gobol

 

Gobol kastaa wuxuu yeelanayaa Guddi fulin iyo gole Horumarineed oo ka kooban sidan soo socota:-

a)                   Guddiga Fulinta wuxuu ka koobanaan doona:-

1. Guddomiye Gobol                             Guddomiye

2. Guddomiye Ku Xigeen Gobol                        Xubin

3. Xoghayaha Fulinta Gobolka                Xoghaye.

 

Guddiga fulinta gobolka waxaa soo magacaabaysa xukuumadda Dhexe, waxana loo magacaabaya  sida ku cad Qodobka 111aad ee faqradiisa 5aad ee Dastuurka.

 

Guddomiyaha Gobolka iyo Ku Xigeenkiisa waxaa lagu magacaabayaa xeer Madaxweyne, Xoghayaha Fulinta Gobolkana waxaa lagu magacaabayaa Digreeto Wasiir.

 

a)       Golaha  Gobolku wuxuu ka kooban yahay

 

1. Guddomiye Gobol                                                     Guddomiye

2. Guddomiye ku Xigeen Gobol                                     Xubin

3. Xoghayaha Fulinta Gobolka                                        Xoghaye

4. Maayarada degmooyinka gobolka                             xubno

5. Madaxda laamaha Dawladda ee Gobolka

    oo kala talin doona xag farsamo

    oo aan cod lahayn                                                     Xubno.

 

Qodobka 13aad

Xilka Golayaasha Gobolka

 

1.             Go’aaminta Arrimaha Siyaasadeed, dhaqaale, maamul iyo nabaddgelyo iyo horumarineed ee saameeya gobolka.

2.              dib u eegid Miisaniyaddaha  Degmooyinka  Gobolka.

3.             Adkaynta nabad gelyada iyo sugida amaanka.

4.             Dib u eegidda go’aamada maamul iyo siyaasadeed ee Degmooynka Gobolka

5.             Dhe-dhexadinta Degmooyinka iyo bulshada Gobolka

6.             Dhismaha Guddi hoosaadyo goluhu u wakiilan karo hawlo gaar ah.

 

Qodobka 14aad

Xilka iyo wajibaadka Guddomiyaha Gobolka

 

Guddoomiyaha Gobolku waa xidhiidhiyaha Xukuumadda dhexe iyo Degmooyinka Gobolka isaga oo hoos imanaaya Wasaaradda Arrimaha Gudaha Waajibaadka iyo xilkiisuna yahay sida tan:-

  1. Inuu horumariyo ama gaadhsiiyo gobolka iyo Degmooyinkiisa siyaasadda Dawladda Dhexe ee ku wajahan dhaqaalaha, Bulshada, nabaddgelyada iyo maamulkaba.
  2. Inuu hogaamiyo waaxaha gobolka ee ka wakiil ah, haydaha dawladda dhexe asaga oo kormeeraya qorshayaashooda wax qabad iyo hawlgal.
  3. Fulinta iyo dabagalka meel marinta shuuucda qaranka.
  4. Dhex-dhexaadinta Degmooyinka iyo macaabidda guddiga dhex-dhexaadinta ee heer Gobol ah.
  5. Xidhiidhinta  iyo diyaarinta warbixin Goboleedka.
  6.  xidhiidhinta dawladda dhexe iyo maamulka gobolka iyo degmooyinka.
  7. Soo jeedinta xil u dhiibista iyo ka qaadista mas’uulinta  laamaha Dawlada ee heer Gobol iyo Degmo.
  8. Ka warbixinta madaxda Wasaaradaha, Hay’adaha Qaranka ee heer Gobol iyo Degmo.
  9. Gudoominta fadhiyada Golaha gobolka.
  10. nabadgelyada & kormeerka gobolka.

 

Qodobka 15aad

Xilka Guddomiye ku Xigeen

 

Gobol kastaa wuxuu yeelan doonaa Guddomiye ku xigeen Gobol oo xukuumadda magacwdo. Wuxuu qaban doona xilka Guddomiyaha Gobolka marka u maqan yahay   iyo wax alla wixii kale ee Guddomiyuhu u xilsaaro.

Qodobka 16aad

Xilka iyo Waajibaadka Xoghaye fulin Gobol

 

1.             Hagista maamulka & maaliyadda , kormeerka iyo la socodka wax qabadka shaqaalaha xarunta gobolka iyo hawlgalka dhammaan hay’adaha gobolka (kuwa madax banaan iyo kuwa kaleba)

2.             Qabashadda iyo maaraynta hawlaha uu xilsaaro Guddomiyuhu

3.             Diyaarinta warbixinada gobolka

4.             Dabagalka warbixinada Gobolka.

 

Qodobka 17aad

Xilka iyo waajibaadka Duq magaalo

 

1.             Shir gudoonka Golaha Deeganka Degmadda.

2.             Hawlgelinta iyo fulinta qorshayaasha wax qabad ee Degmo.

3.             Fulinta go’aamada golaha Degmada

4.             Isuduwidda hawlaha kala duwan ee deegaanka.

5.             Diyaarinta iyo gubinta warbixinada khuseeya Degmada.

6.             Dabagalka iyo fulinta shuruucda Degmo Gobol iyo qranba.

7.             Soo jeedinta miisaaniyadda Degmada

8.             Soo jeedinta xeer hoosadyo, isagoo hor keenaya Golaha.

9.             Saxeexyada heshiisyada Dawladda Hoose dhinac ka tahay.

10.         Ogolaanshaha iyo saxeexa kharash bixinta (jeegaga).

 

Qodobka 18aad

Xilka Guddomiye ku Xigeen Degmo

Degmo kasta waxay yeelan doontaa Guddoomiye ku –Xigeen Degmo oo qaban doona xilka Duqa magaalada marka uu maqan yahay   iyo hawshii kale ee uu u xilsaaro Duqu.

 

Qodobka 19aad

Xilka iyo waajibaadka Xoghaye fulin Degmo

 

1.             Xidhiidhinta shaqada waaxyaha iyo qaybinta awaamiirka Dawliga ah.

2.             Hubinta fulitaanka go’aamada Golaha iyo awaamiirta duqa Degmada.

3.             La socodka iyo jaanqaadka Waaxyaha iyo hubinta adeega.

4.             Soo ururinta iyo hubinta warbixinada waaxyaha Degmada.

5.             Hubinta iyo dhiirigelinta qorshe hawleedka Waaxyaha.

6.             Dhirigelinta go’aan wadaaga madaxda Waaxyaaha.

7.             Hogaamint waaxyaha Dawladda Hoose ee Degmada.

8.             Ka warbixinta shaqaalaha , dalacsiintooda iyo soo jeedinta ruqsayntooda.

9.             Diyaarinta Misaaniyadda iyo ku dhaqankeeda.

10.         Ku dhaqanka shuruucda iyo Xeerarka Maamulka Lacagta

11.         Diyaarinta Xisaab xidhka iyo ka warbixinta dhaqaale.

12.         Hubinta iyo kormeerka goobaha cashuur ururinta iyo dakhliga

13.         Sugida, dabagalka iyo ilaalinta hantida Dawladda Hoose.

14.         Hubinta, Saxeexa foojarada, jeegaga  kharash bixinta iyo gelida saxeexa codsiyada kharashyada caadiga ah ee hawl socodsiinta maamulka.

 

Qodobka 20aad

Waajibaadka  Golaha Deegaanka  Degmada

 

1)             Daryeelka  fayo-dhawrka guud gaar ahaan nadaafadda magalooyinka iyo ka hor tagga cudurada faafa.

2)             Aasaasida suuqyo badeeco iyo kuwa xoolaha

3)             Kormeerka dhismooyinka cusub, kuwa la cusboonaysiinayo iyo kuwa u baahan in la dumiyo.

4)             Ka hor taga dhibaatada abaarta, duufaanada, dabka halista ah iyo dhibaato kasta oo wax u dhimi karta dadweynaha.

5)             Daad guraynta dadweynaha hadii  aafo dhacdo.

6)             Diyaarinta iyo fulinta mashaariicda ama barnaamijyada lagu horumarinaayo dad weynaha xag caafimaad, dhaqaale, ama bulshaba.

7)             Kordhinta tacabka, wax soo saarka iyo abuurida ilo dhaqaale iyo daryeelka hantida umadda.

8)             Dhismo Dugsiyada aasaasiga ah, kuwa quraanka iyo maamulkooda.

9)             Dhismo xarumaha xanaanada Hooyada, dhalaanka iyo maamulkooda.

10)         Dhismo Dugsiyada xanaanada Caruurta, kuwa horumarinta qoyska iyo maamulkooda.

11)         Dhismaha iyo horumarinta hawlaha ileyska magalooyinka Degmada.

12)         Horumarinta Fanka, Ispoortiga iyo Sugaanta.

13)         Dhismo goobo biyood oo magaalooyinka iyo Tulooyinka dhexdooda ah.

14)         Samaynta iyo dayac tirka wadooyinka dhex mara magalooyinka Degmada.