Somaliland Forum Second Submission on the Press Bill – Appeal To The Honourable Members Of The Somaliland House Of Representatives not pass the Press Bill

 

Baaq: Mudanayaasha Sharafta Leh Ee Golaha Wakiillada Somaliland Yaanay Ansixin Xeerka Saxaafadda
Somaliland Forum — --- — 10 January, 2004

Waxa aanu ka warqabnaa in uu idin horyaallo Xeerkii Saxaafadda kaas oo dhawr jeer la idin horkeenay marka laga soo bilaabo 1997. Waxanannu ogsoonnahay in markan la damacsanyahay in ansixintiisa loo codeeyo Sabtidan ama dhowaan.

Annago laba jeer oo hore idiin soo gudbinnay aragtidayada ku saabsan Xeerkan, waxaanan si faahfaahsan u soo qornay Bishii July 2003 sababaha aanu ku diidannahay Xeerkan. Wax bedellaad ah oo micno leh weli laguma sameyn Xeerkan, waxaanay weliba wararka qaar sheegayaan in nuqulkii ugu horreeyay ee 1997 kii dib la idiin hor keeni doono si loogu codeeyo.

Sidaas awgeed:

  • Waxa aanu Xubnaha Golaha si aad ah ugu baaqeynaa in ay is hortaagaan Xeerkan oo ah mid aan hagaagsaneyn. Sida aanu dhowr jeer oo hore u nidhi, Xeerkani maaha mid ku haboon diimuqraadiyadeena curdinka ah.
  • Waxa aanu idinka codsanaynaa in aan Xeerkan oo saameynaya xorriyad asaasi ah aan lagu ansixin tiro yar oo xubnaha Golaha ka mid ah.
  • Nooma muuqata wax inagu cadaadinaya hadda in Xeerkan, oo aragtidiisa aad loogu kala duwanyahay, si deg deg ah loo ansixiyo. Waxa aanu idinka codsaneynaa in dib looga fikiro sida loo dajinayo xeer-nidaamiye waafaqsan xeerarka caalamiga ah ee lagu dhaqmo.
  • Waxa aanu Dawladda iyo Golaha Wakiillada u soo jeedineynaa in ahmiyaddu noqoto dhiirigelinta iyo kobcinta saxaafaddeena curdinka ah si ay u xoogsato oo ku barbaarto hab diimuqraadi ah oo qiimeeya xuquuqda iyo waajibaadkaba.

Sidaa awgeed, fadlan, haddii la soo jeediyo in aydun cod ka bixisaan Xeerkan, waxa aanu idinka codsanaynaa in codkiino noqdo MAYA.

Si fahfaahin ah, waxa aanu halkan hoos ku lifaaqnay sababihii aanu ku diidnay Xeerkan.

Wa Billaahi Tawfiiq


The Somaliland Forum is an independent organisation that brings together the Somaliland Diaspora. We believe in a sovereign, prosperous and independent Somaliland. Working together with Somaliland Communities and, Somaliland friends around the globe, we believe that we can contribute to the betterment and development of the Republic of Somaliland. It is said that a nation's greatest asset is its human resources. Hence, the importance of the contributions of the Somaliland Diaspora."

Should you have any comments, questions or suggestions to make, the SL Forum Executive Committee will be eager to hear them.

Chairman:

 

Kaltuun Faarah

chair@somalilandforum.com

Vice-Chair:

 

Axmed Jaamac

vice@somalilandforum.com

Secretary:

 

Rashiid Webi

secretary@somalilandforum.com

Treasurer:

 

Adan Hirsi

treasurer@somalilandforum.com

Member at large:

 

Sayid Mohamed Yusuf

xubin@somalilandforum.com

For more information about Somaliland forum please visit our website at: http://www.somalilandforum.com

SOMALILAND FORUM: WARQAD FURAN OO KU SAABAN XEERKA SAXAAFADDA (oo la diray July 2003)

  1. Waxaanu ka war helnay in Golaha Wakiilada ee Somaliland ay imika gacanta ku hayaan dooda Xeerka Saxaafadda ee waddanka oo ay dowladu dhowaan soo jeedisay. Hadaba anagoo indhaha ku hayna raadka balaadhan ee Xeerkani ku yeelan karo xaquuqda iyo xorriyada muwaadiniinta Somaliland oo uu dastuurka Qaranku uu kafaalo qaatay, waxaa lagama maarmaan noola muuqatay inaanu si cad ugu soo bandhigno Dowladda, Baarlamaanka iyo dhamaan ummadada reer Soomaaliland sida aanu Urur ahaan u aragno Xeerkan dowladu ay usoo gudbisay Golaha Wakiilada.

    Somaliland Forum ma aha urur siyaasi ah. Ujeedadayadda ugu waynina waxay tahay sidii loo xoojin lahaa habka dowladnimo oo ku salaysan dimoqraadiyadda iyo ilaalinta xuquuqda aadamaha, aragtidayada arrintan ku saabsanina waxay ku qotontaa horumarinta iyo sii xoojinta dimiqraadiyada dalkeena ka hana qaaday.

    Saxaafad xor ah oo madax banaani waxay saldhig lagama maarmaam ah u tahay horumarinta dimoqoraadiyadda waddanka. Sidaas darted, waxaanu aad iyo aad uga xunahay xeer saxaafadeedkii Golaha Wakiiladu ay diideen laba goor oo hore oo ay immika dowladdu mar saddexaad dib ugu soo celisay iyada oon sida aanu la socono aan wax is bedel ah oo muuqda lagu samayn xeerkaasi.

    Xeerarkan warfaafinta ee ay dowladu soo diyaarisay waxa uu ku salaysan yahay kii dowladda Itoobiya ay sameysay sanadkii 1992-kii. Xeerkaas oo si xoog leh loo diiday aadna looga soo hor jeestay. Waxa xeerkaasu ahaa mid si aan cadaalad iyo sharci ku dhisnayn u xakameynaya saxaafadda. Waxay anaga noola muuqataa inaanay hagaagsanayn in dalkeena laga dhaqan galiyo xeerkaas oo ah mid qalafsan, khalad wayna ay tahay in waddankeena laga hirgaliyo Xeerkan oo ka mid kuwa uga xun ee dunida ka jira.
  2. Guud ahaan, anagoo xasuusan dhibaatooyinka haysta saxaafaddeena da'da yare ee hadda ka soo koraysa waddankeena, ogsoona sida ay muhiim u tahay in aynu xoojino arrimaha xaqqa muwaadiniinto u leeyihiin ogaanshaha macluumaadka (right to freedom of information), xaqa jawaab celinta (right to reply) iyo kor-u-qaadidda heerarka ansahaxa (ethical standards) saxaafadda xorta ah, waxay anaga noola muuqataa in Xeerkani aanu ahayn mid arrimahaas xoojinyaa. Waxaa noo cad in Xeerkani in uu yahay mid baabi'inkara saxaafadeena curdinka ah, oo kana soo horjeedda Qodobka 32aad ee Dastuurka Qaranka iyo xuquuqda caalimiga. Sidaa darteed waxaanu kula talinaynaa Golaha Wakiiladu in ay diidaan Xeerkan la soo hordhigay.
  3. Qoddobka 2aad ee Xeerkani waxaa uu sheegayaa in Xeerkani anu ku ekeen saxaafadda qoran, ee uu u xakamynayu "hawlqabad kasta oo saamaynaya maskaxka iyo fikradaha dadweynaha" sida wakaaladaha wararka, raadiyowga, telefishanka, filimka, fiidiyowga, sawiradda, cartoonka, buugaagta, muyuusiga, iyo wax kasta oo loogu talo-galay isku xidhiidhinta wadareed (mass communication). Waxaanu rumaysanahay in Xeerkani yahay mid aad u balaadhan oo haddi aynu rabno in aynu nidaamino waxyaalahaas, waa in aynu sharciyou u gaar ah u samaynaa. Waxaa hadda wadanku si aad ah uu ugu baahan yahay xeer ku saabsan war baahinta cirka (broadcasting) si loo xorayo Idaacadaha iyo Telifishinada, lagan dhigo Idaacadaha dawladu leedahay qaar ka madax banaan dawlada. Uma baahnin hadda in aynu sii kordhino xakameynta fara badan ee hadanba lagu hayo xaqqa ra'yi dhiibashada.
  4. Qodobka 3aad ee Xeerkani wuxuu cadaynayaa sida ay laga marmaan u tahay in la sharfo, lana ixtiraamo xornimadda saxaaffadda Somaliland. Nasiib daro, Xeerka intiisa danbe waxa uu tilmaamayaa arrimo taas ku lid ah. Inkastoo Xeerkani uu soo jeedinayo ciqaabo faro badan oo lagu qaaadi karo saxaafadda, hadana waxba kama sheegayo sidii danbi loogu soo oogi lahaa cidii xad gudub ku samaysa xoriyadda saxaafadda iyo xuquuqda ama xornimada suxufiyiintaba.
  5. Qodobka 4aad waxaa uu isku dayayaa inuu soo koobo ujeedada guud ee saxaafadda. Waxay anaga nala tahay inaan loo baahnayn in sharci lagu xaqiijiyo ujeedada saxaafadda, maadaama aan si fudud loo soo koobi karin arintaas. Sida aynu ka warhayno saxaafaddu waxay doorar badan ka qaadataa kobcinta iyo horumarinta qaabka siyaasaddeed ee dimoqoraadiga ah. Sidaa darteed ma haboona in la samaysto liis kooban oo hadhow la odhan karo cidii wax liiskaa aan ku jirin samaysa talaabo sharci ah ayaa laga qaadi doonaa.
  6. Qodobka 6aad ee Xeerkani waxaa uu odhanayaa waa in saxaafadda oo dhan laga diiwaan galiyaa Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud iyo Wasaaradda War faafinta, waana in dhamaan saxaafada hadda waddanka ka jirta ay 90 cisho gudahood lagu diwaan galiyo. Diiwaan galintaasna waa in la cusboonaysiiya sanad walba. Taasna waxa ka sii xun in la yadhi ciddii aan is diwaangelin, hawl suxifinnimo ma gali karaan, go'aanada diiwaangalintana waxaa gownayaa xildhibaanadda Dawladda. Inksata oo ay sharciga caalamiga uu aqbali karo diiwaangelinta saxaafadda marka arrintaas uu gacanta ku hayo hay'ad dawladda ka madax banaaan, waxay anaga noola muuqataa in diiwaangalintan caynka ahi ay tahay mid xakameynaya saxaafada oo sharciyan loo arkay in uu ka soo hor jeeddu xaqqa ra'yi dhiibashada.
  7. Taas waxa raacsan in Qodobka 15 ee Xeerkani uu awood u siinayaa Xeer Ilaaliyaha Guud inuu joojiyo wax-soo-saarka saxaafad nooc kastaba, haddii uu tuhmo inay faafinayaan warar isagu ay latahay sharciga ma waafaqasana. Inkastoo Xeerku odhanayo Maxkamadda Sare (ama Maxkamadda Rafcaanka) waa in la geeyaa arintan 24 saacadood gudahood, haddana anaga waxay nala tahay in awoodan weyn ee la siinayo xildhidhibaan dawladeed ay aad u qalafsantahy, ayna haboon tahay in la diido dhaqan galintiisa. Xeerka Ciqaabta ayey haddanba ku jiraan dambiyo faro badan oo lagu oogi karo saxaafada, sharcigani wuxu ugu daraya awood weyn oo kale oo uu Xeer Ilaaliyuhu ku xaarantimeeyo suxufadda, int aanay waxba soo saarin.
  8. Qodabadda Xeerkan ee ku saabsan awooda saxaafaddu u leedahay inay gacan furan u helaan wararka ay doonayaan maaha qaar muran ka iman karo, waanan raacsanahay waajibaadka la saaray saraakiisha dowladda (Qodobka 19aad) si ay u gacmo furan ula sheeqeeyaan xubnaha saxaafadda. Waxaanay anaga noola muuqataa inay lagama maarmaan tahay in la sameeyo xeer dowladeed oo u ogolaanaya inay saxaafadda loo furo albaabadda dawladda, ee heer qaran iyo heer degaanba ah.
  9. Qodobka 8aad, fraqadda (5aad) wuxuu saxaafadda ka hor joogsanayaa inay fidiyaan warar loo arki karo inay ka soo hor jeedaan diinta iyo shareecadda islaamka iyo wararka loo arki karo inay yihiin dhinac gaar ka-soo-jeeda ama ah qaar la abuuray. Waano fahamsanahy ka hortaga arrimaha si cad oo aan muran laheyn uga soo horjeeda diinta islaamka, laakiin qodobaddan Xeerkan maaha mid cad, waxaanu keeni kara in si khalad ah loo fasiri karo. Tan kale, anaga nalama hagaagsana in la mamnuuco inay saxaafadda qaarkeed muujin karaan in ay taageero siinayaan fikrado gaar ah. Iyada oo aanu fahamsanahay in ay daruuri tahay in warbaaxinto ay noqoto mid wararka ay tabisa yihiin qaar miisaan iyo hubsiimo leh, waxa isweydiin leh wa ayo cidda ku haboon in ay go'aan ka gaadhi karto in war la tabiyay in uu yahay mid la abuuray iyo in kale. Tan kale, ma aragno wax khalad ah in ay lu jirto marka macluumaad gaar ah oo cabirayaa ra'yi gooni (editorials and opinions).
  10. Arimaha ku saabsan inay saxaafaddu soo bandhigto ilaha ay wararkooda ka soo xigteen, waxay anaga nala tahay in taas ay go'aanmin karto maxkamad oo kali ah, laakin waxaanu ka warwarsanahy in la soojeediyo in lagu qasbo saxaafad in ay sheegaan ilaha warakooda marka lagu tuhmo in ay danbi ka galeen dawlada ama qof gaar ah sida uu dhigayo qodobka 8(6). Anagu waxaanu aaminasanahay qodobka odhanaya "hay'adaha sharciga" ee aan Maxkamaddaha ahayn way weydiin karaan tifatiraha in uu sheegu ilaha warkiisa inay xadgudub ku tahay xaqa saxaafaddu xaq u leedahay in aan lagu qasbin in ay magacaabaan ilahooda.
  11. Qodobka 10aad wuxuu saxaafadda waajib kaga dhigayaa in aanay faafin war loo arki karo fal-dambiyeed ku lid ah nabadgelyada iyo xasilloonida, ama cay ku ah shaqsi/beel, ama iska hor keeni kara beelo, gobolo, ama xumayn kara xidhiidhka aynu la leenahay waddamadda jaarka inala ah. Waxaa Xeerka Ciqaabta ku yaala qodobo badan oo arrimahan ku saabsan. Sidaa darteed anagga nalama hagaagsana in dambiyo kale la soo kordhiyo. Taas waxaanu ku dareynaaba in hadda loo baahanyahy in dib loo eego Xeerka Ciqaabta oo laga saaro wax allaale wixii cunaqabateynya xorriyadda saxaafada. Mabaadiii'da iyo ilaalinta xuquuqda aadamaha aad iyo aad ayey u horumareyn tan iyo intii Xeerka Ciqaabta la qoray sanadihii Lixdameeyadii, laakin uu saldhig u ahaa kii Talyaaniga oo la soo saaray sanadiihii 1930kii. Tusaale ahaan waxa ka mid ah qodobada 451, iyo 452 ee Xeerka Ciqaabto oo ku saabsan cayda (insult), iyo sumcad dhawaca (defamation), iyo qodobada badan ee ku saabsan danbiyada laga gali karo xukuumada iyo masuuliyiinteeda oo uu ku jiraba Qodobka 268 oo danbi ka dhigaya cayda xildhibaanada dawladda. Addunka waa laysku raacay hadda in haddii saxaafado ay ku xadgudubto sumcada qof in aanay arrintaasi noqon mid loo cuskado xeerarka ciqaabata oo keeni kara xadhig ama ganaax ee ay noqoto mid xeeraka madaniga ah (civil laws) lagu xallilo.
  12. Waxaanu rumaysanahay oo nala hagaagsan in liistadan dheer ee ku saabsan dhaqanka saxaafada (Qodobka 13aad) loo baahnayn in lagu daro xeer dambi waxaas uu dhan ka dhigya. Waxaanu doorbidaynaa in saxaafaddu iskeed u daryeeli karto anshaxeeda iyo dhanqankeeda, dalkeenuna imika leeyhay ururo saxaafadeed oo arrimahaas qaban kara, korna u qaadidoona heerka dhaqankooda.
  13. Waxaa wax aad looga naxo lagana xumaado ah in qodobka 17aad ee Xeerkani soo jeedinayo sidii loo samayn lahaa guddi faaf-reeb "censorship" ku samaysa warbaahinta waddanka soo gasha. Guddigaas faaf-reebka oo ka koobnaan doonta saraakiil ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta, Wasaaradda Diinta, tan Dibedda iyo xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud. Guddigaasi waxay awood wayn u yeelan doontaa diidida ama ogolaanshaha soo galinta waddanka saxaafadda waddamo kale ka iminaysa. Siday anaga noola muuqato, abuuritaanka guddi awood caynkaasi lihi waa tii dhici jirtay xiligii dalkeena uu ka jiray nidaamkii kaligii-taliska ahaa, lagamana heli karo kaas oo kale dunida xorta ah. Faqraddani kuma jirin Xeerkan markii hore ee lasoo bandhigay, mid la simanina kuma jirto xita Xeerka Itoobiyanka. Sharciga caalimaga ah ee xuquuqda ra'yi dhiibashada, kuma eka dhiibashadda aara'da oo keliya ah ee wuxu kaloo kafaalo qaada helista aara'da.
  14. Sidaanu hore u cadaynay, aad iyo aad baanu ugu hor jeednaa in la ganaaxo saxaafadda sida qodobka 20aad ee Xeerkani odhanayo. Waxay anaga noola muuqataa in qodobkani aanu hagaagsaneen oo yahay mid wax u dhimaya madax banaanida saxaafadda. Waxaa kale oo aanu ka hor jeednaa qodobka 20(6) ee odhanayaa waxaa suxufiyiinta shaqaddooda laga fadhiisin karaa muddo saddex ilaa lix bilood ah.
  15. Waxaanu idin xusuusinaynaa in Somaliland ay aqbashay sharciyadda caalamiga ah ee ku saabsan xorriyada ra'yi dhiibashada, gaar ahaan Qodobka 19aad ee Baaqa Caalimiga ah ee Xuquuqda Aadamiga, iyo ka caalimga ku saabsan xuquuqda siyaasada iyo madaniga, iyo kan Afrikaanka ee ku saabsan xuquuda aadimiga ah. Sidaas darteed waxaanu rumaysanahay in xakamaynta saxaafadda Somaliland waxay xadgudub ku tahay xuquuqda saxafiyiinta, waxayna tahay diidmo loo diidayo in ummadda reer Somaliland ay helaan ama fidiyaan wararka ay xaqa u leeyihiin oo ay isticmaalaan warbaahintooda.
  16. Ugu danbayn, waxaanu rajaynaynaa inaanu aragno Dowlada Somaliland oo horumarinaysa xornimadda iyo madax banaanida saxaafadda, oo aanay ku mashquulsanaan cabudinta iyo deminta iftiinka saxaafada ee gayigeena ka hana qaaday. Waxaana aanu ugu baaqaynaa Mudanayaasha Golaha Wakiiladu ee sharaft leh inay diidaan isna hortaagaan Xeerkan cusub ee saxaafada.

Somaliland Forum