DASTUURKA JAMHUURIYADDA SOMALILAND
Tusmada Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland
Qaybta laad
Xubinta laad
Tilmaanta Guud
1- Qod. laad: Qaranka Jamhuuriyadda Soomaaliland
2- Qod. 2aad: Dalka Jamhuuriyadda Soomaaliland
3- Qod. 3aad: Magaalo-madaxda
4- Qod. 4aad: Jinsiyadda
5- Qod. 5aad: Diinta
6- Qod. 6aad: Afka
7- Qod. 7aad Calanka, Astaanta iyo Heesta Qaranka
Xubinta 2aad
Mabaadi'da Guud
8- Qod. 8aad: Sinnaanta Muwaadiniinta
9- Qod. 9aad Nidaamka Siyaasadeed
10- Qod.l0aad Xidhiidhka Debedda
11- Qod. 1laad: Dhaqaalaha Dalka
12- Qod. l2aad: Hantida Guud, Khayraadka Dabiiciga ah iyo Wax soo-saarka Wadaniga ah
13- Qod. l3aad: Baananka
14- Qod. l4aad: Cashuuraha Takaaliifta iyo Ribada
15- Qod. l5aad: Waxbarashada Dhallinyarada iyo Isboortiga
16- Qod. l6aad: Horumarinta Cilmiga iyo Suugaanta Hiddaha iyo Dhaqanka
17- Qod l7aad: Caafimaadka
18- Qod l8aad: Deegaanka iyo Wax-ka-qabashada Aafooyinka
19- Qod. l9aad: Daryeelka Qaybaha Bulshada Baylahsan
20- Qod. 20aad: Shaqada, Farsamada, Daryeelka iyo Badbaadinta Shaqaalaha
Xubinta 3aad
Xuquuqda Qofka, Xorriyaadda Asaasiga ah iyo Waajibaadka Saaran Muwaadinka
21- Qod. 2laad: Hirgelinta iyo Fasiraadda
22- Qod. 22aad: Xuquuqda Siyaasadeed, Dhaqaale, Bulsho iyo Xaqa Doorashada
23- Qod. 23aad: Xorriyadda Dhaq-dhaqaaqa iyo Is-abaabulka
24- Qod. 24aad: Xaqa Nolosha, Nabadgelyaynta Jidhka, Xurmaynta Magac-samida iyo Dambiyada laga galo Xuquuqda Aadamiga
25- Qod. 25aad: Xaqa Xorriyadda Dammaanad Qaadka iyo Shuruudaha Xuquuqda iyo Xorriyaadka
26- Qod. 26aad: Ciqaab iyo Dembi
27- Qod. 27aad: Xuquuqda Qofka Xorriyadda laga qaaday
28- Qod. 28aad: Xaqa Dacwadda iyo lsdifaaca
29- Qod. 29aad: Xurmaynta Hoyga
30- Qod.30aad: Xorriyadda Isgaadhsiinta
31- Qod 3laad: Xorriyadda Lahaanshaha Hanti-gaarahaaneed.
32- Qod. 32aad: Xorriyadda Bannaan-baxa iyo Ra'yi Dhiibashada, Saxaafadda iyo War-baahinta Kale
33- Qod. 33aad: Xorriyadda Caqiidada.
34- Qod. 34aad: Waajibaadka Muwaadinka iyo Ciqaabta Gudasho La'aanta
Waajibaadka
35- Qod. 35aad: Isu Celinta Eedaysanayaasha Ama Dembiilayaasha iyo
Magangelinta Siyaasadeed .
36- Qod. 36aad: Xuquuqda Haweenka
Qaybta 2aad
Qaab-dhismeedka Qaranka
37- Qod. 37aad: Awoodda iyo karaamada Qaranka
Xubinta laad
Waaxda Xeer Dejinta
38- Qod. 38aad: Baarlamaanka iyo Fadhiyada Wada Jirka ah
Golaha Wakiilada
39- Qod. 39aad: Tilmaanta Guud ee Golaha
40- Qod. 40aad: Tirada Golaha iyo Doorashadusa
41- Qod. 4laad: Shuruuradaha Qofka lsu Taagaya Doorashada
42- Qod. 42aad: Muddada Xilka iyo Xilliga Doorashada
43- Qod. 43aad: Xarunta Golaha
44- Qod. 44aad: lsugu Yeedhidda Goloha Cusub
45- Qod. 45aad: Fadhiyada Golaha Wakijiada
46- Qod 46aad: Kal-fadhiyada iyo Habaynta Golaha Wakiilada
47- Qod. 47aad: Mushaharka iyo Gunnada Golaha Wakiilada
48- Qod. 48 aad: Reebbanaanta Qabashada Xil Kale
49- Qod. 49aad: Dhawrsanaanta Xubinta Golaha Wakiilada
50- Qod. 50aad: Waayidda Xubinimada Golaha Wakiilada
51- Qod. 5laad: Buuxinta Jagada Golaha Wakiilada
52- Qod. 52aad: Shaqaalaha Golaha Wakiilada
53- Qod. 53aad: Awoodda iyo Waajibaadka Golaha Wakiilada
54- Qod. 54aad: Awoodda Xeer-dejinta ee Golaha Wakiilada
55- Qod. 55aad: Miisaaniyadda
56- Qod. 56aad: Kala Diridda Golaha Wakiilada
Xubinta 2aad
Golaha Guurtida
57- Qod. 57aad: Tilmaanta Guud ee Golaha Guurtida
58- Qod. 58aad: Doorashada Xubinta Golaha iyo Muddada Xilka
59- Qod. 59aad: Shuruudaha Qofka bo Dooranayo Golaha Guurtida
60- Qod. 60aad Tirada Golaha Guurtida
61- Qod. 6laad: Awoodda iyo Waajibaadka Golaha Guurtida
62- Qod. 62aad: Fadhiga ugu Horeeya ee Golaha Guurtida
63- Qod. 63aad: Xoghayaha Golaha iyo La-taliyayaal
64- Qod.64aad: Xeer-hoosaadka Golaha
65- Qod. 65aad: Mushaharka iyo Gunnada Golaha Guurida
66- Qod. 66aad: Dhawrsanaanta Xubinta Golaha Guurtida
67- Qod. 67aad: Shaqo-ka-tegidda Xubinta Golaha Guurtida
68- Qod. 68aad: Waayidda Xubinimada Golaha Guurtida
69- Qod. 69aad: Kala-diridda Golaha
70- Qod. 70aad: Reebbanaanta Qabasho Xil kale iyo uga Faa’iidaysiga XiIka Dano Gaar ah
71- Qod.7laad: Fadhiyada iyo Kal-fadhiyada
72- Qod. 72aad: Bannaanaanshaha Jagada Golaha Guurtida iyo soo Buuxinteeda
73- Qod. 73aad: Xarunta Golaha Guurtida
74- Qod. 74aad: Soo Bandhigidda Mashruuc-Sharci
75- Qod. 75aad: Soo-saaridda, Faafinta iyo Dhaqan-gelinta Xeerka
76- Qod. 76aad: Mashruuc-sharci
77- Qod. 77aad: Habka loo Raaco Xeer-dejinta
78- Qod. 78aad: Mashruuc-sharci kasta aan ahayn kuwa Maaliyadda
79- Qod. 79aad: Eedaynta Xubnaha Golayaasha
Qaybta 3aad
Waaxda Fulinta
Xubinta laad
80- Qod. 80aad: Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka
81- Qod. 8laad: Waaxda Fulinta
82- Qod. 82aad: Shuruudaha Qofka loo Dooranayo Madaxweyne ama Madaxweyne-Ku-xigeen
83- Qod. 83aad: Habka Doorashada
84- Qod. 84aad: Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha
85- Qod. 85aad: Waxyaabaha ka Reebban Madaxweynaha
iyo Madaxweyne Ku-xigeenka
86- Qod. 86aad: Bannaanaanta Jagada iyo Habka uu Madaxweynuhu ama Madaxweyne Ku-xigeenku Xilka uga Tegi karo
87- Qod. 87aad: Mushaharka iyo Gunnada
88- Qod. 88aad: Muddada Xilka
89- Qod. 89aad: Habka Buuxinta Jagada Bannaanaatay
Xubinta 2aad
90- Qod. 90aad: Awoodaha Madaxweynaha
91- Qod. 9laad: Awoodaha Madaxweyne Ku-xigeenka
92- Qod. 92aad: Awoodaha kale ee Madaxweyne ee La Xidhiidha Xeerarka Degdegga ah.
93- Qod. 93aad: Hab-maamuuska Madaxda Sare ee Qaranka
94- Qod. 94aad: Golaha Wasiirada
95- Qod. 95aad: Sii-haynta Xilka
96- Qod. 96aad: Eedaynta iyo Maamuus-ka-Xayuubinta Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Wasiirada
Qaybta 4aad
Xubinta laad
Waaxda Garsoorka
97- Qod. 97aad: Waaxda Garsoorka
98- Qod. 98aad: Awoodda Garsoorka u Gaarka ah
99- Qod. 99aad: Dhismaha Garsoorka
100- Qod.l00aad: Maxkamadaha
101- Qod. 101 aad: Maxkamadda Sare
102- Qod.l02aad: Maxkamadaha Hoose
103- Qod. 103aad: Xeer-ilaalinta
104- Qod. 104aad: Maxkamadaha Ciidamada iyo Xeer-ilaalintooda
105- Qod. 105aad: Magacaabidda Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Garsoorayaasha Maxkamadda Sare
106- Qod. 106aad: Xidhiidhka Hay'adaha Garsoorka iyo Wasaaradda Cadaaladda
Qaybta 5aad
Qodobo kala duwan
Xubinta laad
107- Qod. 107aad: Guddida Cadaaladda
108- Qod. 108aad. Hawsha Guddida Cadaaladda
Xubinta 2aad
109- Qod. 109aad: Qaab-dhismeedka Dalka
110- Qod. 110aad: Maamuulka Gobollada iyo Degmooyinka
111- Qod. 11laad: Golayaasha Gobollada iyo Degmooyinka
112- Qod. 1 l2aad: Baahinta Awoodda Maamulka
Xubinta 3aad
113- Qod. 113aad: Hay'adaha Dawadda ee Gaarka ah
114- Qod. I l4aad: Magacaabista iyo XiI-ka-Qaadista Madaxda Hay’adaha
115- Qod. 115aad: Guddida Culimada iyo Waajibaadka Guddida
116- Qod. ll6aad: Tirada Guddida iyo Muddada Xilka
117- Qod. 1l7aad: Shuruudaha Xubnaha
118- Qod. 1l8aad: Waxyaabaha ka Reebban Xubnaha
119- Qod. ll9aad. Magacaabidda Xubnaha Guddida Culimada
120- Qod. l20aad. Bannaanaanshaha Xubinimada Guddida Culimada
121- Qod. l2laad: Mushaharka iyo Gunnada
122- Qod. l22aad. Xeerka Hay'adaha
Xubinta 4aad
123- Qod. l23aad: Mabaadi'da Ciidanka Qaranka
124- Qod. l24aad: Ciidamda Booliska iyo Asluubta
125- Qod. l2Saad: Diyaarinta Xeerka Aftida iyo Magacaabidda Guddida Qabanqaabinta Aftida
126- Qod. l26aad: Wax-ka-beddelka iyo Kaabidda Dastuurka
127- Qod. l27aad: Xuduudda Wax-ka-Bedelka iyo Kaabidda Dastuurka
128- Qod. l28aad: Saldhigga iyo Sarraynta Dastuurka
129- Qod. l29aad: Dhaarta Dastuuriga ah
130- Qod. l30aad: Dhaqan-gelinta Dastuurka iyo Qodobada kala guurka
Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland
BISMILLAHI AL-RAXMANI AL- RAXIIM
ARAR
IYADOO UU AYIDSAN YA HAY go'aamaddi Shirkii Beelaha Somaliland ee Burco ee 27dii April ilaa 5tii May 1991kii ee lagula soo noqday madax-bannaanida laga soo bilaabo 18 May, 91kii;
IYADOO UU KA SHIIDAAL QAADANAYO Shirweynihii Guurtida Beelaha Somaliland ee Boorame ee 24kii Jeniwary ilaa 25kii May 1993kii ee lagu guddoonsaday Axdiga Qaranka, kaas oo:
- Waajibeyey in muddada kala guurka ah Ia diyaariyo, aftina loo qaado Dastuur Qaran oo beddela Axdiga Qaranka.
- Si cad u taabtay mabaadi’da Dastuurka iyo qaab-dhismeedka Dawladda lyada oo uu ku qanacsan yahay xaqa aan cidina ka duudsiyi karin ee uu u lee yahay aaya-katashigiisa.
IYADOO UU WAAYQ-ARAG U YAHAY cawaaqib xumada Dastuuraan ku salaysnayn caqiidada, dhaqanka /yo doonista ummadda ee lagu soo maamulayey muddo soddon sannadood ah;
IYADOO UU WAAYO-ARAG U YAHAY cidhib-xumada iyo dhibaatada xukunka ku dhisan talo-maroorsiga iyo keli-talisnimada ee dalku ku soo jiray muddo ka badan labaatan sannadood, kana feejigan dib-u-soo noqoshada xukun noocaas ah;
IYADOO UU XUSUUSAN YAHAY halgammadii isdaba jooga ahaa ee shacbiga sida kii Daraawiishta, Culimada Dunta, iyo Axsaabta;
IYADOO UU MAANKA KU HAYQ halgankii kululaa ee isbahaysigii ururka SNM hogaaminayey u soo maray dib-ula-soo noqoshada madax bannaanida ee loo huray naf iyo maalba si loo helo nidaam dawladeed oo ummadda nasteex u ah;
IYADOO UU HIGSANAYO dawladnimo ummadda wada deeqda, oo Ia mahadiyo, kuna dhisan sinnaan iyo caddaalad;
IYADOO UU YAQINSAN YAHAY in lagu gaadhi karo degganaansho iyo xasillooni waarta, is-waafajinta Ia is-waafajiyo dhaqan-maamuleedka dalka iyo caqiidada ummadda;
IYADOO UU AAMINSAN YAHAY in ummadda Somaliland tahay qoys wax walba wadaaga sida Diinta, dhaqanka, caadooyinka iyo afka, wax ay ku kala duwan tahay sinaba ujirin, diyaarna u tahay in ay wada dhisato dawlad ay u siman tahay;
IYADOO UU OGSOON YAHA Y in diyaarinta Dastuurku soo martay marxalado /yo gudd/yo kala duwan, oo ay ka mid ahayd guddidii isku-soo-dubbarididda Dastuurka ee Shirweynihi 3aad u xilsaaray isku shaandhaynta labadii nuqul taariikhdii 26/11/96, uguna dambaysay kaabiddii /yo wax-ka-beddelkii Dastuurka ee labada Gole Baarlamaan taariikhdiisu ahayd 30 ApriI 2000, laguna saleeyey arrimaha soo socda:
b. Shareecada Islaamka.
t. Go'aan qaadasho ku timaadda talo-wadaag.
j. Isu-dheellitirrnaanta awoodda dawladnimo oo u qaybsanta; Sharci-dejinta, Fulinta iyo Garsoorka.
x. Baahinta iyo hoos-u-daadejinta maamulka Xukuumadda (Decentralisai/on).
kh. Darnmaanad-qaadista lahaanshaha gaar ahaaneed iyo xaq dhowridda suuqa xorta ah.
d. Qiimo-weynida nolosha qofka oo Ia imanaysa sugidda xuquuqda asaasiga ah iyo xorriyadaha qofka.
e. Nabadgelyo iyo habsami kula dhaqanka dawladaha gobolka iyo adduunweynaha.
IYADDO UU SI FIICAN U DHUUXAY laf iyo ludba ararta iyo mucda Dastuurka:
Shacbiga Somaliland waxa uu halkan ku oggolaaday maanta oo taariikhdu tahay ---------
isagoo adduunweynaha halkan ugu caddaynaya inuu Dastuurkan ka dhigtay Dastuurkiisa Qaran.
Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland
QAYBTA KOWAAD
TILMAANTA QARAN, MABAADI'DA GUUD &
XORRIYAADKA ASAASIGA AH
XUBINTA IAAD
TILMAANTA GUUD
QODOBKA 1AAD
QARANKA JAMHUURIYADDA SOMALILAND
1. Dalkii Maxmiyadda ahaa ee 26kii Juun 1960kii gobanimadiisa ka qaatay Boqortooyadii Midowday ee Ingiriiska iyo Waqooyiga Ayrland (United Kingdom of Great Britain and Northern Ireland), lana odhan jiray Maxmiyadda Somaliland, kuna biiray Soomaliya 1dii July l960kii si ay u wada curiyaan Jamhuuriyadda Soomaaliya [Somali Republic] ee kula soo noqday gooni-isu-taagiisa Go'aankii Shirkii Beelaha Somaliland ee Burco 27kii April ilaa 15 May l99lkii, waxa uu halkan ku noqonayaa sida waafaqsan Dastuurkan dal madax bannaan oo leh xaqa iyo karaamada Qaranimadusa, kuna magacaaban “Jamhuuriyadda Somaliland”.
2. Awoodda iyo karaamada Qaranimada waxa leh shacbiga; wuxuuna u adeegsanayaa si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka kale.
QODOBKA 2AAD
DALKA JAMHUURIYADDA SOMALILAND
1. Dalka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu fidsan yahay bed (Area) ahaan dalkii Ia odhan jirey Maxmiyadda Somaliland oo tilmaan ahaan ku yaalla dhigaha (Latitude) 50 ilaa 110 30' Waqooyiga Dhulbadhaha iyo loolka (Longtitude) 420 45' ilaa 490 Bariga; waxaanay soohdimihiisu ka kooban yihiin berriga1 jasuradaha, biyaha gobolleed, dhulka iyo badaha hoostooda, hawada sare iyo xeebleyda (Continental shelf).
2. Jamhuuriyadda Somaliland waxay xad Ia wadaagtaa dhinaca Waqooyi Gacanka Cadmeed; dhinaca Bari Soomaaliya; dhinaca Koonfureed iyo dhinaca Galbeed Jamhuuriyadda Federaalka ah ee ltoobiya; dhinaca Waqooyi Galbeed Jamhuuriyadda Jabuuti.
3. Dhulka Qaranku waa muqaddas; waana laguma xad gudbaan.
QODOBKA 3AAD
MAGALO-MADAXDA
Magaalo-madaxda Jamhuuriyadda Somaliland waa Hargeysa.
QODOBKA 4AAD
JINSIYADDA
1. Qof kasta oo u dhashay Somaliland, kana issirran dadkii deggenaa dalka
Somaliland 26kii Juun 1960k iyo ka hor, waxa loo aqoonsanayaa muwaadin
Somaliland.
2. Xeer baa caddaynaya sida lagu heli karo ama laga waayi karo jinsiyadda Somali land.
QODOBKA 5AAD
DIINTA
1. Diinta Qaranka Somaliland waa Diinta lslaamka; waxaana geyiga Somaliland ka reebban faafinta diin aan ahayn Diinta lslaamka.
2. Xeerarka dalka waxaa laga qaadanayaa Shareecadda lslaamka; waxaana reebban wixii xeer ah ee ka soo horjeeda.
3. Dawladdu waxay oogaysaa shacaa'irta dimiga ah (umuurta Diinta); waxaanay fulinaysaa axkaamta Shareecadda. Sidoo kale waxay ka hortegaysaa fisqiga iyo anshax- xumada.
4. Tirsiga taariikhda waxa laga raacayaa tan lslaamiga ah ee Hijriyada iyo tan Miilaadiyada ah.
QODOBKA 6AAD
AFKA
I. Afka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waa Af-Soomaaliga; afka labaadna waa Af- Carabiga.
2. Afafka kale waxa loo adeegsan karaa wixii looga maarmi waayo.
QODOBKA 7AAD
CALANKA, ASTMNTA & HEESTA QARANKA
1. Calanka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu ka kooban yahay saddex midab oo isle'eg oo ballaadh u goglan. Midabka sare waa Doog, dhexdiisana ay ku qoran tahay Laa-llaaha llla-Lahu Muxamedu Rasuul-Allaah oo Far-Carabi ah, oo midab cad ah; midabka dhexe waa caddaan ay badhtanka kaga taallo xiddig madow oo shan geesley ah, madaxyo simanna leh; midabka hoose waa casaan saafi ah.
2. Astaanta Qaranku waa Galaydh Bunni ah oo ay laabta kaga qoran tahay "ALLAAHU AKBAR" oo Far Carabi ah; kuna taagan laba gacmood oo is-gacan qaadaya, miisaana ka sarreeyo ay labadusa kafadood hareeraha Galaydhka ka laalaadaan. Laba caleemood oo doog ah ayaa hoosta iyo hareeraha kaga wareegsan Galaydhka; labada caleemood baarkooda inta u dhaxaysa waxa ku qoran "Bisinka" oo Far Carabi ah.
3. Heesta Qaranku waa mid muujinaysa bartilmaameedyada Dastuurka, caqiidada ummadda, hab-dhaqmeedka wadatashi; waxanay yeelanaysaa miyuusik u gaar ah oo ka duwan kuwa dalalka kale; waxaana lagu soo saarayaa xeer.
4. Wax-ka-beddelka ama bedelaadda calanka, astaanta, iyo heesta qaranka, waxa jidaynaya go'aan Golaha Wakulada.
XUB1NTA 2AAD
MABAADI'DA GUUD
QODOBKA 8AAD
SINNANTA MUWAADINIINTA
1. Muwaadiniinta Somaliland iyadoon lagu kala saarayn midabka, qabiilka, dhalashada, luqada, lab iyo dhedig, hantida, mudnaanta, afkaarta iwm, waxay sharciga hortiisa ku leeyihiin xuquuq iyo waajibaad siman.
2. Kala sarraynta iyo takoorka ku salaysan issirka, abtirsiga, dhalashada iyo deegaanku waa reebban yihiin, isla markaa barnaamijyada lagu cidhib tirayo dhaqamada xunxun ee 500 jireenka ah waa waajib Qaran.
3. Ajaanibka dalka Somaliland sharci ku jooga waxay xeerka hortusa ku leeyihiin xuquuq iyo waajibaad la siman tan muwaadiniinta, oo ay ka reebban tahay xuquuqda siyaasiyiga ah ee muwaadiniinta u gaarka ah.
QODOBKA 9AAD
NIDAAMKA SIYMSADEED
1. Nidaamka siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa saldhig u ah nabad, talo-wadaag, dimuqraadiyad iyo hannaanka xisbiyada badan.
2. Tirada xisbiyada siyaasiga ah ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland kama badnaan karaan saddex (3) xisbi.
3. lyada oo xeer gaar ahi habayn doono qaabka loo furan karo xisbi siyaasi ah, waxaa reebban in xisbi lagu dhiso gobollaysi iyo qabyaalad.
QODOBKA 10AAD
XIDHIIDHKA DIBEDDA
1. Jamhuuriyadda Soomaaliland waxay dhawraysaa heshiisyadii ay Dawladdii hore 1o odhan jiray Soomaaliya la gashay shirkad ama dawlad shisheeye, haddii aanu ka hor imanayn danta iyo maslaxadda Jamhuuriyada Soomaaliand.
2. Jamhuuriyadda Soomaliland waxay aqoonsan tahay, kuna dhaqmaysaa Axdiyada Qaramada Midoobay iyo Qaanuunka Dawliga ah; waxa kale oo ay xurmaynaysaa Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamiga {Universal Declaration of Human rights}.
3. Jamhuuriyadda Soomaaliland waxay aaminsan tahay mabaadi'ida aayo-ka-talinta ummadaha adduunka.
4. Waxay aaminsan tahay in khilaafaadka siyaasiga ah ee abuurma lagu xallilo dariiq nabadeed iyo wada-hadal; waxay dhawraysaa jiritaanka soohdimaha dalalka kale.
5. Waxay ku dadaalaysaa in colaaddii raagtay oo dhex ooli jirtay dalalka Geeska Afrika lagu beddelo is af-garad iyo isku soo dhawaansho.
6. Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waa Jamhuuriyad xor ah oo ka mid ah Ummadda Carbeed, Shucuubta Afrika iyo Caalamka lslaamka; sidaas daraadeed, waxay ku dadaalaysaa siday ugu bun lahayd Jimciyadda Qaramada Midoobay, Ururka Midnimadda Afrika, Jaamacadda Carabta iyo Ururka Dawladaha lslaamka.
7. Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay ka soo horjeeddaa falalka argagaxis-nimada iwm, ujeeddo kasta ha lahaadeene.
QODOBKA 11AAD
DHAQMLAHA DALKA
1. Si loo xaqiijiyo kobcinta wax-soo-saarka, kor-u-qaadidda heerka nolosha, abuuridda goobo shaqo, iyo guud ahaan horumarinta dhaqaalaha dalka, Dawladdu waxay dejinaysaa siyaasadda guud ee dhaqaalaha, oo ku salaysan mabaadi'da suuqa xorta ah iyo is-garabsiga hantida gaar ahaaneed; hantid wadareed, hantida Qaranka iyo maalgelinta shisheeyaha.
2. lyadoo la dhawrayo inaanu habka dhaqaale noqonin mid horseeda in barwaaqadu ku koobnaato ama ku ururto koox ama dad tiro yar, si aanay u dhalan dabaqado dhaqaale oo ka kooban kuwo wax haysta iyo kuwo aan wax haysan; si aanay u balaadhan farqiga dhaqaale ee u dhaxeeya reer magaalka iyo reer miyiga, waxa Dawladda Jamhuuriyada Somaliland xaqiijinaysaa in adeegyada bulsho iyo fursadaha dhaqaale si cadaalad iyo sinnaan ah loo qaybiyo.
3. Maal-gelinta shisheeyaha ee dalka gudahiisa Dawladdaa damaanad qaadaysa; xeer baana lagu nidaaminayaa.
QODOBK 12AAD
HANTIDA-GUUD, KHAYRAADKA DABIICIGA AH
IYO WAX-SOO-SAARKA WADANIGA AH
1. Dhulku waa hanti guud oo ka dhaxeeya Ummadda; mas'uuliyadiisana Dawladdaa leh.
2. Daryeelka iyo ilaalinta maalka iyo awqaaffa iyo hantida guud waa waajib saaran Dawladda iyo muwaadiniinta, waxaana geexaya xeer.
3. Xukuumaddu waxay awood u leedahay may yeelato, gacanta ku hayso, hantiguurto ama ma-guurto ah, may ubsato, ubiso, kiraysato, kirayso, ku bedelato qiimo u dhigma ama ku samayso hantidaas tasaruf kasta oo sharciga waafaqsan.
4. Khayraadka dabiiciga ah ee dalka waxaa mas'uul ka ah Dawladda-dhexe, waxaanay qaadaysaa tallaabo kasta oo suurta gal ah si loo baadho, loogana faa'iidaysto khayraadka ku jira berriga iyo badda dalka. llaalinta khayraadka dabiiciga ah iyo sida ugu habboon ee looga faa'iidaysan karo xeer ayaa qeexaya.
5. Hantida guud ee lahaanshaheeda ama ka faa'iidaysigeeda loo baahdo in Ia wareejiyo waxay ku wareegi kartaa si xeerka waafaqsan.
6. Dawladdu waxay dhiirri-gelinaysaa wax-soo-saarka wadaniga sida beeraha, xoolaha nool, kalluunka, macdanta, faleenka, xabagta iyo warshadaha ku shaqeeya wax-soo-saarka wadaniga ah.
7. Sekadu waa rukun lslaamiya, habaynteedana waxaa caddaynaya xeer-gaar ah.
QODOBKA 13AAD
BAANANKA
Dawladdu waxay yeelanaysaa Baan dhexe oo hoggaamiya siyaasadda iyo ilaalinta Lacagta Dalka. Waxa kale oo Ia suurto-gelinayaa furitaanka Baanan ganacsi iyo horu-marineed iyada oo mudnaanta Ia siinayo kuwa gaar-ahaaneed.
QODOBKA 14AAD
CASHUURAHA, TAKAALIIFTA & RIBADA
1. Waajibinta cashuuraha iyo wixii takaaliif ah waxa loo eegayaa danta iyo maslaxadda bulshada. Sidaa darteed, cashuur ama takaaliif aan xeer jidayn lama qaadi karo.
2. Curinta, dhaafidda iyo wax ka beddelka cashuuraha iyo wixii takaaliif ah ee kale xeer ayaa jidaynaya.
3. Ribada iyo macaamilooyinka ganacsi ee dhib u leh bulshada iyo ku xoolaysiga sifo aan sharci ahayni way reebban yihiin.
QODOBKA 15AAD
WAXBARASHADA, DHALLINYARADA
IYO ISBOORTIGA
1. Dawladdu waxay mudnaan gaar ah siinaysaa horumarinta, ballaadhinta iyo faafinta cilmiga iyo tacliinta, iyadoo u aragta inay waxbarashadu tahay maalgelinta ugu habboon ee kaalinta ugu weyn ka qaadan karta horumarinta siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho.
2. Waxbarashadu waa mid u danaynaysa dadweynaha, kuna habaysan waayaha iyo deegaanka gaar ahaaneed ee bulshada Somaliland.
3. Barashada iyo tarbiyadda Diinta lslaamku waa dariiqad asaasi ah; dhammaan heerarka waxbarashadana waa ku khasab, isla markaana horumarinta dugsiyada Qur'aanku waa waajib saaran Dawladda.
4. Muwaadiniinta iyo shisheeyaha dalka deggeni waxay furan karaan dugsiyo iyo barnaamijyo waxbarasho iyo tababaro oo heer kasta ah oo waafaqsan xeerka warbarashada.
5. Dawladdu waxay mudnaanta koowaad siinaysaa waxbarashada asaasiga ah; waxaanay u hawl galaysaa in gobollada iyo degmooyinka lagu baahiyo waxbarashada asaasiga ah.
6. Cidhib tirka akhris-qoris la'aanta iyo waxbarashada dadka waaweyni waa waajib ummadeed waana in shacab iyo Dawladba awood Ia isugu geeyo fulinta waajibkaas.
7. Siyaasadda Qaran ee waxbarashada asaasiga ahi waa lacag la'aan.
8. Si dhallinyarada loogu xaqiijiyo koritaanka jidhka iyo maskaxda oo caafimaad qaba, korna loogu qaado barbaarintooda iyo dareenkooda Dawladdu waxay ahmiyad gaara siinaysaa horumarinta iyo dhiiri-gellinta ciyaaraha jidhka iyo isboortiga, kuwaas oo loo aqoonsan doono maadooyinka asaasiga ah oo ka mid ah manhajka waxbarashada dugsiyada dawladda iyo kuwa kale.
QODOBKA 16AAD
HORUMARINTA CILMIGA, SUUGAANTA,
HIDDAHA IYO DHAQANKA.
1. Dawladdu waxay horumarinaysaa cilmiga iyo suugaanta; waxayna dhiirigelinaysaa hal-abuurka iyo cilmi-baadhista.
2. Xuquuqda qoraalka, hal-abuurka iyo hindisaha xeer ayaa caddaynaya.
3. Dawladdu waxay horumarinaysaa hiddaha iyo dhaqanka suubban ee bulshada iyada oo isla markaa laga faa'iidaysanayo aqoonta bulshada adduunka. Waxa si gaar ah loo dhiirri gelinayaa fanka, suugaanta iyo ciyaaraha wadaniga ah, iyadoo Ia dhawrayo aadaabta lslaamka.
4. Dawladdu waxay horumarinaysaa hiddaha iyo dhaqanka suubban ee bulshada, waxayna tirtiraysaa caadooyinka wax u dhimaya Diinta, horumarka, dhaqanka iyo caafimaadka bulshada. Samaynta khamriga iyo beerista ama ka ganacsiga iyo isticmaalka maandooriyuhu geyiga Somaaliland way ka reebban yihiin.
QODOBKA 17AAD
CAFIMAADKA
1. Dawladdu iyadoo fulinaysa siyaasadda daryeelka caafimaadka guud, waxa waajib ka saaran yahay ka-haqab-tirka dalka qalabka ka-hortagga cudurrada faafa, helitaanka daaweyn lacag Ia'aan ah iyo daryeelka fayo dhawrka guud.
2. Dawladda waxa xil ka saaran yahay horumarinta iyo baahinta adeegyada caafimaadka iyo xarumaha daryeelka caafimaadka ee gaarka ah.
QODOBKA 18AAD
QABASHADA MFOOYINKA
1. Dawladdu waxay mudnaan gaar ah siinaysaa ilaalinta iyo fayo-qabka deegaanka oo asaas u ah caafimaadka bulshadda iyo dhawrista khayraadka dalka. Sidaas darteed, habdhaqanka iyo waxyeelada loo gaysto deegaanka xeer ayaa qeexaya.
2. Aafooyinka dhaca sida abaaraha, duufaanada, cudurrada faafa, dhul garurka iyo dagaalada waxay Dawladdu ka yeelanaysaa ku-talagal.
QODOBKA 19AAD
DARYEELKA QAYBAHA
BULSHADA BAYLAHSAN.
Dawladdu waxay xil iska saaraysaa caafimaadka, daryeelka, xannaanada iyo waxbarashada hooyada, dhallaanka, naafada cid xannaanaysa aan lahayn iyo dadka aan xiskoodu dhammayn ee aan lahayn awood iyo cid kafaalaqaada.
QODOBKA 20AAD
SHAQADA, FARSAMADA, DARYEELKA
IYO BADBADINTA SHAQAALAHA
1. Shaqadu waa xaq uu leeyahay kuna waajib ah, muwaadin kasta oo gudan kara. Sidaas darteed, dawladdu waxay xil iska saaraysaa shaqo abuuris iyo tayaynta tababarada shaqaalaha.
2. Ka shaqeysunta carruurta, haweenka, shaqeynta saacadaha habeenimo iyo goobaha shaqada, fasaxyada iyo saacadaha shaqada waxaa qeexaya Xeerka Shaqada.
3. Shaqaaluhu waxay xaq u leeyihiin mushahar u dhigma hawsha ay qabtaan, waxayna qof ahaan ama urur ahaanba gorgortan Ia geli karaan loo shaqeeyaha, waxana reebban shaqada oo Ia isku khasbo.
4. Dawladdu waxay ku dadaalaysaa in ay ka dhex abuurto shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha is-afgarad iyo xaqsoorid iyada oo sidaas xeer ku soo saaraysa.
5. Shaqaalaha dawladdu iyo xubnaha ciidamada qalabka sida waxay xaq u Ieeyihiin gunnada hawl-gabka iyo kaalmada bukaanka ama shilka iyo kaalmada qofka naafooba oo xeerka waafaqsan.
6. Dawladdu waxay horumarinaysaa habka taakulaynta, caymiska iyo badbaadinta shaqaalaha waxaanay xoojinaysaa hay'adaha ku shaqada leh.
XUBINTA 3AAD
XUQUUQDA QOFKA, XORRIYAADKA ASAASIGA
AH IYO WAAJIBAADKA SAARAN MUWAADINKA
QODOBKA 21AAD
HIRGELINTA IYO FASIRAADDA
1. Waaxaha Xeer-dejinta, Fulinta iyo Garsoorka ee Qaranka iyo kuwa dawladaha hoose ee gobollada iyo degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland heer kasta ha ahaadeene, waxay u hoggaansamayaan shuruucda ku cad qodobada xubintan.
2. Qodobada la xidhiidha xuquuqda iyo xorriyaadka aasaasiga ah waxa loo fasirayaa si waafaqsan bayaannada caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha iyo xeerarka caalamiga ah ee Dastuurka ku xusan.
QODOBKA 22AAD
XUQUUQDA SIYAASADEED, DHAQAALE, BULSHO
IYO XAQA DOORASHADA
1. Muwaadin kasta wuxuu xaq u leeya hay in uu ka qayb gab hawlaha siyaasadeed, dhaqaale, buisho1 iyo hiddaha si waafaqsan xeerarka iyo Dastuurka.
2. Muwaadin kasta oo buuxiya shuruudaha xeerku tilmaamayo wuxuu xaq u Ieeyahay in la doorto, waxna uu doorto.
QODOBKA 23AAD
XORRIYADDA DHAQDHAQAAQA
IYO IS-ABAABULKA
1. Qof kasta oo muwaadin ah ama si xeerka waafaqsan dalka ku jooga waxa uu xor u yahay in uu dalka ka maro ama ka dego meel kasta oo uu doono, iyo weliba in uu ka baxo ama ku soo Iaabto dalka marka uu doono.
2. Arrimaha ku xusan faqradda laad ee qodobkan waxa ka reebban meelaha ama waqtiyada xeerku ka reebo mariddeeda ama degitaankeeda.
3. Muwaadiniintu waxay xor u yihiin in ay isu habeeyaan ururro siyaasadeed, cilmiyeed, dhaqameed, bulsheed, xirfadeed, ama kuwa shaqaale si waafaqsan xeerka.
4. Waxaa reebban urur kasta oo leh ujeeddooyin lid ku ah danaha ummadda ama qarsoodi ah ama Ieh qaab cudan ama hubaysan amaba kuwa kale ee khilaafsan xeerka weji kasta ha lahaadeene.
QODOBKA 24AAD
XAQA NOLOSHA, NABAD GALEYNTA JIDHKA,
XURMAYNTA MAGAC-SAMIDA IYO DAMBIYADA LAGA
GALO XUQUUQDA AADAMIGA
1. Nafta aadamuhu waa deeq llaahay, waana qaali; qof kastaana wuxuu xaq leeyahay noloshiisa, wuxuuna ku waayi karaa oo keliya marka maxkamad horteed uu ku caddaado dembi uu xeerku jideeyey in dil lagu mutaysan karo.
2. Qofku wuxuu xaq u leeyahay in la nabad galiyo jidhkiisa; ciqaabta jidhka iyo wax yeelo kasta oo loo geysto way reebban tahay.
3. Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in Ia xurmeeyo sharaftiisa, sumcadiisa iyo noloshiisa gaar ahaaneed.
4. Dambiyada laga gab xuquuqda qofka sida xasuuqa, di maxkamad la'aan ah, jidh dilka iyo wixii la mid ah malaha muddo dhaaf
QODOBKA 25AAD
XAQA XORRIYADDA, DAMMAANAD-QAADKA IYO
SHURUUDAHA XUQUUQDA IYO XORRIYMDKA
1. Qofna xorriyaddiisa loogama qaadi karo si aan xeerka waafaqsanayn.
2. Ma bannaana in qofna la qabto, la baadho ama la xayiro, haddii uusan markaa dembi faraha kula jirin, ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo saarin Garsoore awood u lihi.
3. Dawladda ayaa muwaadiniinta u dammaanad qaadaysa xuquuqda iyo xorriyadaha. Xeer ayaa qeexaya ciqaabta ka dhalan karta ku xad gudubkooda.
4. Dhammaan xorriyaaka qofka waxa shardi ah in ayna ka hor iman xeerarka anshaxa guud, xasiloonida dalka ama xuquuqda qofka kale.
QODOBKA 2 6AAD
CIQAAB IYO DEMBI
1. Ciqaab iyo dembi waa wixii qodob xeer ama qaanuun jideeyey, waxaana reebban in ciqaabta loo fuliyo hab aan xeerka waafaqsanayn.
2. Mas'uuliyadda dembi ciqaabeed waxay ku kooban tahay cidda geysatay oo keliya.
3. Eedaysanuhu waa dembi-laawe inta aanu maxkamad horteed kaga caddaanin dembi.
QODOBKA 27AAD
XUQUUQDA QOFKA XORRIYADDA LAGA QAADAY
1. Qofka xorriyadda laga qaaday waxa uu xaq u leeyahay in uu la kulmo sida ugu dhaqsaha badan qareenkiisa, qaraabadiisa ama ciddi kale ee uu codsado.
2. Qofka xorriyadda looga qaaday fal-dembiyeed lagu eedeeyey awgeed, waxa uu xaq u Ieeyahay in lagu hor geeyo maxkamad 48 (siddeed iyo afartan) saacadood gudahood, laga bilaabo marka Ia qabtay.
3. Waxa reebban in qofka lagu dirqiyo qirasho dembi, marag furid, ama dhaar. Mid kasta oo arrimahaa ka mid ah oo qofka khasab lagu marsiiyaana wax-kasoo qaad ma laha.
4. Waxa reebban in qofka lagu xidho meel aanu xeerku bannayn.
5. Xeerka ayaa xadaynaya muddada ugu badan ee qof loo hayn karo baadhitaan.
6. Eedaysanuhu wuxuu xaq u Ieeyahay in go'aan maxkamadi ku ridday uu racfaan uga qaato maxkamadda ka sarraysa.
7. Marka qof la qabto iyo marka la cusboonaysiinayo sii-hayntiisa waxa uu xaq u leeyahay in la ogeysiiyo arrintiisa cidda uu doorto.
8. Xabsigu waa edbin iyo toosin. Dawladana xilbaa ka saaran kor-u-qaadidda akhlaaqda iyo xirfad baridda maxbuuska si uu ugu noqdo bulshada isaga oo yeeshay dhaqan suubban.
9. Ciqaabta lagu mutaysan karo jebinta faqradaha 1aad ilaa 7aad ee qodobkan xeer ayaa caddaynaya.
QODOBKA 28AAD
XAQA DACWADDA & ISDIFAACA
1. Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu dacwad xeerka waafaqsan ka furto maxkamadda awoodda u Ieh.
2. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu iska difaaco maxkamadda horteeda.
3. Xaaladaha xeerku tilmaamyo Qaranku wuxuu kafaalo qaadayaa inuu bixiyo difaac lacag la'aan ah; iyada oo saboolkana laga dhaafi karo ajuurada maxkamadda
QODOBKA 29AAD
XURMAYNTA HOYGA
Hoyga iyo meelaha kale ee la deggan yahay waxay leeyihiin xurmayntooda; mana bannaana basaasiddooda, baadhidooda iyo geliddooda, haddaanu jirin amar garsoore oo sababaysan. Waxa waajib ah in si toos ah loogu akhriyo amarka garsaooraha mulkiilaha ama degganaha hoyga inta aan la gelin. Baadhaha waxa ka reebban ku xad-gudubka amarka garsooraha.
QODOBKA 30AAD
XORRIYADDA ISGAADHSIINTA
Qofna lama fara-gelin karo qoraalladiisa gaarka ah, waraaqihiisa boosta ama xidhiidhkiisa isgaadhsiineed, marka laga reebo xaaladda uu xeerku baneeyo baadhitaankooda, daba-galkooda, ama dhegaysigooda iyada oo ay markaana waajib tahay in la helo amar garsoore oo sababaysan.
QODOBKA 31AAD
XORRIYADDA LAHAANSHAHA
HANTI GAAR-AHMNEED
1. Qof kastaa waxa uu xaq u Ieeyahay in uu si gaar ah u yeesho hanti, taas oo ay shardi tahay in uu ku helo waddo xalaal ah.
2. Hantida gaar ahaaneed ee lagu helay si xeerka waafaqsan, lalama wareegi karo dan guud awgeed mooyaane, iyadoo markaana Ia bixinayo cawil-celin munaasib ah.
3. Xeer ayaa xadaynaya waxyaabaha geli kara danta guud ee keeni kara la wareegidda hanti gaar-ahaaneed.
QODOBKA 32AAD
XORRIYADDA BANNAANBAXA,
RA'YI - DHIIBASHADA, SAXAAFADDA IYO WARBAHINTA KALE
1. Muwaadin kasta waxa uu xor u yahay in uu ra'yigiisa ku bandhigo qoraal, hadal, muuqaal, suugaan ama qaab kale oo xeerka waafaqsan.
2. Muwaadin kasta wuxuu xor u yahay inuu abaabulo kana qayb qaato, kulan ama bannaan-bax nabadeed oo xeerka waafaqsan.
3. Saxaafadda iyo warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xorriyaadka asaasiga ah ee ra'yi- dhiibashada, waxayna leeyihiin madax-bannaanidooda; way reebban tahay tallaabo kasta oo Iagu cabudhinayo; hawshoodana xeer baa nidaaminaya.
QODOBKA 33AAD
XORRIYADDA CAQIIDADA
1. Qof kasta wuxuu xor u yahay caqiidadiisa, lagumana qasbi karo inuu qaato tu kale. Shareecadda lslaamku ma oggola in qofka Muslinka ah ka noqdo caqiidadiisa.