www.Somalilandlaw.com

 

Somaliland Regional Security Committee

 

The following newspaper report illustrates all that is wrong with the Somaliland security committees:

 

This is a report of an alleged blatant abuse of human rights by the Hargeysa Security Committee in September 2004. This report which appeared in the Haatuf Newspaper is based on  information and a statement given by the two lawyers acting for two persons who were jailed for 20 days from 3 September 2004  at a police station and the Hargeysa Central Prison on the orders of the Hargeysa Security Committee.

 

On 9 September 2004, The President of the Hargeysa Regional Court ordered the Divisional Police Commander in writing to either free the two persons or to bring them to the appropriate court to answer charges. This order was disregarded by the Police Commander. The two lawyers acting for the detainees add that they personally took the Court’s  written order to the Police Commander and that the latter told them that the two  persons are in detention for the Hargeysa Mayor and he can  neither  release them nor take to a court of law. 

 

Apparently their two clients  were detained in connection with a civil dispute, which was not even brought to a civil court, and the detention was ordered by the Hargeysa Regional security Committee. The two lawyers point out that the actions of the the Committees are unconstitutional and, in this report, asked the President that their clients who were detained unlawfully be released.

 

 

HAATUF 24/09/04 Issue 682

Waxaa Lagu Xadgudbay Xuquuqdii Iyo Xoriyaadkoodii Aasaasiga Ahaa

Labada muwaadin ee kala ah Aadan Maxamed Cumar iyo Cabdi Aadan Maxamed waxa si sharci daro ah looga qaaday xuquuqdoodii iyo xoriyaadkii aasaasiga ahaa, ka dib markii loo xidhay si sharci daro ah, isla markaana waxa xabsiga lagu hayaa muddo labaatan maalmood ka badan, kuwaas oo xabsiga dhexe ku jira iyadoo aanu wax xukun maxkamadeed ahi ku dhicin, isla markaana aanu jirin wax dembi ah oo ay cid ka galeen. 

Labadan muwaadin gudoomiyaha guddiga nabadgelyada gobolka Hargeysa oo ah badhasaabka ayaa markii u horaysay amray in la xidho 3/9/2004, laakiin hadana guddiga nabadgelyada ayaa 19-kii Sabtambar 2004 u gudbiyey xabsiga dhexe. Iyadoo uu sababta xadhigani dabada ku hayaa tahay khilaaf medani ah oo aanay wax dacwad ahi uga furnayn maxkamadda, waxayna labadan muwaadin ku waayeen xuquuqdoodii iyo xoriyaadkoodii aasaasiga ahaa iyadoo lagu khasbayo inay saxeexaan qoraal aan sharci ahayn oo aan ku iman rabitaankooda, kaas oo lagu toojar garaynayo.

Xadhiga labadan muwaadin waxa ka hadlay xeer ilaaliyaha guud ee qaranka oo qaraar ka soo saaray. Sidoo kale gudoomiyaha maxkamadda gobolka Hargeysa ayaa qoraal ka soo saaray xadhiga labadan muwaadin. Gudoomiyaha maxkamadda gobolka Hargeysa waxa oo qoraalka ka soo saaray xadhiga labadan muwaadin 9-kii Sabtembar, 2004, wuxuuna qoraalkiisa oo uu ku socod siiyey taliyaha saldhigga dhexe ee bilayska Hargeysa ku yidhi

Ujeeddo: soo caddayn sababta xadhiga: Aadan Maxamed Cumar iyo Cabdi Aadan Maxamed.

Taliya waxaad noo soo kala caddaysaa sababta ay u xidhan yihiin labada nin ee aad u hayso. Hadii aan loo hayn wax dembi ah xoriyadooda haloo celiyo, hadii aad dembi u haysana maxkamadda awoodda u leh hala horkeeno

Qareen C/raxmaan Ibraahin Caalin iyo qareen Fawsi Sh. Yoonis Xasan:

Anaga oo ah labada qareen ee ka wakiilka ah labadan nin ee xidhan markii aanu taliyaha saldhigga dhexe aanu u geynay amarkii maxkamadda waxa uu noogu jawaabay aniga iima xidhna ee waxa uu u xidhan yahay gudoomiyaha gobolka Hargeysa, mana sii daynayo, maxkamadna ma horgeynayo. Markii aanu wax baadhnayna waxa noo cadaatay inay sababta xadhigoodu la xidhiidho xuquuq madeniya oo lagu murransan yahay, iyadoo aanay jirin dacwad medani ah oo ka furan maxkamad awood u leh.

Waxa xusid mudan qoraalka uu xeer ilaaliyaha guud ee qaranku ka soo saaray arintaa ee ay summadiisu tahay XIG/JSL/02/03 ee 04/01/04, ujeedadiisuna ahayd wax ka qabasho dad la haye loo xidhay, kuna xusay inaanu ogolayn dastuurku, sida ku cad qoddobada 25aad iyo 26aad. Waxayna nimankaasi u xidhan yihiin guddiga nabadgelyada gobolka Hargeysa, jiritaanka guddi nabadgelyona xeerka ay ku dhisan yihiin waxa uu khilaafsan yahay qoddobada dastuurka ee kala ah 97aad iyo 128aad. Sidaa darteed iyadoo ay waajib tahay in la ilaaliyo ku dhaqanka dastuurka waxaanu halkan ugu soo jeedinaynaa golayaasha qaranka ee uu hormuudka ka yahay madaxweyne Rayaale inay nimankaa muwaadiniinta ahi u xidhan yihiin sharci daro, laguna hayo xabsiga Hargeysa.”