SOMALILAND FORUM

URURKA SOMALILAND FORUM

 
07/06/2004: Soo-gaabin: Maxuu ururka Somaliland Forum ugu baaqayaa in si dhakhso ah loogu joojiyo xukunnada aan caadiga ahayn ee Guddiyada Nabadgelyada Gobolladu qaadayaan.

 
Hordhac
1. K
u dhaqanka xukunnada aan-caadiga ahayn ee Guddiyada Nabadgelyada ee gobollada oo dhan ka jira, gaar ahaan magaalooyinka waawayn, waxa weeye mid aad u warwar geliyay ururrada madaniga ah, hay’adaha xuuquuqda aadamaha, iyo ururrada siyaasadda ee mucaaradka iyo dadweyne badan oo xuquuqdoodii ay duudsiyeen xukunnada ay qaaddaan guddiyadani. Somaliland Forum waa urur ka madaxbannaan siyaasadda, isuguna hanwayn inuu go’anno ka gaadho arrimo lagu kala aragti yahay, si miisaamanna u lafaguro, isaga oon cidna ugu habranayn, una taagan horumarinta dimuqradiyadda ee Somaliland iyo ilaalinta ku dhaqanka xeerarka iyo ixtiraamka xuquuqda aadamaha.

 
2. Go’ankayagu cidna ka yaabin mayo.  Runtii in badan ayaa nalagu canaantay inaanu arrintan dhayalsannay. Sida ururrada bulshada ee Somaliland ee kale ayaanu rumaysannahay in sii socodka ku dhaqanka xukunnada aan caadiga ahayn ee Guddida Nabadgelyadu uu ka soo horjeedo distoorka dalka u yaala iyo waliba mabaadi’da guud ee xeerarka xuquuqda aadamaha oo sharciyan khasab ah in Somaliland ku dhaqanto. Waxa aannu halkan ku soo bandhigaynaa sharci ahaan waxa aanu ka qabno, waxa aannuse muhiimaddeeda muujinaynaa xikmadda samaanta (moral) iyo siyaasadeed ee kadanbaysa joojinta ee go’aamadan sharci-darada ah ee Guddiyada Nabadgalyada. Ummad kusoo silicday dhicii iyo baabi’ii jidh-dilkii sharci-darada ahaa iyo xadhigii iyo qudhgoyntii maalmihii qadhaadhaa ee xukuumaddii kaligii-taliye Mohamed Siyaad Barre, ma istaahilaan waxaan ahayn ku-dhaqanka distoorka, waxay u qalantaa caddaalad ay goyso maxkamad madaxbanaan oo si sax ah loo dhisay. Waxaanu soo jeedinaynaa dhowr talo oo degdeg ah, haddii laga maarmi waayona waxaanu u diyaarnahay inaanu qaadno olole caam ah ilaa inta la baabi’inayo Guddiyadan. Xorriyadda umaddeena daraadeed iyo sumacadda Somaliland, aynu HADDA kala dirno Guddigaydan.


Xeerkii 1963 iyo Distoorkii Somalia ee 1961.

3. Waxanu ognahay in jiritaanka Guddiyada Nabadgelyadu uu ka soo unkamay Xeerkii Lam. 21 ee 26 August, 1963. Xeerkan waxa loo asaasay in uu awood siiyo ciidanka bilays-ka iyo hay’ado kale si loo sugo nabadgelyada guud.  Xeerkani waxa loo sameeyay in marka xaalad deg-deg ahi timaaddo ay Guddiyadani haystaan awood ay ku qaadi karaan tallaabooyin ku meel gaadh ah, iyaga oo aan marnaba ku xadgudbi Karin distoorkii 1961kii ee Jamhuuriyaddii Somalia. Qod.17aad ee distoorkii 1961, inkasta oo uu damaanad qaadayay xuquuqda qofka, haddana wuu tibaaxayay haddii xaalad deg-deg ah ay timaado, hay’adaha dawladda ee haboon (competent authorities) way qaadi karaan talaabooyin deg deg oo ku meel-gaadh ah, laakin waa in ay si degdeg ah ugu gudbiyaan arrinatn hay’adaha garsoorka (Maxkamaddaha) si kuwaasi ama u oggolaadaan talaabooyinkan ama diidan, haddii ay diidaanna talaabooyinkaasi waxay noqonayaan waxba kama jiraan. Taas oo macneheedu yahay, tallaabo kasta oo nabadgelyo ka-maarmi-waa ah uu maamulku u qaado, waxa waajib ahaa in la ogaysiiyo maxakamadaha sharciga markiiba oo ay iyago waaxda garsoorka ah ay  go’aan ka gaadhaan.

 
Guddiyadii Nabadgelyada ee Siyaad Barre

4. Xilligii kaligii taliyihii Mohamed Siyaad Barre (1969 - 1991) waa la baab’iyay distoorkii 1961, waxaana la dhisay hay’addo nabadsugidda oo baaxad weyn leh, kuna daqma xeerar badan oo umadda xakameynayey. Kuwaas waxaa ka mid ahaa Maxkamadda Badbaadada  iyo Maxakamadda Wareegta iyo Guddiyada Nabadgelyada ee gobollada.  Guddiyadii Nabadgelyada oo aan cid garsoorka ka tirsan (sidii uu dhigayey Distoorkii 1961) dib-u-eegin dambe ku lahayn ayaa waxaay sida badan ka koobnaan jireen Guddoomiyaha Gobolka, Taliyaha Ciidanka, Guddoomiyaha NSS ta, Taliyaha Bilayska, Sarakiil  Ciidanka, Madaxa xisbiga hanti-wadaagga, Madaxa guulwadayaasha, iyo Madaxa Asluubta.  Guddiyadaasi waxay lahaayeen awood maxkamadeed oo xoog leh, waxanay ku xukumayn dadka dil ama xabsi dheerba. Waxa kaloo ay guddiyadaasi ka hawlgali jirtay heer degmo iyo heer qaran labadaba. 


5. Guddiyadii Nabadgelyada ee xilligii Siyaad Barre waxay aad uga shaqayn jireen gobollada Somaliland, sidaa daraadeed dadka reer Somaliland na’ceeb weyn oo aan la ilaawi Karin ayey u hayaan Guddiyadaas iyo hay’adaha kale ee nabadsugidda. Mar haddi dagaal dheer lagula soo noqday qarannimadii Somaliland iyo habka dimuqradiyadda ah, ma jirto cid aqbili karta jiritaanka Guddiyo caynkaas ah amaba cid gaar oo aan maxkamad sharci ah aan ahayn oo xukun rida, siddii dhici jirtay waqtigii ka horreeyay 1991.

 
Guddiyada Nabadgelyada ee Somaliland

6. Kuma doodayno in Guddiyada Nabadgeylada ee Somaliland ay samaynayaan wixii ay samayn jireen kuwii xilligii kali-taliye Mohamed Siyaad Barre. Laakiin waxa la wada ogyahay in guddiyadani wali jiraan, dawladduna oggoshahay jiritaankooda, ugu yaraan gobol walba, oo ay xukun ku qaadeen dad, ama kooxo dad ah oo ay xabsiyada u direen. Waxa kale oo la ogyahay in markay guddidani hawlgasho, gaar ahaan marka uu bannaanbax iwm ahi dhaco, ay amar ku bixiyaan in dhakhso loo soo qabqabto dad isla maalintaana ay xukun ku ridaan, xabsiyadana u diraan iyaga oon marayn maxkamadaha sharciga, lana oggolayn in racfaan laga qaato xukunkooda oo sida keliya ee lagu sii dayn karaa dadkaas ay tahay cafis Madaxweyne. Waxa foolxumo ah in xukunka caynkaas ahi badanaaba ku dhaco dhallinyarada iyo waayeelba dad iyagu is lahaa waxad ku dhaqmaysaan xaq ka mid ah xuquuqda uu distoorku muwaadinka siinayo. Dhacdadii ugu dambaysay waxay ahay xadhigii 6 bilood ahaa ee ay 18ki May, 2004 Guddida Nabadgelyada Gobolka Hargeisa 150 dhalinyaro ah ku xukuntay ka dib markay sameeyeen bannaanbaxyo.  Taa ka hor, waxa yaxyax nagu riday markii annu ogaannay in 392 maxbuus oo xabsiga Hargeisa ku xidhan, 246 oo keliya ay maxkamad sharci ahi xukuntay, 146 ka kale (oo ah 37%) ay xukuntay  Guddida Nabadgelyada.

 

Distoorka Somaliland

7. Distoorka Somaliland waxa uu ku salaysanyahay qaybinta awoodaha waaxyaha qaranka, oo kala ah Xeer-dejinta, Fulinta iyo Garsoorka (eeg hordhaca Distoorka). Waxa madaxbannaanida garsoorku isna saldhigiisu yahay fikradda ah in waaxyaha qaranku ay kala xadeynsanyihiin oo mid kasta awood gaar oo qeexan leeyahay.  Markaas waa inaanay jirin waax kale oo aan ahayn waaxda garsoorka oo xukun ridi karta, gaar ahaan marka arrinto fal danbi ah ku saabsantahy oo qofka xorriyaddiisa ku waayi-karo. Qodobka 21 ee distoorku waxa uu xoog inoo farayaa in dhamaan laamaha qaranka (xeerdejinta, fulinta iyo garsoorka) iyo dawladaha hoose ee gobollada dalkuba ay dhammaan ilaaliyaan xuquuqda iyo xorriyadaha aasaasiga ah ee qofka ee  ku xusan Qaybta III ee Distoorka.

 
8. Xukunnada aan-caadiga ahayn ee Guddiyada Nabadgelyadu waxay saameeyaan xaquuqda distooriga ahaa, ay ka mid yihiin Qod.25aad, oo damaanad qaadaya inaan qofna xorriyadiisa laga qaadi karin si aan Xeerarka waafaqsanayn, mna banana in qofna la qabto, la baadho ama la xayiro, haddii uusan dembi fraha kula jirin, ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo saarin Garsoore.  Xuquuqda kale ee distooriga ah waxa ka mid ah Qodobka 26 (3) oo sheegaya in uu qofku danbi-laawe yahay ilaa uu ku caddaado danbigu, Qodobka 28 (2) oo odhanaya qof waliba wuxu xaq u leeyahay inu isku difaaco maxakamadda horteeda, iyo Qodobka 27 oo amraya in qofka maxkamad sharci ah la soo taago muddo 48 saacadood gudahood ah laga bilaabo marka la soo qabto.

 
9. In kastoo Qodobka 25 (4) ee distoorku uu sheegayo in sharciyada ilaalinaya maslaxadda qaranka, nabadgelyada dalka iyo xuquuqda dadka kale ay kahor iman  karaan xuquuqda shaqsiga, hadana sharci caalami ah ayaa xadaynaya arrintan oo aad u yareenaya dhimidda xuquuqda. Tusaale ahaan, Qodobka 4 ee Heshiika Caalimaga ah ee  Xuquuqda Madaniga iyo Siyaasasadda (ICCPR 1966) wuxuu dhimid kasta oo xuquuqda qofka ah si adag ugu xidhayaa jiritaanka “xaalad waqaf oo degdeg ah oo halis galinaysa nolosha waddanka oo jiritaankeeda si cad daaha looga qaaday”, waana in dalalku qaadi karaan oo kaliya tallaabooyin “si ay uga hor tagaan dhibaatada xaaladda degdega ah, iyadoo talaabooyinka ay qaadayaan aanay jabinayn sharciyada caalamiga ah”. Duruufaha caynkaas ahi kama ay jirin Somaliland waqti dheer, waxaana jira dariiq distoori ah oo loo cuskan karo xaaladaha degdegga ah, kaas oo ku qeexan Qodobka 92 ee Distoorka. Lama filaan ma aha inuu distoorka Somaliand ka digtoonaado sharci samaynta Madaxweynaha ee ku dhisan awoodda degdegga ah. Dadka reer Somaliland casharro badan ayaa ka soo maray xukun kali-taliye dikriito wax ku xukuma, waxaanay ka door bideen inay si cad ula socdaan gaadhna uga hayaan awood kasta oo Madaxwaynuhu qaadan kare xataa xaaladaha degdegga ah. Dawladda Somaliland kumay dhawaaqin, lamana horkeenin oo lagama ansixin Golaha Wakiillada xeer degdeg ah oo ku saabsan Guddiga Nabadgalyada, sida uu dhigayo Qodobka 92aad. Hayeeshee sidad doodda hoose ka arki doontaan dawladaheenii iska dembeeyey ayar ayay boodhka ka tunteen sharciyadii Gudiyadda Nabalgelyadda ee ka horreeyay 1991 oo waliba wata awoodo aanu xitaa ogalaaneyn distoorkii 1961 ee Jamhuuriyaddii Somalia.

 
Mabaadi’ida Caalamiga ah.

10. Si cad ayuu Distoorka Jamhuuriyadda Somaliland isugu xidhay xorriyaddaha iyo xuquuqda qofka ee kafaloqaaday iyo mabaadii’da guud ee adduunka ka jira ee damaanad qaadaya xorriyadda qofka. Awoodda xukunnada aan-caadiga ahayn ee Guddiyada Nabadgelyadu waxay ka soo horjeedaan heshiisyadda caalimaga, kuwaas qaarkoodna waxaanu ku qornay hoos. Gaar ahaan, qof waliba xaqbuu uleeyahay in si cadaalad ah loo xukumo (right to a fair trial), taasina  waa mid siyaabo badan loo xadgudbi karo,  siduu dhigayo qaabka xuquqda aadamaha caalamiga ahi, waxaana ka mid ah siyaabahaas iyadoo qofka uu xukumo hay’ad idaari ah oo aan ahayn maxkamad madax-banaanayn oo cadaalad ku dhaqmeysa.


Xaaladdii ka horraysay 1991

11.  Distoorka Jamhuuriyadda Somaliland,  sida distoorada kale ee adduunka, ayuu caddaynayaa in yahay xeerka ugu sarreeya xeerarka dalka, xeer kasta oon aan isaga waafaqsanaynina uu noqonayo waxba kama jiraan (Qodobka 128 (2)). Si looga foojignaado is-burin ka iman karta maqnaasho xeer, wuxa uu qodobka 130 (5) oggolyahay in xeerarkii ka horreeyay 1991kii lagu dhaqmo wixii aan ka hor imanayn shariicada islaamka, xuquuqda qofka, iyo xorriyadda asaasiga ah, ilaa inta la soo saarayo xeerar beddela. Waxaanu ku qanacsannahay in awooddan xukun ee aan-caadiga ahayn ee Guddida nabadgelyadu oo ahayd mid lagu asaasay xeer soo baxay 1963, iyo xeerar ka danbeeyay oo uu soo saaray Maxamed Siyaad Barre, uu yahay mid ka soo horjeeda xorriyaddii asaasiga ahayd ee qofka la qabanayo ee ay xukumayso guddi aan ahayn maxakamad sharci isaga oon la siin xaqii uu u lahaa in uu naftiisa ka difaaco danbiga lagu soo oogay ama xaq uu racfaan kaga qaato. Sidaa darteed sharciga ku meel-gaadhka ah ee ay guddidani ku shaqaysaa waa mid lid ku ah distoorka, oo waliba sida uu dhigayo Qodobka 128(2) noqonaya waxba kama jiraan.

 
Go’aankii aqalka wakiilladu uu ka gaadhay Guddida nabadgelyada

12.  Golaha Wakiillada waxa ay aragtidooda ka dhiibteen Guddida nabadgelyada oo ay ka soo saareen go’aankii ka soo baxay taariikhdu markay ahayd 1 August, 1999 (sumad GW/KF-81/99) oo ay ku diideen Xeerkii 1963 ee ay ku shaqeysanayeen Guddiyadani. Iyada oo go’ankaasi jiray ayay haddana dawladdu oggolaatay inay Guddiyadani siddii hore isga shaqeystaan. Dhawaan ayuu Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu ku adkaystay in Golaha Wakiilladu oo laalay 2001kii soojeedin xil-ka-xuubin Madaxwaynihii hore ee Alla-ha-u naxariistee Maxamed X. Ibraahim Cigaal (iyadoo eedeyntiisa ay ka mid ahayd  ku dhaqanka Guddiyada Nabadgelyada ka dib go’aankii Wakiilladu ee 1999), ay  macneheedu tahay in Guddiyadani ay  sharciyaysanyihiin.  Waxa annu, si ixtiraam ku jiro, u sheegaynaa Gudoomiyaha inay taasi qalad tahay, diidmadii uu Goluhu diiday soojeedintii xil-ka-xuubinta Madaxwaynuhuna aanay wax raad ah ku yeelan karin  go’aankii goonida ahaa ee Goluhu Wakiilladu ku laaleen Guddiyada Nabadgelyada, iyo Xeerkii 1963kii.

 
Gabagabo
13. Isku soo duub,  oo runtu waxay tegaysaa in adeegsiga la adeegsanayo xeerkii soo baxay 1963 (oo wax laga beddelay) ee la xidhiidha Guddiyada Nabadgelyada uu yahay mid uu Golaha Wakiilladu hore u diiday. Diidmadaasi siday noogu muuqato waxay ahayd mid sax ah, waayu jiritaanka guddiyadani waa arrin lid ku ah distoorka qaranka. Habdhaqanka Guddiyada Nabadgelyada ee Somaliland waxay meelo badan uga egyihiin dikeetooyinkii uu Maxamed Siyaad Barre soo saaray, oo uma dhaqmaan sidii xitaa Xeerkii 1963 oo isagu ku duruufaysnaa distoorkii 1961 loogu talo-galay.  Inta aynu ku mashquul sanahay muran ku saabsan sharcinimada xeerkii 1963 (murankaas oo ku dhammaan kara uun Maxkamadda Sare oo go’an ka soo saarta),  waxa noo muuqata in cid kasta oo aan ahayn Gudoomiyaha Golaha Wakiillada iyo dawladdu ay ku qanacsantahay in uu xeerkani uu yahay mid distoorkeena lid ku ah, kana soo horjeedo xuquuqda asaasiga ah iyo xorriyadda uu qofku leeyahay, iyo heshiisyadda caalimaga ah iyo mabaadi’ida guud ee adduunka lagaga dhaqmo. Ku dhaqanka xeerkani waxa uu dib inoo xasuusinayaa maalmihii madoobaa ee kali taliyayaasha. Sidaa daraadeed xeerkani meel kuma laha Somaliland oo dimuqraadiyad iyo distoor casri ah samaysatay.

 
Talo Bixin

14. Waxa aanu, sababaha kor ku xusan awgood, soo jeedinaynaa talooyinka soo socda:


Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa

1. Waxa aanu si sharaf leh uga codsanaynaa Madaxwaynaha in uu soo saaro wareegto uu ku baabi’inayo awoodda ay haystaan Guddiyada Nabadgelyada ee dadka ku qabqabanayaan kuna xukumayaan, isla markaana uu ku caddeeyo in qofkii danbi lagu soo oogo loo mari doono si sharci ah (due process of law) oo ah bilayska, xeer-ilaalinta iyo maxkamadaha.


2. Cid kasta oo xilligan u xidhan xukun ay ku qaaddeen Guddiyadda Nabadgelyadu, amma in kabadan 48 saac u xidhnaa amar ka soo baxay guddiyadaasi, waa in si dhakhso ah looga sii daayaa xabsiga. Ciddii in ka yar 48 saacadood u xidhan amar ka soo baxay Guddiyadaas waa in isagana si dhakhso ah loo soo taagaa maxkamad sharci ah si waafaqasan Xeerka Habka Ciqaabta ee dalka.

 
3. Dhammaan xubnaha Guddiyadani waa mas’uuliyiin dawladda xil u haya, waana in la xasuusiyaa in mas’uuliyadoodu tahay ilaalinta xorriyadda asaasiga ah ee qofka, ayna ogaadaan in Qod. 27 (9) ee distoorka iyo Qod.460 iyo 461 ee Xeerka ciqaabtu uu dhigayo in ka xayuubinta si sharciga ka baxsan looga xayuubiya xoriyadda shaqsi ay tahay gef lagu mutaysan karo ciqaab.

 
4.  Haddi loo baanyahay in la soo saaro Xeer Xasiloonidda Guud (Public Order Law),  waxa aanu soo jeedinayna in la sameeyo xeer cusub oo casri ah oo isku miisaamaya xuquuqda qofka iyo ta bulshada, waafaqsanna xeerarka caalamiga ah, oo  loo gudbiyaa Golayaasha. Inta ka horraysana waa  lagu dhaqmi karaa Xeerarka Ciqaabta oo ay ku jiran danbiyada la galo xasiloonidda guud.


5. Kama soo horjeedno jiritaanka iyo wadashaqaynta maamullayaasha gobollada iyo maamulka guud si ay u wada hantaan hawshooda, marka lagu daro ta nabadgelyada iyo degganaanshaha, laakiin waxa aanu ku adkaysanaynaa in qabqabashada, xidhista loo xidhayo danbiyada qofku uu galaa ay tahay shaqo u gooni ah bilayska, xeer-ilaalinta, iyo maxkamada.  Ma jiri karo mas’uul kale, xataa Wasiirada, oo haysan karaa awoodda amar qof lagusoo qabto amase lagu xidho.

 
6. Waxa aynu u baahannahay in cid kasta oo mas’uul ah uu ku dhaqmo fikrad iyo camal ah dadweynaha ayaad u shaqeysaa, had iyo jeerna ixtraama  xuquuqda insaanka. Waxa aannu soo jeedinaynaa in la gaadhay xilligii dawladda iyo Baarlamaanku ay samayn lahaayeen komishanka Xuquuqda Aadamiga ah ee Somaliland, taas oo uu magacaabo Golaha Wakiilladu, sannadkiina mar warbixin usoo dirta Golaha, shaqadeeduna noqondoonto ilaalinta iyo dhiirigelinta xuquuqda aadamaha iyo inay gacan ka gaystaan wixii ka baxsan xuquuqda insaanka ee dhaca. Dalal badan oo Africa ah ayaa le Hay’adahan oo kale, tusaale ahaana ta inoogu dhaw waa Uganda. Maalgelinta Hay’addaan siyaabo badan oo degdeg ah ayaa meelo badan looga heli karaa.

 
Baarlamaanka

 7. Shaqaynta ay shaqaynayaan Gudiyada Nabadgelyadu may duudsiyin xuquuqdii qofka oo keliya ee waxay wax u dhimeysaa doodda aynu ku doodno inaynu nahay dal dimuqraadi ah oo daryeela xuquuqda aadamaha. Haddii, sababtu waxay doonto ha ahaatee, aanay dawladdu muddo laba bilood gudaheed (ilaa dhamaadka August 2004) h ku soo saarin wareegto ay ku baabi’inayso awoodda xukun ee ay Guddiyadani, waxa aannu ka dalbanaynaa labada Gole inay soo saaraan Xeer gaaban oo baabi’inaya guddiyadan.

 
8. Waxa aanu kaloo ka codsanaynaa Baarlamaanka in ay taageeraan abuuridda iyo shaqadda Komishanka Xuquuqda Aadamiga.

 
Guddoomiyaha Cusub ee Maxkamadda Sare

9. Waxa aanu aad u jecellnahay inaanu aragno nidaam garsoore iyo sharci oo difaaca xuquuqda iyo xorriyadaha asaasiga ah ee qofka, oo taabogal ku ah sharcinimada qabqabashada iyo xidhidda.  Awooda soo saarida amarka sii deynta qofka si xaq daro ah loo heysto (writ of habeus corpus) ee ku  xusan Qodobka 66aad ee Xeerka Habka Ciqaabta, waa hubka ugu weyn ee lagaga hor iman karo qabashada ama xidhista qofa leyska qabsado si  aan sharciga qaabilsaneyn.

 
10. Inta la helayo wax dhammaan lagaga maarmo sharciyadii hore ee Somalia ee ilaa immika dalkeenna laga isticmaalo, Maxkamadda Sare waa inay u foojignaataa oo ku dhawaaqdaa sharciyada waxba kama jiraanka sida uu  dhigayo Qodobka 128 (2) ee Distoorka Somaliland. Garsoorayaasha maxkamada hoose iyo qareennaduba waa inay si cad uga warqabaan wixii sharciyadii hore ah ee waxba kama jiraanka noqonaya.

 
Shacbiga Somaliland iyo hay'adaha aan Dawliga ahayn

11. Waanu hanwaynahay dadaalka aad ugu jirtaan taabba gelinta nabadda iyo horumarka Somaliland. Taa waxa asaas u ah is-tixgelinta iyo cadaaladda. Waa inaynu wada ilaalinaa sharciaga iyo xasilloonida, isla markaa waa inaynu ilaashanaa qof kasta xorriyaddiisa iyo xuquuqdiisa asaasiga.  Xorriyaddu waxay inagu joogtaa dhiig badan, qof walba oo inaga mid ahna waxa ku waajib ah inu kala garto wixxii uu xaq u leeyahay iyo wixii waajibaadkiisu yihiin.

 
Waad mahadsantihiin

 

Ururka Somaliland Forum

7 June, 2004.

 

 

LIISKA  HESHIISYADDA CAALAMIGA AH EE ARRINTAN KU SAABSAN:

 

1.              African [Banjul] Charter on Human and Peoples' Rights adopted June 27, 1981, OAU Doc. CAB/LEG/67/3 rev. 5, 21 I.L.M. 58 (1982), entered into force Oct. 21, 1986:  Specially Articles 6 and 7(1).

2.            Universal Declaration of Human Rights adopted and proclaimed by General Assembly resolution 217 A (III) of 10 December 1948: Articles 10 and 11(1).

3.            International Covenant on Civil and Political Rights adopted and opened for signature, ratification and accession by General Assembly resolution 2200A (XXI) of 16 December 1966: entry into force 23 March 1976:  Specially Article 9.

4.            African Charter on the Rights and Welfare of the Child: Article 17.

5.            Declaration on the Rights and Responsibility of Individuals, Groups and Organs of Society to Promote and Protect Universally Recognized Human Rights and Fundamental Freedoms: Article 9.

6.            Basic Principles on the Independence of the Judiciary.

7.             Rule 15, United Nations Standard Minimum Rules for the Administration of Juvenile Justice (“Beijing Rules”).

8.            Basic Principles on the Independence of the Judiciary.

9.            Other Regional Human Rights Conventions, such as the European CHR.