xeerka doorashooyinka madaxtooyada iyo Golyaasha deegaanka – xeer lr – 20/2001 IYO WAX KA BEDDELKIISII SHANTA LIFAAQ (2009 ILA 2012) OO ISKU DHAFAN ( Somalilandlaw.com Consolidated text – Election Law No. 20/2001)

 

Waxaa hoos ku qoran Xeerki Lr. 20/2001 sidii uu u soo baxay 2001kii oo qodob kasta aan ku kordhiyey wixi ay ka bedelleen shanti lifaaq ( 1 ila 5) ee an lifaaq dambe tirtirin.  Waxaan hoosta  (qoraalada farta yar – footnotes) ku sheegey uun meelaha saddexdii lifaaq ee ugu dambeeyey uun wax ka beddelleen, waayo labaddii hore wax ka beddelkoodii wuxuu inta badan ku saabsanaa sidii Xeerkii 2001kii ula jaanqaadi lahaa nidaamka diiwaangelinta cod-bixiyaasha ee hadda lagu laaley Lifaaqii 3aad ee Wax ka Beddelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Cod-bixiyaasha (Xeer Lr. 37/2007) ee la ansixyey 14kii Diisambar 2011.  Markaas Lifaaqi 4aad iyo kan 5aad ee Xeerkan Doorashooyinka waxay wax ka bedelkoodu u badanyahay siddii Xeerkan loogu geli karo doorasho aan diiwangelin lagu coddeyne, kuna saleysan habka liistada furan, waxeyna wax badan ka beddelleen Lifaaqyadii  1aad iyo 2aad.

 

Waxaan kaloo Xeerkan ku lifaaqey xaashi si shax ah u sheegeysaa qodobada Lifaaq kastaa uu saameeyey oo tiro ahaan ahaa 37 (una dhiganta 56% ee Xeerka oo wadaar ahaan ka kooban 66 Qodob).  Wax ka beddelka uga badan waxay ku jireen Lifaaqi 1aad (2009), kii 2aad (2010) iyo Lifaaqii 4aad (2012) sida aad ku arki karto shaxda ku jirta bogga ugu dambeeya Nuqulkan Xeerkan, laakin kuma jirto shaxda wax ka beddel kasta wuxuu aha.  Waxaad nuqulka Xeerka asalkiisii siduu ahaa 2001kii  iyo nuqulada 5ta lifaaqba ka heli kartaa Bogga Xeerkan Doorashooyinka 20/2001 ee Mareegta Xeerarka Somaliland.  Hase yeeshe, waa ku adagtahay qof kasta in uu isbarbar dhigo Xeerka asalkiisii iyo lifaaqyadaba oo qodob qodob u eego si uu ogaado Xeerku wuxu hadda odhanayo.  Sidaas awgeed,  waxaan ku sameyey daraasad oo aan isku dhafey Xeerka iyo shantiisii lifaaqay oo loo yaqaano “Unofficial Consolidation” – Isku Dhaf aan Rasmi aheyn.  Isku dhaf xeer waxa uun uu noqon karaa rasmi marka Baarlamaanku ansixiyo, Madaxwynuhuma saxeexo, hase mar hadaan taas la heynin, waa caadi in la isticmalo isku dhafyo aan rasmi aheyn oo fududeeya in Xeerarka wax badan laga beddellay si sax ah loo hirgeliyo.

 

Ibrahim Hashi Jama, Tifatiraha , (editor@somalilandlaw.com )

30 Ogost 2012

 

Jamhuuriyadda Somaliland

 

xeerka doorashooyinka madaxtooyada iyo GOLyAASHA deegaanka – xeer lr – 20/2001 IYO WAX KA BEDDELKIISII 2009, 2010, 2011 7 2012  (iLAA ogost. 2012) oo isku dhafan (Consolidated Text)

                               

Golaha Wakiilada

 

Markuu Arkay:            Qodobada 9aad,  22aad ,  25aad,  83aad iyo 111aad ee Dastuurka Qaranka JSL.

 

Markuu tixgeliyey:    Baahida loo qabo ka digo-rogashada hab- beeleedka iyo  xaqiijinta himilada ummaddu ka dhursugaysay mudada dheer ee u tartanka xorta ah ee xilalka Qaranka.      

                                   

WUXUU ANSIXIYEY XEERKAN:

Qodobka 1aad

Macnaha erey-bixinta

 

Doorasho:                         waxa loola jeedaa kala saaridda murashaxiinta u tartamaya xilalka, iyadoo lagu go'aan qaadanayo aqlabiyadda codadka dadka ay khusayso.

Komishanka:                   waxaa loola jeedaa Guddiga sare ee loo xilsaaray maamulidda iyo ka garsooridda doorashooyinka.

Goob-codbixin:               waxa loola jeedaa goobaha tirooyin dadweynaha ka mid ah oo  isku degaan dhaw ka dhiibanayaan codkooda.                                               .

Goob-Doorasho:            waxa loola jeedaa barta kulmisa goobo-codbixineed oo loogu  talagalay in lagu kala saaro laba murashax iyo wixii ka badan.

Wakiil:                                waxa loola jeedaa xubinta urur/xisbi u soo wakiishay la socodka hawlaha doorashada ee goob-cod-bixineed ama xafiisyada doorashada.

Murashax:                         waxa loola jeedaa xubinta uu ururkiisu/xisbigiisu u soo magacaabay inuu u tartamo xil lagu heli karo doorasho.

Cod-bixiye:                       waxa loola jeedaa qofka buuxiyey shuruudaha cod-bixinta ee go'aankiisa ku dhiibanaya cod.

Golaha Degaanka:         waxa loola jeedaa Golaha cod-bixiyayaasha degmadu u doortaan maamulka iyo sharci-dejinta D/Hoose ee degmada.

Gobol-doorasho:           waxa loola jeedaa soohdimaha kulmiya degmooyin doorasho.

Degmo-doorasho:         waxa loola jeedaa soohdimaha kulmiya ugu yaraan hal goob-doorasho.

Kursi:                                   waxa loola jeedaa jago-xil oo lagu hananayo doorasho hal qof.

Astaan/Astaamaha:     waxa loola jeedaa summadda ama calaamadda u gaarka ah hal xisbi/urur ee lagu aqoonsanayo.

Liis/Liisaska:                  waxaa loola jeedaa murashaxiinta uu soo gudbiyay Xibi/Urur oo u qoran si taxane ah, iyadoo aanay kala hormarinta magacyadu wax saamayn Sharci ah yeelanahaynin.[1]

Ololaha Doorashada:  waxa loola jeedaa hawlgalka ay ururada/axsaabtu iyo murashaxiintoodu ugu tartamayaan iska dhaadhicinta iyo soo kala jiidashada cod-bixiyayaasha.

Xafiiska dhexe:              waxa loola jeedaa xarunta ugu saraysa ee laga maamulayo hawsha doorashada ee ay ku shaqeeyaan Komishanka.

Xafiiska Degmada:       waxa loola jeedaa xafiiska laga maamulayo goobaha cod-bixinta ee degmo.

Xafiiska Gobolka:         waxa loola jeedaa xafiiska laga maamulayo hawlaha doorashada ee Gobolka.

Xafiiska Goobta:            waxa loola jeedaa xafiiska laga maamulayo hawlaha doorashada ee goob-cod-bixineed.

Goob-joogayaal:            waxa loola jeedaa kormeerayaasha caalamiga iyo kuwa maxaliga ah ee hubinaya habsami u socodka hawlaha doorashooyinka ee Komishanku aqoonsadey.

 

Qodobka 2aad

Mabaadiida guud

 

Xeerkan waxaa lagu maamulayaa doorashooyinka Golayaasha Degaanada iyo tan Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha JSL.

 

Qodobka 3aad

Mudada xilka

 

Mudada xilka ee Murashaxiinta la doorto waxay ahaanaysaa:

1.             Madaxweynaha & Ku xigeenkiisa 5 sano

2.             Golayaasha Degaanada 5 sano

 

Qodobka 4aad

Tirada Golayaasha Degaanada

 

Tirada Golayaasha Degaanada ee la soo dooranayaa waxay ahaanaysaa:-

 

a)     Golaha Degaanka Caasimada                                           25 Mudane

b)     G/Degaanka degmooyinka darajada  A                       21 Mudane

c)               "             "                       "                         B                       17 Mudane

d)              "             "                       "                         C                       13 Mudane

e)              "             "                        "                        D                       09 Mudane


Qodobka 5aad

Shuruudaha cod-bixiyaha[2]

 

1.             Waa inuu yahay Muwaadin Somaliland u dhashay.

2.             Waa in aan da'diisu ka yaraan 16 sano, sanadka doorashada la qabanayo.                            

3.             Waa inuu xor yahay oo aanu xabsi ku jirin.

4.             Waa la tirtirey.[3]

5.             Murashaxiinta u tartamaaya jagooyinka Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisu waxa ay ka codayn karaan goob kasta oo cod-bixineed. Haseyeeshee hawl-wadeennada Doorashadu waa in ay arrintaas diiwaan-geliyaan.[4]

                                                                                

Qodobka 6aad

Xuquuqda Cod-bixiyaha

 

Cod-bixiye kasta oo buuxiyey shuruudaha xeerku tilmaamay wuxuu xaq u leeyahay:-

1.             Waa la tirtirey.[5]

2.             Cod-bixiyaha ka maqan dalka JSL wuxuu ka coddaynayaa xafiisyada diblomaasiyadeed ee JSL ku leedahay dibedda ee ugu dhow, haddii aanay jirin ama aanay suuragal ahayn waxa tallo ka gaadhaya Komishanka.

3.             Codku waa inuu ahaado mid shakhsi ah, xor ah, toos ah, qarsoodi ah oo si siman loo tixgeliyo.

4.             Cod-bixiye kastaa wuxuu yeelanayaa hal cod oo keliya doorashadiiba.

5.             Xubnaha Komishanka doorashooyinku ma laha xaqa cod-bixinta inta ay xilka hayaan.

6.             Hawlwadeennada xafiiska doorasho ee goobta cod-bixinta, wakiillada xisbiyada ee goobta cod-bixinta iyo ciidanka boliiska ee sida rasmiga ah ugu xilsaaran ilaalinta nidaamka doorashada ee goobta cod-bixintu waxay ka codayn karaan goobta codbixineed ee ay ka hawlgelayaan maalinta cod-bixinta.

 

Qodobka 7aad

Shaqaalaha Dawladda & Hay'adaha Dawliga ah

 

1.             Shaqaalaha Dawladda, kuwa Hay'adaha madaxa banaan ee Dawladda iyo ciidamada Qaranka darajo kasta ha lahaadeene looma ogola inay isu sharaxaan doorashooyinka Degaanada iyo Madaxwaynaha ama Ku-xigeenka Madaxweynaha, haddii aanay shaqo-ka-tegis soo qoran 90 cisho[6] ka hor taariikhda qabashada doorashada.  

2.             Shaqo-ka-tegidda waxa shardi u ah inay sidaa qoraal ku soo caddeyso xafiiska ama Hay'adda awooda u leh caddayntaas

 

Qodobka 8aad

Wakhtiga qabashada doorashooyinka

 

Komishanka ayaa cayimaya taariikhaha la qabanayo doorashooyinka si waafaqsan Dastuurka, waxanay ku soo bixi doontaa Degreeto Madaxweyne

 

Qodobka 9aad

Goobaha Cod-bixinta

 

1.             Marka la qabanayo doorashada Madaxweynaha & ku xigeenka waxa dalka loo qaybinayaa gobolo-doorasho (electoral regions) oo loo sii qaybinayo goobo-codbixin (polling stations) iyadoo la waafajinayo soohdimaha Gobolada dalka JSL

2.             Doorashada Golayaasha Degaanada marka la qabanayo soohdimaha maamulka degmada ayaa loo aqoonsanayaa Degmo-doorasho (electoral district), waxaana loo sii qaybinayaa goobo-codbixin, halkaas oo ay ka dhici doonto doorashada Degaanku.

3.             Komishanku waa inuu sameeyo goobaha codbixinta ee degmooyinka/gobolada ugu yaraan 40 maalmood ka hor taariikhda cod-bixinta la qabanayo, waxanu Komishanku arrintaas kala tashanayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Gudoomiyayaasha Gobolada iyo Degmooyinka.

4.             Haddii degaano dalka ka mid aha ay la soo gudboonaanto duruufo culus ama xaalado aan saamaxeyn in doorasho ka qabsoonto, waxaa so qiimaynaaya Komishanka Doorashooyinka Qaranaka iyagoo kala tashanaaya Xukuumadda iyo Xisbiyada/Ururrada Siyaasada.[7]

5.              Goobaha codbixinta ee ay doorashadu ka qabsoomi waydo, tirade kuraasida loo qoondeeyay goobahaas waxay Xisbiyadu/Ururradu u kala qaadanayaan saami u dhigma sida ay u kala helaan wadarta guud ee codadka ansaxay ee Degmada.

6.             Haddise ay doorashadu ka qabsoomi waydo Degmo dhan, waxa ay Axsaabtu/Ururradu kuraasida degmedaas u kala qaadanayaan saami u dhigma sida ay u kala helaan wadarta guud ee codadka ansaxay ee Gobolka.  Waxaana loo raacayaa sida magacyadoodu ay liiska ugu kala horreeyaan.

 

 

KOMISHANKA DOORASHOOYINKA JSL

 

Qodobka 10aad

Qaab-dhismeedka Komishanka Doorashooyinka

 

Qaab-dhismeedka xafiisyada Komishanka Doorashooyinku wuxuu ahaanayaa sidan:-

1.                  Xafiiska goobta cod-bixinta doorashada

2.                  Xafiiska Degmada ee doorashada

3.                  Xafiiska Gobolka ee doorashada

4.                  Xafiiska dhexe ee doorashooyinka

 

Qodobka 11aad

Komishanka doorashooyinka

 

1.             Komishanku wuxuu ka koobnanayaa 7 xubnood, oo kala ah:

a.    Gudoomiye iyo 6 xubnood

b.    Gudoomiyaha & Gudoomiye-xigeenka Komishanka ayaa iska dhexdooranaya.

d.    Mudada xilka ee Komishanku waa 5 sano, oo ka bilaabmaysa marka Golaha Wakiiladu  ansixiyo, waana loo cusboonaysiin karaa xilka.

e.    Shaqaale dawladeed, xubin Barlaman, Xubnaha Golaha Wasiirada, ciidan Qaran iyo xubin xil u haysa urur/xisbi kama mid noqon karo Komishanka.

2.             Komishanka doorashooyinka waxa magcaabaya Madaxweynaha JSL ka dib marka uu helo soo jeedimaha :-

a.    2 xubnood oo Golaha Guurtidu soo xulo.

b.    2 xubnood oo ay soo xulayaan ururada/xisbiyada mucaaridka ah ee diiwaan-gashan.

c.     3 xubnood ee kale Madaxweynaha ayaa soo xulaya.

3.             Komishanka waxa cod kala badh iyo hal ah (absolute majority) ku ansixinaya Golaha  Wakiilada, markuu guddi- hoosaadka Arrimaha Guduhu soo hubiyo in ay buuxinayaan shuruudaha Xeerku tilmaamayo.

4.             Xafiiska dhexe ee Komishanka doorashooyinku wuxuu xaruntiisa ku yeelanayaa      caasimadda Hargeysa.   

5.             Komishanka xil-gudashadiisa wuxuu ku salaynayaa Dastuurka iyo Xeerkan, shirarkoodu     wuxuu ku qabsoomayaa Kooram, go'aanadoodu waxay ku ansaxayaan aqlabiyad.

6.             Komishanku wuxuu xilkiisa u gudanayaa si madax banaan, lagumana samayn karo wax fara gelin ah haba yaraatee.

 

Qodobka 12aad

Shuruudaha xubinta Komishanka

 

1.             Waa inuu yahay muwaadin Somaliland u dhashay.

2.             Waa inaan da'diisu/da’deedu ka yarayn 40 jir kana waynayn 70 jir

3.             Waa inuu Muslin yahay, kuna dhaqma diinta Islaamka.

4.             Waa inuu leeyahay aqoon dugsi sare ugu yaraan ama wixii u dhigma.

5.             Waa inaanu ka mid ahayn urur/xisbi siyaasadeed, kana madax banaan yahay.

6.             Waa in lagu yaqaan dhawrsanaan, sharaf iyo cadaalad bulshada dhexdeeda.

7.             Waa inaan dembi ciqaab oo maxkamad horteed kaga cadaadey ku dhicin welligiiba.

8.             Waa inuu jidh ahaan iyo maskax ahaanba gudan karaa xilka.

 

Qodobka 13aad

Xil ka qaadista Komishanka

 

1.             Xubnaha Komishanka waxa xilka lagaga qaadi karaa:-

a.    Markuu jabiyo shardi ka mid ah shuruudihii lagu soo doortay.

b.    Marka uu xilka gudan kari waayo karti darro ama caafimaad darro awgeed

c.    Marka uu ku kaco anshax-xumo, xatooyo, musuq-maasuq iwm.

2.             Marka arrimaha kor ku xusan la dareemo, waxa Madaxweynuhu u magacaabayaa guddi-baadhiseed ka soo warbixisa si uu go'aan ugu qaato.

3.             Xil ka qaadista Komishanka waxa awood u leh Madaxweynaha, waxase shardi ah in Golaha Wakiiladu ku ansixiyo xil ka qaadistaas cod hal-dheeri ah ( simple majority).

4.             Marka ay banaanaato xubin Komishanka ka mid ahi, xil ka qaadis, geeri, ama is casilaad awgeed, waxa buuxinta jagadaas loo raacayaa habka xubintii banaysay ku timi.

 

Qodobka 14aad

Awoodaha Komishanka

 

Komishanku wuxuu awood u leeyahay:-

1.             Inuu cayimo wakhtiga doorashooyinka la qabanayo, iyagoo Madaxweynaha u gudbinaya si uu Degreeto ugu soo saaro.

2.             Inay cayimaan tirada iyo goobaha cod-bixinta degmooyinka & gobolada.

3.             Inay magacaabaan, eryaan, anshax mariyaan shaqaalaha xafiiska dhexe, xafiisyada degmooyinka & Gobolada doorashooyinka.

4.             Inay qorsheeyaan Miisaaniyadaha lagu maamulayo hawlaha doorashooyinka.

5.             Inay ku dhawaaqaan natiijooyinka doorashooyinka Madaxweynaha iyo ku xigeenka si ku meel gaadh ah, inta aan Maxkamadda Sare ku dhawaaqin.

6.             Inay kormeeraan si kedis ah iyo si qorshaysanba goobaha doorashada iyo meel kasta oo hawshooda khusaysa.

7.             Inay go'aan ka gaadhaan muranada doorashada ee ka soo gaadha xafiisyada hoos yimaada.

8.             Inay sameeyaan daraasad ku saabsan sidii dalka loogu samayn lahaa goobo-doorasho oo murashaxiin ku tartami karto.

9.             Inuu diiwaan-geliyo cod-bixiyayaasha ka hor taariikhda doorashada.

 

Qodobka 15aad

Miisaaniyadda Komishanka Doorashada

 

1.             Komishanku wuxuu yeelanayaa Miisaaniyad gaar ah, oo ay soo qorshaysteen, una gudbinayaan Madaxweynaha, taas oo marka laysla ogolaado loo gudbinayo Golaha Wakiilada oo ansixinaya.

2.             Miisaaniyadda doorashada waxay komishanku u isticmaalayaan si madax banaan, iyadoo ay waajib tahayinay xisaab-celin saddex biloodle ah u gudbiyaan Xisaabiayaha Guud.

 

Qodobka 16aad

Xafiiska goobta cod-bixinta

 

1.             Xafiiska goobta cod-bixinta ee doorashu wuxuu ka koobmi doonaa Gudoomiye iyo laba hubiye. Hubiyaha ugu da'da weyn ayaa noqonaya gudoomiye xigeen. Waxa kale oo uu yeelanayaa xoghayn.[8]

2.             Gudoomiyaha, Xoghayaha iyo labada hubiye waxaa magacaabaya Komishanka, waxaanu samayn karaa isku bedelid haddii loo baahdo.

3.             Haddii loo baahdo oo arrin deg deg ahi timaado, Hubiye ama xoghaynta waxa bedeli kara gudoomiyaha goobta cod-bixinta, iyadoo cod-bixintu socoto, waxanu bedelkaas ka samayn karaa dadka goobta ku sugan ee leh xaqa cod-bixinta sida sharcigu xusayo.

4.             Xafiiska goobta cod-bixintu wuxuu u xilsaaran yahay fulinta hawsha doorashada ee goobta.

 

Qodobka 17aad

Xafiiska Degmada ee doorashada

 

1.             Xarunta degmo kasta waxa jiraya xafiis doorasho degmo. Waxaanu ka koobmayaa Gudoomiye, Gudoomiye Ku-xigeen iyo hubiye.

2.             Xafiiska doorashada ee degmadu waxa kale oo uu yeelanayaa xoghayn iyo laba tiriye.

3.             Gudoomiyaha, Gudoomiye Ku-xigeenka, hubiyaha, xoghaynta iyo tiriyayaasha waxa magacaabaya Komishanka, isagaana awood u leh isku-beddelkooda.

4.             Xafiiska degmada ee doorashu wuxuu u xilsaaran yahay fulinta hawsha doorashada ee degmada.

 

Qodobka 18aad

Xafiiska Gobolka ee doorashada

 

1.             Magaalo-madaxda gobol kasta waxaa jiraya xafiis doorasho gobol oo ka kooban Gudoomiye, ku xigeen iyo xoghayn oo uu soo magacaabay Komishanku.

2.             Xafiiska gobolka ee doorashadu wuxuu u xilsaaran yahay fulinta hawsha doorashada ee gobolka.

 

Qodobka 19aad

Hawl-wadeenada Xafiisyada Doorashada

 

1.             Xubnaha Komishanku u magacaabo xafiisyada doorashada waa in loo sheego in xilka loo magacaabay ugu yaraan 60 (lixdan) maalmood ka hor taariikhda la qabanayo.

Shuruudaha lagu soo xulanaayo Guddoomiyeyaasha Xafiisyada Doorashada Degmada iyo Gobolku waxa ay la mid yihiin kuwa lagusoo xulanaayo Komishanka Heer Qaran marka laga reebo da’da oo ah “in aanu/aanay da’diisu/da’deedu ka yarayn 36 jir kana waynayn 70 jir”.

2.             Qofkii loo magacaabo xilalka xafiisyada doorashooyinka marmarsiiyo shaqada loogama dayn karo, haddii aanu jirin cudurdaar dhab ah oo Komishanku ku qanci karo.

3.             Xubnaha loo magacaabay xafiisyada doorashada ee goobaha, degmada iyo gobolka waxa dhaarinaya gudoomiyaha Maxkamadda degmada (dhaar fagaare), dhaartaas oo noqonaysa sidan:
WAXA IGU WALAAHIYA OO IGU BILAAHIYA INAAN HAWSHA DOORASHADA U GUDAN DOONO SI XILKASNIMO, DAACADNIMO LEH. INAAN DHEX U AHAADO XISBIYADA/URURADA IYO MURASHAXIINTA, SHARCIGA IYO CADAALADNA AAN KU SHAQAYNAYO.

4.             Komishanku waxay mid mid dhaarta kor ku xusan kaga hor dhaaranayaan Gudoomiyaha Maxkamadda Sare.

5.             Xubnaha ciidamada qalabka sida ama kuwa leh qaab-ciidameed, Gudoomiyayaasha gobolada, degmooyinka, golayaasha degaanada, murashaxiinta u taagan doorasho looma magacaabi karo xafiisyada doorashooyinka.

6.             Hawl-wadeenada goobaha cod-bixinta, kuwa xafiisyada doorashada degmooyinka/gobolada waxay mudada shaqadoodu ku dhamaanaysaa marka lagu dhawaaqo natiijada doorashada, hasa yeeshee Komishanku wuu kordhin karaa mudada shaqada intii uu u baahdo.

7.             Gudoomiyayaasha xafiisyada doorashada degmooyinka iyo gobolada ma noqon karaan shaqaale dawladeed, ciidan qaran, xubin xisbi/urur. Shuruudaha lagu soo xulanayaa waxay la mid yihiin kuwa Komishanka lagu soo doortey.

 

Qodobka 20aad

Gunnada Hawl-wadeenada

 

1.             Gunnooyinka ay qaadanayaa hawlwadeenada xafiisyada doorashooyinka waxa qorshaynaya Komishanka, iyagoo ku salaynaya xilalka hawlwadeenadu ku kala magacaaban yihiin.

2.             Hawlwadeenka loo diro hawl meel ka baxsan halka uu ku noolaa wuxuu yeelanayaa gunno-saad (subsistence allowance) mudada uu maqan yahay, waxana qorshaynaya Komishanka.

 

Qodobka 21aad

Dhawrsanaanta Komishanka, Murashaxiinta, Hawl-wadeenada

 

1.             Dhamaan hawl-wadeenada ka hawlgelaya xafiisyada doorashooyinka, wakiilada Ururada/xisbiyada ee xeerkani tilmaamay waxay sharci ahaan (legal status) la mid yihiin saraakiil guud (puplic officer).

2.             Murashaxiinta, hawl-wadeenada xafiisyada doorashooyinka iyo wakiilada xisbiyada lama xidhi karo xilliga doorashada, haddii aan la qaban iyagoo dembi ciqaabtiisu gaadhayso 3 sano faraha kula jira.

3.             Haddii uu dembi galo waxaa lagu soo oogi karaa marka ay doorashadu dhamaato ee laga wareejiyo hawsha uu u xil saarnaa.

4.             Komishanku wuxuu leeyahay dhawrsanaan la mid ah ta Golaha Wasiirada mudada uu xilka hayo. Dhawrsanaan ka qaadistoodana waxa loo marayaa sida uu tilmaamayo qodobada 94(8) iyo 96(4) ee Dastuurka.

 

QAABKA DOORASHADA

 

Qodobka 22aad

Habka Doorasho

 

1.             Xisbi/Urur kasta oo doonaaya in uu ka qaybgalo doorashada Goleyaasha Deegaanka, waa in uu Komishanka Doorashooyinka Qaranka u gudbiyo liiska murashaxiinta uu u xulay inay uga tartamaan doorashada oo degmaysan, kaas oo ku sar-go’an  tirada kuraasida Degmo kasta loo xadiday, una qoran si taxane ah oo ku salaysan   Habka   Liistada   Furan   (Open   List    Sytem).    Waxa Komishanka Doorashooyinka Qaranku uu siin  doonaa murashax kasta  Lambar u gaar ah oo u noqon doona summad.[9]

Hasa yeeshee doorashada Madaxweynaha iyo Ku xigeenka Madaxweynaha waxay noqonaysaa habka aqlabiyadda hal-dheeriga ah (majority system), sida dastuurku tilmaamay.

2.             Kuraasta Degmo-doorasho, waxaa Axsaabtu/Ururadu ku kala helayaan habka saami qaybsiga (Proportional Representation System) ee kuraasida iyo codadka xisbi/Ururkasta ka helo Degmadaas, iyadoo uu xisbiga/Ururkuna ay musharaxiintiisu ku kala guulaysanayaan sida ay u kala codbadan yihiin.[10]

3.             Musharaxiinta ku guulaysan waaya doorashada Deegaanka waxay noqonayaan kayd, iyadoo loo kala qaadanayo sida ay u kala codbadan yihiin, marka xubin ama xubno ka mid ah Golaha Deegaanku uu baneeyo xilka.[11]

 

Qodobka 23aad

Qaabka soo bandhigida Murashaxiinta

 

1.             Liiska murashaxiinta golaha degaanka waxaa soo bandhigaya Guddiga degmada ee Ururka/xisbiga, waana in si cad loo soo muujiyaa magaca murashaxa oo saddexan, meesha uu ku dhashay iyo sanadkii uu dhashay; haddii ay jiraan dad isku magacyo ah waa in la sheego naanysta (haddii ay jitro) iyo magaca oo afaran, waxa kale oo la soo muujinayaa degmada laga sharaxay.

2.             Liisaska murashaxiinta ururka/xisbiga waxa kale oo la soo raacinayaa:-

b. Caddeynta shaqo ka tegidda ee ku xusan qodobka 7aad ee xeerkan

t.   4 koobi oo ay si wanaagsan uga muuqato astaantii ururku/xisbigu.

j. Caddeyn uu bixiyey murashax kastaa oo uu ku muujiyey inuu ogol yahay murashaxnimada iyo inuu buuxiyey shuruudaha ku xidhan.

d. Rasiidhada bixinta deebaajiga murashaxnimo ee Wasaaradda Maaliyadda eeku xusan qodobka 25aad ee xeerkan.

3.             Waa la tirtirey.[12]

4.             Muran kasta oo ka dhasha xeraynta ama bandhigga liis murashaxiin oo ka dhex dilaaca xisbi/urur gudahiisa waxa go'aan ka gaadhaya golaha dhexe ee xisbiga/ururka arrintu khusayso.

5.             Murashaxa isusoo sharraxay Jagada Madaxweynaha ama Ku-xigeenkiisu waxa uu xaq u leeyahay in uu ka tanaasulo. Haseyeeshee waa in uu qoraal rasmi ah usoo gudbiyo Xisbigii uu ka sharraxnaa iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka ugu yaraan 20 maalmood ka hor taariikhda cod-bixinta. Xisbigii uu murashaxaasi ka sharraxnaa waxa uu soo beddeli karaa oo keliya 7 maalmood ka hor taariikhda cod-bixinta.

6.             Haddii mid ka mid ah murashaxiinta Madaxweynaha ama Ku-xigeenkiisa ee Xisbiyada Siyaasaddu uu geeriyoodo ka dib marka la soo gudbiyo liiska murashaxiinta, waxa uu Xisbiga ay khusaysaa xaq u leeyahay in uu soo beddesho 7 (toddoba)  maalmood ka hor taariikhda cod-bixinta. Haddii uu murashaxu geeriyoodo 7da maalmood ee ugu dambeeya gudahooda, Xisbigaasi xaq uma laha in uu soo beddesho. Xaaladaha ku saabsan bannaanaanshaha Jagada Madaxweynaha ama Ku-xigeenka ee ku xusan Qodobbada 86aad iyo 89aad ee Dastuurka, waxaa loo tixraacayaa Dastuurka.

7.             Haddii muddada lagu cayimay faqradaha 5aad iyo 6aad ee toddobada maalmood ah ay Xisbiyadu kusoo beddeli waayaan Murashaxii ay jagadiisu bannaaanaatay sababaha ku xusan faqradahaas awgood, magaca murashaxa jagadiisu bannaanaatay ayaa lagu tartamayaa.


Qodobka 24aad

Astaamaha Liistooyinka Murashaxiinta

 

1.             Lambarrada murashaxiinta ee Ururrada/Xisbiyadu waa in ay kala duwanaadaan marka lasoo bandhigaayo, iyadoo la raacaayo habka uu Komishanku usoo dhigay.[13]

2.             Xisbi/urur wuxu isticmaalayaa astaan keliya markuu soo bandhigayo murashaxiintiisa heerka degaanka ama Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

 

Qodobka 25aad

Deebaaji

Murashaxiinta u tartamaya xilalka waxay bixinayaan deebaaji aan celin lahayn, oo kala noqonaya sidan:-

a)            Sl.Sh. 5,000,000 (Shan Milyan oo Shilin) Murashaxiinta Madaxtooyada midkiiba

b)            Sl.Sh 1,000,000 (hal Milyan oo Shilin) Murashaxiinta Golayaasha Deegaanka midkiiba.

 

Qodobka 26aad

Qabashada Liisaska Murashaxiinta

 

1.             Liistooyinka murashaxiinta Madaxweynaha & ku xigeenkiisa waa in la geeyo xafiiska Komishanka, Liistooyinka murashaxiinta Goleyaasha deegaanka waa in la geeyo xafiisyada doorashada ee degmooyinka ka hor 6da galabnimo maalinta 75aad intaanay codbixintu dhicin, iyadoo ay dhan yihiin lifaaqyadiisa ku tilmaaman Xeerka.[14]

2.             Xafiiska Komishanka ama xafiisyadiisa doorashada ee degmooyinka waxay hubinayaan in murashaxiinta liisaska ku qorani buuxinayaan dhamaan shuruudaha u dhigan heerkooda, Murashaxa aan buuxin shuruudaha waxa lagu celinayaa urur/xisbigii soo sharaxey si ay bedelkiisa u keenaan muddo loo cayimey.

 

Qodobka 27aad

Sheegidda Liisaska Murashaxiinta

 

1.             Komishanka iyo xafiisyadooda degmo kasta waa inay diyaariyaan qaabka sheegidda murashaxiinta iyagoo u habaynaya siday u kala horeeyaan, kana muuqato astaamahoodii.

2.             Komishanka iyo xafiisyadiisa goob kasta oo cod-bixineed waa inay qoraal ahaan diyaariyo qaab sheegid liisaska murashaxiinta degmada iyadoo lagu dhajinayo goobaha cod-bixinta degmada.

3.             Komishanka iyo xafiisyadiisu waa inay 30 maalmood ka hor taariikhda cod-bixinta ku dhajiyaan liisaska murashaxiinta degmada goobaha fagaarayaasha, boodhadhka ogeysiiska, xafiisyada Dawladaha Hoose iwm,[15] haddii ay suuragal tahayna idaacadda laga sheego ama wargeysyada lagu baahiyo.

 

OLOLAHA DOORASHOOYINKA

 

Qodobka 28aad

Bilowga iyo Dhamaadka Ololaha doorashada

 

1.             Ololaha doorashooyinku wuxuu bilaabmayaa marka la soo dhejiyo ogeysiiska ku xusan qodobka 27aaad ee xeerkan, waxaanu dhamaanayaa 48 saac ka hor taariikhda la qabanayo cod-bixinta.

2.             Haddii muddada olole Doorasho ku beegmo bisha barakaysan ee Ramadaan, si xisbigii doonaa uu miisaanka ololihiisa uga soo hormariyo bisha Ramadaan, waxa ololaha Doorashadu bilaabmayaa 60 (lixdan) maalmood ka hor maalinta cod-bixinta, waxaanu dhammaanayaa 48 saacadood ka hor maalinta cod-bixinta.

3.             Ololaha Madaxtooyada ee xilligani (Doorashada Madaxtooyada ee sannadka 2010) waxa uu noqonayaa muddo saddex todobaad ah (21 maalmood). Waxa uu Ololuhu bilaabmayaa 23 maalmood ka hor maalinta doorashadu ay dhacayso, waxaanu dhammaanayaa 48 saac ka hor maalinta codbixinta. Hase yeeshee, haddii Ololaha Doorashadu uu ku beegmo bisha Ramadaan waxaa la adeegsanayaa Qodobka 28aad , faqradda 2aad ee Wax-Ka-Beddelka iyo Kaabista Lifaaqa u ah Xeer Lr. 20/2001 ee Golaha Wakiilladu ansixiyay 26/07/2009.

4.             Ololaha Doorashada Goleyaasha Deeegaanka ee xilligan ay Xisbiyada/Ururradu tartamayaan waxa uu noqonayaa muddo dhan affar todobaad oo hal maalin la’ (27 maalmood). Waxa uu Ololuhu bilaabmayaa 29 maalmood ka hor maalinta doorashadu ay dhacayso, waxaanu dhammaanayaa 48 saac ka hor maalinta codbixinta. Jadwalka Ololaha Doorashada waxaa soo saaraaya Komishanka Doorashooyinka Qaranka.[16]

 

Qodobka 29aad

Qabashada shirarka & Banaan-baxyada

 

1.             Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxa uu diyaarinayaa soona saarayaa shaxda isu-soo-baxyada iyo dhoollo-tusyada qorshaysan ee Xisbiyada/Ururrada ee muddada Ololaha Doorashada, oo Xisbiyada/Ururrada loogu qoondeeyey tiro maalmo ah oo is-le’eg. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Guddoomiyeyaasha Gobollada iyo Degmooyinka iyo Duqa Magaalada waxaa ku waajib ah in ay ku dhaqmaan shaxda ay soo saareen Komishanka Doorashooyinka Qaranku xilliga ololaha doorashada.[17]

2.             Magaalo ama tuulo laguma wada qaban karo maalin qudha wax ka badan hal[18] shir iyo banaan-bax.

 

Qodobka 30aad

Muuqaalka boodhadhka

 

1.             Muuqaalka boodhadhka, waraaqaha dacaayadaha ololaha doorashada iyo farriimaha ololaha doorashada ee Xisbi/Urur/Murashax waxaa oggolaanaaya Komishanka Doorashooyinka Qaranka islamarkaana joojinaaya haddii ay kasoo hor jeedaan Xeerarka iyo Anshaxa Guud. Mana jirto wax cashuur ah oo laga bixinayaa.[19]

2.             Lama ogola in boodhadhka iyo waraaqaha ololaha doorashooyinka lagu dhejiyo masaajidada, xafiisyada & gaadiidka dawladda, xarumaha diplomaasiyiinta & ururada caalamiga ah iwm.

 

Qodobka 31aad

Hub iyo Lebbis Ciidanimo

 

Shirarka iyo banaan-baxyada ololaha doorashooyinka waxa ka reebban in loo qaato HUB iyo lebbis ciidan ama wax u eg.


Qodobka 32aad

Wakiilada Axsaabta/ururada

 

1.             Guddiyada dhexe ama kuwa gobolada/degmooyinka ee ururadu/xisbiyadu waxay wakiil leh xaqa cod-bixinta u soo diran karaan goob kasta oo cod-bixin ka dhacayso oo ay murashaxiin ku leeyihiin. Waxa kale oo ay keeni karaan bedelkiisa haddii uu maqnaado.

2.             Wakiilada ay ururadu/axsaabtu soo dirsadeen waa inay goob-joog ahaadaan marka xafiiska doorashadu hawsha hayo, soona jeediyaan wixii tabasho ama caddeyn ay qabaan (haddii ay jirto), taas oo la diiwaangelinayo.

3.             Magacyada wakiilada ururada/xisbiyada waa in la geeyo Komishanka ama xafiisyadiisa 20 maalmood[20] ka hor taariikhda cod-bixinta. [Komishanka ama xafiisyadiisu wuxuu siinayaa wakiil kasta qoraal ogolaansho ah oo u fasaxaya inuu geli karo kana hawl geli karo goobta cod-bixinta ee loo soo diray.[21]]

4.             Waxaa lagu soo xulayaa wakiillada  Axsaabta/Ururrada Shuruudaha hoos ku xusan[22]:

b) Waa in uu yahay/tahay muwaadin Somaliland u dhashay;

t)              Waa in aanay/aanu da’diisu/da’deedu ka yarayn 25 jir sannadka doorashada la qabanayo;

j) Waa in uu/ay wax qori karo/karto waxna akhriyi karo/karto;

x) Waa in uu yahay/tahay qof xilkas ah oo dhaqan toosan.

 

DOORASHADA GOLAYAASHA DEGAANKA

 

Qodobka 33aad

Shuruudaha Murashaxa Golaha Degaanka

 

1.             Waa inuu yahay muwaadin u dhashay Somaliland

2.             Waa inuu si rasmi ah u degan yahay degmada uu iska sharaxayo

3.             Waa inuu muslin yahay kuna dhaqmaa diinta islaamka.

4.             Waa inaan da'diisu ka yareyn 25 sano[23] sanadka doorashada la qabanayo.

5.             Waa inuu ku sifoobay xilkas,  dhaqan toosan bulshada dhexdeeda.

6.             Waa in aanu ku dhicin xukun ciqaabeed oo maxkamad horteed kaga cadaadey 10kii sano ee u dambeeyay.

7.             Waa inuu leeyahay aqoon dugsi sare haddii uu iska sharaxayo degmooyinka darejada A iyo B. Hadii uu iska sharaxayo degmooyinka derajada C iyo D waa inuu lahaado aqoon dugsi dhexe ugu yaraan ama wixii u dhigma.

8.             Waa inuu yahay cashuur bixiye degmada uu degan yahay ama uu ka qayb qaatey si mutadawacnimo ah hawlo dan guud ah ee degmadaas.

 

Qodobka 34aad

Ururada u gudbi waaya xisbi

 

Ururada ku guulaysan waaya inay u gudbaan xisbi hasayeeshee, doorashada Golayaasha degaanka ee degmooyinka qaarkood ku guulaysta kuraas, waxa ku waajib ah inay ku biiraan saddexda xisbi ee la ansixiyey midkood. [24]

 

DOORASHADA MADAXWEYNAHA IYO KU XIGEENKA MADAXWEYNAHA

 

Qodobka 35aad

Shuruudaha Murashaxa Madaxweynaha & Ku xigeenka Madaxweynaha

 

1.             Shuruudaha murashaxa Madaxweynaha iyo ku xigeenka Madaxweynaha waxay ahaanayaan kuwa ku tilmaaman Dastuurka Qodobka 82aad.

2.             Xubnaha isu taagaya doorashada Madaweynaha iyo ku xigeenka Madaxweynaha waa inay ka mid yihiin urur/xisbi diiwaan-gashan ama ansaxsan, soona sharaxay.


Qodobka 36aad

Habka Doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka Madaxweynaha

 

Habka lagu dooranayo Madaxweynaha iyo ku xigeenka Madaxweynaha wuxuu ahaanayaa kan ku tilmaaman Dastuurka qodobka  83aad, faqradihiisa 1, 2, 3, iyo 4aad.


NIDAAMKA MAAMULKA DOORASHADA

 

Qodobka 37aad

Qalabka xafiisyada Doorashooyinka

 

1.             Komishanka Qaranka ee doorashooyinku waa inay goob cod-bixineed kasta u diyaarisaa qalabkan:

a.    Nuqul xeerkan ka mid ah.

b.    Xidhmo lingaxan oo ay ku jirto shaambaddii goobta cod-bixinta oo ay la socdaan khadkii   iyo khadeeyihii.

c.    Xidhmo lingaxan oo ay ku jiraan waraaqihii cod-bixintu.

d.    Sanaadiiqdii cod-bixinta lagu ridayay.

e.    Weel lagu qaado waraaqaha cod-bixinta.

f.   Saddex foom oo lagu qoro hawlgalka cod-bixinta.

g.    Foom leh khaanado jeexjeexan.

h.    Qalimo-biiro ku filan calamadaynta warqadaha cod-bixinta.

i.   Ugu yaraan 5 waraaqadood  oo tusinaya qaabka cod-bixiyayaashu u calaamadaynayaan warqadaha cod-bixinta.

j.    Quraarad ah khadka aan tirtirmi Karin ee la marinayo cod-bixiyayaasha.

k.    Qalabka qoraalada kala duwan ee loo baahan karo.

l.  m. n  Waa la tirtirey[25]

2.             Qalabka ku xusan c, d, e, f, g, ee ku tilmaaman faqradda xubinta hore waa inay ahaadaan laba laba oo si fiican loo kala calaamadiyaa haddii wadajir loo qabanayo doorashooyinka Degaanka.

3.             Komishanku waa inay xafiiska dhexe ee doorasho iyo degmo/gobol kasta u diyaarisaa qalabkan:
a. Nuqul xeerkan ah

b. Xidhmo lingaxan oo ay ku jirto shambaddii xafiiska degmada, gobolka ee doorasho oo ay la socdaan khadkii iyo khadeeyihii.
c. Saddex foom oo lagu qorayo hawlgalka cod-bixinta xafiiska doorashada ee degmada/.gobolka.

d. Foom leh shax jeexjeexan (tabulation forms)

e. Qalabka wax lagu qoro oo kala duwan (stationery)

f.  Waa la tirtirey. [26]

4.             Qalabka xafiis kasta oo doorasho waa in lagu rido saxarad gaar ah. Saraxadda waa in la xidho oo la lingaxo. Komishanku waa inay qalabkaas dirto wakhti ku haboon iyadoo la socdaan sanaadiiqdii codka lagu ridayey, waxaana loo dirayaa xafiisyada doorashada degmada/gobolka oo u sii gudbinaya goobaha cod-bixinta

5.             b. Komishanku wuxuu goob kasta oo codbixineed u diyaarinayaa waraaqo  codbixineed oo dheeraad ah oo aanay tiradoodu ka badnayn 2% tirada waraaqaha ee Komishanku u qoondeeyay goobta, lambarradooda iyo goobaha codbixineed ee loo kala dirayana lagu qorayo diiwaan gaar ah oo  Komishanka Doorashooyinka Qaranku leeyahay;  waxaana goobta loogu ridayaa baqshad xidhan oo gaar ah oo lagu rido sanduuqa doorashada ee goobta codbixineed.[27]

t.    Waraaqaha dheeraadka ah waxa loo adeegsanayaa oo keliya beddelaadda waraaqaha codbixineed ee xumaada intaan lagu codeyn,  taas  oo  ay  waajib  tahay  in  ay  ku  wada   qancaan gudoomiyaha goobta iyo wakiilada Axsaabta/Ururrada u jooga goobta codbixinta. Mar kasta oo warqad ka mid ah waraaqaha dheeraadka  ah  lagu  codeeyana  waa  in  la  diiwaangeliyaa asbaabaha kalifay.

 

Qodobka 38aad

Waraaqaha Cod-bixinta

 

Waraaqaha cod-bixinta waa inay ku daabacan yihiin astaamaha ururada/xisbiyada oo kor u taagan si afar gees ah. Astaan kastaa waa inay leedahay meel banaan oo loogu talagalay inuu cod-bixiyuhu ku muujiyo codkiisa. Waraaq kastaana waa ianay leedahay cidhif yar oo xabagaysan oo lagu rogo warqadda cod-bixinta oo lagu lingaxo.

 

Qodobka 39aad

Habaynta Liisaska rasmiga ah iyo goobaha codbixineed

 

a.              Goob kasta oo codbixinta laga dhiibanayaa waa inay lahaato laba qol oo yar yar oo loogu talagalay in lala galo calaamadaynta waraaqaha cod-bixinta loona habeeyo in qarsoodi codka lagu hubiyo

b.             Sanaadiiqda cod-bixinta lagu ridayaa waa inay yaaliin meel muuqata ama hareeraha ka xigaan miisaska Gudoomiyaha goobta cod-bixinta.

c.              Waa la tirtirey. [28]

 

Qodobka 40aad

Ogeysiinta Liiska Murashaxiinta

 

1.             Halka nuqul ee ku xusan qodobka 27aad ee xeerkan waa in lagu dhejiyo meel la wada arki karo oo ka mid ah xafiiska doorashada ama goobta cod-bixinta gudaheeda iyo dibeddeedaba

2.             Nuqulka ogaysiinta ee ku xusan qodobka 27aad ee xeerkan oo Komishanku ka soo sameeyay liiska murashaxiinta oo u kala horeeya sidii loogu soo gudbiyay waa in lagu dhejiyo banaanka xafiisyada doorashada iyo gudaha meel la wada arki karo.

 

Qodobka 41aad

Qaybinta Qalabka Doorashada

 

1.             Xafiiska doorashada degmadu waa inuu hubiyo in goob kasta oo cod-bixin ka dhacayso in la geeyo wixii qalab ah ee loo baahan yahay markay saacadu tahay 6:00 saac ee subaxnimo ka hor maalinta cod-bixinta.

2.             Komishanku Waa inuu geeyo xafiiska doorashada degmada qalabka loogu talagalay cod-bixinta ugu dambayn 4ta galabnimo maalinta ka horaysa cod-bixinta.

3.             Goob kasta oo cod-bixineed waa in la siiyo:-
b. Nuqul muujinaya magacyada hawlwadeenada goobta
t. Nuqul muujinaya wakiilada ururada/axsaabta ee goob-jooga ahaanaya.

 

Qodobka 42aad

Xafiiska Goobta cod-bixinta

 

1.             Gudoomiyaha goobta cod-bixintu markuu helo qalabka ku xusan qodobka la soo dhaafay waa inuu:-

a)   Dhiso xafiiska oo uu hubiyayaasha iyo xoghaynta u sheego inay yihiin hawlwadeenadii goobta isla markaana la socodsiiyo sida ay hawsha loo xilsaaray u gudanayaan.[29]

b)  Hubiyo in Wakiilada axsaabta/ururada ee loo soo ogolaaday inay goob-joog ahaadaan inay joogaan.

c)   Markuu hubiyo inay saxaraduhu lingaxan yihiin waa inuu furo saxarada oo hubiyo inay dhan yihiin qalabkii, waana inay goob-joog ahaadaan Hawl-wadeenadii goobta iyo wakiiladii ururada/axsaabtu.

d)  Markuu hubiyo isaga iyo hawl-wadeenadiisa iyo wakiiladu in xidhmooyinka ay ku jiraan shaambadda goobta iyo waraaqaha cod-bixintu lingaxan yihiin, waa inuu furo xidhmooyinka oo waraaqaha cod-bixinta la dhaco shaambada goobta, oo si nidaamsan ugu rido weel xafidan. Waxaa reebban inay markaas joogto qof aan ahayn inta goobta ku qoran.

e)   Inuu hubiyo in ogeysiinta ay ku qoran yihiin tilmaamaha cod-bixinta iyo liisaska murashaxiintu ku dhegan yihiin meelihii loogu talagalay.

f)    Inuu hubiyo in qalabkii loo baahnaa ee cod-bixinta loogu talagalay loo agaasimay sida xeerku tilmaamayo, si hawsha doorashu si hufan ugu hirgasho.

2.             Waa inuu diiwaan-geliyo dhamaan hawlgalka kor ku xusan in la fuliyey. Qoraalka waa inay ku cadaato shaambadda goobta, tirada waraaqaha cod-bixinta ee goobta cod-bixintu heshay.

3.             Waa inuu markaa ka saxeexo hawlwadeenada iyo wakiiladaba in wax waliba sidii loogu talagalay yihiin.

4.             Markuu hubiyo Gudoomiyaha goobta cod-bixintu in hawshaasi qabsoontay waa inuu ku dhawaaqo in cod-bixintu furan tahay.

5.             Haddii ay Xisbiyada Siyaasaddu goob cod-bixineed usoo diran waayaan wakiillo, hawsha doorashadu u xannibmi mayso, hawl-wadeennada Komishanka ee goobtuna shaqadooda way wadanayaan.


Qodobka 43aad

Awoodda Gudoomiyaha Goobta cod-bixinta

 

1.             Gudoomiyaha goobta cod-bixinta waxa waajib ku ah inuu ilaaliyo nidaamka inta doorashadu socoto. Booliska ayuu ku amri karaa inuu qof goobtaa dibedda uga saaro ama in la qabto qof gef ku sameeyay hawsha doorashada ama qof waali ka muuqato

2.             Booliska looma ogola inuu galo gudaha goobta cod-bixinta haddii aanu Gudoomiyuhu amrin

3.             Saraakiisha Booliska iyo kuwa shaqaalaha dawladda waa in ay fuliyaan codsiyada Gudoomiyaha goobta si loo hubiyo in si dhib yar codka loo bixiyo oo aanay dhicin in lagu ururo miiska hawlwadeenada ama goobta agteeda.

4.             Gudoomiyaha goobta cod-bixinta iyo kuwa xafiiska dhexe waxay xaq u leeyihiin inay isticmaalaan awoodaha ku qoran xubnaha qodobkan.

 

Qodobka 44aad

Gelidda Goobta Cod-bixinta

 

1.             Xafiiska goobta cod-bixinta waxa geli kara dadka maamulaya xafiiska iyo kuwa ka wakiilka ah axsaabta/ururada iyo kuwa codka bixinaya.

2.             Waxa reebban in cod-bixiyayaashu hub la yimaadaan goobta, markiiba qof ayaa gelaya, iyadoo lookala hor marinayo sidii loo soo kala horeeyay, hasa yeeshee waa la tixgelin karaa inuu ugu hormaro haddii ay jirto qof ka shaqaynaya hawsha doorashada oo doonaya inuu codkiis a bixiyo.

 

Qodobka 45aad:

Talaabooyinka Ka Horeeya Cod-bixinta

 

Waa la tirtirey. [30]

 

Qodobka 46aad

Cod-bixiyayaasha aan codka dhiiban Karin

 

1.             Waxa codkisa dhiiban kara cod-bixiyaha taga goobta cod-bixinta oo codkiisa ku ridi kara sanduuqa.

2.             Haddii uu jiro qof ay naafonimo u diidey inuu codkiisa bixiyo Gudoomiyaha goobta cod-bixinta ayaa u ogolaanaya in cod-bixiye kale oo uu aaminsan yahay inuu gacan siinayo oo ka caawiya sidii uu codkiisa u dhiiban lahaa.

Haddii uu jiro qof waayeel ah ama aan fahmi karahayn halka uu warqadda ka calaamadinayo, Gudoomiyaha goobta codbixintu wuxuu amrayaa in qof uu ku kalsoon yahay ama haddiiaanu jirinna hawlwadeenada goobtu ay gacan ka siiyaan oo ay ka caawiyaan sidii uu codkiisa u dhiiban lahaa. Wakiilka Xisbiga/Ururka uu u codaynaayo murashaxiisu goobjoog wuu ka ahaan karaa.[31]

3.             Xoghayaha goobta cod-bixinta ayaa qoraalka gelinaya sababta loo ogolaaday in qofkaas naafada ah laga kaalmeeyo sidii uu codkiisa u bixin lahaa, waxa kale oo uu qoraalka ku muujinayaa qofka naafada ah iyo qofka kaalmeeyey.

 

Qodobka 47aad

Nidaamka cod-bixinta

 

1.             Marka la dhammays-tiro hawlaha ku xusan qodobka 45aad ee cusub (as amended) ayuu xoghayuhu

a)   cod-bixiyaha u goynayaa warqadda codbixinta isagoo xaqiijinaya in dabadii    hadhaaga ahayd ee warqaddaa cod-bixineed ku hadhay buugga, u shaambadaynayaa, kuna wareejinayaa si uu ugu soo codeeyo;

b)  Waa la tirtirey.[32]

c)   Waa la tirtirey.[33]

2.             Haddii uu arko cod-bixiyuhu intaanu codayn in warqadda cod-bixintu aanay dhammayn ama ay jeexan tahay, wuu soo celinayaa, waxaanu codsanayaa in loo beddelo, dhacdadaasna waa in la  diiwaan-geliyaa.

3.             Cod-bixiyuhu wuxuu dabadeed gelayaa qolka yar ee waraaqaha lagu soo calaamadiyo.

4.             Isagoo adeegsanaya mid ka mid ah qalimmada goobta, ayuu cod-bixiyuhu calaamadinayaa meel ka mid ah qaybta warqadda ee u gaarka ah xisbiga/musharraxa uu doonayo inuu u codeeyo, dabadeedna uu soo laalaabayaa warqadda kana soo baxayaa qolka calaamadinta warqadda.

5.             Intaa ka dib ayuu cod-biixyuhu wuxuu ku ridayaa warqaddisa cod-bixinta sanduuqa   cod-codbixinta.

6.             Cod-bixiyuhu wuxuu dabadeed u imanayaa Hubiyaha labaad,[34] kaasoo far-yaradiisa bidix u marinaya khadka aan masaxmin, haddii aanu far-yaro bidix lahaynna, far-yarada gacanta midig, haddii aanu labada far-yaro midna lahaynna farta kale ee u soo xigta iyadoo gacanta bidix mudnaanta khadaynta la siinayo, haddii aanu labada gacmood midna lahaynna meeshii kale ee jidhkiisa ah ee muuqanaysa.

7.             Waa la tirtirey. [35]

8.             Waa la tirtirey.[36]

9.             Waa la tirtirey.[37]  

10.         Guddoomiyaha goobtu wuxuu ku ilaalinayaa hawlwadeennada kale ee Xafiiska doorasho ee goobta gudashada xilkooda, waxaanu u gacan-bannaanaanayaa kala-socodsiinta hawsha goobta.

11.         Guddoomiyuhu wuxuu awood u leeyahay inuu debedda uga saaro cod-bixiyaha cudur-daar la’aan dhex meeraysta goobta iyo inuu cod-bixiyahaas dib uga soo celiyo warqadda cod-bixinta. Cod-bixiyahaas waxa loo oggolaanayaa inuu codkiisa dhiibto ka dib marka dadka safka taagani codkooda wada dhiibtaan.

12.         Waa la tirtirey.[38]

13.         Cod-bixiye kasta[39] waraaqo cod-bixineed oo dheeraad ah ama ka duwan kuwa la isticmaalayo, Guddoomiyuhu wuxuu si degdeg ah u amrayaa in laga qaado, hadday suurto-gal u noqotana wuxuu u dhiibayaa ciidanka nabadgelyada si dacwad loogu oogo, dhacdadaasna qoraal ayaa lagu diiwaan-gelinayaa.

 

Qodobka 48aad

Hawlgalka cod-bixinta

 

1.             Hawlgalka cod-bixintu waa in la dhamaystiro hal maalin gudaheed oo ka bilaabmaysa 7:00 saac ee subaxnimo kuna dhamaanaysa 6:00 fiidnimo

2.             Cod-bixintu way soconaysaa wakhtiga xidhitaanka la tixgelin mayo, haddii ay jiraan cod-bixiyayaal safka ku jira oo aan welli codkooda bixin ilaa ay ka dhamaanayaan.

 

Qodobka 49aad

Go'aanka cabashooyinka ee goobta cod-bixinta

 

Xafiiska goobta cod-bixintu waa inuu si ku meel gaadh ah go'aan uga gaadho cabashooyinka (haddii ay jiraan) oo ay ka mid yihiin kuwa af ahaan loo soo jeediyey iyo wixii muran ah ee ku hawlgalka goobta cod-bixinta.  Cabashooyinka iyo muranadaas waa in qoraal ahaan loo diiwaan-geliyo.

 

Qodobka 50aad

Hawsha ka horaysa Tirinta Codadka

 

1.        Markay cod-bixiyayaashu codkooda bixiyaan Gudoomiyaha goobtu wuxuu cod sare ku dhawaaqayaa inay cod-bixintu xidhan tahay.

2.        Markuu Gudoomiyaha goobtu ka ururiyo miiska dhamaan waraaqaha iyo qalabka aan tirinta wax ahmiyad ah u lahayn wuxuu bilaabayaa hawsha soo socota:-

a)   Hubinayaa tirada cod-bixiyayaasha isagoo ka eegaya tirada waraaqaha cod-bixinta.

b)  Ururinayaa oo tirinayaa waraaqaha cod-bixinta ee aan la isticmaalin waxaanu ku ridayaa baqshadda 1aad.

c)   Xaqiijinayaa oo saxeexiisa ku muujinayaa waraaqaha doorashada ee xumaaday ama aan hagaagsanayn ee ay soo celiyeen cod-bixyayaashu, ama la arkay inay xun yihiin, waxaanu ku ridayaa baqshada 2aad.


Qodobka 51aad

Tirinta codadka

 

1.             Marka Gudoomiyaha goobtu dhameeyo hawsha ku xusan qodobka la soo dhaafay wuxuu bilaabayaa tirinta  waraaqaha cod-bixinta ee sanduuqa ku jira. Si taa loo fuliyo Hubiyuhu wuxuu markiiba sanduuqa ka soo saarayaa hal warqad cod-bixineed, wuxuuna u dhiibayaa Gudoomiyaha, Gudoomiyuhuna wuxuu furayaa warqaddii codbixinta oo cod sare ku dhawaaqayaa ururka/xisbiga codka lagu siiyey; warqadaas waxa hubiyuhu u sii gudbinayaa Hubiyaha kale oo isna tusi doona wakiilada Xisbiyada/Ururada, markaas xoghayaha ayaa gelinaya foomka khaanadaysan ee loogu talagalay ururka/xisbiga codkaas helay waxaanu warqadaas ku ridayaa sanduuqa loo sameeyay

2.             Ma banana in sanduuqa laga soo saaro warqad kale oo cod-bixineed inta tii ka horaysay laga dhamaynayo ee sanduuqa lagu ridayo. Hawsha waxa maamulaya hawl-wadeenada goobta oo keliya.

3.             Gudoomiyaha goobtu markuu dhameeyo tirinta, wuxuu hubinayaa tirada waraaqaha cod-bixinta, iyo inay is keenayaan tirada codadka ururada/axsaabtu guud ahaan heleen, wuxuu intaas raacinayaa tirada codadka lagu muransan yahay ama aan hagaagsanayn ama aanay waxba ka jirin ee ku xusan qodobka 57aad ee xeerkan.

4.             Guddoomiyaha goobtu, markuu caddeeyo ee uu sidaas saxeexiisa ku muujiyo:

a)   wuxuu waraaqaha cod-bixinta ee wax-kama-jiraanka laga dhigay iyo waraaqaha cabashada ee wakiillada xisbiyada ku ridayaa baqshadda 3aad;

b)  wuxuu waraaqaha cod-bixinta ee lagu muransan yahayna ku ridayaa baqshadda 4aad;

c)   ugu dambayntiina, wuxuu waraaqaha ansaxay ee la tiriyey ku uruurinayaa baqshadda 5aad.

5.             Hadii sanduuqa cod-bixinta laga helo waraaqo dheeraad ka ah ama ka duwan kuwii    goobta lagaga codeeyey, sida iyaga oo aan lahayn shaambaddii goobta, lambarkii waraaqaha cod-bixinta ee goobta amaba nooc ahaan aanay ula mid ahayn waraaqaha lagaga codeeyey goobta, hawlwadeennada goobta cod-bixineed waxay ka dhex saarayaan waraaqaha la tirinayo, waxayna tusayaan wakiilada xisbiyadda/uruurrada[40] ee goobta codbixinta, ka dibna waa la daadinayaa, iyadoo dhacdadaas la diiwaangelinayo.

 

Qodobka 52aad

Xidhitaanka Hawsha Tirinta

 

1.             Markuu Gudoomiyaha goobtu dhameeyo hawsha tirinta ee ku xusan qodobada kore wuxuu iyadoo fagaare ah ku dhawaaqayaa wadarta tirada cod-bixiyayaasha, codadka saxda noqday iyo tirada codadka uu helay liis kasta oo xisbi/urur iyo Murashaxa[41].

2.             Si looga badbaado luminta codadka ay muwaadiniintu dhiibteen,  waxa  wakiilka  Xisbi/Urur  ku  waajib  ah  in  uu saxeexo buqshadaha ama uu qoraal kusoo gudbiyo sababaha uu u saxeexi waayay laguna rido sanduuqa.[42]

3.             Baqshadaha korkooda waxa lagu qorayaa faahfaahinta waxa baqshadda gudaheeda ku jira

4.             Hawsha tirinta waa in loo dhamaystiro si isdaba jooga ah ee la soo tilmaamay oo hakad lahayn oo wax kale aan la dhex galin

5.             Qoraalada raadraaca ahi (records) waa inay si cad u muujiyo hawlaha kor ku xusan

 

Qodobka 53aad

Codadka xumaada ama Lagu muransanyahay

 

1.             Waraaqaha cod-bixinta marka la tirinayo waxay noqonayaan waxba kama jiraan:

a)   Haddii ay ka duwan yihiin waraaqaha cod-bixinta ee Komishanku gartay in doorashada loo isticmaalo.

b)  Haddii aanay lahayn shaambadda goobta cod-bixinta.

2.             Waraaqaha cod-bixinta ee la tiriyay waxay noqonayaan waxba kama jiraan haddii:-

a)   Haddii warqadda cod-bixinta ay ka muuqdaan qoraal ama calaamado ama raad si xirfad leh loo soo agaasimay oo aan loogu talagelin in lagu qoro.

b)  Haddii warqadda cod-bixinta aanay si fiican uga muuqan Karin Ururka/xisbiga codka la siiyey oo la aqoonsan kari waayo.

c)   Haddii warqadda cod-bixinta ay ka muuqato in cod-bixiyuhu calaamadeyay hal astaan xisbi/urur wax ka badan.

3.             Codka waxba kama jiraan wuxuu noqon karaa marka go'aan wadajir ah isku raacaan Hawl-wadeenada goobta cod-bixintu. Haddiise ay isku raaci waayaan oo ay ku kala qaybsamaan, waxa waraaqahaas cod-bixineed loo aqoonsanayaa kuwo muran ka taagan yahay.

4.             Xafiiska Doorashada ee degmada ayaa go'aan ka gaadhi kara waraaqaha cod-bixinta ee muranku ka taagan yahay.

 

Qodobka 54aad

Qoraalka raadraaca Goobta Cod-bixinta

 

1.             Natiijada raadraaca ee goobta cod-bixinta waxa lagu qorayaa foomka uu soo diyaariyey Komishanka Doorashooyinka Qaranku ee ka kooban xaashi asal (original) ah iyo kow iyo toban[43] xaashiyood oo nuqullo (copies) ah, iyadoo fagaare ahna waxa Guddoomiyaha Goobtu ku dhawaaqayaa:

a)  tirada guud ee ka codaysay goobtaa,

b)  tirada codadka xumaaday,

c)  tirada codadka lagu muransan yahay;

d)  tirada codadka ansaxay, iyo

e)  tirada ay kala heleen Xisbiyada/Ururrada[44]/Musharrixiinta tartamay.

2.             Xaashida asalka ah ee foomka ku xusan faqradda 1aad ee qodobkan waxa loo gudbinayaa Guddoomiyaha Xafiiska Doorashada ee Gobolka, laba nuqulna waxa lagu ridayaa isla sanduuqa ay ku jiraan baqshadaha lingaxan ee ku xusan qodobka 55aad(1 iyo 2) ee Xeerka iyo wixii ka hadhay agabkii doorashada waxaana loo gudbinayaa Xafiiska Doorashada ee Degmada, sagaalka[45] nuqul ee soo hadhayna waxa la kala siinayaa wakiillada Xisbiyada/Ururrada[46]  .

 

Qodobka 55aad

Qaadista iyo wareejinta Qalabka

 

1.             Gudoomiyaha goobta cod-bixinta oo ugu yaraan ay la socdaan xubin hawlwadeenada ka tirsani iyo Boolis ilaalo ahi ayaa qaadaya qoraalka raadraac iyo baqshadaha goobta kuna wareejinaya xafiiska doorashada ee degmada, iyadoo aan lahayn wax dib u dhac ah.

2.             Marka xafiiska doorashada ee degmada lagu wareejinayo baqshadaha waa in la hubiyo inay lingaxan yihiin oo aan la furin lana farafarayn. Gudoomiyaha doorashada ee degmadu waa inuu bixiyo caddaynta la wareegidda agabkaas.

 

Qodobka 56aad

Shaqada xafiiska doorashada ee Degmada

 

1.             Markuu Gudoomiyaha xafiiska doorashada ee degmadu helo agabka lagu tilmaamay qodobka 55aad ee xeerkan waa inuu:-

a.    Waa inuu faro hubiyayasha, xoghayaha iyo tiriyayaasha inay hawshooda u diyaar garoobaan.

b.    Waa inuu u yeedho wakiilada ururad/axsaabta ee murashaxiin ku leh degmada ee Komishanku soo ogolaaday inay goob-joog ahaadaan inta hawshu socoto.

c.    Markay Gudoomiyaha, hawlwadeenada iyo Wakiiladu hubiyaan inay saxaraduhu lingaxan yihiin oo aan la furin, waa inuu furo saxarada oo ka soo saaro qalabka ku jira oo hubiyaa.

d.    Markay wadajir u hubiyaan in baqshadahu lingaxan yihiin oo aan hore loo furin, waa inuu furaa baqshadda ay ku jirto shaamnbadu oo hubiyaa in lambarka shaambadu ku yaal qoraalada.

2.             Xafiiska doorashada ee degmadu waa inuu markaas hubiyo in qoraalada iyo baqshadaha ku xusan qodobada 50, 51, 54aad ee xeerkan ay dhan yihiin.

 

Qodobka 57aad

Tirinta Codbixinta Degmeda[47]

 

Xafiiska Doorashada ee Degmadu, markuu la wareego qalabka goobta doorashada, iyadoo ay goob-joog yihiin wakiillada xisbiyada ee Xafiiska Doorashada ee Degmadu:

1.             Wuxuu hubinayaa inay baqshadaha kala duwani si hagaagsan u lingaxan yihiin;

2.             Wuxuu hubinayaa codadka wax-kama-jiraanka laga dhigay, wixii isbeddel ah ee halkaa ka soo baxana wuxuu ugu kala darayaa xisbiyada/ururrada[48]/musharrixiinta tartamay;

3.             Wuxuu go’aan ka gaadhayaa waraaqaha cod-bixineed ee lagu muransan yahay, iyadoo waraaqaha uu garto in la tiriyo uu xisbiyadu/ururradu/musharrixiintu siday u kala heleen ugu kala darayo;

4.             Wuxuu go’aan ka gaadhayaa sanduuqyada goobaha cod-bixineed ee lagu muransan yahay, natiijooyinka goobahaa cod-bixineedna wuxuu ku qorayaa foomamka raadraaca natiijooyinka cod-bixineed ee goobahaas;

5.             Sanduuq cod-bixineed wuxuu noqon karaa:

a)   mid la tiriyo, haddii loo aqoonsado in si sharciga waafaqsan loogu codeeyey;

b)  wax-kama-jiraan, haddii ay sugnaato in si aan sharciga waafaqsanayn loogu codeeyey;

c)   waxa waajib ah in sanduuqa lagu murmo xaaladda sugnaanshihiisa lagu go’aamiyo sugnaanshihiisa labada xaaladood ee ku xusan xubnaha “a” iyo “b” ee faqraddan midkood.

6.             Go’aanka Xafiiska Doorashada ee Degmadu wuxuu ku ansaxyaa aqlabiyadda fudud ee hawlwadeennada xafiiska.

7.              Haddii uu Xafiiska Doorasho ee Degmadu muranka sanduuqa goobta cod-bixineed ama cabasho ku saabsan waraaqo lagu muransanaa dhammayn kari waayo amaba ay cabasho ka timaaddo dib-u-hubinta waraaqo xafiis doorasho ee goob cod-bixineed wax-kama-jiraan ka dhigay, wuxuu u gudbinayaa sanduuqa iyo warbixintiisa oo qoraal ah ama cabashada Xafiiska Doorashada ee Gobolka oo ku dedaali doona inuu muranka halkaa ku dhammeeyo.

8.             wuxuu isu geynayaa natiijada doorashada ee dhammaan goobaha cod-bixinta ee degmada, waxaanu natiijada raadraaca doorashada ee degmada ku qorayaa foomka loogu tala-galay oo ka kooban xaashi asal ah iyo eleven[49] xaashiyood oo nuqullo ah,  iyadoo fagaare ahna wuxuu ku dhawaaqayaa:

a)   tirada guud ee ka codaysay degmada,

b)  tirada codadka xumaaday,

c)   tirade codadka lagu muransan yahay

d)  tirada codadka ansaxay, iyo

e)   tirada ay kala heleen xisbiyada/ururrada/musharrixiinta tartamay;

9.             wuxuu u dirayaa Xafiiska Doorashada ee Gobolka xaashida asalka ah ee raadraaca natiijada doorashada Degmada oo ay ku lifaaqan yihiin xaashiyihii asalka ahaa ee goobaha degmada iyo nuqulladdii natiijooyinka dhammaan goobaha degmadu, laba nuqulna wuxuu ku ridayaa sanduuqa, sagaalka[50] nuqul ee soo hadhayna wuxuu kala siinayaa wakiillada Xisbiyada/Ururrada[51] ee Xafiiska Doorashada Degmada.

 

Qodobka 58aad

Hawsha xafiiska doorashada ee Gobolka

 

1.             Xafiiska doorashada ee gobolku markuu helo qoraalada raadraaca goobaha cod-bixinta iyo natiijada guud ee codadka ka soo baxay degmooyinka gobolka iyo inta xisbi kasta ka helay ee uu u soo gudbiyey xafiisyada doorashada ee degmooyinka gobolku wuxuu hubinayaa xisaab ahaan natiijada codadka.

2.             Xafiiska Doorashada ee Gobolku wuxuu ka go’aan-gaadhayaa wixii cabasho ka taagnayd ama lagu muransanaa ee loo soo gudbiyey, iyadoo ay goob-joog yihiin wakiillada Xisbiyada/Ururrada[52]  tartamayaana, wuxuu isu geynayaa natiijooyinka doorashada ee degmooyinka gobolka, waxaanu soo saarayaa:

a)   tirada guud ee codadka laga dhiibtay dhammaan degmooyinka Gobolka,

b)  tirade guud ee codadka xumaaday ee degmooyinka Gobolka.

c)   tirada guud ee codadka ansaxay ee degmooyinka Gobolka,

d)  tirada codadka ay kala heleen xisbiyada/ururrada tartmay;

ka dib markuu natiijada doorashada ee gobolka geliyo foomka loogu talagalay, wuxu iyadoo fagaare ah, ku dhawaaqayaa natiijada Doorashada ee Gobolka.

3.   Xafiiska Doorashada ee Gobolku:

a)   wuxuu natiijada raadraaca doorashada ee gobolka ku qorayaa foomka ku xusan faqradda 2 ee qodobkan oo ka kooban xaashi asal ah iyo shan[53] (kow iyo toban) xaashiyood oo nuqullo ah;

b)  xaashida asalka ah, oo uu ku lifaaqan yahay nuqul ka mid ah natiijada doorashada ee degmo kasta oo gobolka ah, wuxuu u dirayaa Maxkamadda Sare;

c)   laba nuqul, oo ay ku lifaaqan yihiin xaashiyihii asalka ahaa ee natiijooyinka doorashada ee degmooyinka gobolkuna, wuxuu u dirayaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka;

d)  sagaalka[54]  nuqul ee soo hadhayna wuxuu kala siinayaa wakiillada saddexda xisbi ee Xafiiska Doorashada Gobolka.

 

Qodobka 59aad

Tirinta codadka doorashada Degaanka & ku dhawaaqidda natiijada

 

Gudoomiyaha xafiiska doorashada ee degmadu markuu helo agabka ku xusan qodobka 55aad ee doorashada degaanka, markaas waa inuu

1.             Waa inuu tiriyo oo isu geeyo dhamaan cod-bixinta ka soo baxday goobaha cod-bixinta degmada

2.             Hubiyo codadka waxba kama jiraanka ah ee ka soo xerooday goobaha cod-bixinta degmada

3.             Go'aan ka gaadho codadka lagu muransan yahay.

4.             Tiriyo codadka ansaxay ee urur/xisbi kasta ka helay doorashada degmada.

5.             Xisaab ahaan isu qaybiyo tirada guud ee codadka ansaxay ee degmada iyo tirada kuraasta degaanka degmada, soona saaro inta urur/xisbi waliba ka helayo codadka.

6.             Hubiyo urur/xisbi kasta inta uu ka helayo kuraasida degaanka.

7.             Markaas ku dhawaaqo magacyada murashaxiinta ee xisbi/urur kasta ku guulaystay doorashada, iyagoo isugu xiga siday u kala horeeyeen, sida uu tilmaamayo qodobka 23aad ee xeerkan.

8.             Natiijada doorashada degmada si fagaare ah ugu dhawaaqo kuna dhejiyo boodhka xafiiska doorashada ee degmada magacyada murashaxiinta guulaystay.

 

Qodobka 60aad

Gudbin raad raac (records)

 

1.             Raadraacyada hawlgalada ku xusan qodobada 55aad, 56aad iyo 58aad ee xeerkan waxa lagu qorayaa foomamka Komishanku u diyaariyey mid kasta, waana inay ahaadaan min saddex nuqul.

2.             Nuqulada raadraacyada (records) waxaa loo qaybinayaa sida uu tilmaamayo qodobada 55, 58aad ee xeerkan.

 

Qodobka 61aad

Soo saaridda Go'aanada Doorashooyinka Degaanada

 

Xafiiska doorashada ee degmaddu waa inuu soo saaro go'aanka doorashada degmada, iyagoo ku muujinaya qoraal kooban oo ay ku qoran yihiin magacyada murashaxiinta ku guulaystay doorashada degaanka, waxaana lagu dhejinayaa xafiiska maamulka Dawladda Hoose ee ay khusayso. Iyagoo nuqul ka mid ahna u gudbinaya xafiiska dhexe.

 

Qodobka 62aad

Hubaal-celinta doorashada Degaanada

 

1.             Gudoomiyaha Maxkamadda gobolku waa inuu hubaal-celiyo oo ansixiyo go'aanka doorashada Golayaasha degaanada. Waa inuu go'aan ka gaadho wixii muran ama cabasho ah ee guud ahaan uu u soo gudbiyey xafiiska doorashada ee degmadu ee soo baxay intii hawshu socotey.

2.             Dacwadaha  ku   saabsan  Doorashada Deegaanka  waxaa awood u leh Maxkamadda Gobolka, waana in dacwaddaasi ay soo   gaadho Kaalinta Maxkamadda Gobolka 7 (toddoba) maalmood gudahood oo  ka bilaabanta  maalinta  ay Xafiisyada  heer Degmo ee  Komishanka  Doorashooyinka Qaranku ay soo  saaraan go'aannada doorashooyinka deegaannada  sida  ku  cad  Qodobka 61aad  ee  Xeer  Lr. 20/2001.  Cabasho kasta oo ka dambaysa muddada Qaanuuniga ahi waa waxba kamajiraan (null and void).[55]

3.             Maxkamadda Gobolku waa in ay ku go'aan qaadataa muddo 10 (toban) cisho gudahood ah oo ka bilaabanta maalinta ay cabashadu soo gaadhay kaalinta Maxkamadda Gobolka ee ay khusayso. Dhinac kasta oo aan ku qanacsanayn go'aanka Maxkamadda Gobolku waa in ay racfaan qaadashadooda diiwaangeliyaan isla marka xukunka  lagu dhawaaqo.  Waa in ay racfaan qaadashadooda ku diiwaan-geliyaan muddo 2 (laba) cisho gudahood ah oo ka bilaabanta isla maalinta ay Maxkamaddu ku dhawaaqday go'aanka.  Maxkamadda Gobolku waa in ay muddo 2 (laba) cisho ah ugu soo gudbiso Maxkadda sare. Haddii ay isla maalintaa racfaan qaadan waayaan, xaq uguma laha in  ay  dacwadoodu u  gudubto Maxkamadda Sare;

4.        Go'aannada   Maxkamadda Gobolka waxaa  looga  racfaan qaadanayaa Maxkamadda Sare (oo ah Maxkamadda Dastuuriga ah[56]).  Maxkamadda sare waa in ay muddo toban cisho gudahood ah (10 cisho) kusoo saartaa xukunka iyo natiijada kama dambeysta ah.

 

Qodobka 63aad

Hawsha xafiiska Dhexe ee Doorashada

 

1.             Gudoomiyaha Komishanku markuu helo qalabka & qoraalada raadraaca ee ku xusan qodobka 60aad ee xeerkan, waa inuu a. Inuu faro kaaliyayaasha iyo xoghaynta inay u diyaaargaroobaan hawsha.

a.    U yeedho Wakiilada ururada/axsaabta si ay goob-joog u ahaadaan marka hawshu socoto.

b.    Inay wadajir u hubiyaan in baqshaduhu lingaxan yihiin oo aan la furin, markaa waa inuu furaa oo ka soo saaraa agabka ku jira.

c.    Inay wadajir u hubiyaan in baqshadahu lingaxan yihiin oo aan la furin, markaa waa inuu furo baqshadda ay ku jirto shaambadda xafiiska doorashadu, waana in qoraalka raadraaca lagu muujiyo lambarka shaambada.

d.    Waa inuu qalabka hadhay u gudbiyo xoghayaha

2.             Xafiiska dhexe ee doorashooyinku waa inuu markaas hubiyo inuu helay qoraalka raadraaca ee ku xusan qodobka 60aad ee xeerkan oo laga doonayo xafiisyada doorashooyinka ee degmooyinka/gobolada.

 

Qodobka 64aad

Ku dhawaaqidda natiijada Doorashooyinka Madaxtooyada

 

1.             Gudoomiyaha Komishanku markuu ka helo xafiisyada doorashooyinka ee degmooyinka/gobolada waa inuu:

a.    Go'aan ka gaadho dacwooyinka la xidhiidha cod-bixinta iyo tirinta.

b.    Tiriyo oo isku geeyo (xisaab ahaan) codadka ansaxay, kuwa xumaaday ama waxaba kama jiraanka ah ee ka yimid xafiisyada doorashooyinka gobolada.

c.    Markuu si walba u hubiyo ee uu ku qanco in hawshu si habsami u dhacday, wuxuu si ku meel gaadh ah ugu dhawaaqayaa natiijooyinka doorashada Madaxweynaha iyo ku Xigeenka Madaxweynaha.

 

Qodobka 65aad

Dacwadaha doorashada

 

1.             Dacwadaha ku saabsan doorashooyinka Madaxweynaha iyo ku xigeenka Madaxweynaha waxa awood u leh Maxkamadda Sare, waana in dacwadaasi  ay soo gaadho kaalinta maxkamadda 10 maalmood gudahood oo ka bilaabmaya maalinta ay Komishanka Doorashooyinka Qaranku ku dhawaaqaan natiijada ku-mel-gaadhka ah. Maxkamadda Sare, waa in ay ka hor intaanay muddada Dastuuriga ahi dhammaanin ay go’aan kaga gaadho dacwaddaas. Haddii ay wakhtigaa loo cayimay dhaafto dacwadaasi wax tixgelin ah ma leh.

2.             Maxakamadda Sare markay hesho qoraaladda raadraaca ee xafiisyada gobolada ee doorashada iyo kuwa xafiiska dhexe ee Komishanka isla markaana hubiso xisaab ahaan iyo sharci ahaan doorashada waxay ku dhawaaqaysaa natiijada doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

 

Qodob 66                                                                                                                                                        Adeegsiga iyo dhaqangalka wax-ka-bedelka iyo kaabistaa Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golayaasha Degaanka Xeer Lr. 20/2001 iyo Lifaaqyadiisa[57]

 

1.             (Xeerkii 2001kii): Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa marka uu Madaxweynuhu saxeexo, laguna soo saaro faafinta rasmiga ah ee Dawlada.[58]

2.             (Lifaaqii 1aad): 1. Wax-Ka-Beddelka iyo Kaabista xeerka Doorashooyinka Lr. 20/2001, waxa loo adeegsan karaa oo keliya doorasho kasta oo ku salaysan nidaamka doorasho ee cod-bixiyayaashu diiwaan-gashan yihiin ee laga qabto dalka JSL.  2. Wax-Ka-Beddelka iyo Kaabista xeerka Doorashooyinka ee Lr. 20/2001  wuxuu dhaqan-gelayaa marka ay Golayaasha sharci dejintu ansixiyaan uuna saxeexo Madaxweynaha JSL, laguna soo saaro faafinta rasmiga ah ee dawladda.[59]

3.             (Lifaaqii 2aad): Wax-Ka-Beddelka iyo Kaabista xeerka Doorashooyinka ee Lr. 20/2001  wuxuu dhaqan-gelayaa marka ay Golayaasha sharci dejintu ansixiyaan uuna saxeexo Madaxweynaha.[60]

4.             (Lifaaqii 3aad): Wuxuu dhaqagelay markii Madaxeynuhu sexeexay.[61]

5.             (Lifaaqii 4aad): Wax-Ka-Beddelka iyo Kaabista Xeer Lr. 20/2001 iyo Liaaqyadiisa 1aad, 2aad, iyo 3aad waxa uu dhaqan-gelayaa marka ay Golayaasha Sharci Dejintu ansixiyaan ee uu Madaxweynuhu saxeexo.[62]

6.             (Lifaaqii 5aad): Wax-Ka-Beddelka iyo Kaabista Xeer Lr. 20/2001 iyo Liaaqyadiisa 3aad, iyo 4aad waxa uu dhaqan-gelayaa marka ay Golayaasha Sharci Dejintu ansixiyaan ee uu Madaxweynuhu saxeexo.[63]

 

Allah Mahad Leh

 

Maxamed Xuseen Cisman                                             C/qaadie X. Isamaciil Jirde

Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada           K/S Guddoomiyaha Golaha Wakiillada               

    


SHAXDA WAX KA BEDDELKII XEERKA: Qodobada wax laga bedellay ama la tirtirey

Qod.

Lifaqa 1aad

(2009)

Lifaaqa 2aad (2010)

Lif. 3aad

(2011)

Lifaaqa 4aad

(2012)

Lifaaqa 5aad

(2012)

1

 

 

 

1(liis/Liisaska)

 

5

5(4)

5(5)

 

5(4) tirtirid

 

6

6(1), 6(6)

 

 

6(1) tirtirid

 

7

 

7(1)

 

 

7(1)

9

 

 

 

 

9(4) ilaa 9(6)

12

 

12(2)

 

 

 

16

 

16(1)

 

16(1)

 

17

 

17(1), 17(3)

 

 

 

19

 

19(1)

 

 

 

20

 

20(2)

 

 

 

22

 

 

22(1) ilaa (3)

22(1), 22(2)

22(1)

23

 

23(5) ilaa 23(7)

 

23(3) tirtirid

 

24

 

 

 

24(1) ilaa 24(3)

24(1) ilaa 24(3)

25

 

25(a), 25(b)

 

 

 

26

 

 

 

26(1)

 

27

 

 

 

27(3)

 

28

28(2)

28(3)

 

28(4)

 

29

 

 

 

29(1), (2)

 

30

 

 

 

30(1)

 

32

 

32(3)

 

32(3), 32(4)

 

33

 

 

33(4)

 

 

37

37(1) l, m, n

37(3) f

37(5) a, b,c

37(6) tirtirid

37(1)n- tirtrid

 

37(1) l,m,n –titirid

37(3) f - tirtirid

37(5) a, b

 

39

Cinwaanka

39(3)

 

 

39(3) tirtirid

 

42

 

42(1)a,  42(5)

 

42(1)a

 

45

45(1), (2), (3)

45(1), 45(2)

 

45(1) ilaa

45(3) - tirtirid

 

46

 

 

 

46(2)

 

47

47(1) ilaa 47(13)

47(7) tirtiid

Weedhan mar labaad ayaa lagu tirtirey Lifaaqii 4aad.

 

47(1) b & c – tirtirid.

47(6)

47(8)a ilaa e - tirtirid

47(9) & 47(12) tirtirid

 

51

51(1), 51(4), 51(5)

 

 

51(5)

 

52

 

 

 

52(1), 52(2)

 

54

54(1), 54(2)

 

 

54(1), 54(2)

 

55

55(3) tirtirid

 

 

 

 

56

56(3) tirtirid

 

 

 

 

57

57(1) ilaa 57(9)

 

 

57(2) & 57(3)

57(8), 57(8)e, 57(9)

 

58

58(1) ilaa 58(3)

 

 

58(2)d

58(3) a to d

 

62

 

 

 

62(2) to 62(4)

 

65

 

65(1)

 

 

 

66

60(1) – 60(2)

66(3)

 

66

66

 



[1] Lifaaqa 4aad (2012) oo Madaxweynuhu saxeexay 25 July 2012.

[2] Lambarada faqradaha Qodobkan waxay lamabaro 1, 2, 3 .. markii Xeerku soo baxay 2001kii, in kastoo nuqul “darfat” ah oo Holaha Wakiiladu mareegtooda ku soo saareen ay faqradahani u dhiganyihiin sidii xarafyo a, b, c … Waxaan nuqlkan dib ugu noqdey lamabraddii. Sidaas oo kale waxaa ah Qodobada 15, iyo 16 ee Xeerkan.

[3] Lifaaqa 4aad (2012).

[4] In kastoo faqradani oo  ku jirtay wax ka beddelkii 2010kii ay la xidhiidhay nidaamaka diiwaanka codbiiyaasha, wax saameyn ah kuma laha Doorashada Golayaasha Deegaanka ee 2012 oo waxay ku saabsantahy doorashada Madaxweynha.

[5] Lifaaqa 4aad (2012).

[6] Waxa kor u qaadey Lifaaqii 5aad (2012). Muddadani waxay aheyd 2001kii 180 cisho oo hoos loogu dhiey 40 cisho; waxaa kor u qaadey Lifaaqii 2aad oo ka dhigey 60 cisho;  hadanna waa 90 cisho.

[7] Faqradahan 4aad ilaa 6aad waxaa ku kordhiyey Xeerka Lifaaqii 5aad (2012).

[8] Lifaaqii 4aad (2012) ayaa weedhii ugu dambeysey tirtirtey.

[9]  Lifaaqii 5aad(2012). Wax ka Beddelkii hore ee Lifaaqii 4aad  (2012) (oo dib u noqday Lifaaqii 3aad  ee astaanta gaarka ah) ayaa wuxu u dhignaa sidan:

Xisbi/Urur kasta oo doonaya in uu ka qayb-galo doorashada Golayaasha Deegaan, waa in uu komishiinka Qaranka u gudbiyo liiska musharaxiinta uu u xulay inay uga tartamaan doorashada oo degmaysan, kaas oo ku salaysan tirada kuraasida degmo kasta loo xadiday, una qoran si taxane ah, waana in komishinku siiyaa musharax kasta Astaan u gaar ah”.

Kommishanku waxay soo jeedisey in murashuxiinta lambar la siiyo haddi kale xaashida codbixinta ayaa aad u dheeraaneysaa oo khakhal gelineysaa codbixinta. Golaha Guurtidu waxay markii hore ku adkeeysteen in astaan u  gaar murashax kasta la siiyo oo Glaha Wakiiladu ku ayideen Lifaaqqii 5aad. Labada Gole oo fadhiyo aan  aan caadi aheyn, oo M/weynuhu codasay, ayey  dib u eegeen Qodobkani oo wax ka bedellkissa ay ku  ansixiyeen (lifaaqa 5aad)  7dii iyo 11kii bisha ogosto 2012.   

[10]  Lifaaqii 3aad (2011).

[11] Lifaaqii 3aad (2011).

[12] Lifaaqa 4aad (2012)

[13] Lifaaqa 4aad (2012)  iyo Lifaaqii 5aad (2012) ayaa tirtirey saddexdan faqradood ee Qododkan oo ku bedelaay faqradan kaliga ah . Doorashada Madaxweynaha, marka la gaadho, waa in dib loo eega Qodobkan oo aan markii hore gaar u aheyn

[14] Lifaaqa 4aad (2012) ayaa intan ku bedellay tii hore oo aheyd “kuwa murashaxiinta degaanadana la geeyo xafiisyada doorashada ee degmooyinka ka hor 6da galabnimo maalinta 45aad intaanay cod-bixintu dhicin, iyadoo ay dhan yihiin lifaaqyadiisa ku tilmaaman xeerka”.

[15] Lifaaqa 4aad (2012) ayaa ka saarey weedh ku saabsaneyd in suuqa lala maor cod baahiyo.

[16] Lifaaqa 4aad (2012).

[17] Lifaaqa 4aad (2012). Ka hor waxa ay faqradani aheyd sidan: “Dadka qabanqabinaya shirarka iyo banana-baxyada la xidhiidha ololaha doorashada waa inay qoraal ku ogeysiiyaan Gudoomiyaha Degmada iyo Saldhigga booliska ay khusayso 48 saacadood ka hor wakhtiga la samaynayo. Gudoomiyaha degmadu wuu diidi karaa in la sameeyo shirarkaas ama banaan-baxaas, haddii uu ku qanco in waxyeelo loo gaysanayo caafimaadka, anshaxa, ama nabadgelyada guud iwm, waxaana ku waajib ah inuu amro in shirarkaas ama banana-baxaas lagu qaban karo meel uu tilmaamay ama wakhti uu cayimay.”

[18] Lifaaqa 4aad (2012). Ka hor waxa aheyd “labo” shir.

[19] Lifaaqa 4aad (2012). Ka hor waxay faqradani aheys sidan: “Muuqaalka boodhadhka iyo waraaqaha dacaayadaha ololaha doorashada waa in la geeyo xafiiska Gudoomiyaha degmada 48 saac ka hor intaan shaaca laga qaadin. Mana jirto wax cashuur ah oo laga bixinayo arrintaas.”

[20] Lifaaqa 2aad (2010) ayaa keeney kordhiskan;  Lifaaqa 4aadna (2012) waa uu ku celiyey.

[21] Lifaaqa 4aad (2012) – ma muuqatu in weedhan laga saarey faqradan iyo in kale.

[22] Lifaaqa 4aad (2012).

[23] Lifaaqa 3aad ee wax ka bedelka Xeerkan oo hirgalay 13kii Diisambar 2011 ayaa da’da u bedellay 25 sanno oo markii hore aheyd 35.

[24] Qodobkan waxa sii adkeeyey oo wax ku darey Qodobka 24(1) ee Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axaabta Siyaasada, Xeer Lr. 14/2012: Xisbi kasta/Urur oo ku guulaysan waaya doorashada Golayaasha deegaanka waxay ku biirayaan iyaga iyo Xubnahooda golayaasha deegaanka ee ay ka helaan degmooyinka dalka saddexda xisbi qaran ee soo baxay kay doonaan, waxayna qoraal ahaan ugu gubinayaan Gudidda Diiwaangalinta mudo aan ka badnayn hal bil (30 maalmood).”

[25] Lifaaqa 4aad (2012) iyo Qod. 4aad ee Lifaaqii 3aad (2011) ee Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyaasha.   Waxaa la tirtirey xarafyada  kale ee aha l, m, n, oo markii hore ku dartey Lifaaqii 1aad (2009), kuna saabsanaa liisaska iyo aalada la xidhiidha diiwaangelintii cod-bixiyaasha.

[26] Lifaaqa 4aad (2012).

[27] Lifaaqa 4aad (2012) ayaa wax ka bedellay faqradahan (b) iyo (c).

[28] Lifaaqa 4aad (2012).

[29] Lifaaqa 4aad (2012) ayaa tirtirey weeedhii ugu dambeysey.    

[30] Lifaaqii 4aad (2012) ayaa faqradan tirtirey.  

[31] Lifaaqa 4aad (2012) ayaa weedhan ku kordhiyey faqradan waayo, sida Lifaaqa ku qoran “heerka qoris-akhris la’aanta ee dalkeenna aad sarreeya”.

[32] Lifaaqa 4aad (2012).

[33] Lifaaqa 4aad (2012).

[34] Kalmado ayaa laga tirtirey - Lifaaqa 4aad (2012).

[35] In kastoo Lifaaqa 4aad (2012) faqraddan 7aad mar kale tirtirey, horey ayaa faqradan oo uu Xeerka ku kordhiyey Lifaaqa 1aad (2009) lagu tirtirey Lifaaqii 2aad (2010), waxeyna markii hore u qorneyd sidan: “7. Intaas ka dib ayuu hubiyaha labaad siinayaa cod-bixiyaha kaadhkiisii oo uu dalooliyey, isagoo adeegsadey aaladda loogu tala-galay daloolinta kaadhadhka, cod-bixiyuhuna uu si degdeg ah uga baxayaa goobta cod-bixinta isagoo anshaxa dhawraya.”

[36] Lifaaqa 4aad (2012).

[37] Lifaaqa 4aad (2012) oo faradaan yidhi waa tii 9aad, laakin waxay aheyd tii 8aad (eeg fiiraha hoose ee kan ka horeeya).  Sidoo kale Faqradahan  kale ee ku xiga ee Lifaaqa 4aad (2012) tirtirey oo ah kuwaa 9 ilaa 11aad oo Lifaaqo yidhi waa 8 ilaa 12aad.

[38] Lifaaqa 4aad (2012).

[39] Kalmado ayaa laga saarey - Lifaaqa 4aad (2012).

[40] Lifaaqa 4aad (2011).

[41] Lifaaqa 4aad (2011).

[42] Lifaaqa 4aad (2011) ayaa faqradan ku bedellay tii hore oo aheyd: “2. Intaa dabadeed, Baqshadaha waa la lingaxayaa, korkana waxa lagaga dhufanayaa shaambaddii goobta, waxaana korka wadajir uga saxeexaya Gudoomiyaha goobta, ugu yaraan hal hubiye iyo wakiilada xisbi/urur kasta oo murashaxiin ku leh goobta-codbixinta.” 

[43] Lifaaqa 4aad (2002).

[44] Lifaaqa 4aad (2002).

[45] Lifaaqa 4aad (2012).

[46] Lifaaqa 4aad (2012).

[47] Cinwaanka Qodobkan  (oo ku saabsan tirinta codbixinta Degmada) markii hore ee 2001dii waxa u aha “Tirinta Cod-bixinta Doorashada Madaxtooyada”.  Waxa se la bedellay cinwaanka Lifaaqii 1aad (2009) – oo maaheyn, sida ku qoran Lifaaqa 4aad (2012), Lifaaqii 2aad (2010).

[48] Lifaaqa 4aad (2012) ayaa ku kordhiyey “ururrada” weedhan iyo tan 3aad iyo tan 8(kh).

[49] Lifaaqa 4aad (2012).

[50] Lifaaqa 4aad (2012).

[51] Lifaaqa 4aad (2012).

[52] Lifaaqa 4aad (2012).

[53] Waxaa muuqata  in cadadkan  5 ay aheyd in lagu bedello 11, waayo xarafka (x) ee faqradan waxaa loo   bedellay cadadka nuqulada xaashiyada asalka ee soo hadhaya 9 oo la siinayo wakiilada. Sidaas oo kale Qodobka 54(1)aad ee Xeerkan ee ku saabsan goobta codbixinta oo xaashiyadaha asalka ah ee raadraaca ka dhigaya tiradooda 11.

[54] Lifaaqa 4aad (2012).

[55] Lifaaqa 4aad (2012) ayaa bedellay faqaradii 2aad, kuna kordhiyey labo faqradood oo kale ee (3) iyo (4).

[56]  Eeg Qodobka 65aae ee Xeerkan oo ku saabsan cabashooyinka ama dacwadaha kus saaban doorashada Madaxweynaha iyo Xeerka Nidaamka Garsoorka (Xeer Lr. 24/2003) (ee 49 Qodob ah) wuxuu dhigaya in Maxkamada Sare awood u leedahey “dhageysigga cabashooyinka laga keeno maxkamadah goboladda ee ku saabsan kuraasidda Golayaasha Deegaanada” (Qod. 9(4)(d)).  Cabashooyinku waxay  ku sal leeyihiin Xeerkan oo maaha  ma haboona in Maxkamada Distooriga la dhex geliyo arrimo aan distoorka fasirraadiisa ku saabsaneyn. Haddi Goluhu dib u egayaan Lifaaqa 4aad, tanna waa fiicantahay in eegaan oo ka saaraan.

[57] Lifaaqa 4aad (2012)

[58] Xeerka iyo lifaaqyadiisu waxay dhamaan ku dhaqan-gelay markii u madaxweynuhu saxeexey . Markii ugu horeysey Xeerkani wuxu dhaqan-gelay  6/12/2001. Golaha Wakiladu waxay ansixiyeen 14 November 2001 (GW/KF 15/200/2001). 

[59] Lifaaqa 1aad waxa uu dhaqan-gelay 29/07/2010.

[60] Lifaaqa 2aad waxa uu dhaqan-gelay 17/05/2010.

[61] Lifaaqa 3aad waxa uu dhaqan-gelay 13/12/2011.

[62] Lifaaqa 4aad waxa uu dhaqan-gelay 25/07/2012.

[63] Lifaaqa 5aad waxa uu dhaqan-gelay 07/08/2012.