This is an early 2003 version of the bill, which has since been amended.

 

JAMHUURIYADD SOMALILAND

GOLAHA WAKIILADA

 
XEERKA  DOORASHADA-DADBAN EE  XUBNAHA GOLAHA GUURTIDA

 

 

Markuu Arkay:           Qodobada 58aad, 59aad, 60aad, 72aad ee Dastuurka Qaranka.

 

Markuu Darsay:         Mashruuc-sharciga doorashada Golaha Guurtida ee Xukuumaddu soo jeedisay.

 

WUXUU SOO JEEDINAYAA XEERKAN:

 

Qodobka 1aad

Tafsiirka Erey-bixinta

 

Xulasho:           waxa loola jeedaa Habka doorashada dadban ee ay ku imanayaan xubnaha Golaha Guurtidu.

 

Guddiga:          waxa loola jeedaa Guddiga Qaran ee Madaxweynuhu u magacaabo hawsha doorashada dadban ee lagu soo xulayo xubnaha Golaha Guurtida.

 

Madax-dhaqameed: waxa loola jeedaa Cuqaasha, Suldaanada, Garaaadada, Ugaasyada, Boqorada Beelaha ee soo  sharaxaya xubnaha beelahoodu ku yeelanayaan Golaha Guurtida.

 

Murashax:      waxa loola jeedaa xubinta  u taagan xubinimada Golaha Guurtida ee ay soo xuleen madax-dhaqameedyadu ee ansixinta  Guddiga sugaya.

 

Degaan:             waxa loola jeedaa qaybta bulshada (Beesha) ee uu metelayo xubinta Golaha Guurtidu.

 

Qodobka 2aad

Tirada Golaha Guurtida

 

Tirada Golaha Guurtidu waa 82 xubnood, sida uu tilmaamayo qodobka 60aad ee Dastuurku.

 

Qodobka 3aad

Habka Doorashada G/Guurtida

 

1)                  Xubnaha Golaha Guurtida waxa lagu soo dooranayaa Hab-doorasho dadban oo ah xulasho.

2)                  Habka xulista xubnaha Golaha Guurtida waxa lagu salaynayaa saamiyada degaanada ee Golaha hadda jiraa ka kooban yahay, iyadoo degaan walba laga soo xulayo tirada xubnihiisa.

 

Qodobka 4aad

Shuruudaha Murashaxa Golaha Guurtida

 

Xubinta loo soo sharaxayo Golaha Guurtida waa inuu buuxiyo dhamaan  shuruudaha ku qeexan qodobada 42aad iyo 59aad ee Dastuurka iyo waliba shuruudahan:

1)                  Waa inuu keeno caddeyn shaqo ka tegis, haddii uu yahay shaqaale dawladeed, ciidamada qalabka sida, iwm.

2)                  Waa inuu keeno caddeyn inuu bixiyey deebaaji dhan  SL.Sh 100,000/ oo aan celis lahayn.

3)                  Waa inuu keeno 4 sawir oo ah kuwa baasaboorada.

 

Qodobka 5aad

Waxyaabaha ka reebban Murashaxa G/Guurtida

 

Ma banaana in xubinimada Golaha Guurtida  loo sharaxo Xubin  ka tirsan axsaabta Qaranka ama xil u haysa, sida: Guddi fulineed, Gole dhexe, Guddi Gobol, Degmo, laan iwm.

 

Qodobka 6aad

Fadhiga ugu Horeeya Golaha Guurtida

 

Fadhiga ugu horeeya ee Golaha Guurtidu wuxuu qabsoomayaa 30 maalmood gudahood, laga bilaabo maalinta si rasmi ah loogu dhawaaqo xulistooda, sida ku cad qodobka 62aad ee Dastuurka.

 

Qodobka 7aad

Habka soo buuxinta Jagada Banaanaata

 

Haddii ay banaanaato Xubin ka mid ah Golaha Guurtida geeri, is casilaad ama asbaabo kale awgood, waxa loo soo buuxinayaa sida ay ku timi xubintii jagadaas banaysay, sida ay tilmaamayaan qodobada 72aad iyo 130(3)aad ee Dastuurku.

Qaybta 2aad

Guddiga Qaranka ee Xulista Xubnaha G/Guurtida

 

Qodobka 8aad

Guddiga Qaran ee Xulista G/Guurtida

 

1)                  Xubnaha Golaha Guurtida waxa soo xulaya Guddi Qaran oo ka kooban 7 xubnood oo Madaxweynuhu magacaabay.

2)                  Xubnaha Guddiga Qaran ee Madaxweynahu magacaabay, waxa cod hal-dheeri ah ku ansixinaya Golaha Wakiilada, Markuu hubiyo inay shuruudaha u dhigan buuxiyeen.

3)                  Xil-ka-qaadista Guddiga waxaa soo jeedinaya Madaxweynaha, waxana cod hal-dheeri ah ku ogolaanaya Golaha Wakiilada.

 

Qodobka 9aad

Shuruudaha Xubinimada Guddiga

 

Qof kasta oo loo magacaabayo xubinimada Guddiga waa inuu buuxiyo shuruudahan:

 

1)                  Waa inuu yahay muwaadin Somaliland u dhashay.

2)                  Waa in aan da’diisu ka yarayn 40 jir, kana waynayn 60 jir.

3)                  Waa inuu muslin yahay, kuna dhaqmaa diinta Islaamka.

4)                  Waa inuu leeyahay aqoon maamul.

5)                  Waa inaanu ka mid ahayn Xisbiyada Siyaasadeed, kana madax-banaan yahay.

6)                  Waa inuu ku caan baxay dhawrsanaan, sharaf iyo cadaalad bulshada dhexdeeda.

7)                 Waa inuu jidh ahaan iyo maskax ahaanba Xilka gudan karaa.

 

Qodobka 10aad

Dhaarta Guddiga

 

Xubnaha Guddigu waxay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare hortiisa ku marayaan dhaarta Dastuuriga, ka dib marka Golaha Wakiiladu ansixiyo.

 

Qodobka 11aad

Qaab-dhismeedka iyo Xarunta Guddiga

 

1)                  Guddigu mudada ay Xilka hayaan waxay xaruntooda ka dhiganayaan oo shaqadooda ku fulinayaan xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Caasimada.

2)                  Guddigu waxay fadhigooda u horeeya iska dhex dooranayaan Gudoomiye, Gudoomiye xigeen iyo Xoghaye, waxanay samaysanayaan xeer-hoosaad ay ku maamulaan gudashada xilkooda.

 

Qodobka 12aad

Xilka Guddiga

 

Guddigu wuxuu xil ka saaran yahay:

1)                  inuu hubiyo, go’aana ka gaadho in murashaxiinta madax-dhaqameedyadu u soo gudbiyaan buuxinayaan shuruudaha u dhigan iyo in tirada murashaxiinta degaan walba aanay dhaafsiisnayn saamigooda ay ku leeyihiin Golaha Guurtida ee hadda jira.

2)                  Murashaxa  buuxin waaya shuruudaha ama muran ka taagan yahay wuxuu Guddigu xaq u leeyahay inuu ku celiyo madax-dhaqameedkii u soo gudbiyey, go’aanna ka gaadho arrintiisa.

3)                  Inay go’aan ka gaadhaan muranada iyo khilaafyada dhex-yimaada madax-dhaqameedyada degaan gaar ah ee la xidhiidha Magacaabista murashaxiinta degaanka, si waafaqsan xeerkan.

4)                  Inay cayimaan, warbaahintana ka sheegaan taariikhda ay bilaabmayso iyo taariikhda ay ku eg tahay ee madax-dhaqameedyadu ku soo gudbinayaan magacyada iyo caddaymaha murashaxiintooda.

5)                  Inay si rasmi ah ugu dhawaaqaan xubnaha ku guulaystay xubinimada Golaha Guurtida.

 

Qodobka 13aad

Mudada Xilka Guddiga

 

1)                  mudada Xilka guddigu waa saddex bilood oo ka bilmaamaysa maalinta Golaha Wakiiladu ansixiyo.

2)                  Marka mudada xilkoodu dhamaato waxay dhokomentiga shaqada ee ay hayeen ku wareejinayaan xafiiska Golaha Guurtida, si tixraac ahaan loogu kaydiyo.

 

Qodobka 14aad

Gunada & Dhawrsanaanta Guddiga

 

1)                  Xubnaha Guddigu mudada ay Xilka hayaan waxay yeelanayaan gunno la mid ah tan Guddiga Doorashooyinka iyo kharashka Socodsiinta hawsha xafiiska.

2)                  Xubnaha Guddigu mudada ay Xilka hayaan waxay leeyihiin dhawrsanaan la mid ah tan Guddiga Doorashooyinka.

Qaybta 3aad

Habka Xulista

 

Qodobka 15aad

Habka soo gudbinta murashaxiinta

 

1)                  Marka Guddigu warbaahinta ka sheegto mudada la qabanayo xulista xubnaha Golaha Guurtida, waxay madax-dhaqameedyada degaan kasta Guddiga u soo gudbinayaan liiska magacyada murashaxiintooda oo afaran oo ay ku lifaaqan yihiin waraaqaha caddaymaha ee ku tilmaaman qodobka 4aad ee xeerkan.

2)                  Waxa waajib ah in Liiska la soo gudbiyey ay ku saxeexanaadaan dhamaan madax-dhaqameedyada  sharciyeysan ee degaanka (Beesha) ay khusayso, kuna sar go’an tahay saamigooda ay ku leeyihiin Golaha Guurtida.

3)                  Haddii ay ku soo gudbin waayaan mudada guddigu u cayintey ama isku khilaafaan, guddigu waxay xaq u leedahay inay u xusho degaankaa xubno buuxin kara si waafaqsan xeerkan.

 

Qodobka  16aad

Mudada  Xulista

 

Madaxweynaha ayaa Dekreeto ku soo saarayaa mudada xulista xubnaha Golaha Guurtida, Markuu helo soo jeedinta Guddiga.

 

Qodobka 17aad

Ku dhawaaqista Natiijada

 

Guddigu markay hubiyaan in wax waliba waafaqsan yihiin sida Xeerku tilmaamay, waxay si rasmi ah ugu dhawaaqayaan magacyada murashaxiinta ku guuleystay xubinimada Golaha Guurtida oo afaran.

 

Qodobka 18aad

Dacwadaha

 

Muran iyo dacwad kasta oo la xidhiidha Habka xulista Xubin ama xubno, waxa dhagaysiga dacwadaas awood u leh Maxkamadda Dastuuriga ah oo go’aan kaga gaadhaysa muddo bil gudaheed ah.

 

Qodobka 19aad

Duruufo Gaar ah

 

Haddii doorashada dadban ee Golaha Guurtidu qabsoomi waydo duruufo adag ama Farsamo awgood, waxa soo jeedinaya iyadoo sababaysan Madaxweynaha JSL, waxana qiimaynaya mudada duruuftaas lagaga bixi karo, go’aan ka gaadhaya Golaha Wakiilada.

 

Qodobka 20aad

Laalid

 

Waxa la laalay sharci kasta oo ka hor imanaya ama aan la socon Karin Xeerkan.

 

Qodobka 21aad

Dhaqangalka Xeerka

 

Xeerkani wuxuu dhaqangalayaa marka uu saxeexo Madaxweynaha JSL, Ansixinta Baarlamanka dabadeed.

 

 

Allah Mahad Leh,