New
Draft Bill on Guurti (House of Elders) Elections: July 2006
Jamhuuriyadda Somaliland
XEERKA DOORASHADA GOLAHA GUURTIDA
(Xeer No. 20-3/2006)
Bismilaahi Raxmaani Raxiim
GOLAHA WAKIILADA
JAMHUURIYADDA
Markuu
arkay: Qodobada
9aad, 22aad, 37aad, 38aad, 39aad,
57aad, 58aad, 59aad, 60aad, 128aad iyo 130aad ee Dastuurka Qaranka
Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu
xaqiiqsaday: In doorashda Golaha Guurtidu dhammays tirayso hannaaka
dimuqraadiyadeed ee lagu beegsanayo taabba gelinta buuxda ee qaranimada
Markuu
tixgeliyey: Baahida
loo qabo ka digo-rogashada hab-beeleedka iyo xaqiijinta himilada ummaddu ka
dhursugaysay muddada dheer ee u tartanka iyo doorashada xorta ah ee Mudanayaasha Golaha Guurtida Qaranka
Markii uu
dhegaystay: Dooddii
mudanayaalsha ee xeerka doorashada ee Golaha Guurtida,
Waxa uu soo saaray xeer lambar 20-3/2006
Macnaha erey-bixinta
Doorasho: Waxa
loola jeedaa hawlgalka kala saaridda murashaxiinta u tartamaya xubinimada
Golaha Guurtida, iyadoo lagu go'aan qaadanayo aqlabiyadda codadka muwaadiniinta
cod- bixiyayaasha ah.
Komishanka: waxaa
loola jeedaa Guddiga Qaranka ee u xilsaaran maamulidda hawlaha doorashooyinka.
Goobo-codbixin: waxa
loola jeedaa goobaha tirooyin cod-bixiyayaasha ka mid ah oo isku degaan dhaw ka
dhiiban karaan codkooda ee Komishanku cayimo.
Wakiil: waxa
Ioola jeedaa xubinta xisbi u soo wakiishay la socodka hawlaha doorashada ee
goob-cod-bixineed ama xafiisyada doorashada ee degmo, gobol ama xarunta
komishanka.
Musharax: waxa loola
jeedaa xubinta xisbigiisu u soo magacaabay inuu u tartamo xubinimada Golaha
Guurtida si xeerka waafaqsan.
Cod-bixiye: waxa loola
jeedaa qofka buuxiyey shuruudaha cod-bixinta ee xeerku tilmaamay ee go'
aankiisa ku dhiibanaya codayn.
Kursi: waxa
loola jeedaa jagada xubinimada Golaha Guurtida ee hal qof loo dooran karo.
Astaan: waxa
loola jeedaa summadda ama calaamadda u gaarka ah hal xisbi ee loo
diiwaangeliyay in lagu aqoonsado
Liis: waxa loola
magacyada musharaxiinta doorashada Golaha Guurtida ee Xisbi u soo gudbiyo
Komishanka, kuwaas oo si siman ugu tartamaya doorashada, kala horaynta
magacyadooduna aanay wax tixgelin ah lahayn doorashada.
Saraakiisha dawladda: waxa loola jeedaa shaqaalaha masuuliinta ah ee ku
siman agaasime waaxeed iyo wixii ka sareeya iyo madaxda hayadaha madaxa banaan
ee dawladda, iyo sidoo kale, madaxda ciidamada ee ku siman taliye urur ama
taliye saldhig boolis iyo wixii ka sareeya.
Ololaha Doorashada: waxa
loola jeedaa hawlgalka ay Axsaabtu iyo murashaxiintoodu ugu tartamayaan iska
dhaadhicinta iyo soo kala jiidashada cod-bixiyayaasha, si xeerkan waafaqsan
Xafiiska dhexe: waxa
loola jeedaa xarunta ugu saraysa ee laga maamulayo hawsha doorashada ee ay ku
shaqeeyaan Komishanka Qaranku
Xafiiska Gobolka: waxa loola
jeedaa xafiiska laga maamulayo hawlaha doorashada ee Gobol ee Komishanku
sameeyo, si xeerkan waafaqsan
Xafiiska Degmada: waxa loola
jeedaa xafiiska doorashada laga maamulayo ee degmo ee Komishanku sameeyo, si
xeerkan waafaqsan.
Xafiiska Goobta: waxa
loola jeedaa goobta muwaadiniintu cod-bixinta ka dhiibanayaan ee laga maamulayo
hawlaha cod-bixinta.
Hawl-wadeen: waxa
loola jeedaa shaqaalaha kala duwan ee komishanku hawlgeliyay inay ka shaqeeyaan
goobaha cod-bixinta, xafiisyada doorashada ee degmooyinka iyo gobolada iyo
xarunta dhexe ee xeerku jideeyay.
Xad-gudub: waxa loola jeeda fal kasta iyo qawl
kasta oo lid ku ah nidaamka doorashada iyo nabadgelyada guud.
Goob-joogayaal: Waxa
loola jeedaa kormeerayaasha caalamiga iyo kuwa maxaliga ah ee hubinaya habsami
u socodka hawlaha doorashada ee Komishanka Qaranku aqoonsadey.
Jajab Waxa
loo la jeedaa tirada codadka ee ka yar inta hal kursi lagu heli karo
Si Taxane ah waxa
loola jeedaa wax kala duwan oo xidhiidhsan oo loo qoray si is daba taalla oo
midba midka kale ka horreeyey
Qaybta I
MABAADIIDA GUUD
Qodobka 2aad
Adeegsiga Xeerka
Xeerkan waxa lagu maamulayaa loona
adeegsanayaa doorashada xubnaha Golaha Guurtida JSL.
Qodobka
3aad
Tirada Xubnaha iyo Doorashada
Golaha Guurtida
Golaha Guurtida JSL wuxuu ka kooban
yahay 82 (sideetan iyo laba) xubnood. Kuwaas oo lagu soo dooranayo doorasho guud
oo toos ah iyo cod-bixin qarsoodi ah oo xor ah, sida uu qeexay qodobka 40aad ee
Dastuurku.
Qodobka
4aad
Mudada Xilka
Mudada xilka ee musharixiinta ku
guulaysta doorashada xubinimada Golaha Guurtida waa 6 (Lix) sano, oo ka
bilaabmaysa maalinta Maxkamadda Sare ku dhawaaqdo goaamada doorashada, sida uu
tilmaamay qodobka 42(1)aad ee Dastuurka JSL.
Qodobka 5aad
Shuruudaha
cod-bixiyaha
1. Waa
inuu yahay Muwaadin Somaliland u dhashay ama qaatay muwaadinimada
2. Waa
in aan da'diisu ka yaraan 16 sano, sanadka doorashada la qabanayo.
3. Waa
inuu xor yahay oo aanu xabsi ku jirin maalinta doorashadu dhacayso.
Oodobka 6aad
Xuquuqda
Cod-bixivaha
Cod-bixiye
kasta oo buuxiyey shuruudaha xeerku tilrnaarnay wuxuu xaq u leeyahay:-
1.
Inuu codkiisa ka dhiibto goobta uu ku sugan yahay ee doorashadu ka
socoto.
2.
Marka JSL hesho aqoonsi caalami ah,
lana diiwaangeliyo muwaadiniinta, cod-bixiyaha ku sugan dal shisheeye xilliga
doorashada la qabanayo, wuxuu codkiisa ka dhiiban karaa xafiisyada
diblomaasiyadeed ee JSL ku leedahay dalalka shisheeye ee ugu dhow.
3. Codku
waa inuu ahaado mid shakhsi ah, xor ah, toos ah, qarsoodi ah oo si siman loo
tixgeliyo.
4. Cod-bixiye
kastaa wuxuu yeelanayaa hal cod oo keliya doorashadiiba.
Qodobka 7aad
Xaqa
is sharixidda
1.
Muwaadin kasta oo buuxiyay
shuruudaha xeerku tilmaarnay wuxuu iska sharixi
karaa xisbiga uu ka tirsan yahay,
si waafaqsan xeerka Xisbiga.
2.
Guddiga Fulinta ee Xisbiga ayaa
iska leh awooda xulista musharixiinta. Waxayna ku soo saarayaan go'aan Guddi-fulineed
liiska musharixiinta marka aqlabiyadda Guddigu isku raacdo.
3.
Saraakiisha Dawladda, sida, madaxda
Wasaaradaha, hayadaha madaxa-banaan ee dawladda iyo kuwa ciidamada Qaranka darajo kasta ha lahaadeene,
haddii ay ku soo baxaan liiska musharixiinta
doorashada Golaha Guurtida uma banaana inay xilka sii hayaan. Waxana ku
waajib ah inay shaqada ama xilka iska casilaan.
4.
Shaqo-ka-tegidda ama is casilaada
waa in laga aqbalo, qoraalna ku soo
caddeyso cidda awooda u lihi.
Qodobka 8aad
Samaynta
Gobolo-doorasho
Marka la qabanayo doorashada Golaha
Guurtida ee JSL, waxa dalka loo qabaybinayaa gobolo-doorasho iyadoo la
waafajinayo soohdimihii ay lahaayeen lixdii degmo ee jiray 26 June 1960 ee
hadda gobolada ah, si waafaqsan qodobka 109aad ee dastuurka qaranka.
Komishanka qaranka ayaa laga
doonayaa inuu sameeyo gobolo-doorasho ugu yaraan 60 maalmood ka hor maalinta
cod-bixinta. Waxaannu komishanka qaranku arrintaa kala tashanayaa Wasaaradda
Arrimaha Gudaha, Gudoomiyayaasha Gobolada iyo Degmooyinka iyo saddexda xisbi
qaran.
Komishanka qaranka ayaa ku
dhawaaqaya warbaahintana u gudbinaya gobolada-doorasho (electoral regions) ee
la cayimay marka ay la tashadaan Wasaaradda arrimaha Gudaha, guddomiyayaalsha
gobolada iyo saddexda xisbi qaran.
Qaybta II
HANAANKA
DOORASHADA
Qodobka 9aad
Habka
Doorasho
1.
Xisbi kastaoo doonaya inuu ka qayb
galo doorashada Golaha Guurtida, waxa laga doonaya inuu komishanka qaranka u
gudbiyo liiska musharaxiinta uu u xulay inay ugu tartamaan doorashada oo
gobolaysan, kaas oo ku salaysan tirade kuraasida goblo kasta loo xaddiday, una
qoran si taxane ah.
2.
kuraasta gobol-doorasho,
waxa axsaabtu ku kala helayaan habka saami-qaybsiga (propotional sytem), ee
kuraasida iyo codadka xisbi waliba ka helo gobolkaas.
Goobaha
Codbixinta
Gobol-doorasho
kastaba wuxu yeelanayaa goobo codbixineed, waxana cayimaya komishanka qaranka
marka uu la tashado Wasaaradda Arrimaha Gudaha, guddoomiyayaasha gobolada iyo
xisbiyada qaranka.
Komishanku waa
inuu goobahaa codbixin-bixineed ku sameeyaa ugu yaraan 60 maalmood ka hor
maalinta codbixinta la qabanayo.
Qodobka
11aad
Habka
Qaybinta Kuraasida
1.
Iyadoo mudnaanta kowaad la siinayo
danta qaranka ugu jirta taabba-gelinta doorashada awgeed, saamiga kuraasida
goboladu ku yeelanayaan Golaha Guurtida , waxa doorashadan oo keliya loo
qaybiyey sidan:
1)
Gobolka Hargeysa
. 20 Kursi
2)
Gobolka Tog-dheer
15 Kursi
3)
Gobolka Awdal
. 14 Kursi
4)
Gobolka Sanaag
.. 12 Kursi
5)
Gobolka Sool
11 Kursi
6)
Gobolka Saaxil
. 10 Kursi
2.
gobol walba hal kursi ayuu u
reebayaa dadka laga tirade badan yahay iyo haweenka
3.
Marka doorashadu qabsoonto ee la
isu geeyo wadarta guud ee codadka ansaxay ee gobol kasta waxa la oo qaybinayaa
tirada kuraastaa gobolkaas loo cayimay, markaa waxa la ogaanayaa qadderka
codadka hal kursi lagu heli karo. Intaa dabadeed, waxa la isu qaybinayaa tirada
codadka xisbi kastaa ka helay gobolka iyo qaddarka codadka hal kursi lagu heli
karo, halkaasna waxa ka soo baxaya tirada kuraasida kuraasida gobolka ee xisbi
kastaa ku guulaystay.
4.
Marka tirada codadka ansaxay ee
gobolka iyo tirada kuraasida gobolkaas la isu qaybiyo, haddii ay jiraan
tirooyin codad jajab ah oo xisbi kastaa marka loo eego ka yar qaddarka codadka
hal kursi lagu heli karo, waxa xisbiyadu kursiga ama kuraasida hadhay u kala
helayaan sida ay ugu kala badan yihiin tirada codadka jajabka ah.
5.
Marka la fuliyo hawlgalka ku
tilmaaman faqradaha 2aad & 3aad ee qodobkan, tirada kuraasida ee xisbi
kastaa marka gaarkiisa loo eego ka helo kuraasida gobolka u xaddidan waxa
musharixiinta xisbi kastaa gudihiisa u kala qaadanayaa sida ay u kala cod badan
yihiin iyagoo ku kala helya aqlabiyad fudud ( simple majority).
6.
Haddii deegaano dalka ka mid ah ay
la soo gudboonaato duruufo culus ama
xaalado aan saamaxayn in doorasho ka qabsoonto, waxa soo qiimaynaya goaanna ka
gaadhaya xaaladahaas Guddiga Qaranka ee Doorashooyinka, markay sidaas isla
gartaan Xukuumadda iyo axsaabta qaranka
7.
Goobaha codbixninta ee doorashadu
ka qabsoomi weydo, tirada kuraasida loo qoondeeyey goobahaas waxay xisbiyadu u
kala qaadanayaan saami u dhigma sida ay u kala helaan wadarta guud ee codadka
ansaxay ee gobolkaas.
8.
Haddii se ay doorashadu gobol dhan
ka qabsoomi weydo tirada kuraasida loo qoondeeyey goobahaas waxa xisbiyadu u
kala qaadanayaan saami u dhigma sida ay u kala heleen wadarta guud ee codadka
ansaxay ee dalka. Waxana loo raacayaa sida magacyadoodu liiska ugu kala
horreeyaan
Qodobka
12aad
1.
Xisbi kasta waxa uu komishanka u
soo gudbinayaa liiska magacyada musharixiintiisa uu u xulay inay uga tartamaan
doorashada kaas oo ku salaysan tirada kuraasida gobol kasta loo xadiday, una
qoran si taxane ah.
2.
Axsaabtu waa inay tixgeliyaan xaqa
muwaadiniinta ee doorashada iyo ka qaybgalka hawlaha siyaasadda, iyadoo aan
lagu kala soocayn jinsiga, luqada, iwm. Sida uu jidaynayo qodobka 22aad ee
Dastuurku. Sidoo kale, waa inay dhiirigaliyaan ka qaybgalka haweenka iyo dadka
laga tirada badan yahay talada dalka sida uu tilmaamayo qodobka 36(2)aad ee
Dastuurku.
Qodobka 13aad
Musharixiinta
doorashada ku guul-daraysta
1. Musharaxiinta
liisaska xisbiyada ee kuraasi waaya waxay noqonayaan musharixiin kayd ah.
Waxayna xaq u leeyihiin inay buuxiyaan marka ay jago baneeyaan Mudanayaasha
xisbigooda kaga jira Golaha Guurtida.
2. Marka
ay banaanaato xubin/ xubno ka mid ah Golaha Guurtida si waafaqsan asbaabaha ku
xusan qodobka 50aad ee Dastuurka, Shirgudoonka Goluhuna sidaa caddeeyo, waxa
Komishanku bedelkii xubinta/xubnaha banaan ku buuxinayaa musharaxiinta kaydka
xisbiga ay ka soo jeedeen kuwa banneeyay, muddo aan laba todobaad ka badnayn.
Waxana loo raacayaa sida ay kula cod badnaayeen.
Qaybta III
Qodobka 14aad
Shuruudaha
Musharaxa
Sida
uu tilmaamayo qodobka 59aad ee Dastuurku, qofka isu taagaya doorashada Golaha
Guurtida waa inuu buuxiyo shuruudahan:
1)
waa inuu yahay muwaadin Somaliland
u dhashay ama qaatay jinsiyadda
2)
Waa inuu muslin yahay kuna dhaqmo
diinta Islaamka.
3)
Waa inaan da'diisu ka yarayn 45
sano sanadka doorashada la qabanayo.
4)
Waa inuu jidh ahaan iyo caqli
ahaanba gudan karo xilkiisa.
5)
Inuu yahay qof diinta aqoon fiican
u leh ama oday dhaqan yaqaan ah
6)
Waa inuu yahay xilkas, akhlaaqdiisa
iyo dhaqankiisuna toosan yihiin.
7)
Waa inaanu ku dhicin xukun
ciqaabeed oo
8)
Waa inuu saxeexay qoraal uu shakhsi
ahaan ku cadaynayo musharaxnimadiisa doorashada iyo inuu u hogaansamayo
shuruucda doorashada iyo kuwa anshaxa.
9)
Waa inuu bixiyey deebaajiga mushaxnimo ee ku
waajibay.
Qodobka 15aad
Soo
Gudbinta Musharaxiinta
1.
Guddoomiyaha ama Xoghayaha Guud ee
xisbiga ayaa Liiska murashaxiinta xisbiga ee doorashada Golaha Guurtida oo
gobolaysan u soo gudbinaya xafiiska Komishanka 6da saac ee galabnimo maalinta
60aad doorashada ka hor, waana in si cad loogu soo muujiyaa magaca musharaxa oo
afaran, da'diisa iyo gobolka uu ka tartamayo. Haddii ay jiraan musharaxyo isku
magacyo ah waa in la sheego naanaysta (haddii ay jitro) iyo magaca oo
afaran.
2.
Liisaska musharaxiinta xisbiga
marka loo gudbinayo komishanka waxa la soo raacinayaa:-
a.
Caddeymaha caafimaadka, dambi
la'aanta, waxbarshada, shaqo ka tegidda (hadday jirto), iwm.
b.
Liisasku waa in ay yihiin min 4
nuqul oo ay si wanaagsan uga muuqato astaantii xisbigu.
c.
Caddeyn uu bixiyey murashax kastaa
oo uu ku muujiyey inuu ogol yahay murashaxnimada iyo inuu u hogaansamayo xeerka
& anshaxa doorashada.
d.
Go' aanka guddiga fulinta xisbigu
ku ansixiyey Liiska musharixiinta.
e.
Rasiidhada bixinta deebaajiga
murashaxnimo ee Wasaaradda Maaliyadda.
3. Khilaaf
kasta oo ka dhasha xulista ama soo gudbinta liiska murashaxiinta oo ka dhex
dilaaca xisbi gudahiisa waxa go' aan ka gaadhaya Guddiga Fulinta xisbiga
arrintu khusayso.
Qodobka 16aad
Hubinta
Musharaxiinta
1.
Hogaanka Xisbiga waxa ku waajib ah
in ay si daacad ah u kala saaraan musharaxiinta marka ay xulayaan. Iyagoo
hubinaya inay buuxinayaan shuruudaha aasaasiga ah ee xeerku jideeyay, isla
markaana masuuliyadda ay u tartamayaan si haboon u gudan karaan, magac iyo
milgona u soo jiidi karaan xisbiga iyo qarankaba.
2.
Komishanku waa inay dhinacooda si madax
banaan qof qof ugu hubiyaan musharixiinta loo soo gudbiyay inay shuruudaha
buuxinayaan. Haddii Komishanku ku qanco in xubin ama xubno liiska ka mid ahi
aanay buuxinayn shardi ama shuruudaha, waxay muddo 3 cisho gudahood ah ku
ogaysiinayaan xisbigii u soo gudbiyey inuu muddo loo cayimay ku soo dhamaystiro
shuruudaha dhiman ama bedelkiisa ku keeno.
Qodobka 17aad
Astaamaha
Liisaska Musharaxiinta
1. Astaamaha
liisaska musharixiinta ee xisbiyada ka muuqdaa waa inay kala duwanaadaan marka
la soo bandhigayo.
2.
Xisbina waa in aanu isticmaalin
astaan uu xisbi kale hore ugu isticmaalay doorasho.
3.
Astaantu waa in ay ahaato mid gaar
ah oo muujinaysa sumadda aqoonsiga xisbiga, hase yeeshee waa in aanay ka muuqan
calaamado dawladeed, qabyaaladeed ama dariiqo.
Qodobka 18aad
Dhawrsanaanta
Musharaxinta
Musharixiinta u taagan doorashada
Golaha Guurtida ee Komishanku faafiyey musharaxnimadooda lama xidhi karo mudada
doorashadu socoto. Haddii aan la qaban iyagoo faraha kula jira dembi
ciqaabtiisu gaadhayso 3 sano oo xadhig ah iyo ka badan.
Qodobka 19aad
Faafinta
Liisaska Musharaxiinta
1.
Komishanka waa inay daabacaan
liisaska musharixiinta gobol kasta, iyagoo si bayaan ah u kala muujinaya
astaamaha xisbiyadooda .
2.
Komishanku goob kasta oo
cod-bixineed waa inay gaadhsiiyaan nuqulada liisaska musharixiinta gobolka, si
loogu dhajiyo dhamaan goobaha cod-bixinta ee gobolkaas.
3.
Komishanka iyo xafiisyadiisu waa
inay 45 maalmood ka hor taariikhda cod-bixinta si rasmi ah u faafiyaan Liisaska
musharixiinta xisbiyada, iyagoo adeegsanaya warbaahinta kala duwan; isla
markaana ku dhaqaaqaya sifa kasta oo ay ku xaqiijinayaan in shacbigu meel kasta
oo ay ku sugan yihiin ay si haqab la'aan ah uga bogan karaan liisaska
musharixiinta tartamaya.
Qodobka 20aad
Deebaaji
Musharixiinta u tartamaya
xubinimada Golaha Guurtida waxay bixinayaan deebaaji aan celin lahayn, oo dhan
SI.Sh. 1,000,000 (hal milyan shillin) oo lagu bixinayo xafiiska cashuuraha
berriga ee Wasaaradda Maaliyadda.
Qaybta IV
OLOLAHA DOORASHADA
Qodobka 21aad
Bilowga
iyo Dhamaadka Ololaha Doorashada
Ololaha doorashadu wuxuu
bilaabmayaa marka Komishanku 30 maalmood ka hor maalinta cod-bixinta ku
dhawaaqo fasaxa ololaha doorashada, waxaanu dhamaanayaa 24 saac ka hor
taariikhda la qabanayo cod- bixinta.
Qodobka 22aad
Qabashada
Banaan-Baxyada
1.
Masuuliinta Axsaabta ee
qabanqaabinaya banaan-baxyada ololaha
doorashada waa inay qoraal ku ogeysiiyaan Duqa magaalada 48 saacadood ka hor
wakhtiga la samaynayo.
2.
Duqa magaaladu wakhti kale ayuu u
cayimi karaa haddii laba banaanbax ama ka badan isku maalin laga codsado, sidoo
kale, wuu joojin karaa in la sameeyo banaan-baxyo, haddii uu ku qanco in
waxyeelo loo gaysanayo caafimaadka, anshaxa, ama nabadgelyada guud iwm, waxaana
ku waajib ah inuu amro in banaa-baxyadaas lagu qaban karo meel uu tilmaamay ama
wakhti uu cayimay.
3.
Magaalo ama tuulo laguma wada qaban
karo maalin qudha wax ka badan hal
banaan-bax.
Qodobka 23aad
Muuqaalka boodhadhka
Ma banaana in boodhadhka iyo
waraaqaha ololaha doorashooyinka lagu dhejiyo masaajidada, xafiisyada & gaadiidka
dawladda, xarumaha diblomaasiyiinta shisheeye & ururada caalamiga ah iwm.
Oodobka 24aad
Anshaxa shirarka iyo
Banaan-baxyada
Shirarka iyo banaan-baxyada ololaha
doorashada ee Xisbiyadu ku raadinayaan taageerada cod-bixiyayaasha waxa ka
reebban:
1.
In loo qaato HUB iyo lebbis ciidan
ama wax u eg.
2.
in ololaha ama banaan-baxa lagu
sameeyo agagaarka meelaha xurmada mudan sida masaajidada iyo goobaha aanay ku
haboonayn sida dugsiyada, cusbitaalada, iwm.
3.
in lagu tiraabo hadalo ama lagu soo
bandhigo muuqaalo wax loogu dhimayo dhaqanka, diinta, nabadgelyada iyo
xasiloonida guud iwm ama sidoo kale lagu dhaawacayo sharafta iyo karaamada
xisbi, musharax, qabiil, degaan iwm.
4.
in xisbi ama musharax u adeegsado
hantida qaranka sifa kasta ha lahaatee.
Oodobka 25
Isticmaalka Hantida Qaranka.
Axsaabta
qaranku si siman ayay u isticmaalayaan warbaahinta dawladda iyo fagaarayaasha
Khayriyaddaha mudada ololaha doorashadu socdo. Sidaa awgeed, waxa reeban in
xisbiyadda loo kala buriyo adeegyada qaranka. Komishankuna waa inuu hubiyo
arrintaas.
Waxa
reeban in xisbina si gaar ah ugu takri falo dhaqaalaha qaranka.
3.
Waxa kale oo reeban in xisbina si
dadban iyo toos ahba u isticmaalo dhaqaale shisheeye oo ay ka mid yihiin NGO
iyo Hayadaha UN ee dalka deggan.
4.
Ciddii ama xisbigii ay ku cadaato
in uu ku kacay falalka faqradaha 1,2 & 3aad ee qodobkan waxaa lala
tiigsanyaa sharciga.
Qodobka 26aad
Dhaqdhaqaaqa Gaadiidka Maalinta Doorashada
1.
Guud ahaan dalka JSL dhaqdhaqaaqa
gaadiidka dadweynuhu (public transport/Gov) wuu reeban yahay maalinta
cod-bixintu socoto laga bilaabo 6da saac ee subaxnimo ilaa 8da fiidnimo, marka
laga reebo gaadiidka lagama-maarmaanka ah, sida: dhooliyada (ambulance),
booyadaha biyaha, wiishashka nalka, iwm. kuwaas oo fasax dhaqdhaqaaq la siin
doono.