New Draft Bill on Guurti (House of Elders) Elections: July 2006

 

Jamhuuriyadda Somaliland

 

XEERKA DOORASHADA GOLAHA GUURTIDA

(Xeer No. 20-3/2006)

Bismilaahi Raxmaani Raxiim

 

 

GOLAHA WAKIILADA JAMHUURIYADDA SOMALILAND

 

 

Markuu arkay:            Qodobada 9aad, 22aad, 37aad, 38aad, 39aad, 57aad, 58aad, 59aad, 60aad, 128aad iyo 130aad ee Dastuurka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland,

 

Markuu xaqiiqsaday:             In doorashda Golaha Guurtidu dhammays tirayso hannaaka dimuqraadiyadeed ee lagu beegsanayo taabba gelinta buuxda ee qaranimada Somaliland

 

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo ka digo-rogashada hab-beeleedka iyo xaqiijinta himilada ummaddu ka dhursugaysay muddada dheer ee u tartanka iyo doorashada xorta ah ee  Mudanayaasha Golaha Guurtida Qaranka

 

Markii uu dhegaystay:           Dooddii mudanayaalsha ee xeerka doorashada ee Golaha Guurtida,

 

Waxa uu soo saaray xeer  lambar 20-3/2006

 

Macnaha erey-bixinta

Doorasho:                       Waxa loola jeedaa hawlgalka kala saaridda murashaxiinta u tartamaya xubinimada Golaha Guurtida, iyadoo lagu go'aan qaadanayo aqlabiyadda codadka muwaadiniinta cod- bixiyayaasha ah.

Komishanka:                waxaa loola jeedaa Guddiga Qaranka ee u xilsaaran maamulidda hawlaha doorashooyinka.

Goobo-codbixin:        waxa loola jeedaa goobaha tirooyin cod-bixiyayaasha ka mid ah oo isku degaan dhaw ka dhiiban karaan codkooda ee Komishanku cayimo.

Wakiil:               waxa Ioola jeedaa xubinta xisbi u soo wakiishay la socodka hawlaha doorashada ee goob-cod-bixineed ama xafiisyada doorashada ee degmo, gobol ama xarunta komishanka.

Musharax:      waxa loola jeedaa xubinta xisbigiisu u soo magacaabay inuu u tartamo xubinimada Golaha Guurtida si xeerka waafaqsan.

Cod-bixiye:    waxa loola jeedaa qofka buuxiyey shuruudaha cod-bixinta ee xeerku tilmaamay ee go' aankiisa ku dhiibanaya codayn.

Kursi:                 waxa loola jeedaa jagada xubinimada Golaha Guurtida ee hal qof loo dooran karo.

Astaan:              waxa loola jeedaa summadda ama calaamadda u gaarka ah hal xisbi ee loo diiwaangeliyay in lagu aqoonsado

Liis:     waxa loola magacyada musharaxiinta doorashada Golaha Guurtida ee Xisbi u soo gudbiyo Komishanka, kuwaas oo si siman ugu tartamaya doorashada, kala horaynta magacyadooduna aanay wax tixgelin ah lahayn doorashada.  

Saraakiisha dawladda: waxa loola jeedaa shaqaalaha masuuliinta ah ee ku siman agaasime waaxeed iyo wixii ka sareeya iyo madaxda hay’adaha madaxa banaan ee dawladda, iyo sidoo kale, madaxda ciidamada ee ku siman taliye urur ama taliye saldhig boolis iyo wixii ka sareeya.

Ololaha Doorashada:              waxa loola jeedaa hawlgalka ay Axsaabtu iyo murashaxiintoodu ugu tartamayaan iska dhaadhicinta iyo soo kala jiidashada cod-bixiyayaasha, si xeerkan waafaqsan

Xafiiska dhexe:            waxa loola jeedaa xarunta ugu saraysa ee laga maamulayo hawsha doorashada ee ay ku shaqeeyaan Komishanka Qaranku

Xafiiska Gobolka:      waxa loola jeedaa xafiiska laga maamulayo hawlaha doorashada ee Gobol ee Komishanku sameeyo, si xeerkan waafaqsan

Xafiiska Degmada:    waxa loola jeedaa xafiiska doorashada laga maamulayo ee degmo ee Komishanku sameeyo, si xeerkan waafaqsan.

Xafiiska Goobta:         waxa loola jeedaa goobta muwaadiniintu cod-bixinta ka dhiibanayaan ee laga maamulayo hawlaha cod-bixinta.

Hawl-wadeen:              waxa loola jeedaa shaqaalaha kala duwan ee komishanku hawlgeliyay inay ka shaqeeyaan goobaha cod-bixinta, xafiisyada doorashada ee degmooyinka iyo gobolada iyo xarunta dhexe ee xeerku jideeyay.

Xad-gudub:    waxa loola jeeda fal kasta iyo qawl kasta oo lid ku ah nidaamka doorashada iyo nabadgelyada guud.

Goob-joogayaal:         Waxa loola jeedaa kormeerayaasha caalamiga iyo kuwa maxaliga ah ee hubinaya habsami u socodka hawlaha doorashada ee Komishanka Qaranku aqoonsadey.

Jajab   Waxa loo la jeedaa tirada codadka ee ka yar inta hal kursi lagu heli karo

Si Taxane ah  waxa loola jeedaa wax kala duwan oo xidhiidhsan oo loo qoray si is daba taalla oo midba midka kale ka horreeyey

 

Qaybta I

MABAADIIDA GUUD

Qodobka 2aad

Adeegsiga Xeerka

Xeerkan waxa lagu maamulayaa loona adeegsanayaa doorashada xubnaha Golaha Guurtida JSL.

 

Qodobka 3aad

Tirada Xubnaha iyo Doorashada Golaha Guurtida

Golaha Guurtida JSL wuxuu ka kooban yahay 82 (sideetan iyo laba) xubnood. Kuwaas oo lagu soo dooranayo doorasho guud oo toos ah iyo cod-bixin qarsoodi ah oo xor ah, sida uu qeexay qodobka 40aad ee Dastuurku.

Qodobka 4aad

Mudada Xilka

Mudada xilka ee musharixiinta ku guulaysta doorashada xubinimada Golaha Guurtida waa 6 (Lix) sano, oo ka bilaabmaysa maalinta Maxkamadda Sare ku dhawaaqdo go’aamada doorashada, sida uu tilmaamay qodobka 42(1)aad ee Dastuurka JSL.

 

Qodobka 5aad

Shuruudaha cod-bixiyaha

1.       Waa inuu yahay Muwaadin Somaliland u dhashay ama qaatay muwaadinimada Somaliland, si  Xeerka Jinsiyadda waafaqsan.

2.      Waa in aan da'diisu ka yaraan 16 sano, sanadka doorashada la qabanayo.

3.      Waa inuu xor yahay oo aanu xabsi ku jirin maalinta doorashadu dhacayso.

 

Oodobka 6aad

Xuquuqda Cod-bixivaha

Cod-bixiye kasta oo buuxiyey shuruudaha xeerku tilrnaarnay wuxuu xaq u leeyahay:-

1.       Inuu codkiisa ka dhiibto  goobta uu ku sugan yahay ee doorashadu ka socoto.

2.      Marka JSL hesho aqoonsi caalami ah, lana diiwaangeliyo muwaadiniinta, cod-bixiyaha ku sugan dal shisheeye xilliga doorashada la qabanayo, wuxuu codkiisa ka dhiiban karaa xafiisyada diblomaasiyadeed ee JSL ku leedahay dalalka shisheeye ee ugu dhow.

3.      Codku waa inuu ahaado mid shakhsi ah, xor ah, toos ah, qarsoodi ah oo si siman loo tixgeliyo. 

4.      Cod-bixiye kastaa wuxuu yeelanayaa hal cod oo keliya doorashadiiba.

 

Qodobka 7aad

Xaqa is sharixidda

1.       Muwaadin kasta oo buuxiyay shuruudaha xeerku tilmaarnay wuxuu iska sharixi

karaa xisbiga uu ka tirsan yahay, si waafaqsan xeerka Xisbiga.

2.      Guddiga Fulinta ee Xisbiga ayaa iska leh awooda xulista musharixiinta. Waxayna ku soo saarayaan go'aan Guddi-fulineed liiska musharixiinta marka aqlabiyadda Guddigu isku raacdo.

3.      Saraakiisha Dawladda, sida, madaxda Wasaaradaha, hay’adaha madaxa-banaan ee dawladda iyo kuwa  ciidamada Qaranka darajo kasta ha lahaadeene, haddii ay ku soo baxaan liiska musharixiinta  doorashada Golaha Guurtida uma banaana inay xilka sii hayaan. Waxana ku waajib ah inay shaqada ama xilka iska casilaan.

4.      Shaqo-ka-tegidda ama is casilaada waa in laga aqbalo,  qoraalna ku soo caddeyso cidda   awooda u lihi.

 

Qodobka 8aad

Samaynta Gobolo-doorasho

Marka la qabanayo doorashada Golaha Guurtida ee JSL, waxa dalka loo qabaybinayaa gobolo-doorasho iyadoo la waafajinayo soohdimihii ay lahaayeen lixdii degmo ee jiray 26 June 1960 ee hadda gobolada ah, si waafaqsan qodobka 109aad ee dastuurka qaranka.

Komishanka qaranka ayaa laga doonayaa inuu sameeyo gobolo-doorasho ugu yaraan 60 maalmood ka hor maalinta cod-bixinta. Waxaannu komishanka qaranku arrintaa kala tashanayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Gudoomiyayaasha Gobolada iyo Degmooyinka iyo saddexda xisbi qaran.

Komishanka qaranka ayaa ku dhawaaqaya warbaahintana u gudbinaya gobolada-doorasho (electoral regions) ee la cayimay marka ay la tashadaan Wasaaradda arrimaha Gudaha, guddomiyayaalsha gobolada iyo saddexda xisbi qaran.

 

Qaybta II

HANAANKA DOORASHADA

 

Qodobka 9aad

Habka Doorasho

1.                   Xisbi kastaoo doonaya inuu ka qayb galo doorashada Golaha Guurtida, waxa laga doonaya inuu komishanka qaranka u gudbiyo liiska musharaxiinta uu u xulay inay ugu tartamaan doorashada oo gobolaysan, kaas oo ku salaysan tirade kuraasida goblo kasta loo xaddiday, una qoran si taxane ah.

2.                  kuraasta gobol-doorasho, waxa axsaabtu ku kala helayaan habka saami-qaybsiga (propotional sytem), ee kuraasida iyo codadka xisbi waliba ka helo gobolkaas.

Qodobka 10aad

Goobaha Codbixinta

Gobol-doorasho kastaba wuxu yeelanayaa goobo codbixineed, waxana cayimaya komishanka qaranka marka uu la tashado Wasaaradda Arrimaha Gudaha, guddoomiyayaasha gobolada iyo xisbiyada qaranka.

Komishanku waa inuu goobahaa codbixin-bixineed ku sameeyaa ugu yaraan 60 maalmood ka hor maalinta codbixinta la qabanayo.

 

Qodobka 11aad

Habka Qaybinta Kuraasida

 

1.                   Iyadoo mudnaanta kowaad la siinayo danta qaranka ugu jirta taabba-gelinta doorashada awgeed, saamiga kuraasida goboladu ku yeelanayaan Golaha Guurtida , waxa doorashadan oo keliya loo qaybiyey sidan:    

 

1)                              Gobolka  Hargeysa …………….             20 Kursi

2)                              Gobolka  Tog-dheer ……………            15 Kursi

3)                              Gobolka Awdal ………………….             14 Kursi

4)                              Gobolka Sanaag ………………..              12 Kursi

5)                              Gobolka Sool ……………………               11 Kursi

6)                              Gobolka Saaxil ………………….              10 Kursi

2.                  gobol walba hal kursi ayuu u reebayaa dadka laga tirade badan yahay iyo haweenka

3.                  Marka doorashadu qabsoonto ee la isu geeyo wadarta guud ee codadka ansaxay ee gobol kasta waxa la oo qaybinayaa tirada kuraastaa gobolkaas loo cayimay, markaa waxa la ogaanayaa qadderka codadka hal kursi lagu heli karo. Intaa dabadeed, waxa la isu qaybinayaa tirada codadka xisbi kastaa ka helay gobolka iyo qaddarka codadka hal kursi lagu heli karo, halkaasna waxa ka soo baxaya tirada kuraasida kuraasida gobolka ee xisbi kastaa ku guulaystay.

4.                  Marka tirada codadka ansaxay ee gobolka iyo tirada kuraasida gobolkaas la isu qaybiyo, haddii ay jiraan tirooyin codad jajab ah oo xisbi kastaa marka loo eego ka yar qaddarka codadka hal kursi lagu heli karo, waxa xisbiyadu kursiga ama kuraasida hadhay u kala helayaan sida ay ugu kala badan yihiin tirada codadka jajabka ah.

5.                  Marka la fuliyo hawlgalka ku tilmaaman faqradaha 2aad & 3aad ee qodobkan, tirada kuraasida ee xisbi kastaa marka gaarkiisa loo eego ka helo kuraasida gobolka u xaddidan waxa musharixiinta xisbi kastaa gudihiisa u kala qaadanayaa sida ay u kala cod badan yihiin iyagoo ku kala helya aqlabiyad fudud ( simple majority).

6.                  Haddii deegaano dalka ka mid ah ay la soo gudboonaato duruufo  culus ama xaalado aan saamaxayn in doorasho ka qabsoonto, waxa soo qiimaynaya go’aanna ka gaadhaya xaaladahaas Guddiga Qaranka ee Doorashooyinka, markay sidaas isla gartaan Xukuumadda iyo axsaabta qaranka

7.                  Goobaha codbixninta ee doorashadu ka qabsoomi weydo, tirada kuraasida loo qoondeeyey goobahaas waxay xisbiyadu u kala qaadanayaan saami u dhigma sida ay u kala helaan wadarta guud ee codadka ansaxay ee gobolkaas.

8.                  Haddii se ay doorashadu gobol dhan ka qabsoomi weydo tirada kuraasida loo qoondeeyey goobahaas waxa xisbiyadu u kala qaadanayaan saami u dhigma sida ay u kala heleen wadarta guud ee codadka ansaxay ee dalka. Waxana loo raacayaa sida magacyadoodu liiska ugu kala horreeyaan

 

Qodobka 12aad

Liiska Musharixiinta

1.       Xisbi kasta waxa uu komishanka u soo gudbinayaa liiska magacyada musharixiintiisa uu u xulay inay uga tartamaan doorashada kaas oo ku salaysan tirada kuraasida gobol kasta loo xadiday, una qoran si taxane ah.

2.      Axsaabtu waa inay tixgeliyaan xaqa muwaadiniinta ee doorashada iyo ka qaybgalka hawlaha siyaasadda, iyadoo aan lagu kala soocayn jinsiga, luqada, iwm. Sida uu jidaynayo qodobka 22aad ee Dastuurku. Sidoo kale, waa inay dhiirigaliyaan ka qaybgalka haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay talada dalka sida uu tilmaamayo qodobka 36(2)aad ee Dastuurku.

 

Qodobka 13aad

Musharixiinta doorashada ku guul-daraysta

1.       Musharaxiinta liisaska xisbiyada ee kuraasi waaya waxay noqonayaan musharixiin kayd ah. Waxayna xaq u leeyihiin inay buuxiyaan marka ay jago baneeyaan Mudanayaasha xisbigooda kaga jira Golaha Guurtida.

2.      Marka ay banaanaato xubin/ xubno ka mid ah Golaha Guurtida si waafaqsan asbaabaha ku xusan qodobka 50aad ee Dastuurka, Shirgudoonka Goluhuna sidaa caddeeyo, waxa Komishanku bedelkii xubinta/xubnaha banaan ku buuxinayaa musharaxiinta kaydka xisbiga ay ka soo jeedeen kuwa banneeyay, muddo aan laba todobaad ka badnayn. Waxana loo raacayaa sida ay kula cod badnaayeen.

 

Qaybta III

 

MUSHARIXIINTA

 

Qodobka 14aad

Shuruudaha Musharaxa

Sida uu tilmaamayo qodobka 59aad ee Dastuurku, qofka isu taagaya doorashada Golaha Guurtida waa inuu buuxiyo shuruudahan:

1)                        waa inuu yahay muwaadin Somaliland u dhashay ama qaatay jinsiyadda Somaliland si sharciga waafaqsan.

2)                       Waa inuu muslin yahay kuna dhaqmo diinta Islaamka.

3)                       Waa inaan da'diisu ka yarayn 45 sano sanadka doorashada la qabanayo.

4)                       Waa inuu jidh ahaan iyo caqli ahaanba gudan karo xilkiisa.

5)                       Inuu yahay qof diinta aqoon fiican u leh ama oday dhaqan yaqaan ah  

6)                       Waa inuu yahay xilkas, akhlaaqdiisa iyo dhaqankiisuna toosan yihiin.

7)                       Waa inaanu ku dhicin xukun ciqaabeed oo kama dambays ah shantii sano ee u dambeeyay.

8)                       Waa inuu saxeexay qoraal uu shakhsi ahaan ku cadaynayo musharaxnimadiisa doorashada iyo inuu u hogaansamayo shuruucda doorashada iyo kuwa anshaxa.

9)                        Waa inuu bixiyey deebaajiga mushaxnimo ee ku waajibay.

 

 

 

Qodobka 15aad

Soo Gudbinta Musharaxiinta

1.       Guddoomiyaha ama Xoghayaha Guud ee xisbiga ayaa Liiska murashaxiinta xisbiga ee doorashada Golaha Guurtida oo gobolaysan u soo gudbinaya xafiiska Komishanka 6da saac ee galabnimo maalinta 60aad doorashada ka hor, waana in si cad loogu soo muujiyaa magaca musharaxa oo afaran, da'diisa iyo gobolka uu ka tartamayo. Haddii ay jiraan musharaxyo isku magacyo ah waa in la sheego naanaysta (haddii ay jitro) iyo magaca oo afaran. 

2.      Liisaska musharaxiinta xisbiga marka loo gudbinayo komishanka waxa la soo raacinayaa:-

a.             Caddeymaha caafimaadka, dambi la'aanta, waxbarshada, shaqo ka tegidda (hadday jirto), iwm.

b.            Liisasku waa in ay yihiin min 4 nuqul oo ay si wanaagsan uga muuqato astaantii xisbigu.

c.             Caddeyn uu bixiyey murashax kastaa oo uu ku muujiyey inuu ogol yahay murashaxnimada iyo inuu u hogaansamayo xeerka & anshaxa doorashada.

d.            Go' aanka guddiga fulinta xisbigu ku ansixiyey Liiska musharixiinta.

e.             Rasiidhada bixinta deebaajiga murashaxnimo ee Wasaaradda Maaliyadda.

3.      Khilaaf kasta oo ka dhasha xulista ama soo gudbinta liiska murashaxiinta oo ka dhex dilaaca xisbi gudahiisa waxa go' aan ka gaadhaya Guddiga Fulinta xisbiga arrintu khusayso.

 

Qodobka 16aad

Hubinta Musharaxiinta

1.       Hogaanka Xisbiga waxa ku waajib ah in ay si daacad ah u kala saaraan musharaxiinta marka ay xulayaan. Iyagoo hubinaya inay buuxinayaan shuruudaha aasaasiga ah ee xeerku jideeyay, isla markaana masuuliyadda ay u tartamayaan si haboon u gudan karaan, magac iyo milgona u soo jiidi karaan xisbiga iyo qarankaba.

2.      Komishanku waa inay dhinacooda si madax banaan qof qof ugu hubiyaan musharixiinta loo soo gudbiyay inay shuruudaha buuxinayaan. Haddii Komishanku ku qanco in xubin ama xubno liiska ka mid ahi aanay buuxinayn shardi ama shuruudaha, waxay muddo 3 cisho gudahood ah ku ogaysiinayaan xisbigii u soo gudbiyey inuu muddo loo cayimay ku soo dhamaystiro shuruudaha dhiman ama bedelkiisa ku keeno.

 

Qodobka 17aad

Astaamaha Liisaska Musharaxiinta

1.       Astaamaha liisaska musharixiinta ee xisbiyada ka muuqdaa waa inay kala duwanaadaan marka la soo bandhigayo.

2.      Xisbina waa in aanu isticmaalin astaan uu xisbi kale hore ugu isticmaalay doorasho.

3.      Astaantu waa in ay ahaato mid gaar ah oo muujinaysa sumadda aqoonsiga xisbiga, hase yeeshee waa in aanay ka muuqan calaamado dawladeed, qabyaaladeed ama dariiqo.

 

Qodobka 18aad

Dhawrsanaanta Musharaxinta

Musharixiinta u taagan doorashada Golaha Guurtida ee Komishanku faafiyey musharaxnimadooda lama xidhi karo mudada doorashadu socoto. Haddii aan la qaban iyagoo faraha kula jira dembi ciqaabtiisu gaadhayso 3 sano oo xadhig ah iyo ka badan.

 

Qodobka 19aad

Faafinta Liisaska Musharaxiinta

1.       Komishanka waa inay daabacaan liisaska musharixiinta gobol kasta, iyagoo si bayaan ah u kala muujinaya astaamaha xisbiyadooda .

2.      Komishanku goob kasta oo cod-bixineed waa inay gaadhsiiyaan nuqulada liisaska musharixiinta gobolka, si loogu dhajiyo dhamaan goobaha cod-bixinta ee gobolkaas.

3.      Komishanka iyo xafiisyadiisu waa inay 45 maalmood ka hor taariikhda cod-bixinta si rasmi ah u faafiyaan Liisaska musharixiinta xisbiyada, iyagoo adeegsanaya warbaahinta kala duwan; isla markaana ku dhaqaaqaya sifa kasta oo ay ku xaqiijinayaan in shacbigu meel kasta oo ay ku sugan yihiin ay si haqab la'aan ah uga bogan karaan liisaska musharixiinta tartamaya.

 

Qodobka 20aad

Deebaaji

Musharixiinta u tartamaya xubinimada Golaha Guurtida waxay bixinayaan deebaaji aan celin lahayn, oo dhan SI.Sh. 1,000,000 (hal milyan shillin) oo lagu bixinayo xafiiska cashuuraha berriga ee Wasaaradda Maaliyadda.

 

Qaybta IV

 OLOLAHA DOORASHADA

 

Qodobka 21aad

Bilowga iyo Dhamaadka Ololaha Doorashada

Ololaha doorashadu wuxuu bilaabmayaa marka Komishanku 30 maalmood ka hor maalinta cod-bixinta ku dhawaaqo fasaxa ololaha doorashada, waxaanu dhamaanayaa 24 saac ka hor taariikhda la qabanayo cod- bixinta.

 

Qodobka 22aad

Qabashada Banaan-Baxyada

1.       Masuuliinta Axsaabta ee qabanqaabinaya banaan-baxyada  ololaha doorashada waa inay qoraal ku ogeysiiyaan Duqa magaalada 48 saacadood ka hor wakhtiga la samaynayo.

2.      Duqa magaaladu wakhti kale ayuu u cayimi karaa haddii laba banaanbax ama ka badan isku maalin laga codsado, sidoo kale, wuu joojin karaa in la sameeyo banaan-baxyo, haddii uu ku qanco in waxyeelo loo gaysanayo caafimaadka, anshaxa, ama nabadgelyada guud iwm, waxaana ku waajib ah inuu amro in banaa-baxyadaas lagu qaban karo meel uu tilmaamay ama wakhti uu cayimay.

3.      Magaalo ama tuulo laguma wada qaban karo maalin qudha wax ka badan hal  banaan-bax.

 

Qodobka 23aad

Muuqaalka boodhadhka

Ma banaana in boodhadhka iyo waraaqaha ololaha doorashooyinka lagu dhejiyo masaajidada, xafiisyada & gaadiidka dawladda, xarumaha diblomaasiyiinta shisheeye & ururada caalamiga ah iwm.

 

Oodobka 24aad

Anshaxa  shirarka iyo Banaan-baxyada

Shirarka iyo banaan-baxyada ololaha doorashada ee Xisbiyadu ku raadinayaan taageerada cod-bixiyayaasha waxa ka reebban:

1.       In loo qaato HUB iyo lebbis ciidan ama wax u eg.

2.      in ololaha ama banaan-baxa lagu sameeyo agagaarka meelaha xurmada mudan sida masaajidada iyo goobaha aanay ku haboonayn sida dugsiyada, cusbitaalada, iwm.

3.      in lagu tiraabo hadalo ama lagu soo bandhigo muuqaalo wax loogu dhimayo dhaqanka, diinta, nabadgelyada iyo xasiloonida guud iwm ama sidoo kale lagu dhaawacayo sharafta iyo karaamada xisbi, musharax, qabiil, degaan iwm.

4.      in xisbi ama musharax u adeegsado hantida qaranka sifa kasta ha lahaatee.

 

Oodobka 25

Isticmaalka Hantida Qaranka.

Axsaabta qaranku si siman ayay u isticmaalayaan warbaahinta dawladda iyo fagaarayaasha Khayriyaddaha mudada ololaha doorashadu socdo. Sidaa awgeed, waxa reeban in xisbiyadda loo kala buriyo adeegyada qaranka. Komishankuna waa inuu hubiyo arrintaas.

 

Waxa reeban in xisbina si gaar ah ugu takri falo dhaqaalaha qaranka.

3.      Waxa kale oo reeban in xisbina si dadban iyo toos ahba u isticmaalo dhaqaale shisheeye oo ay ka mid yihiin NGO iyo Haya’daha UN ee dalka deggan.

4.      Ciddii ama xisbigii ay ku cadaato in uu ku kacay falalka faqradaha 1,2 & 3aad ee qodobkan waxaa lala tiigsanyaa sharciga.

 

Qodobka 26aad

Dhaqdhaqaaqa Gaadiidka Maalinta Doorashada

1.       Guud ahaan dalka JSL dhaqdhaqaaqa gaadiidka dadweynuhu (public transport/Gov) wuu reeban yahay maalinta cod-bixintu socoto laga bilaabo 6da saac ee subaxnimo ilaa 8da fiidnimo, marka laga reebo gaadiidka lagama-maarmaanka ah, sida: dhooliyada (ambulance), booyadaha biyaha, wiishashka nalka, iwm. kuwaas oo fasax dhaqdhaqaaq la siin doono.