Jamhuuriyadda Somaliland

GOLAHA WAKIILADA

 

XEERKA NIDAAMKA GARSOORKA (Xeer Lr. 24/2003)

 

Qaybta kobaad

 

Qod.1’aad

 

Macnaha erey-bixinta

 

Erayada (weedhaha) hoos ku qoran, haddii aan si kale loo macneyn waxaa Xeerkan gudihiisa loo fasirayaa siyaabaha soo socda:

 

Garsoore:        Waxa loola jeedaa sharci-yaqaanka si Xeerkan waafaqsan loogu magacaabey hawsha garsooranimo.

Xubnaha Garsooridda :Waxa loola jeedaa Maxkamadaha darajooyinka kala duwan ee sharcigani tilmaamay 

Qareen:             Waxa loola jeedaa Qareenka wata Shahaadada sharciga ee ka soo qalin-jebiyay Jaamacado la aqoonsan yahay ama leh aqoon u dhiganta oo ku  kasbadey khibrad,  ruqsad qareenimona ka haysta Wasaaradda Cadaaladda.

Darajada kowaad:      Waxa loola jeedaa Maxkamaddaha Gobolada iyo Degmoooyinka.

Dastuur:                           Waxa loola jeedaa Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

Guddida Caddaaladda: Waxaa loola jeedaa hay’adda hogaamisa maamulka Waaxda Garsoorka ee Xeerkani tilmaamyo.

Qaraar: Waxa loola jeedaa go’aan kasta oo aan dhamaystirin dulucda  dacwada.

Go’aan: Waxa loola jeeda go’aan kasta oo laga gaadho dulucda dacwada.

Maxkamadaha Hoose: Waxaa loola jeedaa Maxkamadaha Rafcaanka,Gobolada iyo Degmoooyinka.

Shaqaalaha Garsoorka:         Waxa loola jeedaa xubnaha Kaaliyayaasha, Gaadhsiiyayaasha iyo shaqaale kasta oo looga baahdo hawlaha Maxkamadaha iyo xeer ilaalinta  ee aan ahayn Garsoore ama Ku Xige Xeer Ilaaliye Guud.

Qeybta tashiga ah:   waxa loola jeedaa dacwadaha  ay dhegaysataan go’aana ka gaadhaan  sadex garsoore iyo wixii ka badan .

Qeybta aan tashiga aheyn:   waxa loola jeedaa dacwadaha aan tashiga aheyn dacwadaha ay dhageystaan go’aana ka gaadhan hal garsoore.

Aqoon sharciyeed :                    waxa loola jeedaa qofsita shahaado sharci oo jaamacadeed ama shahaado shareeco ama la badaba

     

Qod.2’aad

 

Mabaadiida Guud

 

1.                    Hay’adaha Garsoorka waa Hay’ad ka madax banana Waaxyaha kale ee Sharci Dejinta iyo Funlint.

2.                  Awoooda Garsoorida Dacwadaha waxaa iska leh Garsooreyaasha oo keli ah cid kalena looma wareejin karo.

3.                  Waxaa reeban Maxkamado gaar ah oo ka baxsan Hay’adaha Garsoorka.

4.                  Waxaa reeban Guddiyo leh awood iyo dabeecad Garsoor oo ay ka soo baxaan go’aano Ciqaab ahi. 

5.                  waxa u bannaan dhinacyada is haya inay khilaafkooda u magacowdaan gudiyo ama ula tagaaan guddiyo dhexdhexaadineed .

        6.  luqada garsoorku waxa uu noqonayaa luqada  afsoomaaliga ,hadii ay isticmaalka    luqada kale laga maarmi waayo waa in lagu turjumaa afsoomaali

 

Qod. 3’aad

  Hawlaha Garsoorka.

 

1.                   Waaxda  Garsoorku waxay  u madax bannaan tahay hawshooda garsoor,iyadoo dabaqaysa distoorka iyo shuruucda kale  ee ‘ ka soo baxda waaxda xeer dejinta ee aan ka hor imanahayn  Shareecadda Islaamka. 

2.                  Waxay ka garsooraysaa go’aanna ka gaadhaysaa khilaafyada ka dhex dhasha laba qof ama in ka badan, xubin/xubno dadweynaha ah iyo dawladda iyo khilaafyada hay’adaha dawladda dhexdeeda.

3.                  garsooruhu waxa uu xukunkiisa u cuskanayaa (a) shuruucda dalka u dajisan (b) shareecada islaamka (c) dhaqanka guud ee bulshada (d) cadaalada ijtimaaciga ah (e) a,c iyo  d,  waa inaanay  ka hor imaneynin shareecada islaamka

 

4. Waxaa kale oo ay ka garsoorayaan go aana ka gaadhaysaa  dacwadaha ka dhasha khilaafada hay adaha aan dowliga ahayn ka dhanka ah

 

Qod. 4’aad

Xaqa Dacwadda iyo Is-difaaca.

 

1.                                Qof  kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu ka furan karo Maxkamadda Awoodda u leh dacwadiisa si waafaqsan Xeerka.

2.                                Qof  kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu iska difaaco Maxkamadda horteeda eed  loo soo jeediyey.ama laga soo dacweeyey

3.                                Qaranku wuxuu  kafaala qaadayaa in qofka aan awood u lahayn inuu qabsado qareen dacwad ciqaab ah  oo culus oo uu xeerku khasbayo  in qareen difaaco , in uu u qabto  qareen.  iyadoo qofka saboolka ahna laga dhaafi karo ajuurada kaga waajibtey dacwadda madaniga ah iyo kuwa la dabeecadda ah.

4.                                Saboolnimadda ajuuradda laga dhaafayo ama qareen loo qabanayo waxa qiimaynaya qaraar uu soo saaray guddoomiyaha maxkamdda dacwaddu hor taallo.

5.                                Saboolnimada ajuurada laga dhaafayo waa in loo raaco sidan:
b)                    Waa in uu codsi u soo qorto gudoomiyaha maxkamada
t)                     Waa in uu keensado laba markhaati oo lagu kalsoonaan karo oo cadeeya soboolnimadiisa.

 

Qaybta  labaad

 

Qaybaha garsoorka

 

Qod. 5’aaad

 

1.                   Garsoorku wuxuu  ka kooban yahay maxkamadaha iyo xeer ilaalinta oo kala qayb gasha dacwadaha ciqaabta iyo dacwadaha madaniga ee ka qayb galkooda xeerku jideeyey.

2.            Maxkamadaha dalku waxay ka kooban yihiin:-

 

1.                                           Maxkamadda Degmada 

2.                                          Maxkamada Gobolka

3.                                          Maxkamadda Rafcaanka

4.                                          Maxkamada  Sare

5.                                          Maxkamada Dastuuriga ah

6.                                          Maxkamadda Sare ee Cadaalada

7.                                          Maxkamada Ciidamada Qaranka

 

3.                  Maxkamada Ciidamada Qaranka iyo xeer-ilaalintoodaba xeer gaar ah ayaa lagu qeexi doonaa.

 

 

Qodobka 6’aad

 

Maxkamadda Degmada.

 

1.            Maxkamadda Degmadu waxay ku taalaa Degmo kasta oo xuduudda dalka  JSL ah, awoodeeduna waxay gaadhsiisan tahay xuduudda  degmadaa.

2.            Maxkamadda degmadu waxay`fadhigeeda ku qabsan kartaa, meel kasta oo

Ka mid ah xudduuda  degmadda.

3.            Maxkamadda Degmadu waxay awood u leedahay dacwadaha shareecada

Islaamka,  dacwadaha madaniga ah ee qiimahoodu gaadhsiisan tahay ilaa (3,000,000) Sl. Sh. Iyo dacwadaha ciqaabtoodu gaadheyso ilaa (3) sano ama ganaax Lacageed oo kabad nayn  (3,000,000)Sl.Sh).

4.            Maxakmada Degmadu waxay yeelanaysa laan u gaar ah  dacwadaha ciqaabta caruurta.

5.            Maxkamada Degmadu waxay yeelanaysaa laanta fulinta

 

Qodobka 7’aad

Maxkamadda Gobolka.

 

 

1.                   Maxkamadda Gobolku waxay ku taalaa magaalo madaxda Gobol kasta, awoodeeda maxkamadeedna waxay gaadhsiisan tahay xuduudda Gobolka.

2.                  Makamadda Gobolku waxay fadhigeeda ku qabsan kartaa meel kasta oo ka mid ah xuduudda Gobolka.

3.            Guddoomiyaha maxkamadda Gobolku  wuxuu si gooni ah awood ugu leeyahay go’aan ka gaadhidda dacwadaha ciqaabta ee lagu soo oogo caruurta  (Juveniles).

4.            Maxkamadda Gobolku waxay awood u leedahay dacwadaha xuquuqda shaqaalaha.

5.    Dacwadaha Ciqaabtu waxay u qaybsan yihiin laba qaybood:

a.                                           Qaybta Dacwadaha Tashiga ah (Assize Section).

b.                                          Qaybta Dacwadaha aan tashiga ahayn (General Appelate Section).

6.    Maxkamadda Gobolku waxay yeelaneysaa laamahan soo socda:

a)                                               Laanta dacwadaha madaniga ah

b)                                               Laanta dacwadaha ciqaabta

c)                                               Laanta dacwadaha cashuuraha iyo maaliyadda.

d)                                               Laanta dacwadaha ciqaabta carruurta (Juvenilles), Habkooda dacwad qaadista waxa loo raacayaa xeerka ciqaabta carruurta.

Laanta Dacwadaha Fulinta.

7.            Qaybta Dacwadaha aan Tashiga ahayni waxay awood u leedahay, dhegeysiga dacwadaha Ciqaabta ah ee uu xadhigeedu ka badan yahay (3) sano, kana hooseeyo (10) sano. Waxaana dhegeysan kara hal Garsoore keliya.

8.            Qaybta Dacwadaha tashiga ah waxa dhegeysan kara:

a)                                          Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka, hal garsoore oo ka tirsan Maxkamada Gobolka  iyo hal  xubin  oo garsoore dadwayne oo  lagu soo xulo Aqoonta  u leeyahay shareecada Islaamka ama xagga sharciga.

b)                                          Waxay dhageystaan dacwadaha ciqaabtoodu gaadhayso (10 sano)iyo wixii ka badan

 

Qod. 8’aad.

Maxkamadda Racfaanka.

 

1.                   Xarunta Maxkamadda  Racfaanku waxay ku taalaa magaalo madaxda Gobolka ay awoodeeda Maxkamadeed gaadhsiisan tahay.

2.                   Maxkamadda Racfaaku waxay hawlaheeda Maxkamadeed ku qabsan kartaa meel kasta oo xuduudda Gobolka ah, haddii uu sidaa ku go’aamiyo Guddoomiyuhu.

3.                   Maxkamadda Racfaanku waxay go’aan ka gaadheysaa, dacwadaha racfaanada looga soo qaato xukumada maxkamadda derejada Kowaad ee Gobol, iyo degmo.

4.                   Maxkamadda Racfaanku waxay leedahay  qeybaha  soo socda:

 

a)            Qeybta   Dacwadaha aan tashiga ahayn (General Appellate Section)

b)            Qeybta  Dacwadaha tashiga ah  (Assize Appellate Section)

c)            Qeybta  Carruurta (Juvenilles Section)

d)            Qeybta  Cashuuraha. Iyo maaliyadda

 

5.                   Laanta Dacwadaha aan tashiga ahayn waxay go’aan ka gaadhaysaa racfaanada laga qaato dacwadaha madaniga iyo ciqaabta ah ee Maxkamadda Gobolka iyo Degmada oo keli ah.

 

 

 

 

 

6.                   Laanta Dacwadaha tashiga ah, waxay go’aano ka gaadhaysaa racfaanada laga soo qaato xukunnada Maxkamadda Gobolka laanteeda tashiga, waxaana dhegeysanaya:

a.-           Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka

b.-          laba  Garsoore oo ka tirsan maxkamadda racfaanka.

c.-           laba xubnood oo lagu soo xulay aqoon ay u leeyihiin shareecadda Islaamka ama sharciga.

7.                   Maxkamadda Racfaanku waxay awood gaara u leedahay, aqoonsiga xukumada iyo qoraalada rasmiga ah ee ka dhaca dal kale.

8.                   Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanku waa sarkaalka Gobolka ugu sareeya xagga hawlaha garsooridda, wuxuu ku leeyahay inta xudduudda Gobolkiisa kormeer Idaari ah oo ku saabsan  socodka hawlaha maxkamadaha Gobolka, degmooyinka  iyo Xabsiyada.

9.                   Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanku wuxuu awood u leeyahay.

 A            -In uu dacwad u kala wareejiyo  laba Degmo  oo isla Gobolkaas ah, nabad-gelyo darteed.

b.-In haddii durrisi ku timaado Guddoomiyaha maxkamadaha derejada kowaad ee Golkaas, uu ka soo saaro qaraar waafaqsan duristaas.

10- Gudoomiyeyasha Maxakamadaha hoose waxay awood u leyihiin in ay kor meraan hawsha              Garsoorka iyo garsooreyashooda warbixina ka siyaan Gudida Cadalada iyadoo la mariyano Gudoomiyeyasha Maxkamadaha Rafcaanka.

 

Qod. 9’aad.

 

Maxkamadda Sare.

 

1.                   Maxkamadda Sare waa xubinta ugu sareysa Garsoorka Jamhuuriyadda

Somaliland.

2.                   Xarunta Maxkamadda Sare waxay  ku taalaa Magaalo Madaxda Dalka ee Hargeysa.

3.                  Maxkamadda Sare marka ay lagamamaarmaan noqoto, waxay fadhigeeda ku qabsan kartaa  meel kasta oo ka mid ah gudaha dalka Somaliland. Iyadoo awood u leh (Jurisdiction) go’aan ka gaadhka dacwadaha ka dhaca dalka ee racfaanka loogu soo qaato.

4.                  Maxkamadda Sare waxay ka kooban tahay :-

a)            Guddoomiyaha Maxkamadda Sare

b)            Tiro Garsoorayaal ah oo aan ka yareyn afar Garsoore.

 

Qod. 10’aad

Awoodaha Maxkamadda Sare

 

1.                   Maxkamadda Sare waxay  hubisaa in Qoddobada sharciga sidooda  loo dabaqey ama loo fuliyey ama loo fasirey iyo in ay qabato Hawl kasta oo uu u xil saarey Dastuurku ama sharciyada kale ee ka soo baxa waaxda Xeer-dejinta.

2.            Maxkamadda Sare waxay dacwadaha u dhageysan kartaa laba qaybood:

a.             Fadhi aan Buuxin waxaana dhegeysan kara (saddex) Garsoore oo uu Guddoomiyaha Maxkamada Sare  magacaabo midkoodna Gudoomiye ugu magacaabo. 

b.            Fadhi Buuxa waxa ay ku gashaa 5 Garsoore ama 7 Garsoore iyo wixii kabadan oo tiro dhiman ah. (Full bench).

3.        Maxkamadda Sare waxay awood u leedahay:

a.            Go’aan ka gaadhidda cabashooyinka laga keeno doorashooyinka guud (General Election) ee ku saabsan ansixinta doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Madaxweynaha iyo ansixinta doorashada Xubnaha Baarlamaanka.

b.            Go’aan ka gaadhidda khilaafyadda dhex mara qaybaha garsoorka ee ku saabsan xagga awoodda dhagaysigga dacwadaha.

c.            go’aan ka gaadhidda dacwadaha laga keeno go’aamada dhamaadka ah ee maamulka dawladda.

d.            dhagaysigga  iyo go’aan ka gaadhida cabashooyinka laga keeno maxkamaddaha goboladda ee ku saabsan kuraasidda Golayaasha deegaanadda.

e.            Maxkamadda sare waxay awood u leedahay inay dib u eegto xukumadeeda marka la helo shuruudaha ku xusan qodobka 266 ee Xeerka habka madanigga ah.iyo Qodobka 238’ee habka ciqaabta 

f.             Maxkamadda Sare waxay go’aamadeeda ku saabsan cabashada & dacwooyinka laga keeno doorashada Madaxweynaha & Madaxweyne ku Xigeenka, doorashada Baarlamanka iyo Golayaasha Degaanka u raacaysaa hab la mid ah kan ku xusan qodobka 14aad, farqadihiisa 5, 6, iyo 7aad ee xeerkan.

Maxkamada Sare waxay fadhi buuxa ku gashaa:

a)            Rafcaanadda ka yimaad qaybta tashiga ah ee Maxkamada Rafcaanka

b)            Rafcaanada la xidhiidhi dacwadaha doorashada

c)            Rafcaanada la xidhiidhi go’aanada maamul ee kama dambaysta ah ee gudoomiyaha maxkamada sare u arko in lagu galo fadhi buuxa.

d)            Dacwadaha dib u eegista ah ee madaniga iyo ciqaabta ah.

e)            Rafcaanada Xukumada Dacwadaha Caruurta

f)              Dacwad kasta oo culayskeeda iyo muhiimadeeda Gudoomiyaha maxkamada sare u arko in lagu galo fadhi buuxa.

 

Qodobka 11’aad

Magacaabista iyo Xil ka qaadista Gudoomiyaha

& Garsorayaasha Maxakamada Sare

 

1.                   Guddoomiyaha Maxakamadda sare magacaabistiisa  waxa soo jeedinaya Madaxweynaha isagoo la tashanaya gudiga cadaalada JSL, waxaana cod hal dheeri ah ku diidaya ama ku oggolaanaya Golaha Wakiiladda iyo Golaha Guurtidda oo fadhi wada jir ah leh. Hadday golayaashu diidaan dib looma soo celin karo, isla markaasna xil ka qaadistiisa waxa soo jeedinaya madaxweynaha JSL waxaana oggolaanaya ama diidaya labada Gole (Guurtidda & Wakiiladda).

2.                  Garsoorayaasha maxkamada sare waxa magacaabistooda iyo Xilka qaadistooda soo jeedinaya Madaxwayanaha Jamhuuriyada Somaliland ka dib marka uu la tashado Gudida Cadaalada waxaana Cod hal dheeri ah ku ansixinaya Golaha Wakiiladdu.

3.                  Garsoorayaasha maxkamada sare waxay xilkooda ku waayayaan:

a)            Markuu gudan kari waayo xilkiisa sababo caafimaad , ama karti xumi

b)            Markuu iskii isaga casilo lagana aqbalo

c)            Markuu ku xad gudbo distoorka iyo xeerarka dalka u dejisan

4.                  Garsoorayaasha maxkamadda sare Xuquuqdooda iyo waajibaadkooda waxay kala mid yihiin garsoorayaasha maxkamadaha kale iyo  shaqaalaha dawlada inta la socon karta.

                             

Qod. 12’aad

Maxkamada Sare waxay yeelanaysaa:

 

a)                                          Qaybta Dacwadaha Madaniga ah

b)                                          Qaybta Dacwadaha Ciqaabta ah

c)                                          Qaybta Dacwadaha Ciqaabta Caruurta

d)                                          Qaybta Dacwadaha Maamulka

e)                                          Qaybta Cilmi Baadhista iyo Fasiraada Shuruucda

 

Qod. 13’aad.

Shuruudaha laga rabo Garsoorayaasha Maxkamadda Sare.

 

1.       Qofka loo magacaabayo Garsooraha maxkamada sare waa inuu yeesho shuruudahan:

 

a)      Waa in uu u dhashay Somaliland

b)      Waa in uu haystaa Shahaadad Jaamacadeed oo Xaga Sharciga ah oo la aqoonsanyahay

c)      Waa in uu leeyahay waayo aragnimo aan ka yarayn 7 sanadood kuna soo shaqeeyay Garsoore, Xeer Ilaaliye, Qareen ama Barre jaamacadeed xagga sharciga ah.

d)      Waa in aanu ka tirsanayn Xisbiyo Siyaasadeed

e)       Waa inuu muslim yahay,  Waa in uu yahay qof Sumcad iyo Diiwan Wanaagsan ku leh xagga garsoorka.

2.            Qof kasta oo Madaxwaynuhu u magacaabo Garsoore Maxkamad Sare inta aanu golaha Wakiiladu ansixinin waxaa waafaqsanaantiisa xeerkan ka hubinaya Gudiga Garsoorka ee G/Wakiilada.

 

Qod. 14’aad.

Maxkamadda Dastuuriga ah

dhismaha maxkamadda Dastuuriga ah

 

1.                   Maxkamadda dastuuriga ah waxay ka kooban tahay Guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo dhammaan garsoorayaasha maxkamadda sare, dacwadaha waxay ku gasha fadhi buuxa oo ugu yaraan 5.shan xubnood ah ,oo Guddoomiyaha Maxakamaada sare Guddoominayo ama uu Guddoomiyahooda Magacabay

2.                  Xarunta Maxkamadda dastuuriga ahi waa xarunta maxkamadda sare

3.                  kaaliyaha sare ee maxakamda Dastuuriga ah  waa kaliyaha sare ee maxakamada sare

 

Qod. 15aad

Awoodaha Maxakamada Dastuuriga ah

 

1.  Maxkamada dastuuriga ah waxay awood u leedahay :-

a)                                          dhagaysiga iyo go’aan  gaadhista dacwadaha la xidhiidha go’aanada dawlada iyo xeer dejinta ee aan wafaqsanayn dastuurka ee ay soo hor dhigto cida danaynaysaa.

b)                                          Macnayta iyo fasilaada dastuurka iyo xeerar-ka kale ee dalka lagaga dhaqmo ,marka laysku qabto nuuxurka u jeedadooda

c)                                          Fasiraada iyo wax ka bedelka xukumada Garsoorka ee dastuurka khilaafsan

2)            Go’aamada Maxkamada Dastuuriga ah laguma salayn karo Siyaasad.

3)            Maxkamadda dastuurigga ahi waxay dhagaysiga dacwadaha   u raacaysaa nidaamka dacwad qaadista ee ku xusan xeerka habka madaniga ah.

4)            Maxkamadda Dastuuriga ah waa inay ku caddeyso go’aanadeeda asbaabaha iyo              caddaymaha ay cuskatey.

5)            Cid kasta oo ka cabanaysa Xad-gudub Dastuuri ah waxay Maxakamada Dastuuriga ah u qoranaysaa arji sababaysan oo ay ku muujisan yihiin go.aanka, Xeerka ama Qodobka uu ka cabanayo iyo caddaymaha la xidhiidha. Marka shuruudahaas la helo waxaa Maxkamada Dastuuriga ah ku waajib ah in ay furto Dacwad Dastuuri ah.

6)             Maxkamadda dastuuriga ah waxay go’aamadeeda soo saaraysaa, Kadib markay dhagaysato daristanna caddeymaha ay u soo gudbiyeen dhinacyadda is hayaa ama cidda danaynaysaa.

7)           Waxa waajib ku ah inay si madax bannaan u raadsato caddeymo la xidhiidha cabashadda hor taal.

8)            Guddoomiyaha iyo  xubnaha maxkamadda dastuuriga ah midna lama duri       karo,haddaanay  si toos ah ama si dadban uga   ahayn dhinaca cabashadda markaa hortaal .

9)            Go’aamada maxakamadda Dastuuriga ah waa kama danbays.

10)       maxkamada distooriga ahi waxay si ku meel gaadh ah u laaleysa  ku dhaqanka xeerka   ama qodabka dastuurnimadiisa la duray ilaa inta ay ka soo saareyso go’aan kama danbeys ah.

11)    maxkamada distooriga ahi waxay ka talisaa muran kasta oo la xidhiidha  waafaqsanaanta            distoorka oo ay laba dhinac isku hayaan.

 

Qod. 16’aad.

Maxkamdda Sare ee Cadaaladda

 

1.                   Maxkamadda Sare ee Cadaaladdu waxay ka kooban tahay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, afar garsoore oo ka tirsan maxkamadda sare iyo afar xubnood oo laga soo xulay labada Gole (Guurtida iyo Wakiilada) waxaana Guddoominaya Guddoomiyaha Maxakamada Sare.

2.                  Xubnaha laga soo xulayo Golayaasha waxa soo jeedinaya Shirgudoonada waxana cod hal dheeri ah ku ogolaanaya labada Gole mid walba gaarkiisa. 

3.                  Maxkamadda Sare ee Cadaaladdu waxay dhegaysataa go’aana ka gaadhaa dacwadaha ciqaabta ah ee lagu soo ooggo