|
J Somaliland had its own judicial system headed by High Court at Hargeisa until 1960. The 1960 Somaliland Constitution re-confirmed the existing judicial system but suspended the appeals to the East African Appeal Court. On the reassertion of its independence in 1991, Somaliland re-built its judicial system fairly soon with the The Somaliland 1993 Charter (Article 21) setting up the Somaliland Supreme Court as the highest court of the land. The court structure which existed prior to the military rule of 1969 and based on the Organisation of the Judiciary Law 1962 (Legislative Decree No 3 of 12 June 1962) was re-established and confirmed by the Somaliland Organisation of the Judiciary Law 1993 (Law No: 41 of 18 August 1993). The court structure was re-confirmed in the 1997 Interim Constitution and is now set out in ,CHAPTER FOUR of the current Somaliland Constitution. The new Somaliland Organisation of the Judiciary Law (Law No: 24/2003) proposed to consolidate the existing provisions and was initially approved by both Houses (on 21/12/2003 by the House of Representatives and on 15/02/2004 by the House of elders) but was returned by the President to the Houses to re-consider the then Article 10(2) of the Bill which related to the appointment of Supreme Court judges. The President said that the Article did not conform to Article 105 of the Constitution. The difference was that the Article stated that the President shall consult the Supreme Court Chairman about such appointments whilst the Constitution says that he shall consult the Judicial Commission, which is incidentally chaired by the Supreme Court Chairman. The House of Elders in passing this Bill in 2004 also made an amendment to Article 21 and proposed to raised the minimum age of judges to 35. The Bill has since been further amended by the House of Representatives who passed again on 13 July 2006. The Bill is now awaiting approval by the House of Elders and the President. As it is mainly a consolidation law, almost all of its provisions are already in force. ARTICLES on the Somaliland Judicial system:
Jamhuuriyadda Somaliland XEERKA NIDAAMKA GARSOORKA (Xeer Lr. 24/2003) ORGANISATION OF THE JUDICIARY LAW (Law No: 24/2003)
|
![]()
Qaybta kobaad
Qod.1’aad
Macnaha erey-bixinta
Erayada (weedhaha) hoos ku qoran, haddii aan si kale loo macneyn waxaa Xeerkan gudihiisa loo fasirayaa siyaabaha soo socda:
Garsoore: Waxa loola jeedaa sharci-yaqaanka si Xeerkan waafaqsan loogu magacaabey hawsha garsooranimo.
Xubnaha Garsooridda :Waxa loola jeedaa Maxkamadaha darajooyinka kala duwan ee sharcigani tilmaamay
Qareen: Waxa loola jeedaa Qareenka wata Shahaadada sharciga ee ka soo qalin-jebiyay Jaamacado la aqoonsan yahay ama leh aqoon u dhiganta oo ku kasbadey khibrad, ruqsad qareenimona ka haysta Wasaaradda Cadaaladda.
Darajada kowaad: Waxa loola jeedaa Maxkamaddaha Gobolada iyo Degmoooyinka.
Dastuur: Waxa loola jeedaa Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.
Guddida Caddaaladda: Waxaa loola jeedaa hay’adda hogaamisa maamulka Waaxda Garsoorka ee Xeerkani tilmaamyo.
Qaraar: Waxa loola jeedaa go’aan kasta oo aan dhamaystirin dulucda dacwada.
Go’aan: Waxa loola jeeda go’aan kasta oo laga gaadho dulucda dacwada.
Maxkamadaha Hoose:Waxaa loola jeedaa Maxkamadaha Rafcaanka,Gobolada iyo Degmoooyinka.
Shaqaalaha Garsoorka: Waxa loola jeedaa xubnaha Kaaliyayaasha, Gaadhsiiyayaasha iyo shaqaale kasta oo looga baahdo hawlaha Maxkamadaha iyo xeer ilaalinta ee aan ahayn Garsoore ama Ku Xige Xeer Ilaaliye Guud.
Qeybta tashiga ah: waxa loola jeedaa dacwadaha ay dhegaysataan go’aana ka gaadhaan sadex garsoore iyo wixii ka badan .
Qeybta aan tashiga aheyn: waxa loola jeedaa dacwadaha aan tashiga aheyn dacwadaha ay dhageystaan go’aana ka gaadhan hal garsoore.
Aqoon sharciyeed : Waxa loola jeedaa qofsita shahaado sharci oo jaamacadeed ama shahaado shareeco ama la badaba
Qod.2’aad
Mabaadiida Guud
1. Hay’adaha Garsoorka waa Hay’ad ka madax banana Waaxyaha kale ee Sharci Dejinta iyo Funlint.
2. Awoooda Garsoorida Dacwadaha waxaa iska leh Garsooreyaasha oo keli ah cid kalena looma wareejin karo.
3. Waxaa reeban Maxkamado gaar ah oo ka baxsan Hay’adaha Garsoorka.
4. Waxaa reeban Guddiyo leh awood iyo dabeecad Garsoor oo ay ka soo baxaan go’aano Ciqaab ahi.
5. waxa u bannaan dhinacyada is haya inay khilaafkooda u magacowdaan gudiyo ama ula tagaaan guddiyo dhexdhexaadineed .
6. luqada garsoorku waxa uu noqonayaa luqada afsoomaaliga ,hadii ay isticmaalka luqada kale laga maarmi waayo waa in lagu turjumaa afsoomaali
Qod. 3’aad
Hawlaha Garsoorka.
1. Waaxda Garsoorku waxay u madax bannaan tahay hawshooda garsoor,iyadoo dabaqaysa distoorka iyo shuruucda kale ee ‘ ka soo baxda waaxda xeer dejinta ee aan ka hor imanahayn Shareecadda Islaamka.
2. Waxay ka garsooraysaa go’aanna ka gaadhaysaa khilaafyada ka dhex dhasha laba qof ama in ka badan, xubin/xubno dadweynaha ah iyo dawladda iyo khilaafyada hay’adaha dawladda dhexdeeda.
3. garsooruhu waxa uu xukunkiisa u cuskanayaa (a) shuruucda dalka u dajisan (b) shareecada islaamka (c) dhaqanka guud ee bulshada (d) cadaalada ijtimaaciga ah (e) a,c iyo d, waa inaanay ka hor imaneynin shareecada islaamka
4. Waxaa kale oo ay ka garsoorayaan go aana ka gaadhaysaa dacwadaha ka dhasha khilaafada hay adaha aan dowliga ahayn ka dhanka ah
Qod. 4’aad
Xaqa Dacwadda iyo Is-difaaca.
1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu ka furan karo Maxkamadda Awoodda u leh dacwadiisa si waafaqsan Xeerka.
2. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu iska difaaco Maxkamadda horteeda eed loo soo jeediyey.ama laga soo dacweeyey
3. Qaranku wuxuu kafaala qaadayaa in qofka aan awood u lahayn inuu qabsado qareen dacwad ciqaab ah oo culus oo uu xeerku khasbayo in qareen difaaco , in uu u qabto qareen. iyadoo qofka saboolka ahna laga dhaafi karo ajuurada kaga waajibtey dacwadda madaniga ah iyo kuwa la dabeecadda ah.
4. Saboolnimadda ajuuradda laga dhaafayo ama qareen loo qabanayo waxa qiimaynaya qaraar uu soo saaray guddoomiyaha maxkamdda dacwaddu hor taallo.
5. Saboolnimada ajuurada laga dhaafayo waa in loo raaco sidan:
b) Waa in uu codsi u soo qorto gudoomiyaha maxkamada
t) Waa in uu keensado laba markhaati oo lagu kalsoonaan karo oo cadeeya soboolnimadiisa.
Qaybta labaad
Qaybaha garsoorka
Qod. 5’aaad
1. Garsoorku wuxuu ka kooban yahay maxkamadaha iyo xeer ilaalinta oo kala qayb gasha dacwadaha ciqaabta iyo dacwadaha madaniga ee ka qayb galkooda xeerku jideeyey.
2. Maxkamadaha dalku waxay ka kooban yihiin:-
1. Maxkamadda Degmada
2. Maxkamada Gobolka
3. Maxkamadda Rafcaanka
4. Maxkamada Sare
5. Maxkamada Dastuuriga ah
6. Maxkamadda Sare ee Cadaalada
7. Maxkamada Ciidamada Qaranka
3. Maxkamada Ciidamada Qaranka iyo xeer-ilaalintoodaba xeer gaar ah ayaa lagu qeexi doonaa.
Qodobka 6’aad
Maxkamadda Degmada.
1. Maxkamadda Degmadu waxay ku taalaa Degmo kasta oo xuduudda dalka JSL ah, awoodeeduna waxay gaadhsiisan tahay xuduudda degmadaa.
2. Maxkamadda degmadu waxay`fadhigeeda ku qabsan kartaa, meel kasta oo
Ka mid ah xudduuda degmadda.
3. Maxkamadda Degmadu waxay awood u leedahay dacwadaha shareecada
Islaamka, dacwadaha madaniga ah ee qiimahoodu gaadhsiisan tahay ilaa (3,000,000) Sl. Sh. Iyo dacwadaha ciqaabtoodu gaadheyso ilaa (3) sano ama ganaax Lacageed oo kabad nayn (3,000,000)Sl.Sh).
4. Maxakmada Degmadu waxay yeelanaysa laan u gaar ah dacwadaha ciqaabta caruurta.
5. Maxkamada Degmadu waxay yeelanaysaa laanta fulinta
Qodobka 7’aad
Maxkamadda Gobolka.
1. Maxkamadda Gobolku waxay ku taalaa magaalo madaxda Gobol kasta, awoodeeda maxkamadeedna waxay gaadhsiisan tahay xuduudda Gobolka.
2. Makamadda Gobolku waxay fadhigeeda ku qabsan kartaa meel kasta oo ka mid ah xuduudda Gobolka.
3. Guddoomiyaha maxkamadda Gobolku wuxuu si gooni ah awood ugu leeyahay go’aan ka gaadhidda dacwadaha ciqaabta ee lagu soo oogo caruurta (Juveniles).
4. Maxkamadda Gobolku waxay awood u leedahay dacwadaha xuquuqda shaqaalaha.
5. Dacwadaha Ciqaabtu waxay u qaybsan yihiin laba qaybood:
a. Qaybta Dacwadaha Tashiga ah (Assize Section).
b. Qaybta Dacwadaha aan tashiga ahayn (General Appelate Section).
6. Maxkamadda Gobolku waxay yeelaneysaa laamahan soo socda:
a) Laanta dacwadaha madaniga ah
b) Laanta dacwadaha ciqaabta
c) Laanta dacwadaha cashuuraha iyo maaliyadda.
d) Laanta dacwadaha ciqaabta carruurta (Juvenilles), Habkooda dacwad qaadista waxa loo raacayaa xeerka ciqaabta carruurta.
Laanta Dacwadaha Fulinta.
7. Qaybta Dacwadaha aan Tashiga ahayni waxay awood u leedahay, dhegeysiga dacwadaha Ciqaabta ah ee uu xadhigeedu ka badan yahay (3) sano, kana hooseeyo (10) sano. Waxaana dhegeysan kara hal Garsoore keliya.
8. Qaybta Dacwadaha tashiga ah waxa dhegeysan kara:
a) Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka, hal garsoore oo ka tirsan Maxkamada Gobolka iyo hal xubin oo garsoore dadwayne oo lagu soo xulo Aqoonta u leeyahay shareecada Islaamka ama xagga sharciga.
b) Waxay dhageystaan dacwadaha ciqaabtoodu gaadhayso (10 sano)iyo wixii ka badan
Qod. 8’aad.
Maxkamadda Racfaanka.
1. Xarunta Maxkamadda Racfaanku waxay ku taalaa magaalo madaxda Gobolka ay awoodeeda Maxkamadeed gaadhsiisan tahay.
2. Maxkamadda Racfaaku waxay hawlaheeda Maxkamadeed ku qabsan kartaa meel kasta oo xuduudda Gobolka ah, haddii uu sidaa ku go’aamiyo Guddoomiyuhu.
3. Maxkamadda Racfaanku waxay go’aan ka gaadheysaa, dacwadaha racfaanada looga soo qaato xukumada maxkamadda derejada Kowaad ee Gobol, iyo degmo.
4. Maxkamadda Racfaanku waxay leedahay qeybaha soo socda:
a) Qeybta Dacwadaha aan tashiga ahayn (General Appellate Section)
b) Qeybta Dacwadaha tashiga ah (Assize Appellate Section)
c) Qeybta Carruurta (Juvenilles Section)
d) Qeybta Cashuuraha. Iyo maaliyadda
5. Laanta Dacwadaha aan tashiga ahayn waxay go’aan ka gaadhaysaa racfaanada laga qaato dacwadaha madaniga iyo ciqaabta ah ee Maxkamadda Gobolka iyo Degmada oo keli ah.
6. Laanta Dacwadaha tashiga ah, waxay go’aano ka gaadhaysaa racfaanada laga soo qaato xukunnada Maxkamadda Gobolka laanteeda tashiga, waxaana dhegeysanaya:
a.- Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka
b.- laba Garsoore oo ka tirsan maxkamadda racfaanka.
c.- laba xubnood oo lagu soo xulay aqoon ay u leeyihiin shareecadda Islaamka ama sharciga.
7. Maxkamadda Racfaanku waxay awood gaara u leedahay, aqoonsiga xukumada iyo qoraalada rasmiga ah ee ka dhaca dal kale.
8. Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanku waa sarkaalka Gobolka ugu sareeya xagga hawlaha garsooridda, wuxuu ku leeyahay inta xudduudda Gobolkiisa kormeer Idaari ah oo ku saabsan socodka hawlaha maxkamadaha Gobolka, degmooyinka iyo Xabsiyada.
9. Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanku wuxuu awood u leeyahay.
A -In uu dacwad u kala wareejiyo laba Degmo oo isla Gobolkaas ah, nabad-gelyo darteed.
b.-In haddii durrisi ku timaado Guddoomiyaha maxkamadaha derejada kowaad ee Golkaas, uu ka soo saaro qaraar waafaqsan duristaas.
10- Gudoomiyeyasha Maxakamadaha hoose waxay awood u leyihiin in ay kor meraan hawsha Garsoorka iyo garsooreyashooda warbixina ka siyaan Gudida Cadalada iyadoo la mariyano Gudoomiyeyasha Maxkamadaha Rafcaanka.
Qod. 9’aad.
Maxkamadda Sare.
1. Maxkamadda Sare waa xubinta ugu sareysa Garsoorka Jamhuuriyadda
Somaliland.
2. Xarunta Maxkamadda Sare waxay ku taalaa Magaalo Madaxda Dalka ee Hargeysa.
3. Maxkamadda Sare marka ay lagamamaarmaan noqoto, waxay fadhigeeda ku qabsan kartaa meel kasta oo ka mid ah gudaha dalka Somaliland. Iyadoo awood u leh (Jurisdiction) go’aan ka gaadhka dacwadaha ka dhaca dalka ee racfaanka loogu soo qaato.
4. Maxkamadda Sare waxay ka kooban tahay :-
a) Guddoomiyaha Maxkamadda Sare
b) Tiro Garsoorayaal ah oo aan ka yareyn afar Garsoore.
Qod. 10’aad
Awoodaha Maxkamadda Sare
1. Maxkamadda Sare waxay hubisaa in Qoddobada sharciga sidooda loo dabaqey ama loo fuliyey ama loo fasirey iyo in ay qabato Hawl kasta oo uu u xil saarey Dastuurku ama sharciyada kale ee ka soo baxa waaxda Xeer-dejinta.
2. Maxkamadda Sare waxay dacwadaha u dhageysan kartaa laba qaybood:
a. Fadhi aan Buuxin waxaana dhegeysan kara (saddex) Garsoore oo uu Guddoomiyaha Maxkamada Sare magacaabo midkoodna Gudoomiye ugu magacaabo.
b. Fadhi Buuxa waxa ay ku gashaa 5 Garsoore ama 7 Garsoore iyo wixii kabadan oo tiro dhiman ah. (Full bench).
3. Maxkamadda Sare waxay awood u leedahay:
a. Go’aan ka gaadhidda cabashooyinka laga keeno doorashooyinka guud (General Election) ee ku saabsan ansixinta doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Madaxweynaha iyo ansixinta doorashada Xubnaha Baarlamaanka.
b. Go’aan ka gaadhidda khilaafyadda dhex mara qaybaha garsoorka ee ku saabsan xagga awoodda dhagaysigga dacwadaha.
c. go’aan ka gaadhidda dacwadaha laga keeno go’aamada dhamaadka ah ee maamulka dawladda.
d. dhagaysigga iyo go’aan ka gaadhida cabashooyinka laga keeno maxkamaddaha goboladda ee ku saabsan kuraasidda Golayaasha deegaanadda.
e. Maxkamadda sare waxay awood u leedahay inay dib u eegto xukumadeeda marka la helo shuruudaha ku xusan qodobka 266 ee Xeerka habka madanigga ah.iyo Qodobka 238’ee habka ciqaabta
f. Maxkamadda Sare waxay go’aamadeeda ku saabsan cabashada & dacwooyinka laga keeno doorashada Madaxweynaha & Madaxweyne ku Xigeenka, doorashada Baarlamanka iyo Golayaasha Degaanka u raacaysaa hab la mid ah kan ku xusan qodobka 14aad, farqadihiisa 5, 6, iyo 7aad ee xeerkan.
Maxkamada Sare waxay fadhi buuxa ku gashaa:
a) Rafcaanadda ka yimaad qaybta tashiga ah ee Maxkamada Rafcaanka
b) Rafcaanada la xidhiidhi dacwadaha doorashada
c) Rafcaanada la xidhiidhi go’aanada maamul ee kama dambaysta ah ee gudoomiyaha maxkamada sare u arko in lagu galo fadhi buuxa.
d) Dacwadaha dib u eegista ah ee madaniga iyo ciqaabta ah.
e) Rafcaanada Xukumada Dacwadaha Caruurta
f) Dacwad kasta oo culayskeeda iyo muhiimadeeda Gudoomiyaha maxkamada sare u arko in lagu galo fadhi buuxa.
Qodobka 11’aad
Magacaabista iyo Xil ka qaadista Gudoomiyaha
& Garsorayaasha Maxakamada Sare
1. Guddoomiyaha Maxakamadda sare magacaabistiisa waxa soo jeedinaya Madaxweynaha isagoo la tashanaya gudiga cadaalada JSL, waxaana cod hal dheeri ah ku diidaya ama ku oggolaanaya Golaha Wakiiladda iyo Golaha Guurtidda oo fadhi wada jir ah leh. Hadday golayaashu diidaan dib looma soo celin karo, isla markaasna xil ka qaadistiisa waxa soo jeedinaya madaxweynaha JSL waxaana oggolaanaya ama diidaya labada Gole (Guurtidda & Wakiiladda).
2. Garsoorayaasha maxkamada sare waxa magacaabistooda iyo Xilka qaadistooda soo jeedinaya Madaxwayanaha Jamhuuriyada Somaliland ka dib marka uu la tashado Gudida Cadaalada waxaana Cod hal dheeri ah ku ansixinaya Golaha Wakiiladdu.
3. Garsoorayaasha maxkamada sare waxay xilkooda ku waayayaan:
a) Markuu gudan kari waayo xilkiisa sababo caafimaad , ama karti xumi
b) Markuu iskii isaga casilo lagana aqbalo
c) Markuu ku xad gudbo distoorka iyo xeerarka dalka u dejisan
4. Garsoorayaasha maxkamadda sare Xuquuqdooda iyo waajibaadkooda waxay kala mid yihiin garsoorayaasha maxkamadaha kale iyo shaqaalaha dawlada inta la socon karta.
Qod. 12’aad
Maxkamada Sare waxay yeelanaysaa:
a) Qaybta Dacwadaha Madaniga ah
b) Qaybta Dacwadaha Ciqaabta ah
c) Qaybta Dacwadaha Ciqaabta Caruurta
d) Qaybta Dacwadaha Maamulka
e) Qaybta Cilmi Baadhista iyo Fasiraada Shuruucda
Qod. 13’aad.
Shuruudaha laga rabo Garsoorayaasha Maxkamadda Sare.
1. Qofka loo magacaabayo Garsooraha maxkamada sare waa inuu yeesho shuruudahan:
a) Waa in uu u dhashay Somaliland
b) Waa in uu haystaa Shahaadad Jaamacadeed oo Xaga Sharciga ah oo la aqoonsanyahay
c) Waa in uu leeyahay waayo aragnimo aan ka yarayn 7 sanadood kuna soo shaqeeyay Garsoore, Xeer Ilaaliye, Qareen ama Barre jaamacadeed xagga sharciga ah.
d) Waa in aanu ka tirsanayn Xisbiyo Siyaasadeed
e) Waa inuu muslim yahay, Waa in uu yahay qof Sumcad iyo Diiwan Wanaagsan ku leh xagga garsoorka.
2. Qof kasta oo Madaxwaynuhu u magacaabo Garsoore Maxkamad Sare inta aanu golaha Wakiiladu ansixinin waxaa waafaqsanaantiisa xeerkan ka hubinaya Gudiga Garsoorka ee G/Wakiilada.
Qod. 14’aad.
Maxkamadda Dastuuriga ah
dhismaha maxkamadda Dastuuriga ah
1. Maxkamadda dastuuriga ah waxay ka kooban tahay Guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo dhammaan garsoorayaasha maxkamadda sare, dacwadaha waxay ku gasha fadhi buuxa oo ugu yaraan 5.shan xubnood ah ,oo Guddoomiyaha Maxakamaada sare Guddoominayo ama uu Guddoomiyahooda Magacabay
2. Xarunta Maxkamadda dastuuriga ahi waa xarunta maxkamadda sare
3. kaaliyaha sare ee maxakamda Dastuuriga ah waa kaliyaha sare ee maxakamada sare
Qod. 15aad
Awoodaha Maxakamada Dastuuriga ah
1. Maxkamada dastuuriga ah waxay awood u leedahay :-
a) dhagaysiga iyo go’aan gaadhista dacwadaha la xidhiidha go’aanada dawlada iyo xeer dejinta ee aan wafaqsanayn dastuurka ee ay soo hor dhigto cida danaynaysaa.
b) Macnayta iyo fasilaada dastuurka iyo xeerar-ka kale ee dalka lagaga dhaqmo ,marka laysku qabto nuuxurka u jeedadooda
c) Fasiraada iyo wax ka bedelka xukumada Garsoorka ee dastuurka khilaafsan
2) Go’aamada Maxkamada Dastuuriga ah laguma salayn karo Siyaasad.
3) Maxkamadda dastuurigga ahi waxay dhagaysiga dacwadaha u raacaysaa nidaamka dacwad qaadista ee ku xusan xeerka habka madaniga ah.
4) Maxkamadda Dastuuriga ah waa inay ku caddeyso go’aanadeeda asbaabaha iyo caddaymaha ay cuskatey.
5) Cid kasta oo ka cabanaysa Xad-gudub Dastuuri ah waxay Maxakamada Dastuuriga ah u qoranaysaa arji sababaysan oo ay ku muujisan yihiin go.aanka, Xeerka ama Qodobka uu ka cabanayo iyo caddaymaha la xidhiidha. Marka shuruudahaas la helo waxaa Maxkamada Dastuuriga ah ku waajib ah in ay furto Dacwad Dastuuri ah.
6) Maxkamadda dastuuriga ah waxay go’aamadeeda soo saaraysaa, Kadib markay dhagaysato daristanna caddeymaha ay u soo gudbiyeen dhinacyadda is hayaa ama cidda danaynaysaa.
7) Waxa waajib ku ah inay si madax bannaan u raadsato caddeymo la xidhiidha cabashadda hor taal.
8) Guddoomiyaha iyo xubnaha maxkamadda dastuuriga ah midna lama duri karo,haddaanay si toos ah ama si dadban uga ahayn dhinaca cabashadda markaa hortaal .
9) Go’aamada maxakamadda Dastuuriga ah waa kama danbays.
10) maxkamada distooriga ahi waxay si ku meel gaadh ah u laaleysa ku dhaqanka xeerka ama qodabka dastuurnimadiisa la duray ilaa inta ay ka soo saareyso go’aan kama danbeys ah.
11) maxkamada distooriga ahi waxay ka talisaa muran kasta oo la xidhiidha waafaqsanaanta distoorka oo ay laba dhinac isku hayaan.
Qod. 16’aad.
Maxkamdda Sare ee Cadaaladda
1. Maxkamadda Sare ee Cadaaladdu waxay ka kooban tahay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, afar garsoore oo ka tirsan maxkamadda sare iyo afar xubnood oo laga soo xulay labada Gole (Guurtida iyo Wakiilada) waxaana Guddoominaya Guddoomiyaha Maxakamada Sare.
2. Xubnaha laga soo xulayo Golayaasha waxa soo jeedinaya Shirgudoonada waxana cod hal dheeri ah ku ogolaanaya labada Gole mid walba gaarkiisa.
3. Maxkamadda Sare ee Cadaaladdu waxay dhegaysataa go’aana ka gaadhaa dacwadaha ciqaabta ah ee lagu soo ooggo xubnaha labada Gole (Baarlamanka iyo Wasiirada).
4. Maxkamadda Sare ee Cadaaladdu waxay dhegaysiga dacwadaha u maraysaa xeerka habka ciqaabta intii uga suuragal ah.
5. Go’aanada Maxkamadda Sare ee Cadaaladdu waa inay ku caddaato asbaabaha iyo caddaymaha ay u cuskatay go’aanadeeda.
6. xubinta la eedeeyay waxay xaq u leedahay inay qabsato qareenkiisa difaaca.
7. eedaynta xubnaha labada Gole waxa maxkamadda ka hor oogaya Xeer Ilaaliyaha Guud ee qaranka ka dib marka xubinta laga xayuubiyo dhawrsanaanta.
8. Dacwadaha Maxkamada Sare ee Cadaalada waxaa kaaliye ka noqonaya Kaaliye ka tirsan Maxkamada Sare oo uu magacaabo Guddoomiyaha Maxkamada Sare.
9. Garsooreyaasha Maxkamada Sare ee Cadaaladda waxaa loo duri karaa si waafaqsan qodobka 10aad ee Xeerka Habka Ciqaabta, marka Guddoomiyuhu ku qanco inay jiraan asbaabaha duristu. Waxaa xubinta la duray soo bedelaysa cidii magacowday.
10. Maxkamada Sare ee Cadaaladu waxay fadhigeeda ku qabsanaysaa Xarunta Maxkamada Sare awoodeeda iyo jirtaankeeduna wuxuu ku eeg yahay Dacwada loo magacaabay markay go’aan ka gaadhaan.
QATBTA sadexaad.
Ka Cabashada Xukunnadda & Qaraarrada.
Qod. 17’aad
Racfaanada iyo Cabashooyinka.
1. Racfaanada dacwadaha Madaniga ah ama Ciqaabta ah waa in ka cabashadoodu ku dhisnaato, arrimaha khuseeya xaqiiqda dhabta ah ee dhacdooyin ka dacwadaha iyo fasiraadda runta ah ee qoddobada sharciga ee dacwaddaa loo cuskadey.
2. Maxkamadda Racfaanka loo soo qaatey waxa u banaan inay ayido,ama baabiiso ama wax ka bedesho xukunkii ama qaraarkii hore ama dib uceliso si loo soo dhagaysto.
3. Rcfaanada Maxkamadda Sare loo soo qaato waxay ku dhisnaanayaan:
a) Awood la’aanta maxkamaddii hore
b) Ku xad gudubka ama si xun u dabaqaadda qoddobada sharciga ee xukunka loo cuskadey.
c) Habka dacwadda loo qaaday oo aan sharciga waafaqsaneyn.
d) Sababayn la’aanta xukunka iyo iyadoo aanay caddaymaha loo cuskadey ku filayn goynta gartaa.
4. Cabashooyinka laga keeno go’aamada kama danbaysta ah ee ansixinta doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha iyo ku-xigaanka Madaxweynaha, Maxkamadda Sare waxay waafajineysaa Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka, go’aankeeduna waa kama danbeys, ku noqoshana malaha.
5. laga bilaabo maalinta lagu dhawaaqo go’aanka dacwada ciqaabta
Qod. 18’aad
Muddada Racfaanada.
1. Muddada racfaan qaadashadu waa (30) Soddon cisho kana bilaabmaysa, maalinta lagu dhawaaqay go’aanka dacwadda ciqaabta, ama dhinacyada dacwadda madaniga ah iyo kuwa la bahda ahba la gaadhsiiyo oo laga soo saxeexo Nuqul xukunka ah, si waafaqasan Xeerka habka madaniga ah.
2. Qoraalka Racfaan qaadashadu waa inuu saxeexnaadaa, ku cad yahayna asbaabta racfaanku, haddii aanay asbaabta racfaanka keliftey ku caddeyn qoraalka, lagama qaban karo.
3. Rafcaan qaadashadu waxay noqon kartaa mid af ah ama ogaysiin kooban oo qoraal ah, waxaase waajib ah in kaaliyaha maxkamada laga rafcaan qaadanayaa diiwanka geliyo garmaqalkana ku qoro.
4. Waxa qoraalka racfaanka lagu hagaajinayaa xafiiska Kaaliyaha Maxkamadda go’aankeeda racfaanka laga qaadanayo. Kaaliyaha qoraalka racfaanka ah loo dhiibay waa in uu u gudbiyaa, iyadoo gal-dacwadeedkii la socdo, Maxkamadda racfaanka loo qaatey.
5. Marka uu Xafiiska Xeer-ilaalinta guud Racfaan ka qaato Dacwadda ciqaabta, waxaa waajib ah in eedeysanaha lagu gaadhsiiyo Nuqulka Racfaanka ilaa (30) maalmood, laga bilaabo maalinta lagu dhawaaqo go’aanka dacwada .
6. Haddii ay muddada Racfaanku dhaafto, hasayeeshee ay Maxkamadda Sare ama maxakamadda rafcaanka ku qanacdo, asbaabta uu keeney dhinaca muddo dhaafku ku dhacay, way cusboonaysiin karaan muddada racfaan qaadashada Ugu badanaan muddo hal sano gudahood ah .
7. Mudada rafcaan qaadashada qaraarada garsooruhu waa ka yarayn karaa 30 maalmood hadii uu lagama maarmaan u arko.
Qod. 19’aad.
U Furnaanshaha Doodaha Dadweynaha
Iyo Sababaynta Xukunada.
1. Doodaha Garsoorku asal ahaan waa kuwa dhageysigoodu ay albaabadu u furan yihiin dadweynaha, xaaladaha uu sharcigu tilmaamayo mooyaane oo ay ka mid yihiin, kuwa ammaanka, anshaxa guud ama caafimaadka.
2. Go’aanada Maxkamaduhu waa in ay ahaadaan kuwo sababaysan, qaraarada Garsoorayaashuna waa in ay ahaadaan kuwo qoran , waa in mar kastaba la qeexaa asbaabta loo cuskadey, fasiraadda qoddobada lagu xadgudbay iyo kuwa loo cuskadey iyo wax walba oo faa’iido u leh sugidda caddaaladda.
3. Xukunada loogu dhawaaqayo qofka ciqaabta la saaray waa in lagu saleeyaa mudada uu mujtamaca iyo dhaqanka wanaagsan dib ugu soo noqon karo, luqada ku dhawaaqista xukunkuna aanay noqon mid dhaawac u gaysanaysa ama hoos u dhigaysa karaamada qofka.
Qod.20’aad
Qareenimada.
1. Dhinac kasta waxaa u banaan in uu u adeegsado Qareen ku xeel-dheer sharciga dacwad kasta oo ku lid ah.
2. Dacwadaha ciqaabta ee lagu xukumi karo dil, xabsi daa’in ama xadhig ka badan Toban Sano (10) waa waajib in eedaysanuhu u adeegsado difaaciisa Qareen sharciga yaqaan.
3. Dacwadaha Maxkamadda Sare iyo maxkamada dastuuriga ah waxa ka doodi kara oo keli ah Qareen sharci yaqaan ah.
4. Cid kasta oo gacanta ku haysa qof xorriyada laga qaaday waxa ku waajib ah in ay u ogolaato in uu adeegsado qareen ka kaalmeeya dacwadaha loo haysto inta baadhistu socoto.
5. Qofka la xidhay laguma qasbi karo in uu cadayn qiraal ah bixiyo hadaan qareen la joogin, qareenkiisuna waa in uu si madax banaan ula kulmi karaa.
QAYBTA Afaraad.
Hay’adda Garsoorka
Qod.21’aad
Xubnaha Garsoorka.
1. Hawl-wadeenada Hay’adda Garsoorku waxay ka kooban yihiin:
a) Garsoorayaasha
b) Xeer-Ilaalinta Guud
c) Kaaliyayaasha (Registerers)
d) Gaarsiiyayaasha (Massingerers)
2. Derejooyinka iyo xuquuqda xubnaha hay’adda Garsoorka waxa lagu dhaqayaa sharciga shaqaalaha dawladda.
3. Derajooyinka xubnaha Garsoorku waa sidan:
a) Derajada (A) oo ah Garsoorayaasha, Xeer illaaliyaha guud, Ku Xigeenadanadiisa, iyo Kaaliyaha Sare ee Maxkamadda Sare.
b) Derajada (B) Kaaliye
c) Derajada (C) Gaadhsiiye
d) Derajada (D) Nadiifiye.
Qod. 22’aad.
Dhaarta Xubnaha Garsoorka.
Waxa xubnaha hawl-wadeenada hay’adda Garsoorka ku waajib ah in ay dhaartaan inta aanay shaqada Qaranka bilaabin, sida soo socota:
1. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Xeer Ilaaliyaha Guud waxay Madaxweynaha JSL, hortiisa ku marayaan dhaarta Dastuuriga ah ee ku xusan qodabka 129’aad ee distoorka J.S.L.
2. Garsoorayaasha Maxkamadaha iyo Ku Xigeenada Xeer - Ilaaliyaha Guud, waxay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare hortiisa ku dhaaranayaan dhaarta distooriga ah ee ku xusan qodabka 129’aad ee distoorka J.SL.
3. Kaaliyayaasha iyo gaadhsiiyayaasha Maxkamaduhu, waxay ku hor dhaaranayaan Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Racfaanada, dhaarta ku xusan farqadda 2aad ee qoddobkan.
Qod. 23’aad.
Derajada iyo Meelaynta Garsoorayaasha.
1. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare (A1)
2. Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Garsoorayaasha Maxkamadda Sare, iyo Guddoomiyayaasha , maxkamadda rafcaanka (A2)
3. Garsoorayaasha Maxkamadda Rafcaanka & Guddoomiyayaasha maxkamadda Goboladda
iyo Ku Xigeenada Xeer-Ilaaliyaha Guud (A3)
4. Garsoorayaasha Maxkamadda Goboladda & Gudoomiyayaasha maxkamadaha Degmooyinka (A4)
5. Garsoorayaasha Maxkamadaha Degmooyinka (A5)
6. Kaaliyaha Maxkamadda Sare (A6)
7. Marka ay baahiyi timaaddo Guddiga Caddaaladdu Garsoorayaasha waxay muddo aan ka badnayn (3) bilood loo bedeli karaa Maxkamadda looga baahdo, derajo kasta ha ahaatee, isaga oo wata derajadiisa, xataa haddii ay ka hoosayso Derajadiisa.
Qod. 24’aad
Magacaabista garsoorayaasha/Ku Xigeenada Xeer.Guud
Qof kasta oo rabitaan u leh shaqada Garsoorenimo ama Ku Xigeen Xeer-ilaaliye Guud, waa in uu buuxiyaa shuruudaha soo socda:
1. Waa in uu u dhashay Somaliland, da’diisuna ka yarayn 30 jir.
2. Waa in uu haysto shahaado Jaamacadeed oo sharci la aqoonsan yahay ama Waayo aragnimo u dhiganta oo ah in uu leeyahay waayo aragnimo uu kaga soo shaqeeyay kaaliyenimo, wakiil xeer ilaaliye ama ka soo shaqeeyay xafiis qareen la aqoonsanyahay mudo aan ka yarayn 6 sano
3. Waa in uu codsi u soo qortaa Guddoomiyaha Guddiga Caddaaladda.
4. Waa in uu ku sifoobaa akhlaaq wanaagsan bulshada dhexdeeda.
5. Waa in Guddiga Caddaaladdu uu kulan la yeeshaa (Interview), imtixaanna ka qaadaa.
6. Haddii Guddiga Caddaaladdu ku qanco in uu ku Xigeen Xeer-ilaaliye guud /Garsoore mudan yahay, wuu ansixinayaa magacaabistiisa.
7. Marka la ansixiyo in uu Garsoore/Ku xigeen Xeer-ilaaliye guud noqdo wuxuu gelayaa (1) hal Sano oo tijaabo/tababar shaqo ah, inta aanu dacwado dhegeysi bilaabin.
8. Habka imtixaan qaadista garsoorayaasha ama ku xigeenada xeer – ilaaliyaha guud waxaa wareegto ku soo saaraya Guddida Cadaaladda
Qod. 25’aad
Dalacaadda Garsoorayaasha.
1. Garsooreyaasha lagu sheegay qoddobka 24aad, mid kastaa wuxuu ka bilaabayaa shaqada Garsooridda, Garsoore Maxkamad Degmo, wuxuuna uga sii dallaci karaa Goddoomiye Maxkamad Degmo, marka uu ugu yaraan ahaado Laba (2) Sano Garsoore Maxkamad Degmo, Iyadoo loo eegayo mar kasta asluubtiisa iyo shaqo wanaagiisa.
2. Guddoomiyaha Maxkamadda Degmadu, wuxuu u dalaci karaa Garsoore Maxkamad Gobol, marka uu ugu yaraan ahaado, (2) Sano Guddoomiye Maxkamad Degmo, iyada oo mar kasta loo eegayo asluubtiisa iyo shaqo wanaagiisa.
3. Garsooraha Maxkamadda Gobolku wuxuu u dalaci karaa Gudoomiye Maxkamad Gobol marka uu muddo sadex sano ah ugu yaraan ahaado iyadoo loo eegayo anshaxiisa iyo shaqo wanaagiisa.
4. Guddoomiye Maxkamad Gobol wuxuu u dalaci karaa, Garsoore Maxkamad Racfaan, marka uu ugu yaraan (2) Sano yahay Guddoomiye Maxkamad Gobol.
5. Garsoore Maxkamad Racfaan wuxuu u dallaci karaa Guddoomiye Maxkamad Racfaan, marka uu ugu yaraan ahaado Garsoore Maxkamad Racfaan muddo aan ka yareyn (3) Sano.
6. Guddoomiye Maxkamad Racfaan wuxuu noqon karaa Garsoore Maxkamad Sare markuu ugu yaraan ahaa (4) Sano Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka.
7. &nb