JAMHUURIYADDA SOMALILAND

XEERKA NIDAAMKA URURADA & AXSAABTA SIYAASADDA

 

GOLAHA WAKIILADA JSL

MARKUU ARKAY:                       Qodobada 9aad, 22aad, 23aad ee Dastuurka Qaranka.

MARKUU DHAGAYSTAY:        soo jeedimaha guddi-hoosaadka arrimaha gudaha,  Dooda mudanayaasha Golayaasha Wakiilada iyo

                                                            Guurtida ee la xidhiidha xeerkan.

MARKUU TIXGELIYAY:  baahida loo qabo in laga guuro nidaam-beeleedka Loona gudbo nidaamka axsaabta ee tartanka xorta ah.

WUXUU ANSIXIYEY XEERKAN:

Qodobka 1aad

 Macnaha ereyada  

1.      GUDDI: waxa loola jeedaa Guddiga diiwaangelinta ururada siyaasadeed iyo ansixinta  axsaabta.

2.      GOBOL/DEGMO: waxa loola jeedaa Gobolada/Degmooyinka dalka JSL ee sharciga ah.

3.      GOLAYAASHA SHARCIGA AH: waxa loola jeedaa Golayaasha Dastuuriga ah ee JSL ee kala ah:

                        -Golaha Guurtida

                        -Golaha Wakiilada

                        -Golaha Wasiirada

4. URUR/URURO: waxa loola jeedaa unugga is-abaabul bulsho ee siyaasadeed ee  loo diiwaangeliyey ka qaybgalka tartanka doorashada dawladaha hoose inta aan loo aqoonsan xisbi siyaasadeed.

5.XISBI/AXSAAB: waxa loola jeedaa XISBI/AXSAABTA loo ansixiyey ka qaybgalka tartanka doorashada guud ee Barlamanka iyo Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa.

6.SHISHEEYE: waxa loola jeedaa cid kasta oo aan u dhalan JSL.

7. WARBAAHINTA QARANKA: waxa loola jeedaa idaacadaha, wargeysyada, shineemooyinka, goobaha kheyriyada iyo qalabka kale ee warbaahinta ee Dawladdu maamulkeeda hayso.

8. HANTIDA QARANKA: waxa loola jeedaa hantida guurtada iyo ma-guurtada ah ee  Dawladdu leedahay waji kasta ha lahaatee.

9. FOOMKA CODSIGA: waxa loola jeedaa foom gaar ah oo ay bixiyaan Guddigu oo ay ku qoran tahay warbixinadda iyo cadaymaha laga doonayo ururka codsaday diiwaangelinta.

10.DOORASHADA QARANKA: waxa loola jeedaa doorashada guud ee ay ku tartamayaan saddexda (3) xisbi ee Qaranka.

Qodobka 2aad

Guddiga diiwaan-gelinta ururada siyaasiga ah iyo ansixinta axsaabta Qaranka.

Dalka JSL wuxuu yeelanayaa Guddi guud oo madax-banaan, una xilsaaran diiwaangelinta ururrada iyo ansixinta axsaabta siyaasadeed.

1)     Qaab-dhismeedka Guddigu waa 7 (todoba) xubnood oo ay ugu yaraan laba ka mid ahi sharci-yaqaano yihiin.

  b)  Waxay yeelanayaan Gudoomiye, Gudoomiye xigeen iyo Xoghaye.

  t) Guddiga waxa lagu soo xulanayaa shuruudaha hoos ku qoran:-

1.      Inuu Muslin yahay  kuna dhaqma diinta Islaamka.

2.      Inuu Muwaadin yahay da’diisuna ka yaraan 40 sanno.

3.      Inuu jidh ahaan iyo caqli ahaanba u gudan karo xilkiisa.

4.      Inuu leeyahay aqoon ay ugu hoosayso dugsi sare.

5.      In aanu hore ugu dhicin xukun ciqaabeed oo kama dambays ah oo maxkamad horteed kaga cadaaday shantii sanno ee u dambaysay.

6.      Inuu yahay xilkas, dhaqankiisa iyo akhlaaqdiisuna toosan yihiin, yahayna shakhsi ku sifoobay dhexdhexaadnimo.

7.      Inuu leeyahay waayo-aragnimo shaqo iyo maamul oo dhan 10 sanno ugu yaraan.

8.      Inuu ku sugnaa dalka JSL saddexdii sano ee ugu dambeeyay.

9.      Labada sharci yaqaan waxa u dheer shuruudahaasi inay leeyihiin shuruudaha lagu soo doorto garsoorayaasha Maxkamada Sare.

 j) Waxay ku yeelanayaan Wakiilo Gobolada iyo Degmooyinka dalka.

 x) Guddigu waxay xilka sii haynayaan muddo 6 bilood ah markay ansixiyaan  saddexda xisbi ee ku guulaysta doorashooyinka               Qaranka.

2)  Madaxweynaha JSL ayaa magacaabaya Guddiga ansixinta axsaabta siyaasadeed,   waxaana ansixinaya Golaha Wakiilada oo cod hal-dheeri ah ku ogolaanaya.

3) Guddigu waxay yeelanayaan gunno, waxaana qeexaya xeer gaar ah.

4) Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa ku dhaarinaya Guddiga dhaartan todobaad ka dib maalinta Golaha Wakiiladu ansixiyo (WAXA IGU WALAAHIYA, BILAAHIYA, INAANAN KA MID AHAYN KUNA JIRIN UNUG, URUR IYO XISBI SIYAASADEED TOONA, KANA MID NOQONEYN URUR IYO XISBI KALE INTAAN XILKA HAYO. UGUNA ADEEGAYO BULSHADA SOMALILAND CADAALAD, SINAAN IYO DAACADNIMO).

Qodobka 3aad

Qabashada codsiyada diiwaangelinta

1)     Guddigu waxay ku baahinaysaa warbaahinta dalka mudada qabashada codsiyada diiwaangelinta ururada siyaasadeed, iyo mudada dhamaadka qabashada codsiyada diiwaangelinta iyo cinwaanada lagu soo hagaajinayo ee xarumaha gobolada/degmooyinka dalka. Mudada qabashada codsiyada diiwaangelintu waa laba bilood gudahood oo ka bilaabmaysa maalinta la bilaabo baahinta qabashada codsiyada.

2)     Urur kasta oo doonaya in loo diiwaangeliyo urur siyaasadeed waa inuu ku soo qortaa arji foomka loogu talagalay, kuna soo hagaajiyaa Guddida, kuna lifaaqnaadaan caddaymaha iyo qoraalada soo socda:-

b. Goortii iyo goobtii ururku ku qabtey shirkii aasaaska ururka ee ugu       horeeyay.

t. Liiska magacyada aasaasayaasha ururka (guddida fulinta) iyo habkii loo doortey hawl-wadeenada.

j. Qaab-dhismeedka ururka oo ay ku caddahay magaca ururka oo dhan iyo habka uu u qormayo marka la soo gaabiyo, calaamadaha ururka iyo hal-ku-dhegyadiisa.

x. Caddeyn bixin deebaaji oo dhan Sl.Sh. 5,000,000 (shan milyan) oo aan celis lahayn.

Qodobka 4aad

Xisbiyada siyaasadeed ee ku meel gaadhka ah

1)     Markay dhamaato mudada qabashada araajida diiwaangelinta ururrada, Guddidu waxay hubinaysaa ururada buuxiyey shuruudihii looga baahnaa, waxayna siinayaan ogolaansho ku meelgaadh ah oo uu ururkaasi ku hawlgalo.

2)     Mudada hawl-galada ururada siyaasadeed waa 3 bilood oo ka bilaabanta taariikhda ogolaanshaha ku meel gaadhka ah la siiyey.

3)     Urur/Xisbi kasta waa inuu ku keenaa mudada ku xusan faqrada 2aad ee qodobkan qoraalada iyo caddeymaha soo socda:-

b. Qabashadii shirweynaha ee ururka ama xisbiga, meeshii uu ku qabtey, taariikhduu qabsoomay iyo wixii ugu weynaa ee ay qabteen.

t. Caddeyn in ururkaasi ku leeyahay laamo hawlgal ah, ugana diiwaan-gashan yihiin  ugu yaraan 500 (shan boqol) xubnood gobol kasta.

4)     Ururka/xisbiga la siiyo ogolaansho ku meel gaadh ah oo uu ku hawl-galo, waa in Guddidu siisaa nuqul ka mid ah xeerkan axsaabta si uu ugu saleeyo xeerkiisa.

5)     Xisbi/urur kasta oo siyaasadeed waa in xeerkiisa ku caddahay ku dhaqanka dimoqraadiyadda iyo tallo-wadaaga, hogaamintuna ay ka timaadaa hoosta ee aaney taladu ka iman xagga sare.

6)     Urur kasta waa inuu Guddida u keeno 10 nuqul oo daabacan oo ah xeerarkiisa iyo cinwaanadiisa gobolada iyo degmooyinka dalku ay ku dhan tahay.

7)     Urur/xisbi kasta waa in xeerarkiisu waafaqsan yahay Dastuurka iyo xeerarka dalka JSL.

8)     Urur/xisbi kasta waa inuu xubin ka noqon karo qof kasta oo u dhashay Somaliland

9)     Ururka siyaasadeed ee loo ansixiyo xisbi, kuma biiri karo Xisbi kale doorashada ka hor, sidoo kale waa iney xeerkiisa ku caddaataa inaan laga saari Karin/eryi Karin xisbiga xubin ama xubno loo doortey Golayaasha sharciga ah, xubnaha loo doortey golayaashana aanay ku biiri Karin xisbi kale.

10)             Xisbi kasta oo siyaasadeed waa inay barnaamijkiisa ku caddaato qorshayaashan:-

            b.   Sugidda nabadgelyada, deganaanshaha iyo xasiloonidda dalka.                            

             t.    Horumarinta waxbarashada iyo Diinta

            j.    Horumarinta caafimaadka iyo fayo-dhawrka.

            x.   Daryeelka iyo ilaalinta degaanka.

Kh. Dhaqaaleynta iyo soo saaridda kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.

d.   Horumarinta cilmiga iyo teknoolajiyada.

11)             Saddexda urur ee doorashada Dawladaha Hoose ka hela 20% codadka gobol kasta ayaa loo aqoonsanayaa Xisbi siyaasi ah oo Qaran, lana siin doonaa shahaadada aqoonsiga xisbi Qaran.

12)        Haddii hal urur oo keliya ku guulaysto doorashada oo uu ka helo 20% codadka gobol kasta, Guddidu waxay u aqoonsanaysaa xisbi siyaasadeed isaga iyo   labada urur ee ku xiga codadka gobol kasta.

13)        Haddii ururada siyaasadeed midna gaadhi waayo 20% wuxuu Guddidu u aqoonsanayaa xisbiyo siyaasadeed saddexda urur ee ugu tirada badan codadka doorashooyinka gobolada dalka.

14)        Haddii ay is le’ekaato tirada codadka laba urur ama ka badan waxaa lagu celinayaa tartanka ururada mar kale oo ay cayinto Dawladdu.

Qodobka 5aad

Waxyaabaha ka reebban ururada/Xisbiyada

1)                 Waxaa ka reebban xisbi/urur kasta inuu u soo gudbiyo Guddida warbixin been ah ama khaldan.

2)                 Xisbina kama muuqan karto xeerarkiisa qodob ama qodobo ka hor imanaya Dastuurka iyo Shareecada Islaamka.

3)                 Urur/xisbi kasta waxaa ka reebban inuu dhaqaale ka helo ilo shisheeye ah oo u adeegsado hawlihiisa iyo dhaqdhaqaaqyadiisa siyaasadeed.

4)                 Xisbi/urur kasta waxaa ka reebban inuu hantida qaranka Somaliland u adeegsado ama u isticmaalo hawlihiisa u gaarka ah ee doorashooyinka.

5)                 Xisbi/urur kasta waxaa ka reebban inuu adeegsado koox ama ciidan hubaysan oo uu ku fushado danihiisa gaarka ah.

Qodobka 6aad

Xuquuqda xisbiyada siyaasadeed

1)     Xisbiyada siyaasadeed ee la siiyey shahaadada xisbinimo siyaasadeed, waxay xaq u leeyihiin :-

b. Inay si siman u adeegsadaan warbaahinta qaranka, waxayna yeelan karaan Warbaahin u gaar ah markey ogolaansho ka helaan hay’adaha ku shaqada leh.

t. Inay si xor ah u gudbiyaan afkaartooda siyaasadeed iyagoon wax u dhimayn xasiloonida iyo nabadgelyada guud ee dalka.

j.In aan la cabudhin Karin lana xidhi Karin xisbi, hanti gaar ahna wuu yeelan karaa.

x. Xisbi siyaasadeed dhaliil wuu u soo jeedin karaa ama wuu dhaliili karaa xisbi kale ama xukuumadda.

Kh. Xisbiyadu wixii dacwad ama cabashooyin ay ka tawdaan shaqada Guddiga waxay qoraal ahaan ugu gudbinayaan maxkamadda gobolka ay cabashadu ka jirto.

d. Haddii ay ku qanci waayaan go’aanka maxkamadda gobolku ka soo saarto waxay racfaan uga qaadan karaan Maxkamadda Dastuuriga ah oo dib u eegaysa.

Qodobka 7aad

Musharaxiinta u tartameysa doorashooyinka

1)     Qof kasta oo muwaadin  Somaliland ahi wuxuu xaq u leeyahay in la doorto, waxna dooran karo, hase yeeshee waxaa musharax noqon kara:-

b.      Muwaadin Somaliland ah, xisbina soo sharaxay, buuxiyeyna shuruudaha Xeerku jideeyey.

t.       Ma banana in musharax madax-banaan oo aan magic xisbi wadanin isa  soo sharaxo.

2)     Guddida Xisbiga ee gobol kasta ayaa soo magacaabaya musharaxiinta heerka degmooyinka.

 

ALLAH  MAHAD  LEH

 

Maxamed Xuseen Cusman

XOGHAYAHA GUUD EE GOLAHA WAKIILADA

 

Axmed Maxamed Adan (Qaybe)

GUDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILADA

 _______________________________________________________________________________________________

REPUBLIC OF SOMALILAND

THE PRESIDENT

 

JSL/M/DEC/222-026/82000                                                                                                               6 August 2000                                                             

XEER MADAXWEYNE NO:26/2000

Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland

Markuu helay:                  Go’aanka GW/KF-11/133/2000 ee 19/6/2000 uu Golaha Wakiiladu ku ansixiyey Xeerka No: 14/2000 ee ku saabsan Axsaabta iyo ansixinta Golaha Guurtida ee GG/jsl/KAL-11/G10217/2000 ee8/7/2000.

Markuu arkay:                  Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Wuxuu soo saarayaa Xeerkan oo lagu baahinayo dhaqangalka Xeerkan No: 14/2000 ee ku saabsan Axsaabta. Waxaana lagu soo saari doonaa faafinta rasmiga ah ee Dawladda.

 

Allaa Mahad Leh

 

Maxamed Ibrahim Cigaal

Madaxweyne