Copyright © 2007 Somalilandlaw.com. All rights reserved

 

Somaliland Notaries Law

JAMHUURIYADA SOMALILAND

GOLAHA WAKIILADA

 XEERKA NOOTAAYOOYINKA (Xeer No. 18/2001).

SOMALILAND NOTARIES LAW (Law No: 18/2001)

 QODOBKA 1AAD

TILMAAMTA XAFIISKA NOOTAAYADA

a)     Xafiiska Nootaayada waxaa loola jeeda Xafiiska u xilsaaran qabashada adeegyada Sharci ee kala ah:-

1)   Kala wareejinta Hantida Guurtada ah iyo  Maguurtada

2)   Sharciyeynta Wakaaladaha

3)   Samaynta iyo sugidda  cadaymaha sharciga ah.

4)   Samaynta iyo sugidda heshiisyada sharciga waafaqsan.

5)   Samaynta iyo sugidda dardaaranadda.

6)  Samaynta iyo sugidda lahaanshaha,isla lahaanshaha iyo dhammaan hawlaha kale ee xeerku baneeyay

 b)  Xafiiskaasi oo ruqsad sharci ah ka haysta Wasaaradda Cadaaladda  leh shakhsiyad qaynuuni ah wuxuuna xilkiisa u gudanaya si madax banaan oo sharciga waafaqsan.

 QODOBKA 2AAD

SHURUUDAHA SARKAALKA NOOTAYADA

Sarkaalka Nootaayuhu waa inuu yahay qof aqoon u leh sharciga,   haystaa Shaahdo Sharci ama leeyahay waayo aragnimo (5 Sano ah) oo uu kaga soo shaqeeyay Hay’adaha Shuruucda ama Garsoorka.

 1)   Waa inuu yahay Qof Muwaadin Somaliland ah.

2)  Waa inaan Da’adiisuna ka yarayn 30 Sano.

3)  Waa inuu Maskaxda ka fayow yahay.

4)  Waa inuu haystaa Xafiis lagu shaqayn karo.

 QODOBKA 3AAD

AWOODA XAFIISKA

Xafiiska Mihnadda Nootaayadu wuxuu u madax banaan yahay awooda sharcigu u banaynaayo.

 QODOBKA 4AAD

Sarkaalka Nootaayada ee haysta ruqsad Nootaayo, wuxuu wakiil ka yahay Wasaaradda Cadaaladda

 QODOBKA 5AAD

Hawlaha Nootaayada ee ku cad Sharcigan waxaa samayn kara oo kaliya Sarkaalka uu magaciisu ku qoran yahay ruqsada ay bixisay Wasaaradda Cadaaladdu. cidi kale ee samaysa qoraalka khuseeya hawlaha Nootaayada waa wax kama jiraan  (Null and Void).

 QODOBKA 6AAD

1)     Sarkaalka Nootaayadu hawlaha uu qabto haddii xafiisku ka furan yahay Caasimada wuxuu nuqulo geynayaa. Wasaaradda Cadaalada muddo 5 maalimood shaqo gudahood ah.

2)     Haddii Xafiiska Nootaayadu ka furan yahay meel ka baxsan Caasimada nuqulkii Wasaaradda Cadaaladda waxaa la geynayaa Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka.

 QODOBKA 7AAD

1)     Sarkaalka Nootaayadu waa inuu Xafiiska ku lahaadaa Magaalada loo siiyay ruqsada oo kaliya.

2)     Haddii uu ka guuro Xafiiskii lagu yiqiin waa inuu baahiyaa goobta uu u guuray, Wasaaradda Cadaaladana qoraal ku ogeysiiyaa.

3)     Haddii Sarkaalka Nootaayadu Dhinto ama ruqsada laga qaado, nuqulka documentiga Xafiiska ku kaydsan waxaa lagu wareejinayaa haddii Xafiisku Caasimada ka furan yahay Wasaarada Cadaaladda, haddu Gobolada ka furan yahayna waxaa lagu wareejinayaa Maxkamada Rafcaanka Gobolka Xafiisku ka furan yahay.

 QODOBKA 8AAD

1)     Haddii ay ku timaado Dhimasho Sarkaalka Nootaayada waa in ay eheladiisu ku soo ogeysiiyaan Wasaaradda Cadaaladda muddo aan ka badnayn 48 Saacadood  wakhtiga Dhimashada si loo xafido documentiga Xafiiska.

2)     Haddii aan eheladiisu ka war hayna waxaa u xil saaran Hay’adaha Nabad –gelyada, Dawladaha Hoose ama Dawlada Dhexe ee Gobol/Degmo ama Maxkamadaha ay khusayso.

 QODOBKA 9AAD

XILKA SARKAALKA NOOTAAYADA

Sarkaalka Nootaayaddu wuxuu u xil saaran  yahay:-

1)     Wuxuu sugaa qoraalada Mucaamiladka dhinacyadu u kala qortaan si madax banaan isagoo dhexdhaxaada una xafidaya nuqulada qoraalada.

2)     In uu sharciyeyo ama diiwaan galiyo documentiga leh awood sharci oo si ikhtiyaar ah dhinacyadu u  kala qorteen sida sharciga waafaqsan ama xeerarku tilmaameen.

3)     Wuxuu sugaa kala wareejinta lahaanshaha hantida guurtada ah ama ma guurtada ah iyadoo sida loola kala wareegayo iyo shayga lala kala wareegayo ay waafaqsan yihiin shareecada iyo xeerarka dalku leeyahay.

4)     In uu sameeyo caddaynta qoraalka maraga maqan.

5)     In uu sameeyo ama sugo qoraaladda dardaaranka ah si sharciga waafaqsan.

6)     Wuxuu qaban karaa hawlaha kale ee ay Maxkamaddu u wakiilato.

7)     Turjumida Documenti hadii uu ka haysto ruqsad turjumaan sharciyeed Wasaaradda  Cadaaladda

 QODOBKA 10AAD

QAABKA QORAALKA NOOTAAYADA

1)      Inuu qoraalka Nootaayada waraaqaha asalka ( orginal ) ay Khad fiican oo la akhriyi karo ku qoran yihiin meel banaana aanay lahayn. Ciwaanka hawl wadeenka Nootaayuhuna wuxuu ku bilaabaya Bisinka Ilaahay( BISMILAAHI RAXMAANI RAXIIM).

2)       In uu qoro Sadexda magac, Meesha, Taariikhda Dhalashada iyo meesha Degaanka u ah dhinacyada, Markhaatiyada, Damiintayaasha, Wakiilada iyo Turjumaanada marka ay jiraan.

3)       Waa in ay ku hadhaa dhammaan caddaymaha qoraalada uu sameeyo Xafiisku  hal nuqul oo la kaydiyo.

4)       Inuu far ( Xuruuf) ku qoran tahay lacagta ama tirada alaabta ama shayga qoraalka laga qoray.

5)       Waa in lagu sugaa ama lagu cadeeya shayga laga hadlayo ama la wareejinayo marka arrintu ku saabsan  tahay maguurto, Caynka, Shayga, Qiyaasta Shayga, Meesha uu ku yaalo iyo Soohdimihiisa.

6)       Haddii ay ku saabsan tahay Baabuur IWM waa in lagu sugaa ama lagu caddeeya lambarka Taarikada, Lambarka Ijiinka ( Engine No) Lambarka Caqaayada  (Chassis No).

7)       In uu Indhihiisa ku arko shayga qoraalku ka hadlaayo ama la kala wareejinaayo.

8)       Inuu sameeyo Sarkaalka Nootaayadu Caddayn ama sugitaan Qof ahaaneed ee dhinacyada Damiintayaasha, Wakiilada, Turjumaanada si waafaqsan Diinta Islaamka iyo Xeerarka Dalka u degsan.

9)       Inuu u akhriyo qoraalka dhinacyada iyagoo goob joog ah dhinacyada ay khusayso.

10)  Waa in ay qoraalka Suulka Bidix ku saxeexan dhinacyada, Markhaatiyaasha, Wakiilada Damiintayaasha iyo Turjumaanada iyadoo Sarkaalka Nootaayadu  qalin ku saxeexayo. Qoraal kasta oo Nootaayada ka soo baxa waa inuu yeesha arrin kasta oo xeerku waajibiyay.

11)   Qoraalada Dardaaran in lagu caddeeyo taariikhda, saacadda, iyo magacyada dadka goob jooga ah (Markhaatiyaal) iyo kuwo loo dardaarmay hadday joogan.

12)   Qoraalada ka kooban warqaddo badan waa in ay warqad kasta saxeexan dhinacyada Markhaatiyada, Turjumaanada,  Damiintayaasha iyo Sarkaalka Nootaayada waxaa kale oo saxeexaya warqadda meesha ugu dambaysa Sarkaalka Nootaayada isgoo isla markaana ku muujinaya warqadda xageeda hoose magaca Sarkaalka oo sadexan iyo saxeexiisa iyo shaambada xafiisku leeyahay.

 QODOBKA 11AAD

1)     Haddii aanay dhinacyada Wakiilada ama Damiinka qaarkood aanay waxba akhriyin waa inuu qoraal ku caddeeya Sarkaalka Nootaayuhu loona akhriyaa oo ay hadalkiisa waafaqsan tahay.

2)     Qoraalada Nootaayada waa la isugu gudbin karaa qalabka Isgaadhsiinta ee muujin kara shuruudaha qoraalka.

 QODOBKA 12AAD

TIRADA NOOTAAYOOYINKA

1)      Tirada Nootaayooyinka dalku waxay noqonayaan haddba intii buuxisa  shuruudaha ku qeexan qodobka 2aad.

2)       Kordhinta ama yaraynta tirada Nootaayooyinka waxaa lagu salaynayaa kolba baahida Gobol ama Degmo ka jirta.

 QODOBKA 13AAD

SHURUUDAHA LAGA RABO MARKHAATIYADA

Waa shuruudaha ku qeexan Shareecada Islaamka iyo Xeerarka kale ee Dalku leeyahay

 QODOBKA 14AAD

SHURUUDAHA DAMIINKA

Qofka wax damiinanaya waa inuu lahaada Hanti Ma Guurto ah oo ku taala meesha uu Damiinka ku galayo ama waa inuu haysto caddayn lahaansho Hanti Ma Guurto ah uu ku leeyahay Dalka gudihiisa.

 QODOBKA 15AAD

1)     Qoraalka Nootaayadu waa inuu ku qornaado Afka Soomaaliga haddii lagu qoro Af Ajnabi ah waa in dhinacyada iyo Turjubaanku saxeexan.

2)     Haddii qof dhaga la’ama aan waxba maqlin waxna akhriyi karin waa in Turjubaan u gaar ah oo uu aaminsan yahay loo sameeya Maxkamadda Degmada horteeda .

 QODOBKA 16AAD

AWOODA BIXINTA RUQSADA

Bixinta Ruqsada Nootaayada waxaa awood u leh Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda oo ku soo saaraya Digrii marka uu hubiyo Sarkaalka buuxiya shuruudaha laga rabo.

 QODOBKA 17AAD

DADKA KA MABNUUCA AH QAADASHADA RUQSADA NOOTAAYOOYINKA

Ruqsada Nootaayada looma ogolaan karo:-

1)     Qof ka tirsan Shaqaalaha Dawladda ee joogtada ah.

2)     Qof ka tirsan Ciidamada Dawladda

3)     Qof ka shaqeeya Hay’adaha Caalamiga ah.

 QODOBKA 18AAD

CIQAABTA SARKAALKA NOOTAAYADA

Sarkaalka Nootaayadu haddii uu jabiyo shuruudaha Xeerkani qeexayo waxaa lagu anshax marinayaa:-

1)     In Wasaaradda Cadaaladdu ay siiso digniin qoraal ah gafka ugu horeeya ka dib

2)     In ay gafka labaad shaqadda ka joojiso muddo aan ka badnayn (6 Bilood) haddii aan dambi falkiisa ka  dhalan

3)     In gafka sadexaadna  laga qaado ruqsada iyo wakiilnimada Wasaarada Cadaalada

4)     Ruqsad ka qaadista Sarkaalka Nootaayada Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda ayaa ku soo saaraya Digrii (Xeer Wasiir) marka ay cadaato gafafka kor ku xusani.

 QODOBKA 19AAD

CIQAABTA KA BEEN-SHEEGIDA QIIMAHA HANTIDA

1)     Sarkaalka Nootaayada ee yareeya qiimaha lagula kala wareego Hanti isagoo u dan leh si ay u yaraato Ajuurada Dawladdu waxaa lagu fulinayaa Xatooyo Xoolo dadweyne.

2)     Hantiilaha ay ku  cadaato  wuxuu bixinayaa Ajuuradii la qariyay oo dhan waxaana la ganaaxaya 5% Ajuuradii baaqatay.

3)     Nootaayada caadaysata ka been sheegida Hantida qiimaha la kala iibsaday waxaa laga qaadi doona ruqsada Nootaayada.

 QODOBKA 20AAD

WAXYABAHA KA REEBAN SARKAALKA NOOTAAYADA

Waxaa ka reeban Sarkaalka Nootaayaha:-

1)     Sarkaalka Nootaayaha waxaa ka reeban in uu bixiyo Sir la xidhiidha qoraalada (Documenti) lagu aaminay in uu xafido.

2)     Sarkaalka Nootaayuhu ma kala wareejin karo Hanti aan waddan caddaynta Lahaanshaha ku qeexan sida Xeerarka Dalka ku tilmaaman.

3)     Sarkaalka Nootaayuhu ma samayn karo caddayn lahaansho ee Maxkamaduhu u xil saaran yihiin.

4)     Sarkaalka Nootaayuhu ma diiwan galin karo qoraalo aanay u dhamayn dhinacyada ay khusayso.

5)     Sarkaalka Nootaayadu ma diiwan galin karo qoraalada khuseeya Naftiisa, Aabihii, Caruurtiisa, Walaaladiisa iyo Xaaskiisa (Ooridiisa) xataa hadday is fureen

6)     Sarkaalka Nootaayuhu kuma furan karo ruqsada Nootaayada laba Xafiis.

7)     Sarkaalka Nootaayuhu uma banaana in uu Xafiiska Nootaayaha la wadaajiyo cid kale sida Meherad Ganacsi, Xafiis Qareen, NGO, IWM.

8)     Sarkaalka Nootaayada waxaa ka reeban Hibaynta Hantida Guurtada iyo Ma Guurtada ah

9)     Sarkaalka Nootaayada waxa ka reeban in uu ka been sheego ama Qariyo qiimaha hantida uu kala wareejinayo.

 QODOBKA 21AAD

DHAWRSANANTA SARKAALKA NOOTAAYADA

Sarkaalka Nootaayada looma xidhi karo arrimo la xidhiidha shaqadiisa ilaa ogolaansho laga helo Wasaaradda Cadaaladda  haddii aan lagu qaban Dambi uu faraha kula jiro oo ciqaabtiisu 3 Sanno gaadhayso.

 QODOBKA 22AAD

DHAWRSANANTA XAFIISKA NOOTAAYADA

1)     Lama Xayiri karo lamana Baadhi karo Xafiiska Nootaayada haddii aan ogolaansho laga helin Wasaaradda Cadaaladda

2)     Xafiiska Nootaayada laguma laha cashuur Liisan Ganacsi  Sarkaalka. Nootaayaddu wuxuu bixinayaa cashuur sanadeedka dib jidiidinta Ruqsada Nootaayada  oo dhan 200,000 SL SH, oo ay qaadayso Wasaaradda Maaliyaddu.

3)     Ruqsada Nootaayo kasta oo la bixiyo waxaa laga qaadaya Cashuur Liisan oo dhan 100,000 SL.SH maalinta la bixiyo taasi oo ay qaadayso Wasaaradda Maaliyaddu.

  QODOBKA 23AAD

TIRTIRID QORAAL

1)     Sarkaalka Nootaayuhu xaq buu u leeyahay in uu tirtiro ama gaadhsiiyo Hay’adaha Sharciga, qoraal kasta oo uu ogaado in lagu khiyaameeyay Qaranka ama qaybo nuxurkiisa ah. 

2)     Qoraalka la tirtiray waxaa waajib ah in qoraal ahaan lagu ogeysiiyo dhinacyadii uu dhex maray iyo Xafiisyaddii lagu kaydiyey wax tar la’aantiisa.

3)     Sarkaalka Nootaayuhu  ma aqoonsan karo Dilaal aan ka diiwan gashanayn Dawladaha Hoose, waana in uu qaataa Liisanka Dawlada Hoose.

 QODOBKA 24AAD

Sarkaalka Nootaayuhu xaq buu u leeyahay in uu ka qaato hawl kasta oo u qabto Xushmad adeeg.

 QODOBKA 25AAD

XUSHMADA ADEEGA

Xushmada Sarkaalka Nootaayuhu inta ay noqon karto waa sidan:-

v     Kala Wareejinta Guryaha                                         1% R Fee

v     Kala Wareejinta Gaadiidka                                       1% R Fee

v     Wareejinta Dhulka                                     20,000 SL SHILLIN.

v     Wakaaladdaha                                             4000 SL.SHILLIN.

v     Cadaymaha                                                 4000 SL.SHILLIN.

v     Heshiisyadda                                              5000 SL.SHILLIN.

v     Araajida Caadiga ah Max.Hoose                    4000 SL.SHILLIN.

v     Dardaaranadda.                                           5000 SL.SHILLIN.

v     Marag Maqan                                              5000 SL.SHILLIN.

v     Lahansha isla Lahaansho                             4000 SL.SHILLIN.

v    Araajidda Caadiga Maxkamada Sare/Xeer-Illaalinta Guud  

                                                                      5000 SL. SHILLIN.QODOBKA 26AAD

AJUURADA DAWLADDA

1)       Qoraal kasta oo Sharciyeed ( Judiciary act) oo uu sameeyo Sarkaalka Nootaayuhu waxaa ku waajibaysa Cashuur Dawladeed oo Xeer ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda iyo Golaha Wakiilada jideeyay.

2)       Dakhliga Sarkaalka Nootaayaha soo gala bishii inta uu noqodo waxaa ku waajib ah (Income Tax) Macashal macash oo ay ku shubi doonan Wasaaradda Maaliyada.

3)       Nootaayaha Dakhli badnaada xaraynta cashuuraha Dawladda waxaa la siin doonaa Dhiiri galin Dakhliga uu soo xareeyay 5% Sanadkii.

 QODOBKA 27AAD

KORMEERKA IYO BAADHISTA

1)    Wasaaradda Cadaaladda iyo Wasaaradda Maaliyadda ayaa awood u leh amarka kormeerka iyo baadhista ee Xafiisyadda Nootaayada.

2)   Baadhista arrimaha ku saabsan lacagta (Cashuuraha) waxaa u xil saaran Hanti-dhawrka Guud, baadhista arrimaha kale ee dambiyada la xidhiidha waxaa u xil saaran Xeer-Ilaalinta.

 QODOBKA 28AAD

TIRTIRIDA

Waxaa la tirtiray Sharciyadii hore ee Nootaayada iyo sharci kasta oo  ka hor imanaya sharcigan

 QODOBKA 29AAD

DHAQAN GAL

Xeerkani wuxuu dhaqan galayaa marka uu saxeexo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

 ALLAA MAHAD LEH

 (C/QAADIR XAAJI ISMAACIL JIRDE)

KUSIMAHA GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILADA

 (MAXAMED XUSEEN CISMAAN)

XOGHAYAHA GUUD EE GOLAHA WAKIILADDA JSL

   

 

[Home] [Introduction to  Somaliland Law] [Somaliland Legal News] [Articles &  Commentaries] [Somaliland  Constitution] [Constitutional  Developments] [Somaliland &  International Law] [Administrative Law] [Somaliland Citizenship Law] [Civil Law] [Civil Procedure  Law] [Commercial Law] [Somaliland Customary Law] [Somaliland Company  Law] [Criminal Law] [Criminal Procedure  Law] [Environmental Laws] [Electoral Laws] [Foreign Investment  Law] [Family &  Personal Law] [Somaliland  Government] [Health Law] [Insurance Law] [Somaliland Judicial  System] [Labour &  Employment Law] [Land & Planning  Law] [Hargeisa Law  Faculty] [Somaliland Legal  Profession] [Somaliland Notaries  Law] [Somaliland Lawyers' Association SOLLA] [Local Government  Law] [Maritime Law] [Military Law] [Somaliland  Mining Laws] [Press &  Media  Law] [Somaliland Public  Finance Law] [Somaliland  Parliament] [Somaliland Security  Committees] [Sharia   A Source of Law] [SHURO Net Human Rights Network] [Transport &  Traffic  Law] [Miscellaneous Laws]