|
SOMALILAND PARLIAMENT – Standing Rules of the Two Houses
Both Houses of Parliament (the House of Representatives and the House of Elders) have their own Rules of Procedure and a set of Rules which govern joint sittings, which are permitted under Article 38 of the Constitution.
The Rules in Somali are set out below:
- The Revised House of Representatives Standing Rules (adopted on 2 January 2006).
- For new suggested Rules of the House drafted by Somalilandlaw.com, and incorporating all the current Rules click here.
- The House of Elders Standing Rules.
- The Rules Relating to Joint Sittings.
THE STANDING RULES OF THE HOUSE OF REPRESENTATIVES
(Revised: 2 January 2006)
JAMHUURIYADA SOMALILAND
GOLAHA WAKIILADA
XEER-HOOSAADKA GOLAHA WAKIILADA
(STANDING RULES)-
GOLAHA WAKIILADA JAMHUURIYADA SOMALILAND
Markuu arkay: Qodobka 9aad, Qodobada 37 ilaa 56, Qodobada 74 ilaa 79 iyo Qodobka 129’aad ee Dastuurka.
Markuu tixgeliyey: Jamhuuriyada Soomaaliland oo qaadatay nidaam ku dhisan talo wadaag iyo Dimuquradiyad aan ka hor imanayn shareecada Islaamka.
Markuu aqoonsaday: In Golaha Wakiiladu uu ku yimi qaab doorasho xalaal ah ayna waajib tahay inay hawlahooda u fuliyaan hab aan muran iyo mugdi geli Karin.
Markuu wax ka bedel & Kaabid:- Ku sameeyey Xeer-hoosaadkii hore ee Golaha Wakiilada ee 14/9/1998
Wuxuu Soo Saaray Xeer-Hoosaadkan
(Qodobka 1’aad)
Macnaha ereyada
Xeer-hoosaad: Waxa loola jeedaa Xeer u gaar ah Golaha Wakiilada oo habaynaya sida Goluhu u gudanayo xilkiisa iyo awoodaha Dastuurka iyo Xeerarku u jideeyeen.
Qolalka Shiraraka:- Waxaa loola jeedaa qol-weynaha (main hall) shirka ee Golaha iyo Qolalka kale ee guddiyadu ku shiraan.
Shir-guddoon: Waxaa loola jeedaa Gudoomiyaha Golaha iyo llabadiisa ku-xigeen oo wada Jira.
Guddi hoosaad: Waxaa loo jeedaa guddiyo Golaha laga dhex magacaabay oo hawl gaar ah qaabilsan.
Dastuurka: Waxaa loola jeedaa Dastuurka Qaranka ee JSL.
Go’aan: Waxaa loola jeedaa wax kasta oo markii loo codeeyey aqlabiyada Goluhu isku raacay
Fadhi (shir): Waxaa loola jeedaa kulan kasta oo kooram ku furma oo ay yeesheen Goluhu ama Guddi-hoosaadyadu.
Xoghaynta Golaha: Waxaa loola jeedaa shaqaalaha Golaha Wakiilada ka shaqeeya oo uu hormoodka u yahay Xoghayaha Guud.
Hadal Qoraal:Waxaa loola jeedaa qoraal xoghayntu ka reebto doodaha, go’aanada,baaqyada, iwm ee Golaha ka soo baxa.
Fadhi xidhan: Waxaa loola jeedaa fadhiyada aan loo ogolayn dhegaystayaasha, saxaafadda iyo martida kale toona.
Fadhi furan: Waxaa loola jeedaa fadhiyada Golaha ee dhegaysigiisa ka qaybgeli Karaan dhegaystayaal.
Mashruuc sharci: Waxaa loola jeedaa soojeedin sharci qabyo ah oo u furan dood iyo Wax ka bedel (Bill Of Law).
Kooram: Waxaa loola jeedaa tirada xubnaha mudaneyaasha Goluhu sifo sharci ah uu ugu furmi Karo fadhi Gole, waxaana ugu yar tirada guud ee Golaha badhkood iyo hal marka laga reebo kuraasta bannaanshahooda la baahiyey.
Mudaneyaasha cusub: Waxaa loola jeedaa mudaneyaasha ku yimi doorasho Xalaal ah oo dimuquraadi ah.
Mudane: Waxaa loola jeedaa xubin ka tirsan Golaha Wakiilada (lab/dhedig).
Fadhi gaar ah: Waxaa loola jeedaa fadhiga ugu horeeya ee Golaha Wakiilada cusub.
Soojeedin (motion): Waxaa loola jeedaa soojeedin rasmi ah oo uu soojeediyo mudane ama Mudaneyaal si looga doodo go’aana looga gaadho.
Toosin (Point of Order): Waxaa loola jeedaa soo dhexgelida hadal mudane wato si loo waafajiyo sharciga.
Aqlabiyad fudud (Simple Majority) Waxaa loola jeedaa codka lagu ansixiyo haldheeri, tirada kooramka ee ugu yar.
Aqlabiyad Buuxda (Absolute Majority): Waxaa loola jeedaa codka lagu ansixiyo kala badhow badh iyo hal tirada guud ee xubnaha guud ee Golaha, marka laga reebo kuraasta bannaanshahooda la baahiyey.
- (Qodobka 2’aad)
- Tilmaamaha guud ee Golaha Wakiilada
-
- 1. Golaha Wakiiladu waa qaybta koowaad ee sharci dejinta dalka waana Wakiilada dad weynaha.
-
- 2. Golaha Wakiiladu wuxuu ka kooban yahay laba iyo sideetan (82) xubnood oo lagu soo doorto doorasho guud oo toos ah iyo codbixin qarsoodi ah oo xor ah.
-
- 3. Afka loo isticmaalayo shaqada iyo doodaha Golaha waa Af-soomaali afka labaadna waa af-Carabi, afafka kalena waa la adeegsan karaa markuu Goluhu u baahdo.
- 4. Xarunta Golaha Wakiiladu waa magaalo madaxda dalka ee Hargeysa.
- 5. Astaanta Goluhu waa geed uu hoos yaalo rixle kitaab fidsani dulyaalo.
- 6. Muddada Goluhu waa shan (5) sanno oo ka bilaabma maalinta Maxakamadda Sare ku dhawaaqdo natiijada kama dambaysta ah.
-
- (Qodobka 3’aad)
- Waajibaadka Golaha Wakiilada
-
- Waajibaadka Golaha Wakiiladu waa sidan:-
-
- 1. Goluhu wuxuu u xilsaaran yahay dejinta, hubinta, dhawrista sharciyada dalka iyo la xisaabtanka xukuumadda iyo hay’adeheeda.
- 2. Doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo ku-xigeennadiisa (1aad iyo 2aad).
- 3. Dejinta Xeer-hoosaadka Golaha iyo ansixintiisa.
- 4. Ansixinta miisaaniyad sannaddeedka iyo xisaab-xidhkeeda.
- 5. Ansixinta ama diidmada Wasiirrada, Wasiir ku-xigeennada iyo Madaxda kale ee Qaranka.
-
- 6. Ansixinta ama diidmada madaxda hay’addaha dawladda ee madaxa bannaan oo ay ka mid yihiin:
-
- Ø Xeer-ilaalinta Guud.
- Ø Hanti dhawrka Guud.
- Ø Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.
- Ø Baanka Dhexe.
-
- 7. Ansixinta Xeerarka Hay’ad kasta oo madax-bannaan ama qaran oo la dhisayo ama dhisan.
-
- 8. Ansixinta madaxda sare ee dawladda ee Xeer Golaha Wakiilada ka soo baxay jideeyay.
-
- 9. Magacaabidda guddiyo baadha dhacdooyinka ka yimaada hay’adaha dawladda haddii loo baahdo.
- 10. Ansixinta heshiisyada caalamiga ah iyo heshiisyada kale ee dalka u keenaya culays maaliyadeed oo aan miisaaniyadda ku soo aroorin, ee ay xukuumaddu la gasho dawladaha kale iyo shirkadaha caalamiga ah ama wadaniga ah.
- 11. Ansixinta mashruuc sharci ee ay soo gudbiso Xukuumaddu, Guurtidu ama ay keenaan mudanayaal Golaha ka tirsan.
- 12. Kala qaybgalka Golaha Guurtida fadhiyada Dastuurku jideeyey.
- 13. Golaha wakiiladu wuxuu u gudbinayaa Golaha Xukuumadda talooyin iyo tilmaamo ku saabsan hogaaminta siyaasadda guud ee dalka.
-
- 14. Guddiyada Golaha Wakiiladu waxay awood u leeyihiin in ay wasiirada ama madaxda hay’addaha dawladda ama madaxda sare ee kale ee qaranka ee hawshoodu khusayso ay wax ka weydiiyaan gudashada xilkooda, xogta ay helaan iyo soojeedintoodana Golaha ay horkeenaan.
- 15. Goluhu wuxu awood u leeyahay jideynta canshuuraha iyo talaabooyinka kale ee kor loogu qaadayo dakhliga.
- 16. Waxa kale oo Goluhu awood u leeyahay dhammaan awoodaha uu siiyay Dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka.
-
- (Qodobka 4,aad)
- Waayidda Xubinnimada Golaha Wakiilada
-
- Xubinimada golaha waxa lagu waayi karaa sida soo socota:-
-
- 1. Geeri.
- 2. Istiqaalad qoraal ah, Goluhuna ka oggolaaday.
-
- 3. Ka maqnaansho Golaha labaatan (20) fadhi oo isku xiga idin la’aan.
-
- 4. Xil-gudasho la’aan joogto ah sida:-
-
- b. Xiskiisa oo wax u dhinmaan (Waalli taas oo loo baahan yahay inay soo caddeeyaan guddi dhakhaatiir ah oo la aqoonsan yahay).
- t. Caafimaad darro joogto ah ama awood beelid uusan xilka la gudan Karin, taas oo ay soo caddaynayaan guddi dhakhaatiir ah oo la aqoonsan yahay.
-
- 5. Xukun ciqaabeed kama dambays ah, sida ku cad Dastuurka.
-
- (Qoddobka 5’aad)
- Buuxinta Jagada Golaha Wakiilada
-
- Haddii ay bannaanaato jago Xubin ka mid ah Golaha Wakiilada waxa loo soo buuxinayaa si waafaqsan xeerka-doorashada Golaha Wakiilada.
-
- (Qodobka 6,aad)
- Nabad-gelyada Madasha Shirka
-
- 1- Dhawrista nabad-gelyada Golaha waxaa u xilsaaran Gudoomiyaha Golaha oo markii loo baahdo adeegsan kara hawl-wadeennada nabadgelyadda.
-
- 2- Waxaa reeban in qofna la soo galo hub madasha shirka Golaha Wakiilada ama xafiisyada Golaha Qofkii la soo gala waxaa laga qaadayaa talaabo sharciga waafaqsan.
- 3- Ciidamada nabad-gelyadu ma soo geli karaan madasha shirka iyo xafiisyada Golaha Wakiilada hadaan Gudoomiyuhu dalban.
- 4- Cidda ka baxsan xubnaha Golaha Wakiiladu ma soo geli karto madasha shirka iyo xafiisyada Golaha hadaan loo ogolaan.
- 5- Xubnaha Golaha iyo goob joogayaashu waa inay demiyaan moobilada (Telefoonda Gacanta) iyo qalab kasta oo carqaladayn kara ismaqalka fadhiga Golaha, mana bannaana in lagu cabbo sigaar, laguna cuno qaad ama cunto.
- ( Qodobka 7’aad)
- Dadka loo ogolaaday Fadhiga
-
- 1- Dadka loo ogolaaday inay dhegaystaan madasha shirka waxay fadhiisanayaan meesha loo cayimay iyaga oo aamusan, looma ogola inay muujiyaan astaamo ogolaansho ama diidmo midna.
- 2- Shaqaalaha Goluhu iyaga oo fulinaya amarka Gudoomiyaha waxay si deg’deg ah uga saarayaan madasha shirka cidda khilaafta nidaamka shirka.
- 3- Dhegeystihii geysta af lagaado wax u dhimaysa sharafta Golaha Wakiilada ama xubin ka mid ah mudanayaasha, waxaa lagu xidhayaa amarka Gudoomiyaha, waxaana lagu wareejinayaa ciidanka booliiska si talaabada ku habboon looga qaado.
-
- (Qodobka 8’aad)
- Kalfadhiyada Golaha Wakiilada
-
- 1. Sida ku cad qodobka 46aad ee Dastuurka Goluhu wuxuu yaalanayaa saddex kal-fadhi oo caadi ah sannadkiiba oo gaadhaya muddo siddeed iyo labaatan (28) todobaad ah. Labadii kal-fadhi waxa u dhexaynaaya ugu yaraan afar (4) todobaad ugu badnaanna siddeed (8 )todobaad oo ah fasax.
- 2. Kal-fadhiga aan caadiga ahayn ee Golaha Wakiilladu wuxuu ku qabsoomi karaa:-
-
- b. Codsi ka yimaada Madaxweynaha JSL.
- t. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada oo isugu yeedha.
- j. Saddex meeloodow meel (1/3) tirada xubnaha Golaha Wakiilada oo
- qoraal ku codsada.
-
- 3. Kal-fadhigiisa ugu horeeya waxa Golaha Wakiiladu ku ansixinayaa xeer-hoosaadkiisa wuxuna ku dhisanaya guddi hoosaadyo inta uu u baahdo.
-
- 4. Khudbadda qaranka waxa jeedinaaya Madaxweynaha kal-fadhiga ugu horeeya sannad walba waxaanay ka war bixinaysaa:-
- · Siyaasadda, barnaamijyada dawladda, dhaqaalaha, xaaladda lacageed, xaaladaha nabadgelyada dalka,iyo wax qabadkii xukuumadda ee sanaddkii dhammaaday.
-
- (Qodobka 9’aad)
- Hawlaha Fadhiyada
-
- 1. Fadhi kasta marka la akhriyo Aayadaha Quraanka Kariimka ah waxay hawshu ku soconaysaa sida ajendaha lagu diyaariyay.
-
- 2. Mudnaanta kowaad waxaa leh qodobka aan anjendaha ku jirin sida, soojeedinta Gudoomiyaha, qoraalada soo gaadhay Golaha,codsiyada, ogeysiinta soojeedinada (motions).
- 3. Jawaabihii ka soo noqday su’aalihii la weydiiyay xukuumadda.
-
- 4. Intaas kadib waxaa la bilaabayaa qodobada anjendaha sida ay u kala horeeyaan, haddii aan Gudoomiyaha Goluhu si kale u soo jeedin.
-
- (Qodobka 10’aad)
- Fadhiga ugu horreeya ee Golaha Wakiillada Cusub.
-
- 1. Fadhiga ugu horeeya ee Golaha Wakiilada cusub waa fadhi gaar ah wuxuuna qabsoomayaa maalinta madaxweynuhu u muddeeyo, soddon (30) maalmood gudahood laga bilaabo maalintii ay maxakamada sare ku dhawaaqday natiijadii doorashada ama maalinta shan iyo afartanaad (45) oo xubnaha Golaha cusubi iskood isugu yimaaddaan, kana soo qaybgalaan fadhigaa Saddex meeloodow laba meelood (2/3) ugu yaraan tirada guud ee xubnaha Golaha Wakiilada ee cusub.
- 2. Waxa fadhiga xubnaha Golaha Wakiilada ee cusub furaya Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, oo isla markaana dhaarinaya xubnaha Golaha Wakiilada ee cusub.
- 3. Shirkaas waxa Gudominaya dhaarta ka dib mudanaha ugu da’da weyn xubnaha Golaha cusub waxana lagu dooranayaa isla fadhiga maalintaas Guddoomiye iyo laba Guddoomiye ku-xigeen (G/X/1aad iyo G/X/2aad).
-
- (Qodobka 11’aad)
- Dhaarta
-
- Xubin kasta oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiilada inta aanu xilka qaban waxa uu marayaa/maraysaa dhaarta ku xusan qodobka 129’aad ee Dastuurka Qaranka oo ah sidan.
-
- (Waxaan Illaahay ugu Dhaartay inaan u noqonayo Daacad diintayda Islaamka ah, Dalkayga Soomaaliland, Dadkiisana ku Maamulayo Sinnaan iyo Caddaalad).
-
- (Qodobka 12’aad)
- Hannaanka Doorashada Gudoomiyaha & Labada Gudoomiye-xigeen
-
- 1. Xubnaha u sharaxan jagooyinka Gudoomiyaha ama Gudoomiye ku-xigeenada, (G/X/1aad iyo G/X/2aad) waa inay codsigooda ugu soo gudbiyaan gudoonka shirka qoraal ahaan, kaas oo ay ku cadaynayaan musharaxnimadooda iyo mid kasta jagada uu u tartamayo.
- 2. Musharaxiinta u tartamaya Gudoomiyaha iyo ku-xigeenada Golaha cusub jago kasta waa inaanay ka badnayn saddex (3) xubnood oo ku yimaada soo jeedinta mudanayaasha saddexda xisbi qaran oo si dumuquraadi ah uga soo tartamay xisbiyada dhexdooda.
- 3. Hannaanka doorashada Gudoomiyaha iyo ku-xigeenadu waa gacan taag wuxuna codkaasi ku ansaxayaa haldheeri (aqlabiyada fudud).
- 4. Ugu horeyn waxaa loo codeynaya Gudoomiyaha Golaha cusub, natiijadana waxaa ku dhawaaqaya Gudoomiayaha Shirka.
- 5. Marka la doorto Guddoomiyaha Golaha ee cusub, hogaaminta fadhiga Golaha waxa la wareegaya Gudoomiyaha Golaha, isaga ayaana hagaya u codeynta Gudoomiye- xigeenada 1’aad iyo 2’aad isla fadhigaas.
-
- (Qodobka 13’aad)
- Fadhiyada Golaha
-
- 1. Fadhiyada Goluhu waa kuwo furan ama xidhan. Fadhiga Goluhu wuxuu ku ansaxayaa markay madasha fadhiyaan tirada guud ee Golaha badhkeed, oo lagu daray hal ama in ka badan, marka laga reebo kuraasta bannaanashahooda la baahiyay.
- 2. Go’aamada Goluhu waxay ku ansaxayaan haldheeri (aqlabiyad fudud) marka laga reebo, arrimaha Dastuurka ama xeer-hoosaadka Goluhu aqlabiyad kale u jideeyeen.
-
- 3. Fadhiyada Goluhu waxay noqon karaan qaar xidhan marka Shir-guddoonku go’aansado in xaalad ka mid ah xaaladaha soo socda laga doodaayo:-
-
- b. Dood la xidhiidha nabadgelyada heer qaran.
- t. Khilaaf ka dhex oogma Golaha dhexdiisa ama Golayaasha dhexdooda.
- j. Arrin la xidhiidha anshaxa oo Guddida joogtadu baadhitaan ka dib u bandhigtay Shir-guddoonka, Shir-guddoonkuna u arkay in xal u raadinteedu ku habboon tahay go’aan Golaha ka soo baxa.
- x. Marka toban iyo kow (11) mudane soo jeedin qoraal ah soo gaadhsiiyaan Shir-gudoonka Goluhuna ka oggolaado.
- Kh. Markay Shir-guddoonka la habboonaato Goluhuna ka ogolaado.
-
- 4. Fadhiyada kale waa kuwo furan waxaana loo ogol yahay dhegeystayaal, sida saxaafadda, dadweynaha iyo martisharaf kale iyaga oo fadhisandoona goobo loo cayimay.
-
- 5. Dib-u -dhigidda fadhigu wuxuu ku ansaxayaa aqlabiyad fudud waxana dib loo dhigi karaa ugu badnaan toddoba (7) maalmood
-
- 6. Wasiirada iyo Wasiir ku-xigeennada waxa ku waajib ah in ay ka qayb galaan fadhiyada Golaha Wakiillada iyo Guddiyadiisa haddii qoraal lagaga codsado sidaa, waxayna xaq u leeyihiin in ay ka
- qayb qaataan doodaha, hase yeeshee xaq uma laha codayn, sidoo kale Madaxweynaha waxaa bannaan in uu u wakiisho ku-xigeenkiisa ama Wasiir ka qaybgalka fadhiyada Golaha Wakiilada.
-
- 7. Mudanuhu wuxuu codsan karaa wax-ka-beddelka ajandaha hawl-maalmeed isaga oo qoraal ugu gudbinaaya Shir-guddoonka. Guddoomiyaha Goluhu wuxuu u soo bandhigayaa arrintaas Golaha si loogu taageero aqlabiyad fudud.
-
- 8. Fadhiyada guddiyada waxa kale oo isugu yeedhi kara Guddoomiyaha Golaha Wakiillada marka lagu wargeliyo qabsoomi la’aanta Shirka Guddiga.
-
- 9. Baarlamanku (Guurtida & Wakiilada) wuxuu yeelanaya fadhiyo wadajir ah sida Dastuurku qeexayo.
-
- (Qodobka 14’aad)
- Xilka Gudoomiyaha Golaha Wakiilada
-
- 1. Gudoomiyuhu wuxu furayaa, xidhayaana fadhiyada, wuxuu sheegayaa saacadaha iyo ajendaha fadhiga soo socda, isaga oo af-ahaana ku war-gelinaya Xubnaha Golaha Wakiilada.
-
- 2. Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu wuxuu masuul ka yahay fulinta iyo ku dhaqanka Xeer-hoosaadka, ilaalinta nidaamka Golaha iyo habsami u socodka hawlaha Golaha oo dhan.
-
- 3. Gudoomiyuhu wuxuu hadalka u qaybiyaa Mudaneyaasha, wuxu hogaamiyaa doodda, wuxu soo jeedinaya su’aalaha, wuxuu nidaamiyaa habka codaynta, wuxuna ku dhawaaqaa natiijadooda.
-
- 4. Gudoomiyuhu wuxuu kormeerayaa shaqada Golaha iyo hawl-maalmeedka ay qabtaan xoghayntu.
-
- 5. Gudoomiyuhu wuxu matalaa, kuna hadlaa magaca Golaha Wakiilada. Wuxuu xidhiidhiyaa Golaha iyo baarlamaannada adduunka ee dhiggiisa ah.
-
- 6. Haddii Gudoomiyuhu heshiis caalami ah soo galo, wuxu Goluhu ku ansixinayaa heshiiskaas cod haldheeri, (aqlabiyad fudud).
-
- 7. Gudoomiyuhu wuxu saxeexaa heshiisyada caalamiga ah ee Goluhu la galayo baarlamaannada adduunka ee dhigiisa ah.
-
- 8. Gudoomiyuhu wuxu dhaariyaa Xoghayaha Guud, ku-xigeenkiisa iyo la-taliyeyaasha.
-
- 9. Gudoomiyuhu wuxuu saxeexa go’aamada Golaha iyo waraaqaha kale ee rasmiga ah. Marka uu maqan yahay ama uu buko waxa saxeexaya Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha marka labaduba maqan yihiina Gudoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha.
-
- 10.Gudoomiyuhu wuxu iska leeyahay furista Golaha marka kooramku buuxsamo, iyo xidhitaankiisa hadaan Golaha soojeedin kale ka iman.
-
- 11. Gudoomiyuhu wuxu ahaanaya mid u dhex ah mudaneyaasha marka laga reebo xaalada codkiisa loo baahdo.
|