Copyright © 2007 Somalilandlaw.com. All rights reserved

 

Somaliland Labour/Employment Law

Jamhuuriyadda Somaliland

 Sharciga Shaqaalaha aan Dawliga Ahayn

 Non-Governmental Employees Bill

 This is the main Employment Law in Somaliland and applies to all employees, with the exception of public employees who come under the Civil Service legislation.  The Law was prepared by the Ministry of Health & Labour and deals with the minimum rights of employees, recruitment, contracts of employment, health & safety at work, settlement of employment disputes, employment registration, trade unions, the rights and duties of employees and employers, the role of the Labour Office, Skills training and remuneration, work permits for foreign employees etc.

 The Ministry has certified that this Law is in accord with the Constitution of the Republic and with the international labour codes.

 Hordhac

 Waxaa sharcigan laga soo dhanbalay sharciga shaqaalaha Aduunwaynaha (Labour Code) laguna saleeyey xidhiidhak shaqo ee seddex geesoodka oo ah Looshaqeeyah. Shaqaalaha iyo Maamulka Agaasinka shaqada (Directorate of Labour) ee W/Caafimaadka iyo shaqada waxaanu ka kooban yahay 79 qodon oo qeexaya:-

1.      Ilaalinta xuquuqda shaqaalaha sida saacadaha shaqada,fasaxyada, xaqal-ciidka,iwm.

2.      Nidaamka shaqo qorista iyo diyaarinta heshiisyada shaqo.

3.      Ka hortaga khatarta shaqo iyo badbaadinta shaqaalaha.

4.      Xalinta dacwooyinka shaqo.

5.      Diwaan gelinta shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha.

6.      Dhismaha Ururada shaqaalaha.

7.      Xilka iyo waajibaadka looshaqeeyayaasha iyo shaqaalahahooda.

8.      Awooda dhexe ee maamulka agaasinka shaqada ee W/Caafimaadka iyo shaqada.

9.      Nidaamka farsamo baradka.

10.Qiimaynta xirfadlayaasha iyo farsamo yaqaanada.

11.  Nidaamka ruqsad siinta shaqo ee shaqaalaha ajaanibka ah.

 Sharcigani wuxuu waafaq sanyahay Distoorka Dalka Jamhuuriyadda Somalilanad.

 Mahadnaq:

Waxaanu u mahadcelinaynaa Agaasinka shaqada ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqada ee soo diyaariyay sharcigan shaqaalaha aan dawliga ahayn, aqoonyahannadii iyo dadkii waayo aragga ahaa ee ka qaybqaatay fududaynta diyaarinta sharcigan.

 K/S Agaasimaha Guud, MoHL

Dr. Cabdillaahi Warsame Xirsi                                                    

2002

 Cutubyada Sharciga shaqaalaha

 Qodobka iyo ciwaanka                                             Qodobada        

Magaca sharciga

Isticmaalka sharciga ………………………………………              Q:1aad

Xuquuqda shaqo ee shakhsi kasta ………………              Q:2aad

Xoriyada shaqo ………………………………………………             Q:3aad

Heshiiska shaqo ……………………………………………               Q:4aad

Tusmada heshiiska shaqo …………………………………..         Q:5aad

Mudada heshiiska shaqo ……………………………………          Q: 6aad

Isticmaalka heshiiska shaqo ………………………………           Q:7aad

Nuquladda heshiiska shaqo …………………………………         Q:8aad

Tusmada heshiiska shaqo ee qofeed …………………         Q:9aad

Waajibaadka shaqaalaha …………………………………           Q:10aad

Waajibaadka loo shaqeeyaha …………………………          Q:11aad

Ogaysiisa shaqo ka saarid ……………………………            Q:12aad.

Xaqsiinta (xuquuq) ……………………………………………..        Q:13aad

Xaqa shaqada ……………………………………………….              Q:14aad

Shaqo dib ugu celin ………………………………………              Q:15aad.

Xabaalo qod …………………………………………………….           Q:16aad.

Digniin shaqo ……………………………………………………           Q:17aad

Mushaharka…………………………………… .              Q:18aad

Hababka lacag siinta ………………………………………            Q:19aad

Habeeb dhax ……………………………………………………...          Q:20aad

.

Xaqal ciid ………………………………………………………….          Q:21aad.

Bixinta mushaharooyinka ……………………………………….      Q:22aad

Mudada mushaharka ……………………………………………        Q:23aad

Habka anshax marinta iyo goynta lacagta………………     Q:24aad

.

Ka maqnaanshaha shaqada iyo anshax marinta ……….Q:25aad

Saacadaha shaqada …………………………………………         Q:26aad.

Saacadaha caadiga ah ee shaqada ………………………      Q:27aad

.

Shaqada aan xidhiidhka ahayn……………………………        Q:28aad.

Shaqada habeenimo……………………………………………         Q:29aad.

Nasashada todobaadka,fasaxyada qaranka,fasax sana Q:30aad

Fasax sanadeed …………………………………………………          Q:31aad

Diwaan gelinta fasaxyada ……………………………………        Q:32aad

Caafimaadka iyo nabadgelyada goobaha shaqada …   Q:33aad

Baahi qalab caafimaad …………………………………………..     Q:34aad

Dhaawacyada iyo xanuunka ……………………………………     Q:35aad

Awooda dhexe ee xafiiska xarunta …………………………     Q:36aad

Xalinta dacwooyinka xidhiidhka shaqo………………………   Q:37aad

Shaqo qorista shaqaalaha Hay’addaha,shirkadaha ishor taaga sharciga……………………………….                                    Q:38aad

Caymiska shaqaalaha ………………………………………….        Q:40aad

Iswaafahinta nolosha iyo mushaharka shaqaalaha ……Q:41aad

Darajooyinka shaqaalaha ………………………………………     Q:42aad

Bedelka Hay’addaha/Shirkadaha………...…………………….. Q:43aad

Furitaanka ama xidhitaanka shaqo Hay’addeed  ……   Q:44aad

Diwaan gelinta shaqaalaha ………………………………         Q:45aad

Shuruudaha Diwaan gelinta ……………………………           Q:46aad

Hay’adda Shaqada ………………………………………………..       Q:47aad

Dhibaatooyinka shaqo ama shaqaale ………………………   Q:48aad

Dhalmada iyo jaqsiinta hooyada………………………………    Q:49aad

Nuujinta Hooyada ilmaha ………………………………………...    Q:50aad

Kormeerayaasha shaqada ……………………………………        Q:51aad

Mudada heshiiska iyo wakhtiga tijaabada ………………    Q:52aad

Qandaraaslaha labaad ……………………………………………      Q:53aad

Koobiyada heshiiska ………………………………………………       Q:54aad

Waajibaadka Qandaraaslaha …………………………………     Q:55aad

Heshiiska farsamo baradka ………………………………………    Q:56aad

Shuruudaha iyo wakhtiga farsamo baradka …………       Q:57aad

Hishiiska farsamo baradku waa cashuur dhaaf ……………Q:58aad

Shuruudaha heshiiska farsamo baradka ………………………Q:59aad

Waajibaadka shaqo ee loo shaqeeyaha ……………………  Q:60aad

Waajibaadka farsamo baradka ………………………………….. Q:61aad

Tabobarka farsamo baradka ……………………………………..   Q:62aad

Qiimaynta farsamo baradka ……………………………………...  Q:63aad

Hubinta wakhtiga farsamo baradka ……………………………..Q:64aad

Dalacaad shaqo …………………………………………………...       Q:65aad

Isku dhaca fasaxyada …………………………………………….      Q:66aad

Wakhtiga tijaabada shaqo ………………………………………     Q:67aad

Bakhaarka raashinka shaqaalaha ……………………………    Q:68aad

Ururada shaqaalaha iyo isku darkooda ………………………  Q:69aad

Dhismaha ururka shaqaalaha ……………………………………   Q:70aad

Dhismaha urur waynaha shaqaalaha ………………………    Q:71aad

K a bixida urur waynaha shaqaale …………………………    Q:72aad

Diwaan gelinta shaqaalaha aan dawliga ahayn …………Q:73aad

Shaqo ka hakinta shaqaale ……………………………………     Q:74aad

Ansixinta heshiiska shaqaale ………………………………      Q:75aad

Mushaharka iyo xuquuqda shaqo ………………………………   Q:76aad

Habka qiimaynta xirfadlayaasha………………………………    Q:77aad

Nidaamka qiimaynta F/YAQ ………………………………………    Q:78aad

Farsamo yaqaanada xirfadlayaasha …………………………    Q:79aad

Qodobka 1aad Isticmaalka Sharciga:-

1.      Sharciga waxaa lagu isticmaali karaa dhamaan loo shaqeeyaha iyo shaqaalahooda, Ururada aan dawliga ahayn, (NGO’s), kuwa Qaramada Midoobay, Shirkadaha iyo goobaha shaqo ee gaarka ah.

2.      Sharcigan laguma dhaqi karo shaqaalaha Dawlada, Ciidamada Qalabka sida, Booliska, Ciidamada Asluubta iyo Ciidan kasta oo la abuuro.

 Qodobka 2aad Xuquuqda shaqo ee qof kasta

1.      Qof waliba wuxuu xaq u leeyhay inuu u tartamo shaqo kasta oo uu doonayo, waxa kale oo uu xaq u leeyahay in loo sinaado fursad kasta oo shaqo, iyadoo aan lagu kala saarayn Luuqadda, Sinjiga, Midabka, Diinta, Fikrad siyaasadeed iyo Lab iyo Dhidig.

2.      Qof kasta waa inuu qabtaa shaqada uu yaqaan si kor loogu qaado Horumarka Umadda.

 Qodobka 3aad Xorriyadda Shaqo.

Waxa reeban in qofka Xoog/Khasab lagu shaqaaleeyo.

 Qodobka 4aad Heshiisyada Shaqo.

Heshiisyada shaqo waa xidhiidhka shaqo iyo shaqaalaha oo muujinaya xaaladaha shaqo, heshiiskaas waxa goob joog ka ahaanaya.

a)     Wakiilka Waaxda shaqada ee W/Caafimaadka iyo Shaqada.

b)     Loo shaqeeyaha.

c)      Shaqaalaha.

 Qodobka 5aad Tusmada Heshiiska Shaqo

a)    Darajada shaqaalaha

b)    Saacadaha shaqada

c)     Mushaharka lagu heshiiyo

d)    Xeerka shaqo & wixii shaqo burinaya

e)    Wakhtiga iyo xaalada tijaabada iyo muddada ogaysiinta

f)      Heshiiska, xaqal-ciidka, sacadaha dheeraadka iyo wuxuu qaadanayo

g)    Xaalda badbaado, nabadgalyo, caafimaad iyo nasashada shaqaalaha

h)    Habka kala saarida ama dhex-dhexaadinta hadii is afgaran waa yimaado

i)      Habka iyo xaalada shaqo ka fadhiisinta, shaqo ka saaridda iyo shaqo cusboonaysiinta

j)      Digniinta

k)    Dalacaada

l)      Xaqsiinta iyo caymiska shaqaalaha

 Qodobka 6aad Mudada heshiiska shaqo

1.     Heshiiska Shaqo wuxuu noqon karaa:-

a)  Heer Qaran.

b)  Heer Gobol.

c)   Heer Degmo.

d)  Xeer hoosaad Shirkadeed ama Kambani.

2.     Heshiiska Shaqo waa in aanu ka yaraanin Lix bilood, kana badnaanin Laba sono.

3.     Hadii aanay jirin xaalad munaasib ah oo bedesha heshiiska, wuu jirayaa heshiisku.

 Qodobka 7aad Isticmaalka Heshiiska Shaqo

1.     Heshiiska shaqada oo wada jir u diyaarinayaan Waaxda Shaqada ee W/Caafimaadka iyo shaqada iyo loo shaqeeyaha waxa uu khusaynayaa dhamaan shaqaalaha ku meel gaadhka ah.

2.     Goobaha Ganacsiga ee gaarka ah, wuxuu loo shaqeeyuhu ku dhaqayaa shaqaalihiisa heshiiska gaar ahaaneed ee uu la galay qofka oo ay Waaxda shaqda ee W/Caafimaadka iyo shaqadu ansixisay.

3.     Heshiis qof ahaaneed ee uu la galay loo shaqeeyuhu waa in aanu ka hor iman sharcigan.

 Qodobka 8aad Nuquladda Heshiiska Shaqo

Heshiiska shaqo ee qoraalka ah ee dhexmara loo shaqeeyaha iyo shaqaalahooda, waa in nuqul loo soo gudbiyaa Waaxda Shaqada ee W/Caafimaadka iyo Shaqada.

 Qodobka 9aad Tusmada Heshiiska Shaqo ee Qofeed.

Heshiiska shaqo ee qofeed wuxuu u qornaanayaa sidatan:-

a)    Magaca shaqaalaha oo dhan (afar magac)

b)    Cinwaanka, Da’da, Shaqada Sinjiga Shaqaalaha.

c)     Magaca iyo Cinwaanka loo shaaqeeyaha.

d)    Nooca iyo wakhtiga heshiiska shaqo.

e)    Saacadaha iyo goobta shaqada.

f)      Mushaharka shaqaalaha.

g)    Habka shaqo ka joojinta ama shaqo ka saarista.

h)    Habka xaq siinta, Caymiska iyo xuquuqda shaqo gabka.

 Qodobka 10aad Waajibaadka Shaqaalaha

Shaqaaluhu wuxuu leeyahay waajibaadkan soo socda:-

1.     Shaqaaluhu waa in uu gutaa wixii shaqadiisa ah.

2.     In uu shaqadiisa u gutaa sida loo shaqeeyuhu u rabo .

3.     Shaqaaluhu waa in uu dhawro qalabka uu shaqada ku hayo, ee lagu aaminay.

 Qodobka 11aad Waajibaadka loo shaqeeyaha

Loo shaqeeyuhu wuxuu leehay waajibaadkan hoos ku qoran:_

1.     Waa inuu Mushaharka ku bixiyaa wakhtiga ku haboon ee ku tilmaaman heshiiska shaqo.

2.     In goobaha shaqadu ahaadaan meelo ku haboon shaqada laga qabanayo, islamarkaana ahaadaan meelo ku haboon Caafimaadka.

3.     Cadaymaha qofka shaqaalaha ah ee dhinaca aqoontiisa waa in ay ahaataa lacag la’aan.

4.     Waa in la tixgeliyo cabashooyinka mashquulka ah ee shaqaalaha.

5.     Waa in aan laga jarin qofka shaqaalaha ah lacagta uu qaato waxaan ahayn inta sharcigu xadeeyey.

6.     Loo shaqeeyuhu waa in aanu wax kharash ah ku xidhin habka shaqaalaynta ee uu ku dabaqo sharciga.

7.     In aan qoka shaqaalaha ah lagu khasbin wax siyaasad ah.

 Qodobka 12aad Ogaysiiska Shaqo ka saarista

Hadii qaybaha heshiiska wada galay ay ka baxaan heshiiska shaqo, waa in ay bixiyaan ogaysiis shaqo ka tegid in ka badan hal digniin oo qoraal ah.

-       Loo shaqeeyuhu waa in uu siiyaa Bil mushaharkeed (30) taas oo ah Bisha shaqo ka saarida.

-       Shaqaalaha muruq-maalka ah iyo kuwa  xirfada leh ogaysiiskooda shaqo ka saaristu aanu ka yarayn 30 cisho.

-       Wax ogaysiis ah looma baahna mar hadii heshiiku aanu ka badnayn hal bil.

-       Wakhtiga ogaysiika Heshiika shaqo ka saarista uu ku jiro heshiiskii ayaa shaqaynaya.

 Qodobka 13aad Xaqsiinta (Xuquuq)

Marka shaqaalaha shaqada laga saaro, loo shaqeeyuhu waa inuu bixiyaa xaqsiinta shaqaalaha (compensation) taas oo u dhiganta wakhtiga uu shaqaynayey.

 Qodobka 14aad Xaqa-Shaqada

1.     Shaqaalaha marka shaqada laga saaro ka dib isagoo shaqaynayey Hal sano waxaa la siinayaa hal bil xaqeed.

2.     Wax xaq ah lama siin doono qofka shaqaalaha hadii uu dambi weyn galo kaas oo dhaawacaya hantida loo shaqeeyaha.

 Qodobka 15aad Shaqo Dib ugu Celin

Hadii si sharci daro ah qofka shaqaalaha ah, shaqada looga saaro, waa in shaqadiisii hore dib loogu celiyaa.

Talaabadan waxa fulinaya Waaxda Shaqada ee W/Caafimaadka iyo shaqada. Ka dib markay baadhis samayso ee ay ogaato erigiisu in aanu xaq ahayn.

 Qodobka 16aad Xabaalo-Qod

Hadii qofka shaqaalaha ah Dhimasho caadi ahi ku timaado isagoo shaqaynaya, loo shaqeeyuhu waa in uu bixiyaa 15 cisho lacagtood taas oo ah Xabaalo-Qodkii.

 Qodobka 17aad Digniin Shaqo

1.     Shaqaaluhu hadii uu sameeyo dembi kaas oo ka soo horjeeda heshiiska shaqo, loo shaqeeyuhu wuxuu siin doonaa digniin qoraal ah oo ah Todobba Cisho (7 Cisho).

2.     Digniinta la siiyey shaqaalaha waa in loo soo gudbiyaa Waaxda shaqada ee W/Caafimaadka iyo Shaqada.

 Qodobka 18aad Mushaharka

1.     Shaqaale kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu helo Mushahar u dhigma shaqada uu hayo.

2.     Mushaharka uu shaqaaluhu qaadanayo waa in aan lagu kala soocin, Da’da, Sinjiga, Dhalashadiisa, Diinta iyo Siyaasad IWM.

3.     Waa in la siiyaa Mushahar isku mid ah Shaqaale isku shaqo qabta ama isku derejo ah.

 Qodobka 19aad Hababka Lacag siinta

1.     Mushaharka Shaqaalaha waa in lagu xadeeyaa wakhtiga shaqo ee ku haboon sida Bil, Laba todobaad, Todobaad, Maalin iyo Saacad.

2.     Loo sheqeeyuhu wuxuu la socod siinayaa qofka shaqaalaha ah ka hor intaanu hawlgelin, mushaharka, baaxada hawsha uu qabanayo iyo mudada ay ku qaadanayso.

3.     Loo shaqeeyaha iyo shaqaaluhu waa in ay ku heshiiyaan habka uu mushaharka u qaadanayo iyo gunooyinka shaqo.

4.     Waa in la siiyaa heshiiskan qofka gelaya isagoo ogol loona cadeeyey, iyadoo xaqa qofka shaqaalaha ah lagaga go’aan qaadanayo mushaharkiisa saldhiga ah ee aanay ahayn wuxuu go’aansan karo Loo shaqeeyuhu.

5.     Wixii is afgaran waa ah ee dhex mara loo shaqeeyaha iyo shaqaalihiisa ee ku saabsan shaqadooda waxaa dhexdhexaadinaya xafiiska shaqada, hadii labada dhinac ku qanci waayaan xalkaas xafiisku wuxuu u gudbinayaa Maxkamada.

 Qodobka 20aad Habeen Dhax

1.     Loo shaqeeyuhu waa in uu siiyaa shaqaalaha:-

a)    Gunno/Sahay, marka qofka shaqaalaha ahi u baxaayo meel ka baxsan goobta shaqadiisa.

b)    Raashin shaqo ama gunooyin u dhigma goobta uu shaqada u tegayo iyo wixii kale ee uu u baahan yahay ee aanay suurtagal ahayn in uu halkaa ka helo.

c)     Gaadiid marka uu shaqo u tegayo u tegayo meel ka baxsan deegaankiisa ama guno u dhiganta.

 Qodobka 21aad Xaqal Ciid

1.     Qof kasta oo shaqaale ah wuxuu leeyahay xaqal ciid u dhigma 15 maalmood lacagtood, badh wuxuu qaadanayaa dabayaaqada Bisha Ramadaan, badhka kalena bilowga Carafa, Xaqal Ciidka looma eegayo Sanad buuxsamay laakiin waa in ay ugu soo galaan Ciiduhu isagoo shaqada ku jira. Shaqaalaha aan muslimka ahayna intaa in leeg ayaa la siinayaa dhamaadka sanadka.

2.     Shaqaalaha aan dhamaysan xidhiidhka shaqo oo sanad ah waxaa la siinayaa Xaqal Ciid jajab ah (Fraction) oo ku salaysan mudada uu shaqeeyey.

 Qodobka 22aad Bixinta Mushaharooyinka

1.     Mushaharka shaqaalaha waa in lagu bixiyo lacagta sharciga ah ee wadanku leeyahay.

2.     Mushaharka waxaa la bixinayaa maalinta u danbaysa mudada mushaharka bixintiisa lagu heshiiyo, isagoo lagu siinayo goobta shaqada uu ku sugan yahay.

 Qodobka 23aad Mudada Mushaharka

1.     Mudada Mushahar bixinta shaqaalaha maalin goosadka ahi waa in aanay ka badnayn laba todobaad, shaqaalaha kale ee caadiga ahina waa in aanay ka badan hal Bil.

2.     Hadii shaqaaluhu shaqeeyo wakhti ka badan laba todobaad wuxuu codsan karaa in la siiyo lacagta u dhiganta hawsha labada todobaad ama saami u dhigma shaqada uu qabtay oo ah 80%.

3.     Ka sokow heshiiska lala galay qofka waa in lacag bixintiisa qaybta uu ka shaqeeyaa qoraal ku siisaa.

4.     Shaqaalaha goobaha Ganacsiga waxaa lagu mushahar siinayaa wakhtiga uu shaqada bilaabay wakhtigiisa.

5.     Shaqaaluhu waxay ku leeyihiin saami macaashka loo shaqeeyaha soo gala sanadkii 25% oo dhamaantood loo qaybinaayo.

 Qodobka 24aad Habka Anshax marinta iyo Goynta lacagta

Shaqaalaha lagama jari karo lacag aan sharciga ku cadayn ama heshiiskooda shaqo ku jirin, wixii horumarin la siinayana waa in lagu bixiyaa qoraal.

 Qodobka 25aad Ka maqnaanshaha Shaqada iyo Anshax marinta

1.     Ka maqnaanshaha shaqada qofka shaqaalaha ahi wuxuu ku waayayaa lacagtii uu qaadanayey mudadii uu maqnaa.

2.     Ka maqnaanshaha shaqada ee 7 maalmood oo xidhiidh ah iyo wixii ka badan sabab la’aan, waxa loo qaadanayaa in uu shaqada iskii uga tegay qofkaasi.

3.     Hadii shaqaaluhu la yimaado dhibaato wax u dhimasa heshiiska shaqo waxa laga qaadayaa talaabooyinkan:-

a)       Digniin.

b)      Shaqo ka joojin aan ka badnayn 7 maalmood.

4.     Loo shaqeeyuhu wuxuu shaqaalaha ogaysiinayaa talaabooyinka laga qaadayo qofka shaqaalaha ah ee xaaladaha shaqo.

 Qodobka 26aad Saacadaha Shaqada

Saacadaha shaqadu waa mudada uu qofka shaqaalaha ahi uu ku dhex jiro hawsha uu hayo, waxaana ku jira Saacadaha shaqada, mudada nasashada shaqada ee sharcigu xadeeyey.

 Qodobka 27aad Saacadaha Caadiga ah ee shaqada

1.     Saacadaha shaqada ee caadiga ahi waa 8 saacadood maalintii ama 48 saacadood todobaadkii.

2.     Saacadaha dheeraadka ah ee la shaqeeyaa todobaadkii waa in aanay ka badan 12 saacadood, waa in qofka shaqaalaha ah la siiyaa 25% markuu shaqeeyo 2 saacadood oo dheeraad ah, sanadka waxaa ku jira 11 maalmood oo fasaxyada Qaranka ah (Public Holidays), oo qofka shaqaalaha ahi uu qaadanayo boqolkiiba boqol (100%), hadii uu shaqeeyo waana sidan:-

1.        Ciidal Fidri                        2 maalmood

2.       Ciidal Adxa                        2 maalmood

3.       Dhalashada Nabiga             1 maalin

4.       Awal Muxaram                    1 maalin

5.       Micraaju Nabi                     1 maalin

6.       1 May                                1 maalin

7.        18 May                             2 maalmood

8.       26ka Juun                          1 maalin

 Qodobka 28aad Shaqada aan xidhidhka ahayn

Shaqooyinka aan xidhiidhka ahayn ee loo qabto si aan isdabo joog ahayn waxay noqonayaan saacadaha shaqadu 10 saacadood maalintii, todobaadkiina 60 saacadood.

 Qodobka 29aad Shaqada habeenimo

1.     Shaqada habeenimo waa shaqada la qabto inta u dhaxaysa 10:00pm ilaa 5:00am,

2.     Sharci maaha in caruurta ay da’doodu ka yar tahay 18 sanno iyo dumarku in ay habeen ka shaqeeyaan warshadaha ama goobaha Ganacsiga iyo Beeraha.

3.     Shaqada habeenimo waxa ugu kordhaysa shaqaalaha lacag aan ka yarayn 25% mushaharkiisa caadiga ah, hadii aanay ahayn shaqo kaltan ah.

 Qodobka 30aad Nasashada Todobaadka, Fasaxyada Qaranka iyo Fasax sanadeedka.

Nasashada Todobaadka

1.     Qof kasta oo shaqaale ahi waa in uu helaa maalin nasasho todobaadkii, maalintaas oo ah Jimcaha.

2.     Waa in ay qaataan nasashada todobaadka shaqaalaha goobaha gaarka ah oo dhan.

3.     Qofka shaqaalaha ahi waa in uu qaataa dhamaan fasaxyada Qaranka ee ku jira sannadka.

4.     Shaqaaluhu wuxuu qaadanayaa hadii uu shaqeeyo maalmaha fasaxyada ah lacagta ku cad Qodobka 26aad oo sheegaya in shaqaaluhu leeyahay 100%.

 Qodobka 31aad Fasax sanadeed

1.    a)  Shaqaaluhu wuxuu leeyahay 30 maalmood oo fasax ah markuu shaqeeyo sannad isagoo mushaharkiisana qaadanaya.

b) Hadii shaqada laga dhimo sannad xidhiidh ah kadib wuxuu yeelanayaa fasax u dhigma.

c)  Wixii sannad ka yar waxa loo xisaabinayaa jajab ahaan mudada uu shaqeeyey.

2.    Shaqaaluhu wuxuu fasaxa qaadanayaa markuu shaqeeyo sannad buuxa

3.    Hadii xidhiidhka shaqo uu dhamaado ka hor intaanu shaqaaluhu fasaxa qaadan wuxuu leeyahay lacag u dhiganta fasaxiisa.

4.    Fasax sannadeedka wuxuu qaadan karaa shaqaaluhu markay isla meel dhigaan loo shaqeeyaha xili go’an, hadii laysla garto loo shaqeeyuhu fasaxa dib ayuu u dhigi karaa, iyadoo la tixgelinayo baahida shaqo.

5.    Loo shaqeeyuhu wuxuu la socodsiinayaa shaqaalihiisa in uu qaato fasax sannadeedkiisa marka la gaadho mudadii fasaxa.

6.    Shaqaalaha waxa la siinayaa Bisha fasaxa ah mushaharkeed iyadoo la siinayo marka uu fasaxa qaadanayo.

 Qodobka 32aad Diwaan gelinta fasaxyada

Loo shaqeeya kastaa wuxuu samaynayaa diwaan gelinta fasaxyada, diiwaankaas oo laga heli karo taariikhda uu qof kastaa qaatay fasax sannadeedkiisa, mudada fasaxa iyo lacagta uu qaatay.

1.     Haweenka shaqeeya markay uurka xaamilada ah yihiin waxay qaadanayaan fasax dhalmo oo dhan 14 todobaad (14 weeks). Fasaxa dhalmada 8 todobaad way ka horaynayaan dhalmada, lix todobaadna way ka danbaynayaan dhalmada.

2.     Hadii wakhtiga dhalmadu dib u dhacdo fasaxa waa loo kordhinayaa ilaa mudada dhalmada.

Fasaxa bukaanka waxaa la siinayaa marka uu dhakhtar soo cadeeyo, isagoo qofka shaqaalaha ahi lacagtiisana qaadanayo.

Hadii fasaxa bukaanku ka bato 15 maalmood waxaa laga jarayaa fasax sannadeedkiisa.

 Qodobka 33aad Caafimaadka iyo Nabadgelyada Goobaha Shaqada

Dhamaan Wershadaha, Hoosooyinka iyo Goobaha kale ee shaqada; waa in ay dhisnaadaan, qaab lagaga badbaadi karo hadii ay khatari timaado.

Goobaha shaqada waxaa laga rabaa in ay yeeshaan waxyaabaha hoos ku qoran:-

1.     Waa in la hagaajiyaa Caafimaadk iyo Nabadgelyada Goobta shaqada si looga hortago khataraha iman kara.

2.     Goobta shaqadu waa in ay lahaataa wax yaabaha lagaga hortegi karo gasaska sunta ah iyo bukhuurka dabka IWM.

3.     Goobta shaqadu waa in ay lahaato musqulo iyo xamaamyo ku filan shaqaalaha una kala soocan Rag iyo Dumar.

4.     Goobta shaqadu waa in ay lahaato Biyo ku filan.

5.     Waa in ay lahaato qalabka dabdemiska iyo shaqaale u tababaran damiska dabka.

6.     Waa in la siiyaa shaqaalaha qalabka lagama maarmaanka u ah badbaadada shaqaalaha.

7.     Waa in la siiyaa shaqaalaha qalabka korontada laga shaqeeyo iyo kuwa lagu qabto hawlaha culus oo u fududaynaya shaqada ay hayaan.

8.     In goobta shaqadu lahaato saacadaha waawayn oo lagu kala bedelo shaqaalaha.

9.     In ay goobta shaqadu lahaato waxyaabaha qashinka ka qaada oo ah kuwa dhulka hoostiisa ah, sidoo kale waa in ay xadhkaha korontadu ahaadaan kuwa qarsoon.

10.In uu u sameeyo loo shaqeeyuhu talaabooyinka lagama maarmaanka ah isagoo nolosha shaqaalaha, Caafimaadkooda iyo kor u qaadida niyada shaqaalaha.

11. In shaqaalaha la baro ka hortaga khataraha ka iman kara Wershadaha iyo xanuunada dhici kara ee shaqadu sababi karto.

12. In shaqaalaha la siiyo qalabka ka hortaga wixii dhibaato iman kara.

13. In tallaabooyinka ku haboon laga qaado, gargaarka deg dega  ah ee lagama maarmaanka u ah, shaqaalaha shilalka shaqadu soo gaadhaan ama xanuunsada wakhtiga shaqada.

 Qodobka 34aad Baahi qalab caafimaad

1.     Goob kasta oo ay ka sheqeeyaan in ka badan 10 shaqaale ahi ila xarun keliya, waa in ay lahaato bar caafimaad.

2.     Goob kasta oo ay ka sheqeeyaan in ka badan 100 shaqaaleh ahi ila xarun keliya, waa in ay lahaato bukaan socod eegto, ayna ka shaqaynayaan shaqaale caafimaad.

 Qodobka 35aad Dhaawacyada iyo xanuunka shaqaalaha

Waxa waajib ku ah loo shaqeeyaha in uu qofkii uu dhaawac shaqada ku soo gaadho ama xanuunsada sida ugu dhakhsaha badan uu u gaadhsiiyo Isbitaalka ugu dhaw, isagoo wixii kharash ahna bixinaya.

 Qodobka 36aad Awooda dhexe ee xafiiska xarunta

1.     Wasaaradda Caafimaadka iyo shaqada ayaa ah awooda dhexe ee shaqada iyo fulinta sharcigan.

2.     Awooda dhexe ee xarunta oo ay xilsaaran tahay waaxda shaqadu waa sidan:-

a)  La socodka iyo hubinta ku dhaqanka sharcigan si loo ilaaliyo xuquuqda shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha.

b) Xalinta iyo dejinta dacwooyinka xidhiidhka shaqo ee heer qaran ee loo shaqeeyayaasha diwaan gashan.

c)  Hubinta waxbarashada iyo tabobarada shaqaalaha aan dawliga ahayn.

d) Waaxdu waxay u xilsaaran tahay dhamaan hawlaha xidhiidhka shaqo, xaaladaha shaqo, shaqo qorista, horumarinta muruqmaalka iyo tiro koobka shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha.

e)  Abuurista gudida shaqo ee waaxda shaqda.

f)   Hubinta iyo ruqsad siinta shaqaalaha ajnabiga ah, iyadoo loo eegaayo Hay’adda ama shirkada aqoontooda waxbarasho.

g)  Wasaaradda caafimaadka iyo shaqadu waxay hirgelin doontaa qodobada kor ku xusan a, b, c, d, e, f, g, iyadoo ay u xilsaaran tahay waaxda shaqada ee W/Caafimaadka iyo shaqada.

 Qodobka 37aad Xalinta dacwooyinka xidhiidhka shaqo

1.     Dacwooyinka xidhiidhka shaqo ee Gobolada waxa loo gudbinayaa Xafiiska Shaqada ee Gobolka, waa in xafiisku dacwadaas shaqo ku dhamaystiraa muddo aan ka badnayn 14 maalmood.

2.     Hadii mid ka mid ah dhinacyada is dacwaynaya uu ku qanci waayo go’aanka Xafiiska Shaqada, waxa loo gudbinayaa Maxkamada Gobolka, waxaa rafcaan looga qaadan karaa Maxkamada sare oo go’aanka kama danbaysta ah iska leh.

3.     Isuduwaha Shaqada ee Gobolku wuxuu la socodsiinayaa dacwooyinka xidhiidhka shaqo Waaxda shaqada ee W/Caafimaadka iyo shaqada.

 Qodobka 38aad Shaqo qorista shaqaalaha Hay’addaha, Shirkadaha, Goobaha gaar ah IWM.

Iyadoo la ilaalinayo xuquuqda shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha W/Caafimaadka iyos shaqadu waxay maamulaysaa dhamaan arimaha shaqo qorista Dalka ee aan Dawliga ahayn, iyadoo ay u xilsaaran tahay Waaxda shaqada, waana sidatan:-

1.     Dhamaan loo shaqeeyayaashu jagooyinka shaqo ee ka banaan waxay u soo gudbinayaan waaxda Shaqada ee W/Caafimaadka iyo shaqada.

2.     Dhamaan dadka codsanaya jagooyinka banaan ee shaqo waxay arjigooda u soo gudbinayaan waaxda shaqada iyagoo buuxinaya shuruudaha laga rabo, waa in ay ahaadaan dad reer Somaliland ah.

3.     Xulashada araajida, Imtixaanka af ahaan iyo qoraal ahaanba ee tartamayaasha Jagooyinka banaan waxaa wada jir u sameynaya Guddi ka socota waaxda Shaqada iyo loo shaqeeyaha.

4.     Shaqaaleynta tartamayaasha ku guulaysta jagooyinka iyo heshiiskooda shaqo wuxuu dhaqan gelayaa markay labada Guddi ee kor ku xusani ay isku raacaan ayna wada saxeexaan.

 Qodobka 39aad Is-hortaag Sharci

Cidkasta oo ka hortimaada sharcigan ama qayb ka mid ah waxaa lagu ciqaabayaa xadhig aan ka yarayn lix (6) Bilood ama Ganaax u dhigma, hadii Danbigan soo noqnoqdo Ciqaabta waa la laban laabayaa.

 Qodobka 40aad Caymiska shaqaalaha

 Qofka shaqaalaha ahi hadii uu ku dhinto shaqo isagoo gudanaya waajibaadka shaqo wuxuu noqonayaa Caymiskiisu Dakhliga soo gala sannadka oo la laban-laabay.

 Qodobka 41aad Is-waafajinta nolosha iyo Mushaharka shaqaalaha.

Mushaharka shaqaalaha waxa la waafajinayaa maceeshadda goobta uu ka shaqeeyo, iyada oo dib loo eegayo sannad kasta oo cusub.

 Qodobka 42aad Derajooyinka shaqaalaha

Loo shaqeeyuhu wuxuu u shaqaalihiisa u samaynayaa darajooyin kal duwan, isagoo ka shidaal qaadanaya aqoontiisa waxabarasho iyo waayo aragnimadiisa shaqo waana sidatan hoos ku qoran:-

Shaqaalaha aan xirfada lahayn:-

a)    Madaxa sare ee Waayo aragga ah ama Jaamici.

b)    Heer Dugsi sare ama wax u dhigma.

c)     Heer Dugsi dhexe ama wax u dhigma

d)    Shaqaalahe hoosaadka aan looga baahnayn waxbarasho sida ilaaliyayaasha, Nadiifiyayaasha, IWM.

Shaqaalaha Xirfad layaasha ah

a)    Xirfale sare oo tabobaran

b)    Farsamo Yaqaan (technician)

c)     Injineer.

Dalacaadaha waxaa lagu salaynaa xirfadaha sare, iyadoo xaraf kastaa yeelan doono qaybo kala duwan.

 Qodobka 43aad Bedelka Hay’addaha/Shirkadaha

Hadii Hay’ad ama Shirkad ay ka bedelato goobteedii shaqo una guurto meel kaloo Dalka ah xuquuqdii iyo shaqadii ay ku lahaayeen shaqaalaheedu way jirayaan.

 Qodobka 44aad Furitaanka ama xidhitaanka Shaqo Hay’adeed

1.     Qof kasta oo furaya ama xidhaya Shirkad ama Hay’ad ay ka shqeeyaan 5 qof wax ka badan, waa inay xafiiska shaqada (labour office) ku soo ogaysiiyaan muddo dhan toban casho gudahood (10 days), iyada oo la laga warbixinayo shaqada Hay’ada ama Shirkada iyo waxay qabanayso iyo inta shaqaale ee u shaqaysa.

2.     Xafiiska Shaqadu (labour office), waa in uu diwaan geliyaa dhamaan Shirkadaha, Hay’addaha, IWM, ee jooga Gobolada Dalka oo dhan.

 Qodobka 45aad Diwaan-gelinta shaqaalaha.

Qof kasta oo shaqaale ah oo shaqeeya goobaha guud ama gaarka ah (Public/private sector)  wa in lagu qoraa diwaanka guud ee shaqaalaha kaas oo uu Xafiiska Shaqadu xafidayo.

 Qodobka 46aad Shuruudaha Diwaan-gelinta

Waxa diwaanka guud lagu qorayaa shaqaalaha sida sharciga ah loo shaqaaleeyey ee Xafiiska Shaqadu (Labour office), goob joog ka ahaa shaqaalayntooda.

 Qodobka 47aad Hay’adda Shaqada

Qof kasta, Hay’ad kasta, Wasaarad kasta oo masuul ka noqon kartaa Shaqada iyo shaqaalaha aan Dawliga ahayn ma jirto, oo aan ahayn Xafiiska Shaqada (labour office) ee W/Caafimaadka iyo shaqada.

 Qodobka 48aad Dhibaatooyinka Shaqo ama Shaqaale

Loo shaqeeyuhu waa in uu si deg deg u soo ogaysiiyaa Xafiiska Shaqada (Labour office), wixii dhibaato ah ee ka dhacda goobta shaqada ee shaqaalihiisa khuseeya sida Dhaawac, Xanuun, Dhimasho IWM.

 Qodobka 49aad Dhalmada iyo Hooyada Uurka leh

Hooyo uur leh ama ku jirta xiliga dhalmada oo u soo cadeeyey Dhakhtar la aqoonsan yahay, lagama saari karo shaqada, ilaa ilmuhu ka gaadhayo hal sanno (one year), hadii aanu dhamaan wakhtigii shaqadeedu ku eekayd (expiry date of her contract)

Hooyada uurka leh waxay xaq u leedahay in ay qaadato fasax–uurley (Maternity leave), laga bilaabo Bisha sideedaad ee uurka, oo gaadhaya seddex bilood hadii ay sannad ku jirtay shaqada.

 Qodobka 50aad Nuujinta Hooyada ee Ilmaha

Hooyada shaqaalaha ah ee nuujinaysa ilmaheeda, waxa la siinayaa tixgelin in ay wakhtiga shaqada la siiyo 2 fasax midkiiba hal saac oo fasax nuujin ah ilaa ilmuhu ka gaadhayo hal sanno.

 Qodobka 51aad Kormeerayaasha Shaqada

Xafiiska shaqada wuxuu yeelanayaa kormeerayaal shaqo u xilkoodu yahay:-

1.     Waxay si toos ah u tegi karaan goobaha shaqada wargelin la’aan maalin ama habeen si ay xogogaal uga noqdaan xaalada shaqo iyo shaqaale.

2.     Waxay awoodaan inay ku qasbaan loo shaqeeyaha ku dhaqanka sharciga.

3.     In ay urursan karaan wax alla wixii raad ah ama tusaale u noqon kara hab dhaqanka shaqo iyo shaqaale.

4.     In ay ka codsan karaan loo shaqeeyaha in uu soo gudbiyo warbixinta shaqaalaha, tira koobkooda iyo dhamaan xaaladaha guud.

5.     In ay siin karaan loo shaqeeyaha digniin ku munaasib ah, marka ay arkaan in uu meel kaga dhacay sharciga, islamarkaana ay siin karaan wakhti xadidan oo uu ku toosin karo, khaladaadkiisa iyagoo wargelinaya madaxda Wasaaraddda..

 Qodobka 52aad Mudada Heshiiska iyo wakhtiga tijaabada

1.     Waxa uu hirgelayaa heshiisku marka ay saxeexaan labada qaybood, loo shaqeeyaha iyo shaqaalahooda, isagoo xafiiska shaqadu goob joog yahay.

2.     Seddexda bilood ee u horeeya shaqaalaynta waxa loo aqoonsanayaa wakhtiga tijaabada, wakhtigaas oo labada dhinac ay ka bixi karaan heshiiska iyagoo bixinaaya ogaysiis qoraal muddo 7 casho ah ka hor inta aanay ka bixin heshiiska shaqada.  Madadaas seddexda bilood ah waxa la siinayaa shaqaalaha mushahar keliya mana yeelanaayo xuquuq kale, marka ay dhamaato mudda tijaabadu, waxa la gelinayaa shaqaalaha imtixaanka qiimaynta shaqo; qiimayntaas ayaa lagu shaqaalaynayaa ama lagu sii daynayaa.

 Qodobka 53aad Qandaraaslaha labaad

Qandaraaslaha labaad wuxuu ogaysiinayaa Xafiiska Shaqada dhamaan xilka iyo shaqada uu qaatay isagoo muujinaya in uu yahay qandaraaslaha labaad iyo magaca qandaraaslaha iyo magaca shirkada.

 Qodobka 54aad Koobiyada Heshiiska

Waaa in uu jiraa heshiis qeexaya hawlaha shaqo iyo shaqaale oo wada sexeexaan qandaraaslaha labaad loona soo gudbiyo hal koobi Xafiiska Shaqada.

 Qodobka 55aad Waajibaadka Qandaraaslaha

1.     Qandaraasluhu waa in uu ku wareejiyaa dhamaan xilka shaqo iyo shaqaale qandaraaslha labaad.

2.     Shaqaalaha ay dhibaato ku gaadhay mudadii qandaraaska waxay xaq ku leeyihiin in ay ka helaan qandaraaska.

3.     Shaqaalihii hore ee qandaraaska soo wareejiyey, waxay leeyihiin xuquuqdoodii hore iyadoo heshiiska uu ku dhaqaayaa qandaraaslaha labaad mid la mida koodii hore.

 Qodobka 56aad Heshiiska Farsamo Baradka

Heshiiskani waa mid khaas ku ah farsamo baradka oo la xidhiidha dhinacyada tababarka shaqo iyo nidaamka maamulka ee Shirkadaha iyo goobaha gaarka ahi ku dhaqayaan farsamo baradka, si loo helo farsamo barad xirfad leh.

 Qodobka 57aad Shuruudaha iyo wakhtiga farsamo baradka

1.     Dhalinyarada da’doodu u dhaxayso 15—30 sanno waa loo qaadan karaa farsamo barad.

2.     Wakhtiga farsamo baradku waa in aanu ka badnayn ilaa seddex sanno (three years).

3.     Hadii farsamo baradku u shaqeeyo laba loo shaqeeye, waxa loo tirinayaa muddooyinka uu farsamo baradku u shaqaynayey loo shaqeeyayaasha. Waa in aanay u dhaxayn wakhtiga labada loo shaqeeye uu la shaqaynaayey muddo ka badan sannad.

 Qodobka 58aad Heshiiska farsamo baradku waa cashuur-dhaaf

Heshiiska farsamo baradka waxaa ka reeban,cashuuraha diwaan gelinta iyo shaqada.

 Qodobka 59aad Shuruudaha heshiiska farsamo baradka

Heshiis kasta oo farsamo barad waa in uu ka kooban yahay warbixinta hoos ku qoran:-

1.     Magaca, Shaqada, Cinwaanka loo Shaqeeyaha.

2.     Nooca Shirkada ee farsamo.

3.     Shaqada uu qabanayo farsamo baradku.

4.     Wakhtiga uu ku jiro farsamo baradka.

5.     Mushaharka iyo wixii dheef ah ee la siinayo.

6.     Shuruudaha waxbarasho, shaqo iyo gunno iwm.

 Qodobka 60aad Waajibaadka Shaqo ee loo shaqeeyaha

1.     In uu yeesho dadaalka sidii uu farsamo baradku u yeelan lahaa aqoon xirfadeed.

2.     In uu la yeesho xidhiidh wada shaqayneed Hay’adaha ku lug leh tababarka xirfadeed ee farsamo baradka.

3.     Waa in uu si cadaaladi ku jirto uu u siiyaa gunnada .

4.     Waa in uu ogaadaa in aanu shaqaale u ahayn farsamo baradku ee uu u joogo tababar shaqo xirfadeed.

5.     Waa in uu ilaaliyaa dedaalka tababar shaqo ee uu la yimaado farsamo baradku isagoo la soconaaya, imaatinkiisa, fahamkiisa, farsamo barad iwm.

6.     Waa in uu siiyaa farsamo baradka wakhtiga loo baahan yahay ee qiimaynta aqoonta xirfadeed ee farsamo baradka lagu qiimaynayo, si uu helo shahaadada uu u qalmo (appropriate diploma).

7.     Waa in uu sheegaa Hay’adda Dawliga ah ee qaabilsan farsamo baradka aqoonta uu leeyahay qofku.

8.     Waa in uu hubiyaa marka horeba in aanu farsamo baradku ahayn shaqaale rasmi ku ah meel.

 Qodobka 61aad Waajibaadka farsamo baradka

1.     Waa in uu cadeeyaa loo shaqeeyaha iyo cidii iyo cidii waxbaraysaba qaataana tusaalooyinka iyo tilmaamaha la siiyo.

2.     Waa in uu shaqadiisa tababaro ku qaataa Shirkada, goob gaar ah IWM.

3.     Waa in uu sameeyaa joogtayn la xidhiidha sida loogu talo-galay.

4.     Waa in uu ku sheqeeyaa sida uu dhigayo heshiiskiisu.

 Qodobka 62aad Tababarka farsamo baradka

1.     Wuxuu ka yahay qabatin iyo tusaalayn la xidhiidha shaqo abuurka.

2.     Ujeedo qabatinka waa in uu kusalaysnaadaa xirfada loo baahan yahay in uu ku sheqeeyo mustaqbalka, farsama baradka marka uu dhamaysto.

 Qodobka 63aad Qiimaynta farsamo baradka

1.     Marka uu farsamo baradku dhameeyo qabatinkii xirfadeed wakhtigii loogu talo galay, waxaa la marinayaa imtixaanka qiimaynta farsama baradka.

2.     Qiimaynta aqoonta farsamo baradka ee uu soo dhamaystay muddadii loogu talogalay waxa lagu diwaan gelinayaa buuga Shaqada (Work Book).

 Qodobka 64aad Hubinta Wakhtiga farsamo baradka

Marka wakhtiga heshiiska farsamo baradku dhamaado waxaa loo eegayaa farasamo baradka qiimaynta aqoontiisa ee imtixaanadii uu soo galay, wakhtigii uu soo tababartay ee uu soo shaqeeyey, oo lagu shaqaalayn karaa.

 Qodobka 65 Dalacaada Shaqo

Qofka shaqaalaha ah waa in la qiimeeyaa sanadkii mar si loo dalacsiiyo ama looga dhimo darajada shaqo (hadii uu la yimaado denbi sababi kara derejo ka dhimis).

 Qodobka 66 Iskudhaca fasaxyada

Hadii mid ama dhawr fasax qaran isku beegmaan shaqaaluhu wuxuu xaq u leeyahay inuu hello fasaxiisii maalmeed ee uu xaqa u lahaa

 Qodobka 67 Wakhtiga tijaabada shaqo

1.      Shaqaalaha waxaa lagelinayaa tijaabo muddo aan ka badnayn seddex bilood, iyadoo la eegayo kartidiisa shaqo, aqoontiisa shaqo, IWM, waxaana wakhtiga tijaabada loogu sheegayaa qoraal.

2.      Marka uu ka baxo wakhtiga tijaabada shaqo ee loo bogo hawlgalkii shaqo, waxaa lala gelayaa heshiiska shaqo (aqoonsiga shaqaalanimo).

3.      Wakhtiga tijaabada waa loo tirinayaa hadii la shaqaaleeyo.

 Qodobka 68 Bakhaarka Raashinka Shaqaalaha

Xaalada Shaqo ee Bakhaarka Shaqaalaha

1.      Shirkad kastaa waa in ay lahaataa Bakhaaro/Istoodho lagu kaydiyo alaabta ay u baahan yihiin shaqaaluhu in ay iibsadaan.

2.      Istoodhada shirkaduhu waxa la ogolaanayaa markay fulliyaan shuruudaha hoos ku qoran:-

a)   Alaabta ama raashinka shaqaalaha laga iibinayaa waa in uu yahay kuwa ay u baahan yihiin iyadoo aanu loo shaqeeyuhu wax macaash ah saarayn.

b)  Shaqaaluhu waxay iska bixiniyaan lacagta marka ay qaataan mushaharka.

c)   Maamulka bakhaarka cuntada shaqaalaha waxa maamulaya guddi shaqaale iyo loo shaqeeyaha shirkada, Warshada IWM.

d)  Xisaabta iyo qiimaha alaabta shaqaalaha waxa la dhigayaa bakhaarka shaqaalaha iyo xafiiska loo shaqeeyaha.

e)   Waxa ka reeban in la dhigo bakhaarka wixii ay diinteenu xaaraantinimaysay sida waxyaabaha Alcohol ka ah, hilibka doofaarka IWM.

Qodobka 69 Ururada shaqaalaha iyo isku darkooda (Federation)

1.      Ururka shaqaalahu wuxuu ku shaqaynayaa dhamaan sharciyada shaqaalaha ee ay W/Caafimaadka iyo shaqadu ku shaqayso (Labour Directorate)

2.      Xilka shaqo ee loo abuuray ururada shaqaalaha waa in ay darsaan, ilaaliyaan, wada shaqaynta shaqaalaha iyo loo shaqeeyayaasha goobaha shaqo siloo sugo xuquuqda shaqaale lana socodsiiyaan warbixintooda W/Caafimaadka iyo shaqada (Labour Directorate)

 Qodobka 70 Dhismaha ururka shaqaalaha

1.      Urur kasta oo shaqaale wuxuu ka kooban yahay xubnaha goobta shaqo ee Warshadeed, Shirkadeed, iyo goobaha gaarka ah.

2.      Qof kasta oo ka tirsan shaqaaluhu wuxuu xaq u leeyahay in uu ku biiryo ururka goobta shaqo ee uu ka shaqeeyo.

3.      Waxaa loo soo gudbinayaa hal koobi oo ah dhismaha ururka shaqaale ee goob shaqo xafiiska shaqada (Labour Office) Ee W/Caafimaadka iyo shaqada.

4.      Ururka shaqaalaha Warshadaha, Shirkadaha, goobaha gaarka ah waxaa ogolaanaya ama ansixinaaya W/Caafimaadka iyo shaqada.

 Qodobka 71 Dhismaha urur wayne shaqaale (Federation)

Ururada shaqaale ee dhamaan goobaha shaqo ee gaarka ah way midoobi karaan si loo ilaaliyo danta guud iyo xuquuqda shaqaalaha ee dhamaan goobaha shaqo ansixinta waxaa iska leh W/Caafimaadka iyo shaqada

 Qodobka 72 Ka bixida urur waynaha shaqaale

Urur kastaaba wuxuu xaq u leeyahay in uu ka bixi karo urur waynaha (Federation) marka uu doono isagoo aan loo ogolayn in uu wax dhibaato ah ama fadqalalo ah ku keenin urur waynaha si rasmi ahna waxa loo ogaysiinayaa Waaxda Shaqada ee W/Caafimaadka iyo shaqada.

 Qodobka 73 Diwaan gelinta shaqaalaha aan dawliga ahayn

 1.      Diwaan gelinta shaqaalaha ; waxa la diwaan gelinayaa dhamaan shaqaalaha Warshadaha, Shirkadaha, Hay’adaha iyo goobaha gaarka ah si loo sugo tiro koob kooda, xuquuqdooda waxa ay wasaarada Caafimaadka iyo shaqadu saari doontaa shaqaalahaa lacag yar oo diwaan gelin ah taas oo lagu xoojinayo kharashyada kormeerka hawleed ee guddida shaqadu qabanayo (Labour Inspectors), kharashyada galalka shaqaalaha, kaadhadhka aqoonsiga shaqaalanimo iyo ilaalinta xuquuqda shaqaalaha sida xalinta dacwooyinka shaqo.

2.      Agaasimaha Waaxda shaqadu wuxuu u furayaa Account lacagta diwaan gelinta, isagoo isticmaalka lacagta diwaan gelinta la socodsiinaya madaxda sare ee Wasaaradda.

 Qodobka 74 Shaqo ka hakin shaqaale

1.      Xidhiidhka shaqada waa la hakin karaa hadii shaqaaluhu si ku meel gaadh ah u joojiyo shaqada, wuxuuna loo shaqeeyuhu ka joojinayaa shaqaalaha shaqada uu u xil saaray 7 maalmood oo qoraal ah marka hore.

2.      Ogaysiinta shaqo ka joojinta shaqaalaha waxaa lala socodsiinayaa waaxda shaqada ee W/Caafimaadka iyo shaqada iyadoo lagu soo cadaynayo mudada shaqada laga hakiyey iyo sababta keentay.

3.      Shaqo ka hakinta shaqaaluhu kama badnaan karto 30 maalmood, Waaxda shaqada ee W/Caafimaadka iyo shaqada ayaa leh awooda hakinta shaqada ilaa muddo aan ka badnayn 90 maalmmod, hadii ay jirto sababo macquul ah oo uu shaqaalu ku mutaystay.

4.      Waxa kale oo hakin kara shaqaalaha shaqadiisa:-

    a)   Hadii shaqaalaha looga baahdo arin difaac qaran.

    b)   Hadii uu shaqaaluhu ka maqnaado shaqada bukaan awgii ama shil muddo aan ka badnayn 3 bilood.

Loo shaqeeyuhu wuxuu bixinayaa wakhtigaas 3 bilood ah:-

1.       Daawada shaqaalaha ee xanuun kiisa.

2.       Mushahar kiisa oo dhan bisha hore.

3.       Mushaharkiisa badhkii bilaha kale.

    c)    Hadii shaqaalaha la rumaan gareeyo muddo aan ka badnayn 3 bilood, shaqada wuu ku soo noqonayaa rumaanka kadib.

    d)   Hadii shaqaalaha la rumaan gareeyo denbi kadibna lagu waayo, shaqadii ayuu ku soo noqonayaa.

Hadii xarafyada c iyo d ee kor ku xusan sida ay dhigayaan lagu waayo denbi qofka shaqaalaha ah mudadaa wax loogu tirinayaa xaqiisa shaqo.

 Qodobka 75 Ansixinta Heshiiska shaqo

1.     Inta aan lagu dhaqmin ka hor heshiiska shaqaalaha waxaa loo gudbinayaa Waaxda shaqada ee W/Caafimaadka iyo  shaqada siloo ansixiyo.

2.     Agaasimaha waaxda shaqadu inta aanu ansixn heshiiska ka hor:-

a)  Wuxuu eegayaa in qoraalka heshiisku waafaqsan yahay sharciga shaqaalaha aan dawliga ahayn (Labour Code)

b) Waxa uu u akhriyayaa labada qaybood ee ay khusayso (loo shaqeeyaha iyo shaqaalaha).

 Qodobka 76 Mushaharka iyo xuquuqda shaqo ee shaqaalaha

Waxaa loo qaybinayaa shaqaalaha laba qaybood:-

a)    Shaqaale mushahar bileed ah (Monthly Pay Worker)

b)    Shaqaale maalin goosato ah (Daily pay Worker)

Shaqaalaaha hore ee ku xusan xarafka (a) wuxuu leeyahay xuquuqda shaqo marka uu dhamaado heshiiska shaqo iyo wixii kale ee uu xaq u yeesho (Other benefits), Laakiin shaqaalaha ku xusan (b) malaha xuquuq shaqo marka laga reebo dhaawacyada shaqo, dhimashada shaqo, IWM. Taas oo uu bixinaayo loo shaqeeyuhu marka ay shaqaalaha dhibaatadu ku gaadho shaqada uu hayo.

 Qodobka 77 Habka qiimaynta xirfadlayaasha iyo F/yaqaanada

Xirfadluhu waa qof aan helin waxbarasho aasaa-siya, balse iskii u bartay farsamo gacmeed.

A-  Qiimaynta xirfadlayaasha

1.     Kaaliye xirfadle –K/X- ilaa 6 bilood oo ah tabobar xirfadeed uu bartay mid ka mid ah xirfadaha guud ama gaarba loo aqoonsanayaa derajada K/X .

2.     Xirfadle 3aad-X/3 kusoo shaqeeyey K/X ugu yaraan 2 sanno ama soo qaatay tabobar xirfadeed hal sanno loo aqoonsanayaa X/3aad.

3.     Xirfadle 2aad –X/2 kusoo shaqeeyey X/3 ugu yaraan labo sanno ama soo qaatay tabobar xirfadeed hal sanno loo aqoonsanayaa X/2 aad.

4.     Xirfadle 1aad –X/1 ku soo shaqeeyey X/2 ugu yaraan 3 sanno ama tabobar xirfadeed oo dhan 2 sanno loo aqoonsanayaa X/1aad.

 Qodobka 78

B-  Nidaamka qiimaynta F/yaq

Farsamo yaqaanadu waxay u kala baxaan darejooyinka hoos ku qoran:-

1.     Ka baxay Dugsi sare oo farsamo ama Macaahida u dhiganta, lagu qiimaynayaa F/3aad.

2.     F/2-F/3 oo soo qaatay ugu yaraan hal sano oo waxbarasho la xidhiidha aqoontiisa ama ku soo shaqeeyey F/3 ugu yaraan 2 sanno.

3.     F/1- F/2 oo soo qaatay ugu yaraan 2 sanno oo waxbarasho laxidhiidha aqoontiisa ama kusoo shaqeeyey F/2 muddo dhan 3 sanno.

 Qodobka 79

C-  Farsamo yaqaanaynta xirfadlayaasha

1.     X/1aad oo soo qaatay 6 bilood waxbarasho farsamo yaqaan oo la xidhiidha xirfadiisii hore wuxuu noqonayaa F/3aad.

2.     X/2 oo soo qaatay 1 sanno iyo badh waxbarasho farsamo yaqaan oo la xidhiidha xirfadiisii hore wuxuu noqonayaa F/3aad.

3.     X/3aad oo soo qaatay 2 sanno iyo badh waxbarasho farsamo yaqaan oo la xidhiidha xirfadiisii hore wuxuu noqonayaa F/3aad.

4.     K/X oo soo qaatay 4  sanno waxbarasho farsamo yaqaan oo la xidhiidha xirfadiisii hore wuxuu noqonayaa F/3aad.

 

 

[Home] [Introduction to  Somaliland Law] [Somaliland Legal News] [Articles &  Commentaries] [Somaliland  Constitution] [Constitutional  Developments] [Somaliland &  International Law] [Administrative Law] [Somaliland Citizenship Law] [Civil Law] [Civil Procedure  Law] [Commercial Law] [Somaliland Customary Law] [Somaliland Company  Law] [Criminal Law] [Criminal Procedure  Law] [Environmental Laws] [Electoral Laws] [Foreign Investment  Law] [Family &  Personal Law] [Somaliland  Government] [Health Law] [Insurance Law] [Somaliland Judicial  System] [Labour &  Employment Law] [Land & Planning  Law] [Hargeisa Law  Faculty] [Somaliland Legal  Profession] [Somaliland Lawyers' Association SOLLA] [Local Government  Law] [Maritime Law] [Military Law] [Somaliland  Mining Laws] [Press &  Media  Law] [Somaliland Public  Finance Law] [Somaliland  Parliament] [Somaliland Security  Committees] [Sharia   A Source of Law] [SHURO Net Human Rights Network] [Transport &  Traffic  Law] [Miscellaneous Laws]