Copyright © 2007 Somalilandlaw.com. All rights reserved

 

Voter Registration Law

    Somaliland Voter Registration Law 2007

Law No: 37/2007

 

The Voter Registration Law was first passed in 2007 and was implemented by Presidential Decree No: 207 of 08/07/2007.  By the time the end of the term of office of the local councils in December 2007 was fast approaching, it was clear that the voter registration activities would not be concluded in time for the elections.  Even when the term of office of the local councils was extended, the end of the President’s term of office (May 2oo8) was also approaching.   One of the problems was that some people argued that Article Articles 13 and 27 of the Voter Registration Law required a gap of 6 months between the two elections. This was not strictly correct, but this argument was used by the House of Elders, on 10 April 2008, when it resolved to extend the President’s term of office by one year to 6 May 2009.  Nonetheless, as the registration was not yet started, the national Electoral Commission and the political parties felt that a number of overly restrictive provisions of the Voter Registration Law need to be amended (at least for this first round of elections) so that the registration can be completed as soon as possible.

 

The NEC and the parties, therefore, proposed amendments to the Law. These were forwarded by the President to the the House of Representatives, which approved them on 10 June 2008. The amendments were in the form of 12 Articles which were appended as a Schedule to the 2007 Law. The House of Elders proposed changes to 3 of the Articles, but when the Bill was returned to the Representatives, the latter insisted  on passing again, on 21 June 2008, the bill in its original  format . The Elders have no power to return a bill to the Representatives more than once, and whilst there were no reports of the Bill being returned to them by the Representatives, the Bill was forwarded to the President and, on 23 June 2008, a presidential decree (signed by the Vice-President, during the President’s absence from the country) promulgated the Bill into Law.  Both the Amendments and the 2007 Law are set out below

    For a version of the Registration Law, in Somali,  which has the amendments inserted, click here (pdf file)

    The Voter Registration Law 2007 (as amended)

    (English Translation with introduction & notes) by Ibrahim Hashi Jama

     

    Presidential Decree issued under Art.12(6) of the Law on 23/07/2008, announced that the Voter Registration Period shall begin on 14 October 2008. The SNEC expect it to finish it in December 2008, in readiness for the presidential election now scheduled to take place on 29 March 2009.

     

    SNEC paper (pdf) describing the voter registration process.

     

     

     

     

     

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

AMENDMENTS TO THE VOTER REGISTRATION LAW

WAX-KA-BEDDELKA XEERKA DIIWAANGELINTA CODBIXIYAASHA 2008

QODOBKA 1AAD

SAAMAYNTA XEERKAN WAX-KA-BEDDEL

Wax-ka-beddelkani waxa uu saamayn KMG ah oo laalis ah ku samaynayaa qoddobada Xeerka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha ee kala ah 7.4(j): 8(1 &9);10(4);12(1&2);13;14(t&j);18;19;22;23(1):27;28 iyo 31; isla markaana wuxuu qeexayaa Qodobadda Xeer ee halkoodii lagaga dhaqmayo si loo hirgeliyo diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha ee ugu horaysa.

  

QODOBKA 2AAD

HAB-RAACA GEEDI-SOCODKA DIIWAAN-GELINTA COD-BIXIYAYAASHA IYO SUGIDA MUWAADINIMADA

QODOBKA 7.4 EE XEERKA DIIWAAN-GELINTA COD-BIXIYAYAASHA  waxa lagu bedelayaa Qoddobkan 2aad ee wax-ka-beddelkan, ahna sidan:-

1.  Geedi-socodka Diiwaan-gelinta cod-bixiyayaashu waxa uu ka  koobnaan doonaa saddex mar-xaladood oo is daba-joog ah, lagana hir-gelin doono Gobol kasta oo Dalka ah xilli u gaar ah.

2.   Saddexdaa marxaladood waxa ay kala yihiin:-

b)   Marxaladda diyaar-garowga.

     i.   Marxaladdani waxa ay noqonaysaa muddo aan ka yarayn 25 maalmood oo Muwaadiniinta Gobol-kasta lagu wacy-gelinayo in ay u diyaar-noqdaan Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha;

     ii.  Xilligaa lagu jiro marxaladdan diyaar-garowga ah, xafiisyadda Diiwaan-gelinta ee Degmo kasta, waxa la dhigayaa foomam loogu tallo galay Dadweynaha, oo Is-diiwaan-geliyuhu ku qorayo Macluumaadka looga baahan yahay diiwaan-gelinta; sidoo kalena waxa dad-weynaha lagu wacyi-gelinayaa, tilmaamana laga siinayaa sidii ay ugu diyaar-garoobi lahaayeen marxaladda xigta ee geedi-socodka Diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha.

t)   Marxaladda Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha ee rasmiga ah:-

    i.   Marka ay dhammaato mar-xaladda diyaar-garowgu, waxa ku xigi doona muddo aan ka yarayn 5 maalmood oo ay Gobol kasta tagayaan kooxo hawl-wadeeno ah, tiradoodana uu goynayo Komiishanku, kana kooban sida ku cad Qoddobka 7aad faqraddiisa 3aad ee Xeerka diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, si ay u hir-geliyaan diiwaan-gelinta rasmiga ah ee Cod-bixiyayaasha labadda doorasho ee soo-socda. Sidoo kalana  halkaasi (goobtaasi) waxa muwaadinka shuruudaha buuxiyey lagu siin doonaa Kaadhka Muwaadinimadda iyo Kaadhka cod-bixinta;

    ii.  Haddii Maalinta ugu dambaysa ee diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha ay soo hadhaan dad aan la diiwaan-gelinin, Komiishanka Doorashooyinka Qaranku waxa uu qaadayaa tallaabo kasta oo lagu xaqiijinayo in la diiwaan-geliyo dadka jooga Goobta ka hor waqtiga la xidhayo diiwaan-gelinta.

    iii. Goobihii cod-bixineed ee doorashadii u dambaysay, waxay noqonayaan goobo diiwaan-gelineed. Hase-yeeshee Komiishanka Doorashooyinka Qaranku wuxuu awood u leeyahay in uu sammeeyo goobo cusub ama in uu goobihii hore u jiray u raro ( beddelo) meelo kale si loo de-dejiyo geedi-socodka diiwaan-gelinta.

j)    Marxaladda Dhammaystirka Diiwaan-gelintu waxa ay ahaanaysaa mid daba socon doonta marxalladda diiwaan-gelinta rasmiga ah, soconna doonta muddo dhan 15 maalmood oo koox hawl-wadeeno ahi ka hawl-galayaan Xafiis kasta oo diiwaan-gelineed oo heer-degmo ah, si ay xogaha diiwaan-gelinta la xidhiidha uga soo qaadaan muwaadiniinta ka soo gaadhi waayay waqtigii Marxaladda diiwaan-gelinta rasmiga ahi socotay.

 

QODOBKA 3AAD

NIDAAMKA DIIWAAN-GELINTA RASMIGA AH.

Qodobkani waxa uu bedelayaa Qodobadda 12(1&2), 18 &19 ee Xeerka Diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha, waana sidan:-

Waa in la raaco dhammaanba tallaabooyinka soo socda marka la sammaynayo Diiwaan-gelinta rasmiga ah, una kala horeeya sidani:-

b)  Masuulka Wasaaradda Arrimaha Guduhu;

    i.     Wuxu waydiinayaa qofka in uu yahay muwaadin Somaliland ah, xaqiijin ka dibna waxa uu Wakiilka Maxkamaddu ku dhaarinayaa hortiisa, Muwaadin kasta oo is-diiwaan-gelinaya, da’diisuna ka yaraanayn 16 sanno Maalinta loo qorsheeyay Doorashada Madaxtooyada.

     ii.   Mas’uulka Wasaaraddu haddii uu ku qanco Jawaabta uu ka hello Isdiiwaan-geliyaha waxa uu u ogolaanaya in diiwaan-gelinta qofkaasi muwaadinimadiisu sugantay la sii wado.

t)  Hawl-wadeenka Komiishanka Dooarshooyinku waxa uu isagoo adeegsanaya  Kombuyuutarka Lap-tobka ah, ka qorayaa is-diiwaan-geliyaha xogta isaga la xidhiidha ee uu qeexayo Qoddobka 8aad ee Xeerka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, sidoo kalena waxa uu sawir elektaroonik (Electronic) ah, ka qorayaa is-diiwaan-geliyaha xogta isaga la xidhiidha ee uu qeexayo Qoddobka 8aad ee Xeerka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, sidoo kalena waxa uu sawir electroonika (Electronic) ah iyo farahaba ka qaadaya is-diiwaan-geliyaha oo uu kombuyuutarka gelinaya.

j)   Is-diiwaan-geliyaha, waxa loo akhrinayaa xogta laga qoray waana in la hubiyo in uu ogolaaday, ka dibna diiwaan-geliyuhu waxa uu ku xafidaya Kombuyuutarka.

x)  Mas’uulka Diiwaan-geliyaha ahi waxa uu ka soo saarayaa Kombuyuutarka;-

    i.     Laba nuqul oo isku mid ah, oo ah foomka diiwaan-gelinta, kuwaasi oo mid la siin doono Wasaaradda Arrimaha Gudaha ka kalena noqon doono diiwaanka Diiwaan-geliyayaasha.

    ii.    Kaadhka Muwaadnimadda iyo Kaadhka cod-bixinta doorashada.

Kh)  Mas’uulka ka socda Komishanka, ahna Guddoomiyaha Goobta, ayaa saxeexaya kaadhka cod-bixinta, halka uu mas’uulka ka socda Wasaaradduna uu saxeexi doono kaadhka muwaadinimadda. Labadda mas’uul waxa kale oo ay saxeexayaan labadda nuqul ee foomka diiwaan-gelinta. Is-diiwaan-geliyuhuna waa in uu suulka bidix dhigo ama saxeexo labadda foom iyo weliba kaadhka cod-bixinta doorashada iyo kaadhka Muwaadinimadda.

d)  Is-diiwaan-geliyaha waa in far-yaradda bidix ee gacanta loo geliya khadka aan masaxmin, haddii ay maqan tahayna faryarta midig ee gacanta. Haddii ay labadduba maqan-yiheinna laga mariyaa khadka meel uu ka muuqan karo oo jidhkiisa ah.

r)   Is-diiwaan-geliyaha waxa isla - goobtaasi lagu siinayaa kaadhka muwaadnimadda iyo kaadhka cod-bixinta doorashadda.

 

QODOBKA 4AAD

NIDAAMKA DHAMMAYSTIRKA DIIWAAN-GELINTA

Qodobkani waxa uu beddelayaa oo uu halkiisii gelayaa, Qodobadda 12(1& 2), 18 & 19. Sidoo kalena waxa uu wax ka bedelayaa Qodobka 14aad ee Xeerka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaash,a waana sidan:-

1.  Nidaamka loo racaayo hir-gelinta marxalladda dhammaystirka diiwaangelintu waxa uu noqonayaa nidaam la mid ah ka loo raacay hir-gelinta Marxaladda diiwaan-gelinta rasmiga ah ee cod-bixiyayaasha. Hase yeeshee is-diiwaan-geliyaha, isla marka la diiwan-geliyo la siin maayo kaadhka codbixiyaha iyo kaadhka muwaadinka, halkoodii waxa laga siinayaa nuqul daabacan oo muujinaya xogtii isaga/iyada laga buuxiyay ee la geliyay kombuyuutarka;

2.  Marka uu Komiishanku soo af-jaro hubinta in aanay jirin dad hal mar in ka badan is diiwaan-geliyey, ayaa kaadhka cod-bixinta iyo kaadhka muwaadinimadda laga siinayaa is-diiwaan-geliyaha, isla xafiiskii uu hore isaga diiwan-geliyey, isagoo la imanaya halkaasi nuqulkii daabacnaa ee laga siiyay Xafiiska Diiwaan-gelinta Degmadda;

3.   Muddada lagu jiro marxaladda dhammaystirka Diiwaan-gelinta lama dabaqayo xarfaha  (t) iyo (j) ee Qodobka 14ad ee Xeerka Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha, marka la diiwaan-gelinayo, waa in uu muwaadinku cayimo goobta uu jecel yahay in uu ka coddeeyo, taasi ayaana lagu Diiwaan-gelinayaa Foomka diiwaan-gelinta iyo labada kaadhba, halkaasi ayuun baanu muwaadinkaasi ka dhiibanayaa codkiisa Maalinta Doorashada, meel kalena ka coddeyn maayo.

 

QODOBKA 5AAD

FOOMKA DIIWAANGELINTA

Qodobkani waxa uu wax-ka-beddel ku sammaynayaa, isla markaana kaabaya qoddobada, 8,(7 & 9) iyo 31(4 & 5), waana sidan;-

Lambarka Diiwaan-gelinta u gaarka ah ee lagu xusay Qoddobka 8aad ee Xeerka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaashu waa inuu la mid yahay kuwa u gaarka noqonaya  kaadhka cod-bixiyaha iyo kaadhka muwaadinka.

  

QODOBKA 6AAD

XIDHISTA DIIWAAN-GELINTA

Qoddobkani waxa uu kaabayaa oo habeynayaa Qoddobada 27 & 30 ee Xeerka Diiwaan-gelinta Cod-bixyayaasha, waana sidani.

b)  Mar haddii ay Gobollada ka dhammaato marxaladda dhammaystirka Diiwaan-gelintu ma jirayo qof dambe oo la diiwaan-gelinayaa.

t)   Waxa diiwaan-gelin la samayn doonaa uun ka dib marka ay dhaamaadaan Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanada iyo ta Madaxtooyada ee xilligani 2008/2009.

j)   Komiishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa ku dhawaaqaya wakhtiga dambe ee Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha dib loo furayo.

 

QODOBKA 7AAD

KU DHAWAAQIDDA WAKHTIGA DIIWAAN-GELINTA (REGISTRATION CALANDER)

Qoddobkani waxa uu wax ka beddelayaa Qoddobka 12aad (3) ee Xeerka  Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, waana sidan:-

Kalalka (Wakhtiyada) Diiwaan-gelinta Gobollada waxa ku dhawaaqaya oo faafinaya Komiishanka Doorashooyinka Qaranka, isagoo adeegsanaya aaladaha war-baahineed ee Dalka ka jira, waana in uu xil gaar ah iska saaro Komiishanku, si uu u xaqiijiyo in muwaadiniinta Gobol kasta ogaaddaan kalka/wakthiga loo cayimay gobolkooda, inay ka qabsoonto diiwaan-gelinta cod-bixiyayaashu.

 

QODOBKA 8AAD

NIDAAMKMA LOO ILAALINAYO QALABKA DIIWAANGELINTA

Qodobkani waxa uu bedelayaa oo uu halkoodii gelayaa Qodobada 22 iyo 23(1) ee Xeerka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, waana sidan:-

 1.  Muddada lagu jiro marxladda Diiwaan-gelinta Rasmiga ah, dhammaanba Qalabka iyo agabka kale ee loo adeegsaday Diiwaan-gelinta iyo waliba natiijada ka soo baxday hawsha la qabtay maalintaasi, waxa meel ammaan ah ku xafidaya oo hayntooda u xilsaaran masuulka uu Komiishanku Doorashooyinku u xilsaaro hawshaasi iyada ah.

 2.  Maalin kasta bilawga iyo dhammaadka hawsha diiwaan-gelinta ee maalintaasi, waa in ay hawl-wadeenadu buuxiyaan foomka bilawga hawsha iyo foomka la gelinayo natiijada hawsha maalintaasi la qabtay. Dhammaan mas’uuliyiinta ku hawlan hawsha diiwaan-gelinta iyo waliba Wakiilada Xisbiyada Siyaasiga ah waa in ay wada saxeexaan foomamkaasi oo dhan.

 3.  Marka ay dhammaato Marxaladda diiwaan-gelinta Rasmiga ah ee Gobolku, qaabka loo gudbinayo foomamka loo adeegsaday diiwaangelinta, war-bixinaha geeddi-socodka diiwaan-gelinta iyo xogaha electroonikada ku diiwaangashanba, waxa habka loo keydinayo tilmaan ka bixinaya Komiishanka doorashaooyinka Qaranka. 

 

QODOBKA 9AAD

GUDBINTA CABASHOOYINKA MUWAADINIINTA

Qoddobkani waxa uu beddelayaa oo halkiisii gelaya Qoddobka 28aad ee Xeerka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, waana sidani;-

Ka hor Maalinta ay dhacayso doorashada hore, Komiishanka Doorashooyinka Qaranku waxa uu goob kasta oo cod-bixineed geynayaa foomam loogu talo galay, in muwaadiniintu ku soo gudbiyaan wixii cabasho ah ee la xidhiidha Diiwaan-gelinta, kuwaasi oo komishankuna ka go’aan gaadhayo ka hor Doorashada labaad.

   

QODOBKA 10AAD

DAABACAADDA IYO SOO BAN-DHIGIDDA LIISASKA

Qoddobkani wuxuu wax ka beddel ku samaynaya Qoddobka 27aad  ee Xeerka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, waana sidani:-

a)   Liiska Muwaadiniinta iska-diiwaan-geliyay Goobaha, kana coddayn doona oo daabacan kuna daabacan waraaqaha Rasmiga ah ee Komiishanka Doorashooyinka Qaranka, lehna Shaanbadda Xafiiska waa in lagu dhajiyaa Goob doorasho-kasta oo cod-bixineed laba bilood gudahood Maalinta Doorashada loo muddeeyay in la qabto.

b)   Qodobada 13aad, 27aad iyo 28aad ee Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha laguma dabaqayo diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Doorashada ugu soo horreysa, marka laga reebo wixii laga soo qaatay qodobadaasi ee ku jira lifaaqan.

 

QODOBKA 11AAD

XEERKA HAB-DHAQANKA  (CODE OF CONDUCT)

b)   Wixii Faah-faahin ah ee ku saabsan geeddi-socodka Diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha, goorta uu bilaabmayo ololaha doorashada ugu soo horeysa, xal-ka-gaadhista cabbashooyinka xisbiyada siyaasiga ah iyo muddada u dhaxaynaysa Doorashooyinka 1aad iyo 2aad ee soo-socda, waxa go’aaminaya heshiis ay wada gelayaan Komiishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Xisbiyada Siyaasadu.

 t)   Heshiiska ku xusan Xarafka (b) ee Qoddobkani, waxa uu noqonayaa xeer hab-dhaqan oo ka mid noqonaya Xeerarka lagu dhaqayo geeddi-socodka diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha ugu soo horreysa.

 

QODOBKA 12AAD

MUDDADA LAGU DHAQMAYO LIFAAQAN XEER

Lifaaqan Xeer waxa uu dhaqan-gelayaa marka uu ansixiyo Golaha sharci-dejintu, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland-na saxeexo.

 

Allaa Mahad Leh

 

Md. C/raxmaan Maxamed C/laahi(Cirro)                                                  Maxamed Xassan Kaahin (Kayse) .                                         Guddoomiyaha Golaha Wakiilada                                                          Xog.Guud ee Golaha Wakiilada.

       ____________________                                                                         ___________________          

 


Jamhuuriyadda Somaliland

Golaha Wakiillada

 Somaliland Voter Registration Law - Law No: 37 of 2007

Xeerka Diiwaan-Gelinta Cod-bixiyayaasha

Xeer Lr.37/2007

 

Markuu Arkay:  Qoddobada 4aad, faq. (1), 8aad faq.(1), 9aad faq.(1), 22aad, faq. (2), 111aad, faq.(2) ee dastuurka qaranka JSL.

Markuu arkay:   In ay muhiim tahay in laga faa’iidaysto waayo aragnimadii laga dhaxlay doorashooyinkii kala duwanaa ee  ay soo  martay  ummada Somaliland taas oo muujinaysa in loo baahan yahay in la adkeeyo  nidaamka sharci  ee suurto gelinaaya in  ay  muwaadiniintu cod-kooda ku dhiibtaan isla markaana la tir-tiro in ay dhacdo in lagu noq-noqdo cod-bixinta  taa soo sharci-daro ah.

Markuu xaqiiqsaday:  In habka ugu wanaagsan  ee lagu  sixi karo  nidaamka  doorashadu  uu yahay  in la  abuuro nidaam  lagu Diwaan-gelinayo dhamaan cod-bixiyeyaasha taas  oo  sahlaysa in cod-bixiyeyaashu ay si sahlan codkooda u dhiibtaan maalinta doorashad.

Markuu ka Dooday:    Wax-ka bedelka iyo soojeedinta golaha guurtidu ay ku sameeyeen mashruuc sharcigan.

Wuxuu ansixiyey soona saaray Xeerka Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Xeer Lr. 37/2007

XEERKA DIIWAAN-GELINTA COD-BIXIYEYAASHA

CUTUBKA KOOWAAD

 

Qodobka 1aad

 Macnaha Eray-bixinta

1. Diiwaanka:         Waxa loola jeedaa diwaanka lagu qoro magacyada cod-bixiyayaasha ee  goob-doorasho kasta.

2. Diiwaanka Guud:       Waxa loola jeedaa diiwaanka dhexe ee la dhigo xarunta komishanka doorashooyinka  kaasoo lagu kaydiyo dhammaan magacyada   cod-bixiyeyaasha  qaranka Somaliland

3. Cod-bixiye:      Waxaa loola jeedaa muwaadin kasta oo xaq u leh in uu wax doorto, lana doorto islamarkaana gaadhay da’da cod-bixinta.

4. Muwaaddin:      Waxaa loola jeedaa qof kasta oo buuxiyay shuruudaha uu tilmaamayo Xeerka Jinsiyaddu xeer Lm. 22/2002.

5. Diiwaanka Gobolka

    ama Degmada:       Waxaa loola jeedaa diiwaanka heer gobol ama degmo

6. Kaadhka Cod-bixinta: Waxa loola jeedaa kaadhka la siiyo cod-bixiyaha marka la diiwaan-geliyo.

7. Kaadhka Aqoonsiga:     Waxaa loola jeedaa kaadhka aqoonsiga muwaaddinimo (teesarada)

8. Komishanka:       Waxaa loola jeedaa komishanka doorashooyinka qaranka

9.  Wakiil Xisbi:     Waxa loola jeedaa xubinta uu xisbi u soo magacaabo in uu wakiil uga noqdo goobaha diiwaan-gelinta codbixiyayaasha.

10. Goob-joogayaal:   Waxa loola jeedaa kormeerayasha caalamiga iyo kuwa maxaliga ah ee hubinaya habsami u socodka hawlaha diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha.

11. Dastuur:    Waxa loola jeedaa dastuurka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland

                           

Qodobka 2aad

Mabaadii’da Guud

Xeerkan waxaa lagu maamulayaa Diiwaan-gelinta codbixiyayaasha  Qaranka Somaliland

 

Qodobka 3aad

Shaqada Komishanka Doorashooyinka Qaranka

Komishanka Doorashooyinka Qaranku isagoo la kaashanaaya Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxaa uu dalka Somaliland ka  dhaqan-gelinayaa hawsha diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha.

 

Qodobka 4aad

Diiwaanka Cod-Bixiyeyaasha Qaranka Somaliland

Xeerkani waxa uu aasaasay Diiwaanka cod-bixiyeyaasha Qaranka Somaliland, Diiwaankaasi oo lagu diiwaan-gelin doono dhammaan muwaaddin kasta oo xaq u leh in uu wax doorto ama la doorto, sida ku cad Dastuurka yo Xeerarka kale ee dalka. Diiwaanku waxa uu noqonayaa Dokumenti lagu kaydiyo Qalabka Kombiyuutarka iyo qoraal oo ka kooban dhammaan xogaha laga qoro muwaaddinka marka loo diiwaan-gelinaayo cod-bixiye ahaan.

 

Qodobka  5aad

Daabacaadda Diiwaanka Cod-bixiyayaasha

Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa xil ka saaran yahay habaynta, dhaqan-gelinta iyo daabacaadda  diiwaanka codbixiyeyaasha. Diiwaanka guud  waa in la dhigo xarunta Komishanka qaranka, waxaana maamuli doona Waax gaar ah oo uu madax ka yahay mas’uulka diiwaanka codbixiyeyaasha ee Qaranka, oo ay magacaabayaan komishanka qaranku, waxa kale  oo jiraya diwaanka gobolka, degmada, iyo goobta.

 

Qodobka 6aad

La haanshaha diiwaanka

Diiwaanku waa hanti ummadeed waxaanu u furan yahay dadweynaha. Xisbi kasta oo siyaasadeed waxa uu xaq u leeyahay in uu la socdo habaynta, dhaqan-gelinta, iyo daabacaadda  Diiwaanka. Muwaaddin kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu Xarunta uu yaallo Diiwaanku uu ka helo xog kasta oo uu u baahdo oo ku saabsan arrimaha Doorashooyinka.

 

Qoddobka 7aad

Hawl-galka diiwaan-gelinta Cod-bixiya-yaasha & sugidda Muwaadinimadda

Bilawga Hawl-galka diiwaan-gelinta cod bixiya-yaasha waxa sal-dhig iyo gun-dhig u ah Qoddobadan soo socda oo ay waajib tahay in la dhammaystiro.

1)        Marka diiwaan-gelinta la sammaynayo waa in la sugo Muwaadinnimada Qofka Somalilanderka ah (Nationality ID card) iyo tan Diiwaan-gelinta cod-bixiyaha (Registration Card) oo mar la wada qabanayo, is-diiwaan-gelinta ugu horaysa  oo kaliya

2)       Maadaama Xeerka Jinsiyada xeer lambar 22/2002 Qoddobkiisa saddexaad (3) farqada 1aad Xarafka A & B anu sahli karin, lana jaaan-qaadi karin sugida Muwaadinnimada & Diiwaan-gelinta cod-bixiyaha, iyada oo aan laga heli karin Maxkammadd goob-kasta,  ayaa waxa leh awoodda bixinta Aqoonsiga Muwaadinka Wakiiladda Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wakiilka Maxkammada, iyada oo ay goob-joog yihiin Wakiiladda Komishanka & Xisbiyada. 

3)       Goob kasta oo diiwaan-gelineed waxa ka hawl-galaya:

    1         Wasaarada Arrimaha Gudaha laba Xubnood

    2         Wakiilka Maxkammada Hal Xubin

    3         Komishanka Qaranka laba Xubnood

    4         Wakiilada Xisbiyada Saddex Xubnood

 Qoddobkani waxa uu si gaar ah dhaqan gal u ahaanaya xilliga diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha ee u horaysa. Wakhtiyda lagu jiro xilliyada aanay diiwaan-gelinta cod-bixiyayaashu jirin waxa la adeegsanaya Qoddobka 3aad ee Xeerka Jinsiyada Xeer Lambar 22/2002.

4)       Diiwaan-gelinta waxa loo raacayaa heerarkan ama jaran-jarooyinkan :-

    b.      Qofkasta oo raba in uu is diiwaan-geliyo wuxu soo maraya Wakiiladda Wasaaradda & Wakiilaka Maxkammada ka dib marka ay sugnaato muwaadinnimadiisnau wuxu u gudbaya Wakiiladda Komishanka oo diiwaan-gelin doona iyaga oo Wakiiladda Axsaabtuna ay goob joog-yihiin.

    t.       Waxa isla goobtaasi lagu wada siinaya qof kasta oo ay u sugnaatay Muwaadinimadiisu Kaadhka Muwaadinimadda (Nationality Card) iyo kan diiwaan-gelinta cod-bixiyaha (Registration Card).

    j.         Marka ay sugnaato Muwaadinnimada qofka is diiwaan-gelinaya, laguna dhaarto in uu muwaadin yahay waxa uu Mas’uulka Wasaaraddu gelinaya formka rasmiga ah,waxana lagu qorayaa magaca oo afran, sanadka dhalashada lab & dhedig in uu yahay qof xaas leh iyo in kale, ka dibna Mas’uulku ku saxeexo wakiilka maxkammada hortiisa.

5)       Qofka ay Wasaaradda & Maxkammadu ay sugi kari waydo Muwaadinimadiisa waxa lagu war-gelinayaa in uu wakhti cayiman Guddigga horteeda ku keeno Caaqil, haddii ay suurta-geli waydana uu keeno qof la yaqaan oo Hanti ma-guurta ah ku leh Degaanka, oo caddeeyaa in uu yahay muwaadin Reer Somaliland ah, kuna dammiinto hantiddiisa.

6)       Maxkammadaha Racfaanka ee Gobolladda ayaa magaacabaya Wakiiladda Maxkammadaha ee uga qayb-gelaya goobaha diiwaan-gelinta cod-bixiya-yaasha, Wakiiladda maxkammadaha & xisbiyadu waa in ay sitaan warqad Wakaaladda  rasmiga ah iyo kaadhadh aqoonsi (ID card).

7)       Diiwaan-gelintu waa hawl qaran oo soconaysa muddo cayiman (periodic process).

 

Qoddobka 8aad

Formka Diiwaan-gelinta

Formka diiwaan-gelinta ayaa sal-dhig u noqonaya diiwaan-gelinta Muwaadinka, Diiwaan-gelinta oo dhammaystiran ayuunba la gelin karaa diiwaanka.

 

Formka Diiwaan-gelinta waxa lagu qorayaa ugu yaraan xogaha hoos ku qoran ee Cod-bixiyaha :-

1.       Magaca Cod-bixiyaha oo afran una qoran sida uu ugu qoran yahay formka Muwaadinimda ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha

2.       Sanadka uu dhashay iyo meesha uu ku dhashay

3.       Lab ama dhedig

4.       Goob-doorasho Gobol ee uu cod-bixiyuhu ka dhiibanayo codkiisa

5.       Sawirka cod-bixiyaha.

6.       Saxeexa cod-bixiyaha ama tilmaan tusaysa in aanu cod-bixiyuhu saxeexi karayn

7.       Lambarka gaarka ah ee lagu diiwaan-geliyay cod-bixiyaha

8.       lambarka tix-raaca diiwaan-gelinta cod-bixiyaha

9.       lambarka warqadda Aqoonsiga (ID Card Number)

10.     Komishanka Doorashooyinku waxa uu awood u leeyahay in uu ku daro formka Diiwaan-gelinta xog kasta oo dheeraad ah oo ay u arkaan in ay muhiim u tahay in ay qabsoonto doorasho Dimuqraaddi ahi, isagoo kala tashanaya Axsaabta Qaranka.

 

Qoddobka 9aad

Shaqaalaha ka hawl-galaya sugitaanka Jinsiyadda

Shaqaalaha loo qaadanayo Xafiisyada kala duwan ee sugidda Muwaadinimo waxa lagu xulanaya shuruudahan:-

1.       Waa in uu Muwaadin reer Somaliland ah yahay.

2.       Waa in aan da’diisu ka yaraan 25 jir.

3.       Waa in uu Caafimaad qabaa jidh ahaan & Maskax ahaanba.

4.       Waa in aanu xukun maxkammadeed oo kama-dambays ahi ku dhicin.

5.       Waa in uu leeyahay aqoon Dugsi Sare, heer-jaamacadeed ama wax-u-dhigma.

6.       Waa in uu ku sifoobaa karti, daacadnimo & Aaminaad Bulshada dhexdeeda ah, sumcadna ku leeyahay.

7.       Sifooyin ka kalana waxa uu la wadaagaa, sifaha lagu xullanayo Shaqaalaha Diiwaan gelinta.

 

Qodobka 10aad

Reebbanaan

Waxa reebban in shaqsiyaadka hoos ku xusan loo diwaan geliyo cod-bixiyayaal ahaan: -

1.  Qofka aanu xuskiisu dhamayn (waalan)

2.   Maxaabiista Xukuman ama gar-sugayaasha ah.

3.  Ajnabiga dalka gudihiisa ku sugan

4.  Qofka aan gaadhin da’da cod-bixinta

                                                                          

Qodobka 11aad

Shaqaalaha Diiwaan-Gelinta

1.      Si loo dhaqan-geliyo Diiwaan-gelinta, Komishanku waa in uu shaqaaleeyaa shaqaale khibrad iyo xirfad u leh dhaqan-gelinta Diiwaan-gelinta, oo ay ka mid yihiin:

    a)       Mas’uulka Diiwaanka Qaranka oo mas’uul ka noqon doona maamulka Diiwaanka islamarkaana ah madaxa Waaxda Diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha ee Xarunta Komishanka Doorashooyinka Qaranka;

    b)       Mas’uulka Diiwaanka ee Gobol kasta;

    c)        Mas’uuka Diiwaanka ee Degmo kasta. Haseyeeshee Degmooyinka ay ku nool yihiin dadweyne badani, Komishanku waxa uu xafiisyada Diiwaan-gelinta ee heer Degmo u magacaabi karaa in ka badan hal mas’uul, si hawsha doorashadu si habsami ah ay ugu dhaqangasho oo loo qabto;

    d)       Mas’uulka Diiwaanka ee goob kasta oo cod-bixineed.

2.     Shaqaalaha loo qaadanaayo xafiisyada kala duwan ee Diiwaan-gelintu waa in ay noqdaan dad reer Somaliland ah oo ka madaxbannaan siyaasadda oo lagu soo xushay khibradda iyo aqoonta looga baahan yahay booska uu ka shaqaynaayo. Inta aan qofka la shaqaalayn ka hor, Komishanku isagoo ka duulaaya shuruudaha heer caalami (international criteria), waa in uu qeexo:

    a)       Shuruudaha iyo xirfadaha looga baahan yahay qofka loo qaadanaayo booska;

    b)       Habka loo raacayo xulashada Shaqaalaha; iyo

    c)        Waajibaadyada shaqo ee qof kasta (boos kasta) uu ku lahaanayo geeddi-socodka hawsha Diiwaan-gelinta. Booska Mas’uulka Diiwaanka heer Qaran waa mid joogto ah.

3.     Qaabdhismeedka maamulka goobaha diiwaan gelinta waxaa loo raacayaa xeerka doorashooyinka qaranka.

 

CUTUBKA LABAAD

DIIWAAN-GELINTA CODBIXIYEYAASHA

 

Qodobka 12aad

Dhaqan-gelinta  Diiwaan-gelinta

1.      Komishanku waa in uu dhaqan-geliyaa diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha ugu yaraan muddo lix bilood ah ka hor maalinta doorashada.

2.     Diiwaan-gelintu waxa ay soconaysaa muddo aan ka yarayn hal bil kana badnayn saddex bilood.

3.     Komishanku isagoo adeegsanaya dhammaan hababka warbaahinta kala duwan ee ka jira dalka, waa in uu daabaco islamarkaana baahiyo xilliga loo cayimay Diiwaan-gelinta iyo dhammaan wixii xog ah ee ay muwaaddiniintu u baahan yihiin in ay ogaadaan.

4.     Komishanka waxaa ku waajib ah in uu baro islamarkaana ku wacyi geliyo muwaaddiniinta muhiimadda ay Diiwaan-gelintu leedahay.

5.      Si arrintaa loo suurto-geliyana Komishanku waa in uu diyaariyaa barnaamij qayb ka ah geedi-socodka Diiwaan-gelinta oo loogu talo-galay in lagu baro laguna wacyi geliyo dadwaynaha in ay isu diyaariyaan doorashada.

6.     Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqaya xiliga la bilaabaayo diwaan-gelinta cod-bixiyayaasha, isaga oo ku soo saaraaya digreeto Madaxweyne ka dib  marka uu helo soo jeedinta komishanka doorashooyinka qaranka muddo shan iyo toban  maalmood gudahood.

 

Qodobka 13AAD

Ansixinat Diiwaangalinta Cod-Bixiyaasha

Komishanka ayaa ansixinaaya Diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha ee doorasho kasta. Hase ahaatee, Komishanku waa in uu furo diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha muddo aan ka yarayn bil gudaheed, lix bilood ka hor xilliga doorasho kasta si loo diiwaan-geliyo cod-bixiyeyaasha cusub iyo wixii isbedel ku yimid cod-bixiyeyaashii hore loo diiwaan-geliyay,  Isla markaa kaadhadhka cod-bixinta ee hore loo bixiyey waxay noqonayaan kuwo ansax ah.

 

Qoddobka 14aad

Goobta Diiwaan-gelinta

Iyadda oo laga duulayo waaya-araginimaddii aynu ka helnay Doorashooyinkii hore-

b)      Komishanku waxa uu cayimayaa Goobo-doorashooyin, waxaanu dejinayaa nidaam lagu kala garto goobaha doorashooyinka, iyada oo uu siinaayo goob-doorasho kasta tirsi lambar (code) oo gaar u ah goob kasta.

t)        Cod-bixiyaha waxa laga diiwaan-gelinaya Goob-doorasho cayiman.

u)       Cod-bixiye kastaa, waxa uu codkiisa ka dhiibanay maalinta cod-bixinta Doorahooyinka Goobtii hore looga diiwaan-geliyay oo kaliy.

 

Qodobka 15aad

Doorka shaqo ee Wasaaradda

Doorka shaqo ee ay Wasaaradda Arrimaha Guduhu ku yeelanayso geeddi-socodka Diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaashu waxa uu noqonayaa iyadoo la raacaayo sida ku xusan Qodobka 4aad ee Dastuurka iyo Xeerka Jinsiyadda ee tirsigiisu yahay 22/2002; sidaas darteed, Wasaaraddu waa in ay  kala caddayso muwaaddinnimada shakhsiyaadka raba in ay isu diiwaan-geliyaan cod-bixinta doorashada. Hawsha shaqo ee Wasaaradda ee ah in ay xaqiijiso muwaaddin-nimada muwaaddiniinta waa in ay Wasaaraadu qabataa ka hor inta aan diiwaan-gelinta la bilaabin balse hawsha diiwaan-gelintuna ay socoto.

 

Qodobka 16aad

Wakiillada Asxaabta Qaranka ( Goob-joogayaal)

Xisbi kasta oo siyaasadeed waxa uu magacaabayaa wakiil uu u soo dirsado goob kasta oo diiwaan-gelineed. Wakiilada Xisbiyadu waxa ay hubinayaan in geeddi-socodka diiwaan-gelintu uu waafaqsan yahay sharciga, iyo in aanay dhicin wax kala takoorid ahi, iyo in aan muwaaddin looga reebin diiwaan-gelinta si sharci-darro ah, iyo in ay xaqiijiyaan in nidaamka loo raacay geeddi-socodka diiwaan-gelintu uu yahay mid sax ah. Wakiillada Xisbiyadu way diiwaangelin karaan wixii cabasho ah ee arrimahaas ku saabsan.

 

QODOBKA 17AAD

NIDAAMKA DIIWAANGELINTA COD-BIXIYAYAASHA

Maalin kasta inta aan la furin goobta lagu diiwaan-gelinaayo Codbixiyeyaasha waxaa waajib ku ah :-

1.       Mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Wakiillada Xisbiyadu waa in ay is xaadiriyaan islamarkaana ay saxeexaan qalabka diiwaan-gelinta iyagoo diiwaan-gelinaaya lambarka tixraaca Foomka Diiwaan-gelinta ee ay maalintaa ku shaqaynayaan.

2.      Marka ay shaqada dhammeeyaanna waa in sidaas si la mid ah ay magacyadooda ugu saxeexaan iyagoo sheegaaya tirada muwaaddiniinta ay diiwaan-geliyeen maalintaa; inay diiwaan-geliyaan dhacdooyinkii ay la kulmeen, gaar ahaan haddii ay jiraan foomam xumaaday ama si qaldan loo daabacay; inay qoraan tirsiga lambarka foomamka aan la isticmaalin.

3.     Wakiillada Xisbiyadu, ka hor inta aanay saxeexin, waxa ay xaq u leeyihiin inay dhiibtaan wixii talo ah ama cabasho ah ee la xidhiidha diiwaan-gelinta maalintaas.

4.     Labada Dokumenti ee la saxeexay waa in nuqullo ka mid ah la siiyo Mas’uulka ka socda Wasaradda Arrimaha Gudaha iyo Wakiillada Xisbiyada ee goobtaas jooga.

5.      Haddii mid ama in ka badan oo wakiillada Xisbiyada ka mid ahi ay diidaan in ay saxeexaan dokumentiga, mas’uulka ka socda Komishanka Doorashooyinku waa in uu arrintaas diiwaan-geliyo. Si kastaba ha ahaatee, ka baaqsashada uu wakiil ka mid ah Xisbiyadu ka baaqdo in uu saxeexo dokumentiga waxba ma yeelayso (uma dhimayso) hawsha Diiwaan-geinta.

 

QODOBKA 18AAD

HAWSHA MAS’UULKA KOMISHANKA DOORASHOOYINKA QARANKA

Marka uu mas’uulka Komishanka Doorashooyinka Qaranku helo nuqulka caddaynaya muwaadinnimada cod-bixiyaha waxa uu qabanayaa hawlahan soo socda:

1)       Mas’uulku waa inuu waydiiyo cod-bixiyaha in ay rasmi yihiin xogaha la geliyay foomka muwaadinnimada.

2)       Mas’uulku waa inuu xogta sare ku xusan geliyo Foomka diiwaan-gelinta cod-bixiyaha, isla markaana uu u akhriyo cod-bixiyaha.

3)       Cod-bixiyuhu waa inuu suulka bidix dhigo ama  saxeexo Foomka diiwaan-gelinta codbixiyaha iyo kaadhka codbixinta,

4)       Cod-bixiyaha waa in la sawiraa isla markaana la siiyaa kaadhka cod-bixinta.

5)       Cod-bixiyuhu waxa uu qaadanayaa kaadhka codbixinta, iyadoo ay joogaan mas’uulka iyo wakiillada Xisbiyada Siyaasaddu.

6)       Cod-bixiyuhu waa inuu saxeexaa inuu qaatay kaadhka cod-bixinta.  

 

QODOBKA 19AAD

CABASHADDA COD-BIXIYAHA EE XOGTA FOOMKA LA GALIYAY

Haddii uu cod-bixiyuhu sheego in aanuu ku qanacsanayn xogaha lagu buuxiyay (la geliyay) Foomka muwaadinnimada, mas’uulka Komishanka Doorashada Qaranku waxa uu nuqulkaasi ku celinayaa mas’uulka wasaaradda si uu u saxo.

 

QODOBKA 20AAD

COD-BIXIYAHA AAN LAHAYN AWOODA SAXEEXA

Haddii  cod-bixiyuhu aanu saxeexi karahayn Foomka Diiwaan-gelinta, waxa uu ku saxeexayaa Suulka oo uu saarayaa. Haddii uu cod-bixiyuhu naafo yahay oo aanu adeegsan karahayn suulka bidix , waxa uu adeegsanayaa suulka gacanta midigta, waase in sababta lagu qoro diiwaanka. Haddii uu codbixiyuhu naafo dhammaystiran yahay waa in arrintaa lagu sheego Foomka Diiwaan-gelinta.

 

QODOBKA 21AAD

 SIXITAANKA DA’DA

Haddii uu muwaadinku yahay mid aan gaadhin da’da doorashada xiliga diiwaan-galinta, balse uu gaadhayo da’da doorashada wakhtiga doorashada, qofkaasi waa la diiwaan-gelinayaa kaadhka cod bixintana waa la siinayaa.

 

QODOBKA 22AAD

HABKA XAFIDAADA QALABKA DIIWAAN-GELINTA

1.      Marka ay dhammaato hawl-maalmeedka shaqo ee diiwaangalintu, dhammaan Foomamka diiwaangelinta iyo Foomamka muwaadinnimada iyo qalabka kale ee loo isticmaalay diiwaangelinta waxa lagu celinayaa oo la dhigayaa si looga qaado maalinta shaqo ee xigta xafiiska diiwaangalinta ee Degmada. Haddii sidaas la yeeli waayo, Mas’uulka Diiwaangelinta Degmada waxa xil ka saaran yahay in sida ugu dhakhsaha badan uu u wargeliyo Booliiska islamarkaano uu faro in mas’uulka qaladkaasi ku kacay la soo qabto loona keeno mas’uulka Degmada; Haddii uu qaladku yahay mid ku yimi dhayalsi ama si niyad xumo ah, mas’uulka Degmadu waxa uu islamarkaaba shaqada ka eryayaa masuulka ku kacay falkaasi ama waxaa lagu ciqaabayaa Xeerka Ciqaabta iyadoo loo eegaayo xaaladda iyo hadba culayska fal-dambiyeedkaasi uu leeyahay.

2.     Meelaha ay jirto gaadiid  xumo, dokumentiga waxuu ku dhaxayaa diiwaangaliyaha goobta oo u gudbin doona diiwaangaliyaha Degmada hal mar todobaadkiiba maalinta khamiista. Haseyeeshee mas’uulka diiwaaangeliyaha ah waxa uu xil ka saaranyahay qorista iyo xafidaada diiwaanka hawl maal- meedka diiwaan-gelinta oo dhan sida ku qeexan Qodobka 17aad ee Xeerkan. Komishanka ayaa go’aaminaya goobdoorashooyinka uu qodobkani saamaynayo, iyagoo la tashaday xusbiyada qaranka.

3. Hawlmaalmeedka goobta diiwaangelinta waxaa la bilaabayaa 6:00 subaxnimo,waxaanay dhammaanaysaa 6:00 galabnimo,haddii dib u dhac ku yimaado saacada furitaanka ee goobta waa in lagu caddeeyo war bixinta sababta keentay dib u dhacaas,haddii dib udhacu aanu garawshiiyo lahayn waa in masuulka diiwaangelinta ee degmadu talaabo ka qaadaa,sidaasina uu war bixinta uu ku guddbiyaa.

Haddii la gaadho 6:00 galabnimo oo ay joogaan dad aan la diiwaan gelin, waxaa loo raacayaa xeerka doorashooyinka,waxaana la diiwaan gelinayaa dad kaas ilaa in ta ay ka dhammaanayaan dadka markaas joogaa.

 

QODOBKA  23AAD

WAAJIBAADKA MAS’UULIYIINTA DIIWAAN-GELINTA

1.      Masuulka diiwaangalinta  ee heer Degmo wuxuu habaynayaa oo uu haynayaa gelinayaana warbixinada diiwaangelinta qabsoontay todobaad walba Foomka uu siin doono Komishanku, wuxuuna u gudbinayaa mas’uulka heer Gobol xog faahfaahsan oo ku saabsan sida ay diiwaangalintu uga qabsoontay todobaadkii tagay Degmadiisa.

Mas’uulka heer Gobolna ka dib markuu soo ururiyo warbixinta degmooyinka gobolka wuxuu u gudbinaya warbixin dhamaystiran komishanka qaranka.

2.     Komishanka waxa waajib ku ah inuu todobaad kasta ku daabaco Wargaysyada Qaranka kana baahiyo Idaacadaha iyo Telefeeshinka tirada muwaadiniinta is diiwaangelisay  iyo inuu sidoo kale qaado talaabooyin uu dadka ku wacyi –gelinayo si ay suurtogal ugu noqoto in ay isdiiwaan- geliyaan tirada ugu badan ee suurto galka ahi.

Komishanku wuxuu bixinayaa dhammaan Foomamka loo baahdo oo dhan. Warbixintuna waa inay lahaato saxeexa masuulka soo diray.

 

QODOBKA 24AAD

HAB QORAALKA MAGACYADA

Magaca cod-bixiyaha waa in lagu qoro xuruuf la isla wada sar-gooyey; waana in aanay kala duwanaanin xuruufta iyo qoraalka ay Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo masuuliyiinta Komishanku u adeegsanayaan diiwaangalinta.

 

QODDOBKA 25

MURANKA DA’DA COD BIXIYAHA.

Haddii Mas’uulka Wasaaradda ama wakiilka Maxkamaddu aanay hubin ama mugdi ka  galo da’da muwaadinku in ay gaadhay da’dii cod-bxinta-doorashada waxa la waydiinayaa oo la qaadanaya da’da uu sheego Waalidkii , haddii la waayana waxa go’aan ka gaadhaya Mas’uuliyiinta Goobta.                           

 

CUTUBKA SADDEXAAD

LIISKA COD-BIXIYEYAASHA

                            

QODOBKA 26AAD

SOO SAARISTA LIISASKA

Komishanka Doorashooyinka Qaranku, isagoo ku salaynaya liiska magacyada diiwanka ku jira, waa in uu soo saaro liisaska kala duwan ee codbixiyayaasha ee lagama maarmaanka u ah qabsoomidda Doorashada. Si uu u noqdo liis cod-bixineed oo rasmi ah (official). Liis kastaa waa inuu yeeshaa shaambadda Komishanka iyo saxeexa xubin ka mid ah Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

 

QODOBKA 27AAD

DAABACAADA IYO SOO BANDHIGADA LIISASKA

1.      Shan bilood ka hor maalinta doorashada, waa in la gaadhsiiyo mas’uuliyiinta diiwaan-gelinta goobaha diiwaan-gelineed, lana bilaabo diiwaangelinta iyada oo koobaysa magaca cod-bixiyaha iyo waxyaabaha kale ee looga baahan yahay.

2.     Liisku waa inuu ku daabacan yahay waraaqaha rasmiga ah ee Komishanka waana inuu leeyahay shaambadda xafiiska.

3.      Muddada Diiwaan-gelinta haddii ay dhamaato, ayse goobta ay ku sugan yihiin dad aan is diiwaan-gelin  oo doonaya in ay is Diiwaan-geliyaan waa in diiwaan-gelintu socata ilaa dadka joogaa dhamaadaan.

 

QODOBKA 28AAD

SAXITAANKA XOGAHA KHALDAMA

1.      Cod-bixiyaha ku arka wax ka qaldan liiska diiwaangelinta oo isaga ku saabsan, waa inuu u sheego mas’uulka diiwaangalinta kuna qoro qaladka saxeexana foomka loogu talo galay arintan. Mas’uulkanina waa inuu sida ugu dhakhsaha badan u sameeyo sixitaan, warbixinna u gudbiyo mas’uulka diiwaanka heer qaran isagoo u sii marinaya mas’uullada heer Degmo iyo Gobol.

2.     Cod-bixiyaha beddela deegaankiisa intii la diiwaangeliyay kadib, ee jecel inuu ka codeeyo goob doorash kale, waa inuu ugu tago mas’uulka diiwaanka Degmada inta aanay dhammaan muddada labada toddobaad ah ee ku xusan Qodobka 27aad ee Xeerkan isagoo tusaya mas’uulka kaadhkiisa cod-bixinta una sheegaya goob- doorashada kale ee uu jecelyahay inuu ka codeeyo. Mas’uulka diiwaangelinta Degmaduna waa inuu bedddelka goob-doorashada ku qoro Foomka loogu talo galay una gudbiyo mas’uulka diiwaangelinta Qaranka.

3.     Marka ay dhammaato muddada loogu talo galay beddelka iyo sixitaanku, mas’uulka diiwaangalinta Qaranku wuxuu xog faahfaahsan ka diyaarinayaa dhammaan wixii is- beddelay, wuxuuna xogtan u gudbinayaa Komishanka si loo ansixiyo loona ogolaado in isbeddeladan la geliyo Diiwaanka.

 

QODOBKA 29AAD

SOOSAARISTA LIISASKA KAMA DAMBAYSTA AH

Marka la diiwaangeliyo dhammaan wixii isbeddel ah, waxaa la diyaarinayaa lana gelinayaa Kombiyuutarka liiska kama dambaysta ah oo noqonaaya liiska uu Komishanku amri doono in laga daabaco dhammaan liisaska loo baahan yahay sida ay jidaynayaan Xeerarka Doorashooyinku iyo hadba sidii kale ee uu Komishanku u arko in ay lagama maarmaan u tahay habsami-u-socodka doorashada. Markay hawshani dhamaato, Komishanku wuxuu siinayaa hal nuqul liiskii oo ah elektroonik (electronic format) wasaaradd Arimaha Gudaha, xisbiyada siyaasiga ah. Liiskaas oo habaysan heer degmo iyo goob codbixineed waxa ka koobnaanayaa magacyada  codbixiyeyaasha oo dhan oo hurmaysan sida xuruuf magacyada u kla horeeyaan (alphepetical order) iyo lambarka u gaarka ah ee mid waliba leeyahay.

 

CUTUBKA AFRAAD

KAADHKA COD-BIXINTA

 

QODOBKA 30AAD

QAYBINTA KAADHADHKA COD-BIXINTA

Komishanku waa inuu siiyo kaadhka cod-bixinta muwaadin kasta oo isdiiwaangaliyay. Si uu muwaaddinku u adeegsado xaqa doorashada waxa lagama maarmaan ah inuu muwaaddinku tago goobaha codbixinta isagoo sita kaadhka codbixinta.

 

Qoddobka 31aad

Xogta lagu qorayo kaadhka

Kaadhka Diiwaan-gelinta cod-bixiyaha waxa waajib ah in ay ku qornadaan xogtan hoose:-

1)   Magaca oo afran

2)   Sawirka Cod-bixiyaha

3)   Saxeexa Cod-bixiyaha ama Suulka.

4)   Lambarka Warqada aqoonsiga (ID Card)

5)   Lambarka Tixraaca Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha.

6)   Sanadka uu dhashay.

7)   Lab ama Dhedig

8)   Goobta Doorashada uu Cod-bixiyuhu ka dhiibanayo Codkiisa

 

QODOBKA 32AAD

NOOCA KAADHKA COD-BIXINTA

Kaadhka cod-bixintu waa inuu ka samaysanyahay shay  aan si fudud u duugoobayn ama dhammaanayn oo aan la foojari-garayn karahayn. Kaadhka cod bixintu wuu nasakhmayaa lana ogolaanmaayo in lagu codeeyo haddii uu kaadhku tirtiran yahay ama ay qaybi ka maqantahay oo aan la akhriyi karahayn.

 

QODOBKA 33AAD

REEBANAANTA HALKA KAADH WAX KA BADAN

Muwaadinna looma oggola inuu qaato ama haysto hal kaadh cod bixin wax ka badan. haddii lagu helo si khiyaamo ama been abuur ah ama lagu siiyo cod bixiye, ama haysashada hal kaadh in ka badan waxay noqonaysaa been abuur lagula kacay dokumenti Dawladeed. Qofkasta (hawlwadeenada iyo cod-bixiyayaasha) oo falka noocan ah ku kacaana waxa uu mudan yahay oo lagu ciqaabi doonaa sida uu tilmaamaayo Xeerka Ciqaabtu. Hay’ad kasta oo awood u lehna waxa uu xil ka saaran yahay inay talaabo sharci ka qaado qofka falkan oo kale ku kaca. Qof kasta oo siiya war qaldan mas’uulka diiwaan-gelinaya, waxa uu mutaysanayaa in lagu Ciqaab mariyo sida uu tilmaamayo Xeerka Ciqaabtu. Waxaa ciqaabtaas oo kale yeelanaya masuulka wasaarada arrimaha guddaha ee bixiya foomka muwaadinnimada, siiyana qof aan muwaadin ahayn.

 

QODOBKA 34AAD

LUMISTA KAADHKA COD-BIXINTA

Qof kasta oo uu ka lumo ama ka xumaado Kaadhka codbixintu, waxa uu waydiisan karaa Komishanka ama wakiilladiisa heer Degmo ama Gobol in la siiyo mid cusub. Marka sidaas laga soo codsado, lana caddeeyo sababta lumista, Komishanku waa in uu siiyaa Kaadh codbixineed oo cusub, si looga taxadiro in la foojari-gareeyo Kaadhkana waa in la tir-tiraa ka hore

 

QODDOBKA 35AAD

WAX-KA-BADDELKA KAADHKA DIIWAAN-GELINTA COD-BIXIYAHA

Mashruuca Xeerka Golaha Wakiiladda ka yimid waxa uu ahaa Qoddobka 35aad, isga oo aanu faqrad labaad ku darnayna waxa uu u qormaya sidani:-

1)       Iyada lagu xisaabtamayo horumarka tiknoolajiyada ee casriga ah ee saammayn kara kaadhka cod-bixinta aqoonsiga shakhsig, isla markaana aanu Komishanaka dabrayn muuqaalka Kaadhka aqoonisgu uu yeellanayo ee uu Xeerkani waajibiyay, ayaa Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxa u awood u leeyaay in uu wax-ka-badelo kaadhka aqoonsiga Cod-bixinta ama uu nooc cusub uusoo saaro, isaga la tashanaya Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Xisbiyada Siyaasadda. Si kasta ha aheetee, wuxu hubinayaa Aaladda/qalabka, Tiknoolajiyadda ee la isticmaalayo in ay tahay ta ugu habboon ee aan mad-madaw lahayn (transparent) sugaysana ammaanka Diiwaanka marka loo eego awooda iyo xaaladda dalku ku jiro.

2)       Kaadhka Cod-bixinta Xilliga Doorashadda waxa Waajib ah in la dalooliyo Kaadhka cod-bixinta si loo garto in uu coddeeyay Qofku.

 

CUTUBKA SHANAAD

QODOBBO KALA-DUWAN

 

QODOBKA 36AAD

GUDDIGA FARSAMO EE HAWLAHA DIIWAAN-GELINTA

Si Xeerkan loo dhaqan-geliyo islamarkaana loona diyaariyo arrimaha farsamo ee hawlaha diiwaangelinta, isku-duwid loogu sameeyo hawlaha uu Xeerkani waajibinaayo,

1.      waxaa komishanku magacaabayaa Guddi Farsamo oo ka kooban:

(a)  Laba  xubnood oo Komishanka Doorashooyinka Heer Qaran ah;

(b)  Laba  Wasaaradda Arrimaha Gudaha ah;

(c)  Saddex Xubnood oo ka kala socda Xisbiyada Siyaasadda

2.     Xilka guddigan farsamo wuxuu noqonayaa diyaarinta iyo dhammaystirka dhammaan hawlaha farsamo ee xeerkani waajibinaayo. 

3.      Guddida Farsamada waxaa la hawl-gelinayaa isla marka la ansixiyo Xeerkan waxaanay shaqadoodu dhammaanaysaa marka hawsha diiwaan-gelinta la dhammays tiro. Hase yeeshee markasta oo ay Diiwaangelini jirto Guddida dib ayaa loo abuurayaa. Guddida waxaa Guddoominaya mid ka mid ah labada Xubnood ee ka socda Komishanka Doorashooyinka.

 

Qoddobka 37aad

Gacan ka gaysashada Arrimaha Nabad-Gelyada & Wacyi-gelinta  ee Hawsha Diiwaangelinta   

b)       Koomishanka Doorashooyinka Qaranku waxa xilliga hawasha Diiwaangalinta gacan ka siinaya dhinaca Nabad-gelyada Ciidanka Booliska JSL iyaga oo u maraya Wasaaradda Arrimaha Gudaha

 

QODOBKA 38AAD

GOOB-JOOGAYAASHA

Goobjoogayaasha ama kormeerayaasha caalamiga  iyo kuwa maxaliga ah ee hubinaya habsami usocodka hawlaha diwaan-gelinta cod-bixiyayaasha, waxaa oggolaanaaya komishanka doorashooyinka qaranka isagoo xagga ammaanka kala kaashanaaya Wasaarada Arrimaha Guddaha.

 

QODOBKA 39AAD

WAAJIBAADKA HAY’ADDAHA SHARCI FULINTA

Madaxda Dawlada, Hay’addaha sharci fulinta, Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Xisbiyada siyaasiga ahba waxaa xil ka saraan yahay ku dhaqanka iyo meel-marinta Xeerkan

 

QODOBKA 40AAD

CIQAAB

Qofkasta oo jabiya ama ku xad gudba qodob ama qodobo xeerkan ka mid ah waxaa lagu ciqaab marinayaa si waafaqsan xeerka ciqaabta guud ee dalka.

 

QODOBKA 41AAD

NASAKHAAD

Xeerkani waxaa uu nasakhayaa ama burinayaa dhamaan xeerarka ama qodobada xeer oo ka hor imanaaya xeerkan.

 

QODOBKA 42AAD

DHAQANGALKA

Xeerkani waxaa uu dhaqangalayaa marka ay ansixiyaan Goleyaasha xeer-dejintu (Wakiilada iyo Guurtida) ee uu madaxweynuhu saxeexo.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

 Md.Cabdiraxmaan Maxamed C/laahi          Maxamed Xasan Kaahin (Kayse)   

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada           Xoghayaha Guud ee G/Wakiilada

 

 

[Home] [Introduction to  Somaliland Law] [Somaliland Legal News] [Articles &  Commentaries] [Somaliland  Constitution] [Constitutional  Developments] [Somaliland &  International Law] [Administrative Law] [Somaliland Citizenship Law] [Civil Law] [Civil Procedure  Law] [Commercial Law] [Somaliland Customary Law] [Somaliland Company  Law] [Criminal Law] [Criminal Procedure  Law] [Environmental Laws] [Electoral Laws] [Presidential &  Local Elections] [Political Parties] [Representatives' Election Law] [Elders' Selection Law] [Somaliland Electoral Commission] [Voter Registration Law] [Foreign Investment  Law] [Family &  Personal Law] [Somaliland  Government] [Health Law] [Insurance Law] [Somaliland Judicial  System] [Labour &  Employment Law] [Land & Planning  Law] [Hargeisa Law  Faculty] [Somaliland Legal  Profession] [Somaliland Lawyers' Association SOLLA] [Local Government  Law] [Maritime Law] [Military Law] [Somaliland  Mining Laws] [Press &  Media  Law] [Somaliland Public  Finance Law] [Somaliland  Parliament] [Somaliland Security  Committees] [Sharia   A Source of Law] [SHURO Net Human Rights Network] [Transport &  Traffic  Law] [Miscellaneous Laws]