Copyright © 2007 Somalilandlaw.com. All rights reserved

Juvenile Justice Law

Somaliland Juvenile Justice Law (Law No: 36/2007 )

Now in force

 

This Law which was returned to the House of Representatives by the House of Elders with amendments to Articles 1, 10 & 36 and the title of the Law.  The Representatives considered the Elders’ amendments on 22 March 2008 and agreed (on a vote of 40 for, none against and 5 abstaining) to reject all of the changes and to pass the Bill again in its original format.

 

A Presidential Decree (No: 339/2008) issued on 21 April 2008 brought this Law in to force on that date.

 

The Bill supplements the Penal Code and the Criminal Procedure Code and its provisions will apply to all criminal matters relating to juveniles. Article 13 of the Peanl Code states that where an issue is governed by more than one criminal law, the special law shall, unless otherwise provided, prevail over the general law. Also to avoid gaps in the criminal law, Article 14 of the Penal Code confirms that  the Penal Code shall still apply to matters governed by other special criminal laws, such as this Law, unless the special laws specifically provide otherwise.  This Law does that in Article 3 by emphasising that this Law will take precedence over all laws in matters relating to juvenile justice.  The Penal Code will, therefore, continue to apply only in those situations, which are not expressly covered by this special law.

 

Unlike various other countries where the age of lack criminal responsibility (doli incapax) has been reduced over the years,  Article 10 of this Law raises the age of criminal responsibility from 14, which it was  under Article 59 of the Somali Penal Code, to 15.  However, as in the Penal Code, minors aged 15 to 18 shall be liable for any criminal acts committed if they have the capacity of “ understanding and volition”.  These changes are, however, more in line with the views of the UN Committee on the Rights of the Child (see their General comment No: 10 (2007) - para 30 - 39)

 

As set out in Chapter 2, Part 1 of the Law (and also in the Organisation of the Judiciary Law), all the courts of first instance (district & regional) as well as the appellate courts shall have sections dealing with juvenile cases.  The juvenile sections, at first instance courts, shall consist of a judge and two lay assessors (Arts 18 & 19 of this Law). Lay assessors are chosen by the courts from lists prepared annually by the Minister of Justice under Article 38 of the Organisation of the Judiciary Law.

 

The punishment in juvenile cases shall not include death, life imprisonment, physical punishment or imprisonment of a period exceeding 15 years.

 

www.somalilandlaw.com

May 2008

________________________________

 

Somaliland Launches New Juvenile Law - UNICEF Article October 2008

 

New Juvenile Law Conference - August 2008 (UNDP website)

 

104 Children Released from Jail - October 2008

 


  

JAMHUURIYADDA SOMALILAND

XEERKA NIDAAMKA GARSOORKA CARUURTA Lr./36/2007

 

Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland

 

Markuu arkay:          Nuqulka mashruuc sharciga xukuumadu usoo gudbisay ee Xeerka garsoorka Caruurta

Markuu arkay:          Qodobada 19aad, 20aad (2aad), 21aad (2aad), 24aad,25aad, 26aad, 27aad 38aad (1aad) 39aad, 77aad, 78aad ee dastuurka JSL

Markuu ogaaday:      In mashruuc sharcigan uu gundhig u yahay Dastuurka jsl, shareecada Islaamka heshiisyada caalamiga ah ee xuquuqda caruurta iyo xeerarka Caalamiga ah ee xuquuqda caruurta.

Markuu dersay:         In xeerkani leeyahay mudnaan gaar ah, mar hadii uu nidaaminayo da’ yarta soo koraysa kuna hagaya dariiqa toosan.

Markuu:                    dood dheer iyo falaqayn ka yeeshay xeerkan una bandhigay wax-garadka iyo aqoon yahanka xidhiidhka la leh xeerkan

Markuu shaki la’aan isku qanciyay:   In xeerkani lagama maarmaan yahay in la dhaqan geliyo

 

Wuxuu Ansixiyay

Xeerka Nidaamka Garsoorka Caruurta

 Xeer Lr./36/2007

 

CUTUBKA 1AAD

Qaybta 1aad

Qodobka 1aad

Macnaha Erey bixinta

Ilmo:                             Waxa loola jeedaa qofkasta oo da’diisu ka yar tahay 15 jir.

Qaan-gaadh:               Waxaa loola jeedaa qofkasta oo dhamaystay 15 sano isla markaana ay ka muuqatay Calaamadaha qaangaadhnimadu, waxaa kale oo qaan-gaadh noqonaya qofkasta oo Dhamaystay 18 sano yaanayba ka muuqan caalamadaha qaan-gaadhkuye.

Waayeel (Al-qayim):   Waxa loola jeedaa qof waayeel ah oo ay magacawday maxakamadu in uu masuul ka noqdo ilmaha marka la waayo waalidkiisa.

Masuul:                         Waxa loola jeedaa qof sharci ahaan masuul ka ah ilmaha.

Dhaqan-celin:               Waxaa loola jeedaa amarada iyo qaraarada ka soo baxa garsooraha ee looga dan leeyahay in lagu Dhaqan- celiyo ilmaha weecday.

Maxkamada Caruurta: Waxa loola jeedaa Maxakamada Dhagaysata go’aana ka gaadha dacwadaha La xidhiidha caruurta.

Booliska Caruurta:       Waxa loola jeeda qayb ka mid ah Booliiska oo loo diyaariyay badbaadinta-ilaalinta Caruurta.

Xarumaha Garsugaha   Waxa loola jeedaa xarumaha lagu hayo caruurta gar sugayaasha ah ee lagu aasaasay Sharcigan.

XoriyadKa qaadis:       Waxa loola jeedaa qaabkasta oo lagu xadidayo xoriyada ilmaha sida haynta, Xadhiga iyo ku meelaynta goobaha dhaqan-celinta.

Xarun Furan:                Waxa loola jeedaa xarunta dhaqan-celinta caruurta ee aan si aad ah loo xadidayn dhaqdhaqaaqa ilmaha waana xarun uu ilmuhu si buuxda ula xidhiidhi karo bulshada.

Xarun Xidhan:              Waxa loola jeedaa meel dhaqdhaqaaqa ilmaha xarunta gudaheeda iyo dibadeeda loo ogol yahay balse la kormeerayo.

Xarun aad u xidhan:     Waxa loola jeeda xarun aad loo adkeeyay taas oo ilmaha lagu haynayo kormeer joogto ah

Wasiir:                          Waxa loola jeedaa Wasiirka Caddaalada iyo wasiirka Arimaha Bulshada iyo Qoyska.

Caddaalada guud:         Waxa loola jeeda sidii kor loogu qaadi lahaa heshiisiinta, dib u celin iyo masuuliyad iyadoo laga qayb gelinaayo ilmaha waalidka iyo xubnaha kale ee ilmaha dhibanaha iyo bulshada.

Sarkaalka kormeerka: Waxa loola jeedaa sarkaal la shaqeeya Maxkamada caruurta ee masuulka ka ah qiimaynta iyo kormeerka barnaamijka jihaynta Ilmaha.

Qodobka 2aad

Mabaadiida Guud

Gundhiga xeerka.

Xeerkan waxa gun dhig u ah Distoorka Somaliland, Shareecada Islaamka, Heshiisyada Caalamiga ah ee xuquuqda caruurta iyo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha.

Qodobka 3aad

Mudnaanta Xeerka

Xeerkani isaga ayaa mudnaanta ka leh xeerkasta oo kale marka ay timaado arrin kasta oo ku saabsan garsoorka caruurta.

Qodobka 4aad

Magacdhow.

Xeerkani waa xeer gaar ah oo nidaamiya danbiyada caruurtu gasho waxaana loogu yeedhaa Xeerka Nidaamka Garsoorka caruurta.

Qodobka 5aad

Ujeedada Xeerka.

Ujeedada Xeerkani waxa weeyaan in: -

5.1 In uu dhawro ama ilaaliyo xuquuqda caruurta sharciga ku gafta si waafaqsan heshiisyada caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha, isla markaana ku salaysan dhaqanka bulshada Somaliland iyo Qiyamka Islaamka.

5.2 In uu mideeyo xeerarka Dawladda kuwa shareecada Islaamka iyo kuwa dhaqanka ee ku lug leh caruurta sharciga ku gafta.

5.3 In uu abuuro nidaam garsoor caruureed oo cadaalad iyo dadnimo ku dhisan kaas oo fulinaaya ujeedooyinka kala ah: -

    b. Dhawrista iyo kor u qaadista daryeelka ilmaha, jidh ahaan iyo maskax ahaan, koritaankiisa iyo horumarka shakhsiga ah ee ilmaha.

    t. Korinta dareenka, karaamada xushmada ilmaha iyo isagoo isla markaana ku barbaarinaya ilmaha dhawrista ixtiraamka xuquuqaha iyo xoriyaadka dadka kale iyada oo ilmaha la barayo inuu masuul ka noqdo wixii ka yimaada falkiisa.

    J Dhiiri-gelin iyo dibu heshiisiin ku salaysan magdhawga iyo israali-gelinta iyada oo la dhwrayo lana ilaalinayo danta dhibanaha iyo bulshada guud ahaan.

    x. Xoojinta ka qayb-qaadashada cadaalada caruurta ee waalidka, odoyaasha, haweenka, aqoonyahaynka iyo bulshada si loo dhiiri galiyo in ilmaha dib loogu soo celiyo qoyskiisa iyo bulshada si uu xubin fayow oo wax tar leh uga noqdo.

5.4 In si siman loogu wada dhaqo caruurta ku sagan dalkan somaliland iyadoo aan loo kala eegin dhedig iyo labood, jinsi, qolo, diin, isir, ama sugnaantiisa sharciyeed ama wax kaleba.

5.5 Ilmaha aan haysan taageerada qoyskiisa ama aan waxbarasho iyo shaqo midna aan lahayn waxaa waajib ah in loo suuro galiyo inuu uga faa’iidaysto adeegyada bulshada ee jira si la-siman kuwa kale.

5.6 Caruurtu waxay xaq u leeyihiin in isku si loola dhaqmo marka ay galaan danbiyo isku mid ah.

5.7 Dawlada ayay waajib ku tahay in caruurta saboolka ah u qabtaan qareen lacag la’aan ah.

Qodobka 6’aad

Danta Ilmaha

Go’aan ka iyo talaabo kasta oo saamaynaysa ilmaha waxa mudnaanta 1aad la siinayaa danta ilmaha.

Qodobka 7’aad

Dhowrista Xogta Ilmaha

7.1 Waa in la dhowro lana ilaaliyo xogta ku saabsan ilmaha, heer kasta oo garsoorka carruurta ah.

7.2 Lama sii dayn karo lamana faafin karo xog ku saabsan ilmaha oo keeni karta in ilmaha lagu aqoonsado, ama saamayn xun ku yeelan karta.

7.3 Galalka iyo waraaqaha ay ku kaydsan yihiin xogta ilmaha dengbiga galay waa in laga dhigo, mid aanu qof saddexaad arki karin, haddii qofkaasi aanu ahayn mid dacwada ku lug leh ama si haboon loo wakiishay

Qodobka 8’aad

Xoriyad qaadista

8.1 Ilmo waxa xoriyada lagaga qaadi karaa marka la waayo xalkale, taasina waxa waajib ah inay noqoto mudada ugu yar ee suurto galka ah.

8.2 Ilmaha waxa xoriyada lagaga qaadi karaa oo kali ah marka lagu hayo ama lagu eedeeyo falal sharcigu dembi ku tilmaamay.

8.3 Ilmaha hadii xoriyada laga qaado waa in lagu hayo meel nabad-gelyada iyo badbaadadiisuba ay sugan yihiin isla markaana ah meel uu sharcigu baneeyay.

Qodobka 9’aad

Xuquuqaha Ilmaha Xorriyadda laga qaaday

9.1 Ilmo kasta oo xorriyadda looga qaaday si waafaqsan xeerkan wuxuu xaq u leeyahay:

    B. In loo sheego dacwada lagu eedeeyey.

    T. In la wargeliyo xadhiga ilmaha waalidkiisa iyo qofka masuulka ka ah.

    J. In loo aqoonsado denbi laawe ilaa maxkamad sharci ahi ku cadayso.

    X. Inuu helo qareen sharci oo si xor ah ula xidhiidha.

    Kh. Inuu aamuso,ama diido in la weydiiyo su’aalo iyagoo aanay joogin waalidkiisa, masuulkiisa ama qareenkiisu.

    D. Inay joogaan waalidkiisa ama masuulkiisa heer kasta oo ay dacwadu marayso.

    R. In si deg-deg ah loo horgeeyo maxkamad.

    S. In loo ogolaado inuu weydiiyo maraga su’aalaha muhiimka iyo kuwa isdhaafka ah (Cross examination).

    Sh. Inuu maxkamada ka sareysa uga qaadankaro rafcaan, go,aan iyo xukun kasta oo maxkamadu gaadho.

    Dh. In loo ogolaado turjunmid lacag la’aan ah hadii luqada ay maxakamadu adeeganayso aanay ahayn luqada ilmaha.

    C. In laga ilaaliyo nooc kasta jidh dil ah iyo in wax la yeelo maskaxdiisa.

    G. In lagu xidho meel ka gaar ah dadka waaweyn, hablahana aan lagula xidhin innamada.

    F. inuu helo biyo, cunno, hu, bustayaal, daawo ku filan, daryeel iyo taageero.

    Q Inuu helo waxbarasho iyo qalab waxbarasho.

    K. In loo oggolaado booqasho joogto ah oo ka timaadda waalidiintiisa, qaraabadiisa iyo qareenkiisa.

9.2 Ilmaha maskaxda naafo ka ah ama aan hadli karin ee xoriyada laga qaado, waxa uu xaq u leeyahay xuquuqda ku xusan farqadan hore ee isla qodobkan waxaa kale oo xaq u leeyay in uu helo khabiir fahamsiin kara waxaa looga baahan yahay ama uu u baahan yahay.

Qodobka 10’aad

Masuuliyada Danbiga

Iyada oo aan la tix-galinayn qodobada xeerka ciqaabta ama xeerarka kale: -

10.1 Qof kasta oo marka uu falka ku kacayo aan weli da’diisu gaadhin 15 sano ma yeelan karo masuuliyad dembi.

10.2 Qofkasta oo dhamastay 15 sano jir ilaa da’da u dhaxaysa 18 jir, waxaa ay yeelanayaan mas’uuliyad dambi oo loo raacayo Xeerka Ciqaabta, balse ma aha mid dhamaystiran (full criminal capacity).

10.3 qof kasta oo marka uu falka galay da ahaan ay u dhamaystirantahay 18jir waxa uu yeelanayaa mas’uuliyad dambi oo dhamaytiran (complete-criminal punishment), loona aqoonsanmaayo caruurta iyo da’yarta midna.

Qodobka 11’aad

Miisaanka Ciqaabta

Ciqaabta ilmaha la marinayaa waa inay u miisaaman tahay dembiga, iyada oo la tixgelinayo xaaladda gaar ka ah ee ilmaha, duruufaha uu dembiga ku galay, baaxadda iyo nooca dembiga.

Qodobka 12’aad

Ciqaabta Mamnuuca ah

Waxaa reebban in ilmaha lagu xukumo ciqaab keeni karta

    B. Dil

    T. Xabsi Daayin

    J. Jidh-Dil

    X. Ciqaabta ugu saraysa ee ilmaha lama dhaafin karo 15 sano (Aggravated Circumstance)

Qodobka: 13’aad.

Kaydinta iyo Dhawrista Xogta Ilmaha

13.1 Waxa waajib ah in la ururiyo, lana kaydiyo, qarsoodina laga dhigo xogta ilamaha ee ku saabsan arrimaha soo socda:

    b. Xogta ku saabsan ilamaha laftiisa iyo asalkiisa.

    t. Xogta ku saabsan sababaha lagu soo xereeyey iyo arrimaha Maxkamadu u soo xaraysay.

    j. Maalinta iyo saacadda ilmaha la xereeyey ama la soo beddeley.

    x. Wixii nabarro, ama dhaawacyo, ama kala dhinnaan ah ee ka muuqda Jidhkiisa iyo xaalada maskaxdiisa.

    Kh. In galalka iyo waraaqaha ay ku kaydsan yihiin xogta ilmaha laga dhigo mid aan qof sadexaad heli karin, hadii qofkaasi aanuu ahayn mid dacwada lug ku leh ama si sharci ah loogu wakiishay.

13.2 Warbixinaha ku saabsan ilamaha oo dhan, kuwa la xidhiidha Sharciga, caafimaadkiisa, habdhaqankiisa iyo waraaq kasta oo isaga khusaysa waxa waajib ah in lagu ururiyo gal isaga u gaar ah, kaas oo qarsoodi ah.

13.3 Galka ilmaha waa in lagu kaydiyo ama lagu hayo meel amaan ah, isla markaana aanay dhicin inay akhrido cid aan awood u lahayni, ama ahayn waalidkiisa, masuulkiisa ama qareenkiisa.

13.4 Ilma kasta waxaa uu xaq u leeyahay inuu ogaado waxa ku jira galkiisa iyo inuu ka doodo haddii ay ku jiraan warar ama fekrado aan sax ahayn ama xaqiiqada aan waafaqsanay

Qodobka 14’aad

Dacwada Ilmaha

14.1 Ilma kasta oo awoodi kara inuu gudbiyo dacwadiisa, waa in la siiyo fursad uu ku cabbiro dacwadiisa heer kasta oo maxkamadeed.

14.2 Maxkamaddu waa inay qiimayso dacwada ilmaha, iyadoo loo tixgelinayo da’diisa iyo Qaangaadhnimadiisa.

14.3 Ilmaha aan awoodi karin cabiraada dacwadiisa waxaa waajib ku ah garsooraha in uu uqabto qareen ama turjumaan ka caawiya dacwadiisa.

14.4 Waxaa waajib ku ah Qareenka loo qabtay ilmaha farqada hore ku xusan in aanuu ka maqnaan fadhiyada dacwada.

 

CUTUBKA 2AAD

Qaybta 1aad

Qodobka 15’aad

Maxkamadaha Caruurta

15.1 Maxkamadaha Caruurta waa in laga diyaariyaa degmo kasta iyo gobol kasta.

15.2 Maxkamadda Carruurta ee gobolku waxay noqonaysaa qayb ka mid ah maxkamadda Gobolka.

15.3 Maxkamada Carruurta ee degmadu waxay noqonaysaa qayb ka mid ah maxkamadda degmada.

15.4 Habka Dacwada qaadista Maxkamada caruurta waxaa lagu dhaqayaa qodobada Xeeerkan, xeerka nidaamka garsoorka, xeerka habka ciqaabta, iyo xeerka habka madaniga.

Qodobka 16’aad

Awooda Maxakamada Caruurta

16.1 Maxkamada caruurta ee Degmadu waxay awood-garsoor u leedahay dhamaan dembiyada la xidhiidha caruurta ee ka dhaca deegaanka degmada ee ciqaabtoodu aanay dhaafin saddex sano oo xadhig ah, ama ganaax aan ka badnayn sadex milyan (300000) S/Lsh.

16.2 Maxkamadda caruurta ee gobolku waxay awood garsoorka u leedahay dhamaan dembiyada ka dhaca deegaanka gobolka ee la xidhiidha caruurta ee aan hoos imanayn awood-Garsoorka maxkamadda degmada.

Qodobka 17’aad

Racfaanka                  

17.1 Maxkamada Rafcaanku waxay yeelanaysaa qaybta Rafcaanka caruurta oo lagu dhagaysto go’aana lagaga gaadho dacwadaha Rafcaankooda laga soo qaato maxakamadaha gobolka iyo

degmada.

Qodobka 18’aad

Dhismaha Maxkamada Caruurta

18.1 Dhismaha Maxkamada Caruurtu waxay ka kooban tahay garsooraha gudoominaya iyo laba garsoore Dadwayne.

18.2 Iyadoo la raacay qodobada xeerka nidaamka garsoorka, garsooraha maxkamada caruurta ee degmada iyo gobolka Waxaa looga baahanyahay:

    b. In uu leeyahay shuruudaha lagu doorto garsooraha oo ah kuwa ku xusan qodobka 24aad ee xeerka nidaamka garsoorka.

    t. In uu qaatay tababar ku filan kuna haboon oo ku saabsan garsoorka caruurta.

    j. In uu shareecada islaamka aqoon fiican u leeyahay.

18.3 Dhismaha maxakamada caruurtu ee rafcaanku waxay ku qabsoomaysaa qaabka tashiga, shuruudaha looga baahan yahay garsooraha tashiga waa shuruudaha ku xusan xeerka nidaamka Garsoorka qodobka 24’aad.

b. Maxakamada sare waxay yeelanaysaa qaybta caruurta oo iyana tashi ah.

Qodobka 19’aad

Garsoorayaasha Dadwayne

19.1 Garsoorayaasha dadwayne ee maxkamada caruurta xulashadooda iyo shuruudahooda waxa loo raacayaa, sida ku xusan xeerka nidaamka garsoorka qodobka 38aad.

19.2 Maxkamada caruurtu waxay tashi ku gashaa marka ilmaha lagu eedeeyo danbiyada xeerka habka ciqaabtu jideeyay in tashi lagu dhagaysto.

19.3 Garsooraha gudoominaya maxkamada caruurta ayaa magacaabaya laba garsoore dadwayne, isagoo tixgalinaaya duruufaha kiiska iyo ilmaha eedaysanaha, ah isla markaana kala tashanaya

    b. Waalidka, masuulka ama qareenka ilmaha

    c. Dhibanaha ama wakiilkiisa sharciga ah.

19.4 Waxa waajib ah in garsooruhu ogaysiiyo garsoorayaasha dadwayne mudo aan ka yarayn 7 maalmood ka hor bilowga maxkamada, taariikhda, goobta iyo xiliga ay Maxkamadu fadhiisanayso.

Qodobka 20’aad

Dhaarta

Garsoorayaasha dadwayne ee maxkamada caruurta inta aanay gudo galin xilkooda waa inay maxkamada horteeda ka dhaartaan iyaga oo maraaya dhaartan soo socota (Waxaan ku Dhaaranayaa Magaca Ilaahay in aan u guto xilka la ii magacaabay si caddaalad ah, dalkayga iyo dadkaygana ugu shaqeeyo si Daacad nimo ah).

Qaybta 2aad

Hay’adaha Caruurta

Waaxda 1aad

Qodobka 21’aad

Xafiiska Kormeeraha

21.1 Waxa la abuurayaa xafiiska kormeeraha oo la shaqeeya maxkamada Caruurta.

21.2 Xafiiska kormeeraha waxa lagu aasaasayaa wareegto uu soo saaray wasiirka cadaaladu.

21.3 Saraakiisha xafiiska kormeeraha waxa magacaabaya wasiirka cadaalada isaga oo la tashaday wasiirka Arimaha Bulshada Qoyska.

21.4 Saraakiisha xafiiska kormeerka waxaa shaqada ka fadhiisinkara Wasiirka Caddaalda isagoo latashaday Wasiirka Arimaha Bulshada iyo Qoyska.

21.5 Shuruudaha iyo duruufaha shaqada xafiiska kormeeraha waxa lagu qeexayaa wareegtada wasiirka cadaalada.

Qodobka 22’aad

Waajibaadka Saraakiisha Xafiiska Kormeeraha

Waajibaadka saraakiisha xafiiska kormeeraha waxa ka mid ah : -

    b. In uu maxkamada Caruurta u gudbiyo warbixino iyo macluumaad ku saabsan danbiga iyo ilmaha danbiga loo haysto qoraal ahaan.

    t. In uu xidhiidhiyo wada shaqyna la yeesho booliska carruurta, adeegayaasha bulshada, waalidka, dhibanayaasha iyo ciddii kale ee kiiskan danaynaysa

    j. In uu kormeero barnaamijyada jihaynta ilmaha.

    x. In uu fuliyo hawl kasta oo sharcigu ku waajibayay sarkaalka kormeerka.

Waaxda 2aad

Booliska Carruurta

Qodobka 23’aad

Abuuritraanka Booliska Carruurta

23.1 Waxa la magacaabayaa koox u gaar ah carruurta oo booliska ka tirsan, hadda ka dibna lagu magacaabayo Booliska Carruurta kaas oo ka hawl galaya magaalooyinka ay ka dhisan tahay maxkamada Carruurtu.

23.2 Waxaa magacaabaya kooxda booliiska caruurta taliyaha ciidanka booliiska isagoo la tashaday wasiirka wasaarada caddaalada.

Qodobka 24’aad

Xilka iyo Waajibaadka Booliska Carruurta

Waajibaadka Booliska Carruurtu waxa weeye: -

24.1 In uu ilaaliyo amniga guud, nabad gelyada, kala danbaynta isagoo u maraaya:

    c. Ka hortaga danbiyada carruurta

    t. Qabashada carruurta danbiga gasha

    j. Baadhista danbiyada carruurtu gasho iyo kuwa carruurta laga galo

24.2 In uu ilaaliyo xuuquuqda carruurta

24.3 In uu ka shaqeeyo amniga iyo nabad gelyada carruurta

24.4 In uu ilaaliyo carruurta lagu xad-gudbay iyo kuwa khatarta ku sugan

24.5 Askari kasta oo booliska ka tirsan oo gacanta ku dhiga ilmo lagu tuhunsan yahay inuu galay

danbi ciqaabtiisu ku qeexan tahay xeerka ciqaabta guud waa in uu gacanta u galiyaa ilmahaas Booliska Carruurta

24.6 Askari kasta oo ka tirsan ciidanka booliska oo hela xog ku saabsan ilmo lagu tuhunsanyahay in uu danbi galay, ama ilmo kale si fool xun ula dhaqmay, ama u adeegsaday ama halis ugu jira in loo adeegsado wuxuu xogtaas u gudbinayaa Booliska Carruurta

24.7 Qofkasta oo hela xog ku saabsan danbi laga galay ilmo waa in uu xogtaas u soo gudbiyaa Booliska Caruurta

24.8 Saraakiisha Booliska Carruurta waxa waajib ku ah inay baadhaan xad gudubkaas

Qodobka 25’aad

Tababarka Booliska Carruurta

Saraakiisha iyo baadhayaasha booliska carruurta waa in la siiyaa tababar ku filan.

Qodobka 26’aad

Shuruudaha Lagu xulayo Xubnaha Booliska Carruurta

26.1 Xubnaha booliska Caruurta waxa looga baahan yahaya in uu haysto ugu yaraan shahaadada dugsiga sare ama mid u dhiganta.

26.2 In si guul leh u dhamaystay tababarkii Booliska iyo Kii Booliska Carruurta labadaba.

26.3 In uu yahay qof damiir wanaagsan, dadnimo iyo xil-kasnimo leh.

26.4 Waa in aan hore loogu eedayn danbiyo dhan ka ah caruurta.

Waaxda 3aad.

Xarumaha Carruurta Garsugayaasha ah.

Qodobka 27’aad.

Abuuritaanka Xarumaha Carruurta garsugayaasha ah.

27.1 Xarumaha lagu haynayo Carruurta Garsugayaasha waxaa wareegto ku soo saaraya Wasiirka Caddaaladda.ka dib marka uu la tashado wasiirka Arimaha Bulshada iyo Qoyska.

27.2 Ilmaha la xidho ama la qabto waxaa lagu hayn karaa oo keliya Xarumaha Carruurta garsugayaasha ah loo sameeyo.

Qodobka  28’aad.

Waajibaadka Xarumaha Carruurta Garsugayaasha

Waajibaadka Xarumaha Carruurta Garsugayaasha ah waxaa ka mid ah:

28.1 Inay hayaan oo ilaaliyaan carruurta lagu hayo xarumaha Caruurta garsugayaasha ah inta la siidaynayo ama la xukumayo.

28.2 Inay sugaan ammaanka, badbaadada, iyo adeegyada asaasiga ah ee ay carruurtu u baahan tahay inta ay xarunta ku jirto.

28.3 Inay ilmo kasta u diyaariyaan warbixino iyo qiimayn gal gaar ahna lagu ururiyo loona gudbiyo maxakamadaha caruurta.

28.4 Inay fuliyaan hawl kasta oo kale oo sharcigu ku waajibiyey.

28.5 Xarumaha Carruurta Garsugayaasha waxaa kormeeraya Wasaaradda Caddaaladda.

Qodobka 29’aad.

Xeerarka lagu dhaqayo Xarumaha Carruurta Garsugayaasha ah

Xarumaha Carruurta garsugayaasha ah waxaa lagu dhaqayaa:

29.1 Qodobbada xeerkan.

29.2 xeernidaamiye ay xukuumadu soo saarto (Regulation) oo aan ka hor imanayn xeerkan

29.3 xeerka habka ciqaabta inta kala socon karta.

Waaxda 4aad.

Xarumaha Dhaqan Celinta Carruurta

Qodobka 30’aad.

Abuuritaanka Xarumaha Dhaqan Celinta Carruurta

Wasiirka Caddaaladda ayaa digriito ku soo saaraaya Xarumaha dhaqan celinta caruurta, ka dib marka uu la tashado wasiirka wasaarada Arimaha Bulshada iyo Qoyska.

Qodobka. 31’aad.

Waajibaadka Xarumaha dhaqancelinta.

Waajibaadka xarumaha dhaqancelintu waxay noqonayaan:

31.1 Inay ka shaqeeyaan dhaqancelinta iyo asluub toosinta carruurta denbiyada gasha iyadoo xabsiga lagu dhawrayo.

31.2 In carruurta laga ilaaliyo goonina looga sooco dadka waaweyn ee xabsiyada ku jira, si loo dhowro carruurta daryeelkooda, loogana ilaaliyo saameynta xun ee ay ku yeealan karaan maxaabiista waaweyni.

31.3 Inay noqdaan meelo lagu dhowro nabad-gelyada carruurta, isla markaana waxbarasho iyo tababaro ay ka helaan.

31.4 Inay carruurta u geystaan wixii taageero, daryeel iyo adeeg ah ee ay u baahan yihiin.

31.5 In ay kaalmeeyaan una diyaarinaya carruurta in bulshada dib loogu celiyo, si ay u noqon karaan xubno toosan, waxtar na u leh oo bulshada ka mid ah.

31.6 Inay xoojiyaan wada-shaqaynta iyo iskaashiga wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan si loo xaqiijiyo ama loo hubiyo inay carruurtu helaan daryeel iyo xannaano ku filan kuna haboon dhaqancelinta.

Qodobka. 32’aad.

Xilalka Xarumaha dhaqancelinta

32.1 Xarumaha dhaqancelintu iyaga ayaa ka masuula caruurta inta ay xarunta ku jiirto.

32.2 Toosinta iyo haynta, kobcinta, aqoon iyo caafimaad, karaamada iyo dareenka masuuliyada caruurta waa xilka aasaasiga ah ee xarumaha dhaqan celinta.

32.3 Xarumaha dhaqancelintu waxay kale oo fulinayaan xil kasta oo xeerku ku waajibiyo.

Qodobka 33’aad.

Noocyada Xarumaha

Xarumaha dhaqancelintu waxay u kala baxayaan saddex nooc iyada oo loo eegaayo culayska iyo noocyada danbi ee lagu eedaynaayo ilmaha oo ah sidan.

b. Xarun furan oo aan ilaalo badan lahayn

t. Xarun xidhan oo ilaalo leh

j. Xarun xidhan oo ilaalo xooggan leh.

Qodobka 34’aad.

Meelaynta Ilmaha [Placement]

34.1 Xarumaha dhaqancelinta ee Ilmaha la gaynayo iyo nooca uu yahay waxaa go’aan ka gaadhaysa maxakamada awooda u leh.

34.2 Maxkamaddu marka ay go’aanka ka gaadhayso nooca ay tahay xarunta ilmaha lagaynayo waa inay tixgeliso arrimaha soo socda:-

b. Da’da iyo jinsiga (dheddig iyo lab) Ilmaha

t. Culayska iyo dabeecadda dembiga uu galay ilmuhu

j. Xaaladda guud ee Ilmaha jidh ahaan iyo maskax ahaanba.

Qodobka 35’aad.

Maamulka Xarumaha dhaqancelinta Carruurta

35.1 Xarumaha dhaqancelinta carruurta waxaa maamulaaya Guddi agaasin oo madax bannaan.

35.2 Xubnaha guddiga waxaa labadii sanoba hal mar soo magacaaba wasiirada wasaaradaha ay ka tirsan yihiin ee kuu xusan Qodobka 36aad.

35.3 Guddiga agaasinku waxay kulmaan saddexdii biloodba hal mar ugu yaraan, waxaana ubanaan kulamo aan caadi ahayn, marka uu sidaas soo jeediyo madaxa agaasinku xubnaha kalena ogolaadaan waxaa kale oo banaan in saddex meeloodow laba meelood soo jeediyaan kulan aan caadi ahayn.

Qodobka 36’aad

Dhismaha Guddiga Agaasinka

36.1 Guddiga Agaasinku waa inuu ka koobanaadaa wakiillo ka kala socda.

    1. Wasaaradda Caddaaladda.

    2. Wasaaradda Waxbarashada

    3. Wasaaradda Caafimaadka

    4. Wasaarada arimaha Bulshada iyo Qoyska

    5. Guddiga qaran ee xuquuqda aadamaha

    6. Baayacmushtarka

    7. Wasaaradda Dhallinyarada iyo ciyaaraha.

    8. Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta

    9. Booliska caruurta.

    10. Wasaarada arrimaha gudaha.Kuwaas oo soo magacaabi doona min hal qof oo digreeto guud uu ku soo saaro wasiirka caddaaladu.

36.2 Xubinta Guddiga agaasinka waxaa xilka ka fadhiisinkara ciddii soo magacawday

36.3 Guddiga agaasinka ee ku magaacaaban faqrada hore (37.1), waxa ay iska dhex dooranayaan,gudoomiye, gudoomiye ku-xigeen ,agaasime fulineed iyo xoghayn.

36.4 Xilka guddiga agaasinku, waa sidan:

    B. In ay diyaariyaan baahida xarumaha

    T. In ay booqdaan xarumaha dhaqan celinta.

    J. In ay u soo gudbiyaan warbinino rasmi ah iyo talooyinba cidda ay khusayso.

    X. In ay la xidhiidhaan hayadaha ay wada shaqaynta leeyihiin, si ay uga helaan in dib loogu celin karo caruurta sharciga ku gefta bulshada.

    Kh. In ay ka kaalmeeyaan ilmaha wax kasta oo u suurto gelinaaya,in ilmahu ku noolaado nolol caafimaad qabta,dhaqankiisuna u wanaagsanaado.

    D. In ay abuuraan sanduuq loogu kaalmeeyo caruurta tamarta daran ee sharciga ku gafta.

    Iyo hawlkasta oo wax ka tari karta dhaqan celinta ilmaha.

Qodobka 37’aad.

Agaasimaha Fulinta

37.1 Guddiga agaasinku waxa ay yeelanayaan agaasimaha fulinta oo ay iska dhex dooranayaan labadii sanoba hal mar.

37.2 Guddiga agaasinka ayaa awood u leh inay xilka ka fadhiisiyaan Agaasimaha Fulinta.

37.3 Agaasimaha fulinta waxa uu fulinayaa hawlmaalmeedka, awaamiirta iyo go’aamada ka soo baxa guddiga agaasinka.

Qodobka 38’aad

Xeerarka lagu dhaqayo nidaamka maamul ee xarumaha dhaqan celinta

Xarumaha dhaqan celinta carruurta waxaa lagu dhaqayaa:

    B. qodobada xeerkan.

    T. Xeer hoosaadka ay dejiyaan Guddiga Agaasinku.

Qodobka 39’aad.

Shaqaalaha xarumaha

39.1 Dhammaan shaqaalaha xarumaha dhaqan-celinta carruurta waxa lagu soo xulayaa si waafaqsan xeerka shaqaalaha dawlada.

39.2 Dhammaan shaqaalaha xarumaha dhaqan-celinta carruurta waxaa la siinayaa tababbar la xidhiidha arrimaha caruurta oo ku filan, kuna habboon.ka hor in taanay shaqada gelin.

Qodobka: 40’aad.

Awoodaha Wasiirka

Wasiirka wasaarada caddaaladdu waxa uu digreeto guud ku soo saarayaa arrimaha la xidhiidha hamsami u socodsiinta xarumaha dhaqan-celinta, abaabulka iyo dhismaha maamulka xarumaha dhaqan celinta carruurta.

Qodobka 41’aad.

Diiwaangelinta iyo qaabbilaadda

41.1 Ma bannaana in ilmo lagu qaabbilo xarumaha dhaqancelinta, carruurta, haddii aanu la socon amar maxkamadeed oo sidaas faraya.

41.2 Faahfaahinta uu xambaarsan yahay amarka maxkamaddu waa in markiiba la geliyo diiwaanka.

41.3 Waa in diiwaankaasi uu yaallo xarun kasta oo dhaqancelineed.

41.4 Waa in ilmaha la fahansiiyaa xuquuqda iyo waajibaadka uu leeyahay inta uu joogo xarumaha Dhaqan celinta.

42.5 Marka ilmaha lagu qaabbilo xarunta dhaqan dhaqancelinta, waxaa waajib ah in ilamaha laga

caawiyo in uu fahmo.

    b. Xeer-hoosaadka lagu hagayo xarunta.

    t. Hadafka, ujeedooyinka iyo dariiqooyinka adeeg iyo taageerada uu helayo.

    J Nidaamka iyo anshaxa ilmaha loo baahan yahay

    x Habka ilmuhu uga caban karayo wixii dhib ah.

    Kh. Arrin kast oo muhiim u ah inuu ilmuhu si buuxda u fahmo xaqiisa/xaqeeda iyo waajibaadkiisa/keeda inta ay ku jiraan xarumaha dhaqan celinta carruurta.

Qodobka 42’aad.

Beddelka Ilmaha

42.1 Ma bannaana in ilmaha laga beddelo xarun loona beddelo mid kale si aan sharciga waafaqsanayn.

42.2 Bedelaada ilmaha waxaa awood u leh maxakamada caruurta oo keliya.

Qodobka 43’aad.

Gaadiidka Ilmaha lagu qaadayo

43.1 Gaadiidka ilmaha lagu qaadayaa waa inuu noqdaa mid la hubiyey inuu sugayo nabad-gelyada ilmaha, waana inuu noqdaa mid aan dhibaato iyo karaamo-darro midna u lahayn ilmaha.

43.2 Gaadiidka Ilmahu leeyahay waxaa ka masuul ah hadba ciddii ilmaha gacanta ku haysa.

Qodobka 44’aad.

Nidaamka Cabashooyinka

44.1 Cabashooyinka ilmuhu waxaa soo jeedin kara ilmaha, waalidkiisa, masuulkiisa ama

Qareenkiisa.

44.2 Cabashada ilmaha waxaa loo guddbinayaa maamulka xarunta ilmaha lagu hayo, oo u

guddbinaaya guddiga agaasinka.xataa haddii laga cabanayo maamulka xarunta.

44.3 Wixii cabashooyin maamul ah waxaa go’aan ka gaadhaya guddiga agaasinka.

Qodobka: 45’aad.

Guddiga Daryeelka iyo Xuquuqda Carruurta

45.1 Guddiga Daryeelka caruurta waxa lagu dhisayaa wareegtada wasiirka wasaarada caddaalada isagoo la tashanaya wasiirka Wasaarada arimaha bulshada iyo qoyska.

45.2 Tirada guddiga , xilkooda iyo waajibaadkooda, waxaa lagu caddaynayaa wareegtada lagu dhisayo.

 

CUTUBKA SADDEXAAD

Qaybta 1aad.

Talaabooyinka ka horeeya Dacwadda

Waaxda 1aad

Horgeynta Maxkamada ee Ilmaha

Qodobka: 46’aad

Noocyada iyo Muddada Horgaynta

46.1 Ilmaha waxaa maxkamad lagu hor gayn karaa:-

    b. Amar qabasho

    t. Amar horkeenid

    j. Yeedhis Maxkamadeed.

    x. Haddii lagu qabto danbiyada aan u baahnayn amar qabasho si waafaqsan Q.35 ee xeerka habka ciqaabta (XHC).

Qodobka 47’aad

Xadhigga Ilmaha iyo Nabad-gelyadiisa

47.1 Ilmaha ka yar shan iyo toban sanno looma xidhi karo dembi, hadii aanay nabad gelyadiisa ahayn.

47.2 Ilmaha la xidho nabad-gelyadiisa darteed waa in si dhakhso ah loo wargeliyaa waalidkii ama qofka masuulka ka ah ama qareenkiisa.

47.3 Ilmaha ka yar shan iyo toban sano ee fal dambi loo qabanayo waxaa lagu haynayaa damiin.

Qodobka: 48’aad

Fulinta Qabashada Ilmaha

Qabashada Ilmaha waa inay waafaqsan tahay siduu tilmaamayo qododbka 29aad ee Xeerka Habka Ciqaabta

Qodobka 49’aad

Goobta Xadhiga

Ilmaha la qabto waa in lagu hayaa xarumaha carruurta garsugayaasha ah.

Qodobka 50’aad

Xuquuqaha Ilmaha Xidhan

Ilmaha xorriyada laga qaaday wuxuu xaq u leeyahay xuquuqda ku xusan qodobka 14aad ee xeerkan.

Qodobka 51’aad

Waraysiga ilmaha

Sarkaalka Booliska ah ee ka Qaadaya waraysiga Ilmaha waa inuu hubiyaa inay goob-joog yihiin ilmaha Waalidkii, Qofka Masuulka ka ah ama Qareenkiisa. Lagamana qaadi karo la’aantood.

Qodobka 52’aad

Warbixinta Xadhigga

52.1 Xadhiga Ilmaha waa in si deg-deg ah loo wargeliyo:

    b. Xafiiska Xeer illaalinta

    t. Maxkamada Carruurta ee Awooda leh

52.2 Haddii sarkaalka carruurta muddo 24 saacadood gudahood ah kaga warbixin waayo xadhigga ilmaha, waa inuu warbixin qoraal ah oo uu ku sababaynayo warbixin la’aantiisa u gudbiyaa maxkamada carruurta dhegeysiga u horreeya.

Qodobka 53’aad.

Horgeynta Maxkamadda ee Ilmaha

53.1 Ilmaha la qabto waa in muddo ah 48 Saacadood gudahood lagu horgeeyo maxakamada caruurta awooda u leh

53.2 Haddii ay ku beeganto dhamaadka 48ka saacadood maalin aanay shaqaynayn maxakamadu, waa in ilmaha la horgeeyo maalinta ugu horaysa ee shaqo.

53.3 Sarkaalka Booliska ee fulinaya horgaynta ilmaha la qabtay, waa inuu diyaariyaa oo u gudbiyaa maxkamadda warbixin kooban oo tilmaamaysa:

    b. Dhacdada dacwada iyo sida ay wax u jiraan.

    t.. Sababta Xadhiga.

    J. Faah-faahin la Xidhiidha ilmaha la hayo, iyo ciddii kale ee lug ku leh kiiska.

Qodobka 54’aad

Yeedhista la Xidhiidha Hor-imaanshaha Maxkamadda Caruurta

54.2 yeedhista waa in lagu tilmaamaa meesha, taariikhda , Saacadda iyo maxkamada looga yeedhay

54.3 Nuqul ka mid ah warqada yeedhista waa in loo geeyaa Ilmaha,waalidkiisa ama masuulkiisa.

54.4 Sarkaalka Boliska ee Caruurta ee dacwadda gacanta ku hayaa waa inuu 24 Saac gudahood

marka yeedhista la fuliyo wargeliyaa Sarkaalka kormeerka ee arrintu khusayso, iyadoo la caddaynayo in yeedhista loo fuliyey Qaabkii la rabay.

Qodobka: 55’aad.

Damaanadda

55.1 Iyadoon la tixgelinayn qodobada Xeerarka kale, ilmaha waxa lagu siidayn karaa Damiin

loogu dhiibo Waalidkii ama qofka ka Masuulka ka ah.

55.2 Shuruudaha Damaanadda waxaa loo raacayaa Xeerka Habka ciqaabta.

55.3 Haddii waalidka, qofka ka masuulka ah ama qareenkiisa, uu u hogaansami waayo Shuruudaha Damaanadda waa lagala noqon karaa.

Waaxda 2aad

Qodobka 56’aad.

Qiimaynta Ilmaha

Sarkaalka kormeerka markuu ka helo wargelin Sarkaalka Booliska ee madaxda ka ah Saldhigga in la qabtay ama yeedhitaan loo geeyay ilmo, waxaa waajib ku ah inuu ku sameeyo qiimayn Ilmaha intaan la samayn dhegaysiga hore ee dacwada.

Qodobka 57’aad

Warbixinta qiimaynta

57.1 Sarkaalka kormeerka waxaa laga doonayaa inuu ururiyo dhamaan wixii warar ah ee ku saabsan Ilmaha lagu eedeeyay inuu galay faldembiyeed. Warbixintaa waa inay ku jiraan:

    b. Meesha uu Ilmaha ku nool yahay.

    t. Waalidkiisa nool.

    j. In Ilmahu ku hoos jiro daryeelka waalidkii ama qof kale oo ka masuul ah.

    x. Caruurta uu xidhiidhka la leeyahay

    kh Xaaladda dhaqaale ee qoyska ilmaha.

    d. In ilmahu leeyahay raadraac dembiyeed oo hore.

    r. Warbixin kasta oo wax ka taraysa qiimaynta akhlaaqda ilmaha.

57.2 Sarkaalka kormeerka bulshada waxaa laga doonayaa inuu soo bandhigo warbixinta qiimeynta marka la joogo dhegeysiga hore.

57.3 Haddii warbixinta ilmaha ay ku jiraan waxyaabo saamayn ku yeelan kara, karaamadiisa waxaa garsooruhu warbixintaas ku dhagaysanayaa qarsoodi (fadhi xidhan) iyada oo ay ka soo qaybgalayaan waalidka ilmaha, masuulkiisa iyo qareenkiisa.

Qaybta 3aad

Dhegeysiga Hore

Qodobka 58’aad

Dabeecada Dhegaysiga hore

58.1. Dhegaysiga hore ee dacwada waa in ilmuhu jawaab ka bixiyo falka lagu soo eedeeyey

58.2. Ilmaha marka la keeno dhegaysiga hore waxaa loo qaadanayaa inay tahay markii ugu horraysay ee maxkamad la hor keenay.

Qodobka 59’aad

Ujeedooyinka Dhegaysiga hore

Ujeedooyinka dhegaysiga hore waxay yihiin: -

    b. In arrinta si kale loo jihayn karo oo maxkamad ka duwan.

    t. In la helo xulashada jihayn munaasib ah oo ku haboon xaaladda.

    j. In la garto in xaaladdu ku haboon tahay in laga Wareejiyo dhegeysiga maxkamada carruurta.

    x. In fursad loo siiyo xeer Ilaaliyaha uu ku qiimeeyo haddii ay jiraan cadaymo ku filan oo keeni kara in arinta dacwad qaadis la mariyo.

    kh Garsooraha Maxkamadda Carruurta markuu qaadayo dhegaysiga hore tallaabooyinka uu marayaa waa inay noqdaan kuwo aan rasmi ahayn marka loo eego su’aalo weydiinta, waraysiga dadka iyo xog helidda

Qodobka  60’aad

Goobjoogayaasha dhegaysiga hore.

60.1 Dadka hoos ku qoran waa inay ka ahaadaan goobjooge dhegaysiga hore:

    b Ilmaha

    t . Waalidka ama qofka masuulka ka ah Ilmaha.

    j . Haddii ay dhacdo in la waayo waalid ama qof ka masuul ah waa in garsooruhu magacaabo qof kale oo waayeel ah (Qiyam) oo masuul ka ah oo buuxin kara kaalintaas.

    x. Xeer ilaaliyaha

    Kh. Sarkaalka hubiyaha

    d. Qof kastoo kale oo loo baahan yahay inuu goobjoog ahaado oo dani ugu jirto ilmaha oo garsooruhu ogolaaday.

    r. Qareenka ama wakiilka sharciyeed ee Ilmaha.

    s. Sarkaalka Boliiska ah ee dacwadda baadhay.

Qodobka 61’aad

Habka la Xidhiidha Qabashada Dhegaysiga Hore.

61.1 Marka la bilaabayo dhegaysiga hore: -

    b. Waa in garsooruhu xaqiijiyo da’da Ilmaha.

    t. Waa in garsooruhu caddeeyo qaabka loo doonayo xalka

    j. Waa in uu faahfaahiyo Ilmaha ujeeddada dhegaysiga hore.

    x. Waa in uu sheego Ilmaha nooca dembiga lagu eedaynayo.

    Kh. Waa in uu sheego Ilmaha xuquuqda uu leeyahay

    d. Waa in uu ka dhaadhiciyo qaabka durbadiiba uu raacayo sida xeerkani qabo.

61.2 Haddi ilmaha lala soo eedeeyo hal ama in ka badan oo carruur ah, waxaa waajib ah in dhegeysi gu ahaado wada jir

62.3 Haddii la qabto dhegeysi wadajir ah, waxa laga soosaarayaa go’aan la xidhiidha ilmo kasta

Denbigiisa 61.5 qofna laguma eedayn karo marag uu ka bixiyay maxakamada horteeda oo uu sifo sharci ah u maray

Qodobka 62’aad

Garmaqalka dhagaysiga hore

Garsooraha maxakamadda Carruurtu waa inuu Gar-maqal ka sameeyo talaabooyinka hore ee dhegaysiga maxakamadda

Qodobka 63’aad

Awoodaaha iyo Waajibaadka Garsooraha Maxakamadda Carruurta

Gaarsooraha Maxakamadda Carruurtu wuxuu samayn karaa: -

    b. Inuu Yeedhis u diro ama u sameeyo qof kasta oo loo baahdo inuu goob-joog ka ahaado

    dhegeysiga hore.

    t. Inuu cid ka dalbo dokumenti kale ama xog loo baahdo oo khusaysa habka-dhegeysiga hore.

    j. Wuxuu qaadayaa tallaabooyinka uu u arko in loo baahan yahay ee uu ku ogaan karo warka runta ah.

    x. Garsooruhu wuxuu amrayaa sarkaalka kormeeraha inuu faahfaahiyo ama Sababeeyo warbixinta lagu soo qoray qiimeynta.

    kh. Garsooraha Maxkamadda Carruurtu wuu ka maarmi karaa qiimayntaas. hadii uu u arko in sidaasi dan u tahay Ilmaha

    D. Garsooraha Maxkamadda Carruurtu waa inuu hubiyo warbixinta boliiska ee ku saabsan qabashada Ilmaha, taasoo uu soo sameeyey sarkaalkii qabashada fuliyey.

Qodobka 64’aad

Da’da Ilmaha.

64.1 Haddii da’da Ilmahu tahay mid aan sugnayn, Garsooraha Carruurtu waa inuu ku hubiyo da’ da dhegaysiga hore.Isaga oo adeegsanaya caddaymaha dhakhtar la aqoonsan yahay.

64.2 Haddii garsooraha carruurtu ay u cadaato in uu da’da ilmuhu uu ka weyn yahay 18 sano jir wuxuu joojinayaa dhagaysiga hore eed acwada wuxuuna u wareejinayaa dacwadaa maxakamda awooda u leh .

Qodobka: 65’aad

Haynta kale ee Ilmaha wixii ka dambeeya horgeynta hore

Garsooraha Carruurta wuxuu amri karaa in Ilmaha lagu sii hayo xadhig sababahan dartood:

    b. In dib loo dhigay dhegaysiga hore.

    t. In masuulka ilmaha ama waalidkii buuxin kari waayaan shuruudihii damanada sabab kasta ha jirtee.

Qodobka 66’aad

Dib u Dhigga Dhegaysiga hore.

66.1 Garsooraha Carruurtu wuxuu dib u dhigi karaa dhegaysiga hore muddo aan ka badnayn 48 saacadood haddii aanay ka hor imanayn danta ilmaha.

66.2 Hab- socodka dhegaysiga hore waxaa dib loo dhigi karaa muddo kale oo aan ka badnayn 7 maalmood.

Qaybta 4aad

Dhaqan-celin

Qodobka 67’aad

Micnaha Dhaqan-celin

67.1 dhaqan-celin waxaa loola jeedaa amarada ka soo baxa garsooraha ee looga danleeyahay in lagu dhaqanceliyo ilmaha weecday.waana hab raac la xidhiidha in ilmaha laga duwo habka loo raaco xeerka habka ciqaabta, loona duwo dhinacyo kale oo kaga haboon, sida hab dhaqameedka bulshada, xeerarka caddaalada guud ee waafaqsan dastuurka iyo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha. amarada ka soo baxa garsoorahana waxa ka mid ah:

    b. Amarka Qasabka ah ee Dugsi Tegista » waa amar ka doonaya Ilmaha inuu maalin kasta tago dugsi waqti muddo ah oo la cayimay tegista Dugsiga waxa hubinaya oo ilaalinaya qof la qoondeeyay.

    t Amarka qoys la joogga » waa amar ka doonaya Ilmaha inuu qoyskiisa la joogo saacado lagooyey.

    j. Amarka akhlaaq wanaag » waa amar ka doonaya Ilmaha inuu ka soo baxo heshiiska dhex maray isaga iyo qoyskiisa kaasoo ah inuu fuliyo hab akhlaaqeed la isla meel dhigay.

    x. Amarka waxtarka leh ee la dhaqanka dad wanaagsan » waa amar ka doonaya ilmaha inuu la dhaqmo dad wax ka tari kara toosintiisa lana yimaado akhlaaq wanaag.

    Kh. Amarka wargelinta » waa amar ka doonaya Ilmaha inuu waqti ama waqtiyo go’an uu wargeliyo qof la gartay inuu la socdo dhaqankiisa.

    d. Amarka ilaalinta iyo Hanuuninta » waa amar hoos keenaya Ilmaha qof ilaaliya oo hanuuniya si uu ugu hago akhlaaq wanaagsan.

67.2 Amarada dhaqan-celin ee kale ee soo baxa, ee dan u ah ilmaha.

Qodobka  68’aad

Ujeeddada Dhaqan-celin

68.1 Ujeeddada dhaqan-celintu waxay tahay:-

    b. In La ogaado oo la garto baahida gaar ahaaneed ee Ilmaha.

    t. In la dhiirigeliyo Ilmaha in uu ka mid noqdo qoyskooda iyo bulshada.

    j. In la dhiirigeliyo dib u heshiisiin dhex marta ilmaha iyo qofka ama bulshada dhibtu ka soo gaadhay faldenbiyeedka ilmaha

    x. In La mamnuuco raadraaca dembiile ee ilmaha oo sidaas loo dhiirrigeliyo.

Qodobka 69’aad

Ilmaha oo loo Tixgelinayo jihayn Xaaladdaha qaar.

69.1 Ilmaha waa in loo tixgeliyo dhaqan-celin haddii:-

b. Faldembiyeedka la galay ciqaabtiisu tahay xadhig ka yar toban sannadood

t. Ilmaha si ikhtiyaari ah oo iskii ah u ogolaado inuu denbiga falay.

j. Aanay Jirin caddayn ku filan in maxkamada la mariyo oo dacwad lagu qaado.

Qodobka 70’aad

Doorashada Dhaqan-celinta

70.1 Marka Ilmo gaar ah loo dooranayo jihayn iyadoo lagu jiro dhegaysiga hore waa in la

Tixgeliyo:-

    b. Caafimaadkiisa iyo dhaqankiisa

    t. Heerkiisa aqooneed, awoodiisa wax-garasho iyo xaaladiisa guri iyo deegaan.

    j. Isu – dhignaanta doorashada dhaqan-celinta la door-biday iyo xaaladda Ilmaha iyo nooca faldembiyeedka.

    x. Da’da iyo baahida korriimo ee Ilmaha.

Qodobka 71’aad

Kala doorashada dhaqan-celinta

71.1 Xeerkani wuxuu ula jeedaa kala-doorashada dhaqan-celinta:-

    b. Raalli-gelin afeed ama qoraal ah oo la siiyo qof gaarahaaneed dad ama hay’ad.

    t. Digniin rasmi ah oo loo bixiyo siduu sharcigu qabo oo shuruudo leh.

    j. In ilmaha loo diro qoyskiisa si ay meel cayiman ugu ogaadaan waqti go’an ilaa muddo cayiman.

    x. In loo diro inuu raaco koox akhlaaq wanaagsan qaabka la tilmaamay ee La xidhiidha qof ama dad cayiman ama meel cayiman.

    kh. U diris ,la talin ,ama daawayn in muddo ah.

    d. Tegid khasab ah meel cayiman oo laga barto xirfad gaar ah ama ujeeddo Waxbarasho in muddo ah.

    r. In la bixiyo magdhaw u qalma qof, dad ama hay’ad cayiman.

    s. In shay cayiman loo celiyo dhibbane ama dhibbanayaal cayiman Faldenbiyeedka marka shayga la isku hayo la celin karo ama la heli karo.

    Sh In dib loogu celiyo ilmaha gurigiisa iyo degmada uu ku dhashay/ay ku dhalatay iyadoo ay kharashka bixinayso dawlada hoose.

    dh. In loo dhiibo oo uu daryeelo qof u qalma ama machad barbaarineed oo lagu xusay amarka, kuwaasoo diyaar u ah inay daryeelaan ilmaha.

71.2 Markay dhacdo in la doorto habka jihaynta, waxaa garsooraha carruurta laga doonayaa inuu tilmaamo sarkaal dhaqan-celinta ah oo ilaaliya in ilmuhu raaco dhaqan-celinta la doortay.

71.3 Haddii ay dhacdo in ilmuhu uu fulin waayo shuruudihii dhaqan-celinta ee la doortay, sarkaalka dhaqan-celinta waa inuu ku wargeliyaa garsooraha carruurta si qoraal ah, fulin la’aanta ilmaha.

Qodobka 72’aad

Go’aanka ku Saabsan Amarka Dhaqan-celinta

72.1 Garsooraha Carruurtu waa inuu hubiyo in arrinta la dhaqan-celin karo ka dib markuu tixgeliyo.

    b. Soo-jeedinta xeer Ilaalinta

    t. Warbixinta qiimaynta sarkaalka kormeeraha haddii aan laga maarmin qiimaynta oo layska dayn.

    j. Fikradaha ay qabaan dhammaan dadka xidhiidhkalaleh ilmaha sida: waalidka ee goojooga ahaa dhagaysigii hore

72.2. Garsooraha Carruurtu markuu la tashado dadka kor ku xusan waa inuu goaamiyo doorashada dhaqan-celinta munaasibka ah.

72.3. Xaaladaha dhaqan-celinta waa la isticmaali karaa, wakhti kasta oo ka horaysa go’aan gaadhista dacwada .

Qodobka 73’aad.

Fulin La’aanta Amarka Dhaqan-celinta

73.1. Haddii Ilmuhu fulin waayo amarka ku saabsan dhaqan-celinta, garsooraha carruurtu markuu helo caddayntaas fulin la’aanta ah, wuxuu soo saarayaa amarada horgeynta ee ku xusan xeerkan.

73.2 Marka Ilmuhu horyimaado garsooraha carruurta waa inuu dhegeysto cudurdaarka keenay in la fulin waayo amarkii dhaqan-celinta

73.3 Marka uu garsooruhu dhagaysto cudur daarka keenay inuu fulin waayo amarkii dhaqan-celinta wuxuu garsooruhu qaadayaa talaabooyinkan:

    b. Inuu dabbaqo doorashadii dhaqan-celinta ee hore iyadoo shuruudaha wax laga beddeley.

    t. Inuu dabbaqo doorashada dhaqan-celin kale.

    j. Inuu soo saaro amar ku habboon in la hir-geliyo doorashadii dhaqan celinta ee hore.

 

CUTUBKA AFRAAD

Hab socodka Maxkamadda

Qaybta 1aad.

Maxkamada caruurta.

Qodobka 74’aad

Awooda Maxkamadda Carruurta

Iyadoon la tixgalinayn qodobbada sharci kasta oo si kale tilmaamaya, Maxkamadda Carruurta ayaa awood gaar ah u leh dhegaysiga iyogo’aan ka gaadhida dacwadaha la xidhiidha carruurta.

Qodobka: 75’aad

Qolka Dhegaysiga ee Maxkamadda.

75.1 Fadhiyada maxkamada waa in aanay noqon kuwo furan,waxaana banaan in fadhiyadaas ay ka qayb galaan, qaraabada ilmaha,wakiilka ilmaha,ururada bulshada ee ka shaqeeya arrimaha caruurta, guddiyada xeerkani tilmaamay iyo cid kasta oo ay maxkamadu u ogolaato.

75.2 Qolka maxkamadda ee dacwaddu ka socoto waa in aanu ku sugnayn qof aan ogolansho ka helin garsooraha. .

Qodobka 76’aad

Gargaarka waalidku u fidinayo Ilmaha

76.1 Waalidka ama qofka masuulka ka ah Ilmaha waxaa waajib ku ah inay ka kaalmeeyaan

llmaha marka dacwada lagu qaadayo maxkamada carruurta iyo markasta oo kale.

76.2 Marka waalid ama qof ka masuul ah Ilmaha la waayo iyadoo baadigoob iyo dedaal macquul

ah loo galay oo aanay di b u dhaca dacwada ilmaha dani ugu jirin, markaa waa in uu joogo qof masuul/waayeel ah hab socodkaas dacwada oo garsooruhu u magacaabay.

Qodobka 77’aad

Habka furitaanka dacwadda.

77.1 Bilawga furitaanka dacwadda garsooraha Caruurtu waa inuu: -

    b. ilmaha u sheego danbiga lagu soo eedeeyey iyo nuxurkiisa.

    t. uu sheego xaqiisa/xaqeeda.

    x. u sheegowaxa looga bahan yahay marka eeda loo akhriyo.

77.2 Marka Ilmaha loo caddeeyo nuxurka denbiga lagu eedaynayo, maxkamaddu waa inay weydiisaa wuxuu ka odhanayo/ ka odhanayso waxaana loo raacayaa xeerka habka ciqaabta.

Qodobka 78’aad

Caddaymaha

Haddii aanu xeerkani si kale u sheegin, dhammaan habka la xidhiidha caddaymaha waxaa lagu dabaqayaa Xeerka Habka Ciqaabta in ta uu kala socon karo.

Qodobka 79’aad

Su’aalaha Dadban (Cross- Examination)

Ma babanaana in ilmaha la waydiiyo su’aalaha cadaawadda ah ama wax u dhimaya dareenkiisa iyo qaabka sugidda cadaaladda.waxa keliya oo la weydiinkaraa su’aalaha dadban ee la xidhiidha dacwada.

Qodobka 80’aad

Ogolaansha Caddaymaha.

80.1 Maxkamada caruurtu waxay cadayn ahaan u ogolaan kartaa cadaymaha ku yimid qiraalka ee loo qaaday sida ku cad xeerka habka ciqaabta, waxay kaloo qiraalka qaadan kartaa marka ay goobjoog ka yihiin waalidka ,masuulka,qareenka ama wakiilkiisa sharciga ah ee ilmaha.

80.2 Lama ogola caddayn la xidhiidha saf ka aqoonsi ilmaha (identification Parade) ee maxkamadda iyadoo aanay goob joog ahayn dadka faqrada hore ku xusan ee metelaya Ilmaha.

80.3 Maxkamaddu waxay weydiin kartaa qof kasta oo ku lug leh dacwadda cadaymo kale haddii ay u Aaagto inay sidaasi dan u tahay Ilmaha .

Qodobka 81’aad.

Dhegaysiga Dacwadda ay wada galaan Ilmaha iyo Dad qaangaadh ah.

81.1 Markay ilmo iyo qof weyn oo qaangaadh ah wada galaan dembi isku mid ah oo wada jira, waa in la kala Qaado, haddii aanay sidaas ku jirin danta cadaaladdu.

81.2 Waxay maxkamadda caruurtu iskeed u amri kartaa in dacwad la mideeyo.waxa kale oo sidaas codsan kara xeer-ilaaliyaha ama qareenka difaaca.

81.3 Dacwada mideynta waa in lagu qaado maxkamadda carruurta.

Qodobka 82’aad

Muddada Dacwadda

82.1. Maxkamadda Carruurtu waa inay qaadista dacwadaha ilmaha la eedeeyey sida ugu macquulsan u dedejiso oo hubiso in la xadeeyo wakhtiga dib u dhigista dacwada muddo ahaan.

82.2 Maxkamadda caruurtu waa inay qaadista dacwadda ilmaha ku dhameytirto muddo lix bilood ah oo ka bilaabmata maalinta ilmaha eedda loo akhriyey.

82.3. Haddii ilmuhu xidhan yahay ayna dacwaddu ku dhamaan weydo, mudada la cayimay waxaa ilmaha dacwadiisa lagu dhegaysanayaa debad joog.

82.4 Haddii aan eedi jirin ilmaha lama hayn karo muddo saddex bilood ka badan,waxaana loo jihayn karaa si kale oo garsooruhu doorto haddii ay la haboonaato.

Qaybata IIaad.

Qodobka 83’aad

Xukunka

83.1 Markay maxkamaddu gaadho inay ku dhawaaqdo xukunka waa inay xukunka u rido si waafaqsan xeerkan.

83.2 Waxaa u banaan maxkamada in ay kaalmaysato,cid kasta oo ay u aragto khabiir, waxaa kale oo banaan in la baadho ilmaha guud ahaan xaaladiisa caafimaad oo dhan, ka hor intaan dacwadiisa goaan laga gaadhin,ilmahana waxa lagu haynayaa meel u munasib ah.

83.3 Qaabka xukunka waxaa loo raacayaa habka ciqaabta wixii aan ku xusnayn xeerkan.

Qodobka 84’aad.

Xabsiga.

Xabsigu wuxuu noqonayaa meelaha loogu talogalay in lagu dhaqan celiyo ilmaha .

Qodobka 85’aad

Xukunka dib ugu mideynta Ilmaha bulshada

Garsooraha maxkamadu Caruurtu wuxuu go’aan ku gaadhi karaa talaabooyinka dhaqan-celinta ee ku xusan qodobka (68a) midkood.

Qodobka 86’aad

U dirida Meelaha Dhaqan – Celinta

86.1 Maxkamada carruurtu waxay ilmaha ugu diri kartaa xukun dhaqan-celineed marka ilmuhu galo dembiyaddan .

    b. Denbi ciqaabtiisu tahay dil.

    t. Xabsi daayin

    j. Xadhig aan ka yarayn 10 sanadood.

    x. Ilmuhu inuu yahay caadayste

    kh. Ilmuhu yahay mid dabeecad ahaan khatar ku ah bulshada.

 

CUTUBKA SHANAAD

Qodobo kala Jaad ah

Qodobka 87’aad

Rafcaanka

87.1 Go’aan kasta oo ka soo baxa Maxkamadda Carruurta waxaa laga qaadan karaa Rafcaan.

87.2 Habka loo raacayo Rafcaanka waxaa lagu dabaqayaa qodobada Xeerka Habka Ciqaabta.

Qodobka 88’aad

Nasakhaad

88.1 Waxaa halkan lagu nasakhay xeerka Maxkamadda Caruurta iyo Xarunta Dhaqan Celinta Carruurta ee tirsigiisu yahay 13 soona baxay Maarso 1970 iyo qodobka 177 ee Xeerka Ciqaabta Guud iyo Xeer kastoo ka soo horjeeda ama aan la socon Karin Xeerkan

88. 2 Qodobada 59 iyo 60 ee Xeerka Ciqaabta Guud iyagana waa la beddelay.

 

Allaa Mahad Leh

C/raxmaan Maxamed C/laahi (Ciro)                           Maxamed Xasan Kaahin (Keyse)

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada                                Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilada

_______________                                                      ____________________

[Home] [Introduction to  Somaliland Law] [Somaliland Legal News] [Articles &  Commentaries] [Somaliland  Constitution] [Constitutional  Developments] [Somaliland &  International Law] [Administrative Law] [Somaliland Citizenship Law] [Civil Law] [Civil Procedure  Law] [Commercial Law] [Somaliland Customary Law] [Somaliland Company  Law] [Criminal Law] [Juvenile Justice Law] [Criminal Procedure  Law] [Environmental Laws] [Electoral Laws] [Foreign Investment  Law] [Family &  Personal Law] [Somaliland  Government] [Health Law] [Somaliland Human Rights Law] [Insurance Law] [Somaliland Judicial  System] [Labour/ Employment Law] [Land & Planning  Law] [Hargeisa Law  Faculty] [Somaliland Legal  Profession] [Somaliland Lawyers' Association SOLLA] [Somaliland Livestock  Laws] [Local Government  Law] [Maritime Law] [Military Law] [Somaliland  Mining Laws] [Somaliland NGOs Law] [Press &  Media  Law] [Somaliland Public  Finance Law] [Somaliland  Parliament] [Somaliland Security  Committees] [Sharia   A Source of Law] [SHURO Net Human Rights Network] [Transport &  Traffic  Law] [Miscellaneous Laws]