Copyright © 2006 -2013 Somalilandlaw.com. All rights reserved

Standing Rules of Parliament

 

SOMALILAND PARLIAMENT – Standing Rules of the Two Houses

 Both Houses of Parliament (the House of Representatives and the House of Elders) have their own Rules of Procedure and a set of Rules which govern joint sittings, which are permitted under Article 38 of the Constitution.

The Rules in Somali are set out below: 

1.  THE HOUSE OF REPRESENTATIVES: The Revised House of Representatives Standing Rules (adopted on 2 January 2006). [pdf copy of the Rules ] - all in Somali

  • In 2006, Somalilandlaw.com drafted  new suggested Rules of the House which incorporated  all the 2006 HoR Rules: click here. The draft Rules were based on those of Houses of Representatives in presidential systems of government, and in particular, those of the Philippines, the US and some South American countries, but were  also very much grounded on the Somaliland Constitution and customs.

2. THE HOUSE OF ELDERS: The House of Elders Standing Rules.

3. JOINT SITTINGS OF BOTH HOUSES: The Rules Relating to Joint Sittings.


  THE STANDING RULES OF THE HOUSE OF REPRESENTATIVES

(Revised: 2 January 2006)

     JAMHUURIYADA SOMALILAND

    GOLAHA WAKIILADA

    XEER-HOOSAADKA GOLAHA WAKIILADA

    (STANDING RULES)-

       GOLAHA WAKIILADA JAMHUURIYADA SOMALILAND

    Markuu arkay:      Qodobka 9aad, Qodobada 37 ilaa 56, Qodobada 74 ilaa 79 iyo Qodobka 129’aad ee Dastuurka.

     Markuu tixgeliyey:     Jamhuuriyada Soomaaliland oo qaadatay nidaam ku dhisan talo wadaag iyo Dimuquradiyad aan ka hor imanayn  shareecada Islaamka.  

      Markuu aqoonsaday:   In Golaha Wakiiladu uu ku yimi qaab doorasho xalaal ah ayna waajib tahay inay hawlahooda u fuliyaan hab aan muran iyo  mugdi geli Karin.

    Markuu wax ka bedel & Kaabid:-  Ku  sameeyey Xeer-hoosaadkii hore ee Golaha Wakiilada ee 14/9/1998

    Wuxuu Soo Saaray Xeer-Hoosaadkan


    (Qodobka 1’aad)

    Macnaha ereyada

    Xeer-hoosaad:  Waxa loola jeedaa Xeer u gaar ah Golaha Wakiilada oo habaynaya sida Goluhu u gudanayo xilkiisa iyo awoodaha Dastuurka iyo Xeerarku u jideeyeen.

      Qolalka Shiraraka:- Waxaa loola jeedaa qol-weynaha (main hall) shirka ee Golaha iyo Qolalka kale ee guddiyadu ku shiraan.                             

    Shir-guddoon: Waxaa loola jeedaa Gudoomiyaha Golaha iyo llabadiisa ku-xigeen oo wada  Jira.                           

    Guddi hoosaad: Waxaa loo jeedaa guddiyo Golaha laga dhex magacaabay oo hawl gaar ah  qaabilsan.

    Dastuurka: Waxaa loola jeedaa Dastuurka Qaranka ee JSL.

    Go’aan: Waxaa loola jeedaa wax kasta oo markii loo codeeyey aqlabiyada Goluhu isku raacay                

      Fadhi (shir): Waxaa loola jeedaa kulan kasta oo kooram ku furma oo ay yeesheen Goluhu ama Guddi-hoosaadyadu.

    Xoghaynta Golaha: Waxaa loola jeedaa shaqaalaha Golaha Wakiilada ka shaqeeya oo uu  hormoodka u yahay Xoghayaha Guud.

    Hadal Qoraal:Waxaa loola jeedaa qoraal xoghayntu ka reebto doodaha, go’aanada,baaqyada, iwm  ee Golaha ka soo baxa.

    Fadhi xidhan: Waxaa loola jeedaa fadhiyada aan loo ogolayn dhegaystayaasha, saxaafadda iyo  martida kale toona.

    Fadhi furan: Waxaa loola jeedaa fadhiyada Golaha ee dhegaysigiisa ka qaybgeli Karaan dhegaystayaal.

    Mashruuc sharci: Waxaa loola jeedaa soojeedin sharci qabyo ah oo u furan dood iyo Wax ka bedel  (Bill Of Law).

    Kooram:  Waxaa loola jeedaa tirada xubnaha mudaneyaasha Goluhu sifo sharci ah uu ugu furmi Karo fadhi Gole, waxaana ugu yar tirada guud ee Golaha badhkood iyo hal marka laga reebo kuraasta bannaanshahooda la baahiyey.

     Mudaneyaasha cusub: Waxaa loola jeedaa mudaneyaasha  ku yimi doorasho Xalaal ah oo  dimuquraadi ah.

    Mudane: Waxaa loola jeedaa xubin ka tirsan Golaha Wakiilada (lab/dhedig).

    Fadhi gaar ah: Waxaa loola jeedaa fadhiga ugu horeeya ee Golaha Wakiilada cusub.

    Soojeedin (motion): Waxaa loola jeedaa soojeedin rasmi ah oo uu soojeediyo mudane ama Mudaneyaal si looga doodo go’aana looga gaadho.

    Toosin (Point of Order): Waxaa loola jeedaa soo dhexgelida hadal mudane wato si loo waafajiyo sharciga.

    Aqlabiyad fudud (Simple Majority) Waxaa loola jeedaa codka lagu ansixiyo haldheeri, tirada kooramka ee ugu yar.

     Aqlabiyad Buuxda (Absolute Majority): Waxaa loola jeedaa codka lagu ansixiyo  kala badhow badh iyo hal tirada guud ee xubnaha guud ee Golaha, marka laga reebo kuraasta  bannaanshahooda la baahiyey.

  • (Qodobka 2’aad)
  • Tilmaamaha guud ee Golaha Wakiilada
  •  
  • 1.                 Golaha Wakiiladu waa qaybta koowaad ee sharci dejinta dalka waana Wakiilada dad weynaha.
  •  
  • 2.                 Golaha Wakiiladu wuxuu ka kooban yahay laba iyo sideetan (82) xubnood oo lagu soo doorto doorasho guud oo toos ah iyo codbixin qarsoodi ah oo xor ah.
  •  
  • 3.                 Afka loo isticmaalayo shaqada iyo doodaha Golaha waa Af-soomaali afka labaadna waa af-Carabi, afafka kalena waa la adeegsan karaa markuu Goluhu u baahdo.

     
  • 4.                 Xarunta Golaha Wakiiladu waa magaalo madaxda dalka ee Hargeysa.

     
  • 5.                 Astaanta Goluhu waa geed uu hoos yaalo rixle kitaab fidsani dulyaalo.

     
  • 6.                 Muddada Goluhu waa shan (5) sanno oo ka bilaabma maalinta Maxakamadda Sare ku dhawaaqdo natiijada kama dambaysta ah.
  •  
  • (Qodobka 3’aad)
  • Waajibaadka Golaha Wakiilada
  •  
  • Waajibaadka Golaha Wakiiladu waa sidan:-
  •  
  • 1.                 Goluhu wuxuu u xilsaaran yahay dejinta, hubinta, dhawrista sharciyada dalka iyo la xisaabtanka xukuumadda iyo hay’adeheeda.

     
  • 2.                 Doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo ku-xigeennadiisa (1aad iyo 2aad).

     
  • 3.                 Dejinta Xeer-hoosaadka Golaha iyo ansixintiisa.

     
  • 4.                 Ansixinta miisaaniyad sannaddeedka iyo xisaab-xidhkeeda.

     
  • 5.                 Ansixinta ama diidmada Wasiirrada, Wasiir ku-xigeennada iyo Madaxda kale ee Qaranka.
  •  
  • 6.                 Ansixinta ama diidmada madaxda hay’addaha dawladda ee madaxa bannaan oo ay ka mid yihiin:
  •  
  • Ø     Xeer-ilaalinta Guud.
  • Ø     Hanti dhawrka Guud.
  • Ø     Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.
  • Ø     Baanka Dhexe.
  •          
  • 7.                 Ansixinta Xeerarka Hay’ad kasta oo madax-bannaan ama qaran oo la dhisayo ama dhisan.
  •  
  • 8.                 Ansixinta madaxda sare ee dawladda ee Xeer Golaha Wakiilada ka soo baxay jideeyay.  
  •  
  • 9.                 Magacaabidda guddiyo baadha dhacdooyinka ka yimaada hay’adaha dawladda haddii loo baahdo.

     
  • 10.            Ansixinta heshiisyada caalamiga ah iyo heshiisyada kale ee dalka u keenaya culays maaliyadeed oo aan miisaaniyadda ku soo aroorin, ee ay xukuumaddu la gasho dawladaha kale iyo shirkadaha caalamiga ah ama wadaniga ah.

     
  • 11.             Ansixinta mashruuc sharci ee ay soo gudbiso Xukuumaddu, Guurtidu ama ay keenaan mudanayaal Golaha ka tirsan.

     
  • 12.             Kala qaybgalka Golaha Guurtida fadhiyada Dastuurku jideeyey.

     
  • 13.             Golaha wakiiladu wuxuu u gudbinayaa Golaha Xukuumadda talooyin iyo tilmaamo ku saabsan hogaaminta siyaasadda guud ee dalka.
  •  
  • 14.             Guddiyada Golaha Wakiiladu waxay awood u leeyihiin in ay wasiirada ama madaxda hay’addaha dawladda ama madaxda sare ee kale ee qaranka ee hawshoodu khusayso ay wax ka weydiiyaan gudashada xilkooda, xogta ay helaan iyo soojeedintoodana Golaha ay horkeenaan.

     
  • 15.             Goluhu wuxu awood u leeyahay jideynta canshuuraha iyo talaabooyinka kale ee kor loogu qaadayo dakhliga.

     
  • 16.             Waxa kale oo Goluhu awood u leeyahay dhammaan awoodaha uu siiyay Dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka.
  •  
  • (Qodobka 4,aad)
  • Waayidda Xubinnimada Golaha Wakiilada
  •  
  •        Xubinimada golaha waxa lagu waayi karaa sida soo socota:-
  •  
  • 1.                 Geeri.
  • 2.                 Istiqaalad qoraal ah, Goluhuna ka oggolaaday.
  •  
  • 3.                 Ka maqnaansho Golaha labaatan (20) fadhi oo isku xiga idin la’aan.
  •  
  • 4.                 Xil-gudasho la’aan joogto ah sida:-
  •  
  • b.  Xiskiisa oo wax u dhinmaan (Waalli taas oo loo baahan yahay inay soo   caddeeyaan guddi dhakhaatiir ah oo la aqoonsan yahay).
  • t.                  Caafimaad darro joogto ah ama awood beelid uusan xilka la gudan Karin, taas oo ay soo caddaynayaan guddi dhakhaatiir ah oo la aqoonsan yahay.
  •  
  • 5.                 Xukun ciqaabeed kama dambays ah, sida ku cad Dastuurka.
  •                                            
  • (Qoddobka 5’aad)
  • Buuxinta Jagada Golaha Wakiilada
  •  
  • Haddii ay bannaanaato jago Xubin ka mid ah Golaha Wakiilada waxa loo soo buuxinayaa si waafaqsan xeerka-doorashada Golaha Wakiilada.
  •  
  •  (Qodobka 6,aad)   
  • Nabad-gelyada Madasha Shirka
  •  
  • 1-    Dhawrista nabad-gelyada Golaha waxaa u xilsaaran Gudoomiyaha Golaha oo markii loo baahdo adeegsan kara hawl-wadeennada nabadgelyadda.
  •  
  • 2-   Waxaa reeban in qofna la soo galo hub madasha shirka Golaha Wakiilada ama xafiisyada Golaha Qofkii la soo gala waxaa laga qaadayaa talaabo sharciga waafaqsan.

     
  • 3-   Ciidamada nabad-gelyadu ma soo geli karaan madasha shirka iyo xafiisyada Golaha Wakiilada hadaan Gudoomiyuhu dalban.

     
  • 4-   Cidda ka baxsan xubnaha Golaha Wakiiladu ma soo geli karto madasha shirka iyo xafiisyada Golaha hadaan loo ogolaan.

     
  • 5-   Xubnaha Golaha iyo goob joogayaashu waa inay demiyaan moobilada (Telefoonda Gacanta) iyo qalab kasta oo carqaladayn kara ismaqalka fadhiga Golaha, mana bannaana in lagu cabbo sigaar, laguna cuno qaad ama cunto.

     
  • ( Qodobka 7’aad)
  • Dadka loo ogolaaday Fadhiga
  •  
  • 1-    Dadka loo ogolaaday inay dhegaystaan madasha shirka waxay fadhiisanayaan meesha loo cayimay iyaga oo aamusan, looma ogola inay muujiyaan astaamo ogolaansho ama diidmo midna.

     
  • 2-    Shaqaalaha Goluhu iyaga oo fulinaya amarka Gudoomiyaha waxay si deg’deg ah uga saarayaan madasha shirka cidda khilaafta nidaamka shirka.
     
  • 3-   Dhegeystihii geysta af lagaado wax u dhimaysa sharafta Golaha Wakiilada ama xubin ka mid ah mudanayaasha, waxaa lagu xidhayaa amarka Gudoomiyaha, waxaana lagu wareejinayaa ciidanka booliiska si talaabada ku habboon looga qaado.
  •  
  • (Qodobka 8’aad)
  • Kalfadhiyada Golaha Wakiilada
  •  
  • 1.                 Sida ku cad qodobka 46aad ee Dastuurka Goluhu wuxuu yaalanayaa saddex kal-fadhi oo caadi ah sannadkiiba oo gaadhaya muddo siddeed iyo labaatan (28) todobaad ah. Labadii kal-fadhi waxa u dhexaynaaya ugu yaraan afar (4) todobaad ugu badnaanna siddeed (8 )todobaad oo ah fasax.
  • 2.                 Kal-fadhiga aan caadiga ahayn ee Golaha Wakiilladu wuxuu ku qabsoomi karaa:-
  •  
  • b.  Codsi ka yimaada Madaxweynaha JSL.
  • t.   Guddoomiyaha Golaha Wakiilada oo isugu yeedha.
  • j.   Saddex meeloodow meel (1/3) tirada xubnaha Golaha Wakiilada oo
  •      qoraal ku codsada.
  •  
  • 3.                 Kal-fadhigiisa ugu horeeya waxa Golaha Wakiiladu ku ansixinayaa xeer-hoosaadkiisa wuxuna ku dhisanaya guddi hoosaadyo inta uu u baahdo.
  •  
  • 4.                 Khudbadda qaranka waxa jeedinaaya Madaxweynaha kal-fadhiga ugu horeeya sannad walba waxaanay ka war bixinaysaa:-
  • ·                                           Siyaasadda, barnaamijyada dawladda, dhaqaalaha, xaaladda lacageed, xaaladaha nabadgelyada dalka,iyo wax qabadkii xukuumadda ee sanaddkii dhammaaday.
  •  
  • (Qodobka 9’aad)
  • Hawlaha Fadhiyada
  •  
  • 1.      Fadhi kasta marka la akhriyo Aayadaha Quraanka Kariimka ah waxay hawshu ku soconaysaa sida ajendaha lagu diyaariyay.
  •  
  • 2.     Mudnaanta kowaad waxaa leh qodobka aan anjendaha ku jirin sida, soojeedinta Gudoomiyaha, qoraalada soo gaadhay Golaha,codsiyada, ogeysiinta soojeedinada (motions).

     
  • 3.      Jawaabihii ka soo noqday su’aalihii la weydiiyay xukuumadda.
  •  
  • 4.      Intaas kadib waxaa la bilaabayaa qodobada anjendaha sida ay u kala horeeyaan, haddii aan Gudoomiyaha Goluhu si kale u soo jeedin.
  •  
  • (Qodobka 10’aad)
  • Fadhiga ugu horreeya ee Golaha Wakiillada Cusub.
  •  
  • 1.                 Fadhiga ugu horeeya ee Golaha Wakiilada cusub waa fadhi gaar ah wuxuuna qabsoomayaa maalinta madaxweynuhu u muddeeyo, soddon (30) maalmood gudahood laga bilaabo maalintii ay maxakamada sare ku dhawaaqday natiijadii doorashada ama maalinta shan iyo afartanaad (45) oo xubnaha Golaha cusubi iskood isugu yimaaddaan, kana soo qaybgalaan fadhigaa Saddex meeloodow laba meelood (2/3)  ugu yaraan tirada guud ee xubnaha Golaha Wakiilada ee cusub.

     
  • 2.                 Waxa fadhiga xubnaha Golaha Wakiilada ee cusub furaya Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, oo isla markaana dhaarinaya xubnaha Golaha Wakiilada ee cusub.

     
  • 3.                 Shirkaas waxa Gudominaya dhaarta ka dib mudanaha  ugu da’da weyn xubnaha Golaha cusub waxana lagu dooranayaa isla fadhiga maalintaas Guddoomiye iyo laba Guddoomiye ku-xigeen (G/X/1aad iyo G/X/2aad).
  •  
  • (Qodobka 11’aad)
  • Dhaarta
  •  
  • Xubin kasta oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiilada inta aanu xilka qaban waxa uu marayaa/maraysaa dhaarta ku xusan qodobka 129’aad ee Dastuurka Qaranka oo ah sidan.
  •  
  • (Waxaan Illaahay ugu Dhaartay inaan u noqonayo Daacad diintayda Islaamka ah, Dalkayga Soomaaliland, Dadkiisana ku Maamulayo Sinnaan iyo Caddaalad).
  •  
  • (Qodobka 12’aad)
  • Hannaanka Doorashada Gudoomiyaha & Labada Gudoomiye-xigeen
  •  
  • 1.                 Xubnaha u sharaxan jagooyinka Gudoomiyaha ama Gudoomiye ku-xigeenada, (G/X/1aad iyo G/X/2aad) waa inay codsigooda ugu soo gudbiyaan gudoonka shirka qoraal ahaan, kaas oo ay ku cadaynayaan musharaxnimadooda iyo mid kasta jagada uu u tartamayo.

     
  • 2.                 Musharaxiinta u tartamaya Gudoomiyaha iyo ku-xigeenada Golaha cusub jago kasta waa inaanay ka badnayn saddex (3) xubnood  oo ku yimaada soo jeedinta mudanayaasha saddexda xisbi qaran oo si dumuquraadi ah uga soo tartamay xisbiyada dhexdooda.

     
  • 3.                 Hannaanka doorashada Gudoomiyaha iyo ku-xigeenadu waa gacan taag wuxuna codkaasi ku ansaxayaa haldheeri (aqlabiyada fudud).

     
  • 4.                 Ugu horeyn waxaa loo codeynaya Gudoomiyaha Golaha cusub, natiijadana waxaa ku dhawaaqaya Gudoomiayaha Shirka.

     
  • 5.                 Marka la doorto Guddoomiyaha Golaha ee cusub, hogaaminta fadhiga Golaha waxa la wareegaya Gudoomiyaha Golaha, isaga ayaana hagaya u codeynta Gudoomiye- xigeenada 1’aad iyo 2’aad isla fadhigaas.  
  •  
  • (Qodobka 13’aad)
  • Fadhiyada Golaha
  •  
  • 1.      Fadhiyada Goluhu waa kuwo furan ama xidhan. Fadhiga Goluhu wuxuu ku ansaxayaa markay madasha fadhiyaan tirada guud ee Golaha badhkeed, oo lagu daray hal ama in ka badan, marka laga reebo kuraasta bannaanashahooda la baahiyay.

     
  • 2.     Go’aamada Goluhu waxay ku ansaxayaan haldheeri (aqlabiyad fudud) marka laga reebo, arrimaha Dastuurka ama xeer-hoosaadka Goluhu aqlabiyad kale u jideeyeen.
  •  
  • 3.     Fadhiyada Goluhu waxay noqon karaan qaar xidhan marka Shir-guddoonku go’aansado in xaalad ka mid ah xaaladaha soo socda laga doodaayo:-
  •  
  • b.  Dood la xidhiidha nabadgelyada heer qaran.
  • t.   Khilaaf ka dhex oogma Golaha dhexdiisa ama Golayaasha dhexdooda.

     
  • j.   Arrin la xidhiidha anshaxa oo Guddida joogtadu baadhitaan ka dib u  bandhigtay Shir-guddoonka, Shir-guddoonkuna u arkay in xal u raadinteedu ku habboon tahay go’aan Golaha ka soo baxa.

     
  • x.  Marka toban iyo kow (11) mudane soo jeedin qoraal ah soo gaadhsiiyaan Shir-gudoonka  Goluhuna ka oggolaado.

     
  • Kh.  Markay Shir-guddoonka la habboonaato Goluhuna ka ogolaado.
  •  
  • 4.     Fadhiyada kale waa kuwo furan waxaana loo ogol yahay dhegeystayaal, sida saxaafadda, dadweynaha iyo martisharaf kale iyaga oo fadhisandoona goobo loo cayimay.
  •  
  • 5.     Dib-u -dhigidda fadhigu wuxuu ku ansaxayaa aqlabiyad fudud waxana dib loo dhigi karaa ugu badnaan  toddoba (7) maalmood
  •  
  • 6.     Wasiirada iyo Wasiir ku-xigeennada waxa ku waajib ah in ay ka qayb galaan fadhiyada Golaha Wakiillada iyo Guddiyadiisa haddii qoraal lagaga codsado sidaa, waxayna xaq u leeyihiin in ay ka
  • qayb qaataan doodaha, hase yeeshee xaq uma laha codayn, sidoo kale Madaxweynaha waxaa        bannaan in uu u wakiisho ku-xigeenkiisa ama Wasiir ka qaybgalka fadhiyada Golaha Wakiilada.
  •  
  • 7. Mudanuhu wuxuu codsan karaa wax-ka-beddelka ajandaha hawl-maalmeed isaga oo qoraal ugu       gudbinaaya Shir-guddoonka.  Guddoomiyaha Goluhu wuxuu u soo bandhigayaa arrintaas Golaha si loogu taageero aqlabiyad fudud.
  •  
  • 8. Fadhiyada guddiyada waxa kale oo isugu yeedhi kara Guddoomiyaha Golaha Wakiillada marka lagu wargeliyo qabsoomi la’aanta Shirka Guddiga.
  •  
  • 9. Baarlamanku (Guurtida & Wakiilada) wuxuu yeelanaya fadhiyo wadajir ah sida Dastuurku qeexayo.
  •  
  • (Qodobka 14’aad)
  • Xilka Gudoomiyaha Golaha Wakiilada
  •  
  • 1.     Gudoomiyuhu wuxu furayaa, xidhayaana fadhiyada, wuxuu sheegayaa saacadaha iyo ajendaha fadhiga soo socda, isaga oo af-ahaana ku war-gelinaya Xubnaha Golaha Wakiilada.
  •  
  • 2.     Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu wuxuu masuul ka yahay fulinta iyo ku dhaqanka Xeer-hoosaadka, ilaalinta nidaamka Golaha iyo habsami u socodka hawlaha Golaha oo dhan.
  •  
  • 3.     Gudoomiyuhu wuxuu hadalka u qaybiyaa Mudaneyaasha, wuxu hogaamiyaa doodda, wuxu soo jeedinaya su’aalaha, wuxuu nidaamiyaa habka codaynta, wuxuna ku dhawaaqaa natiijadooda.
  •  
  • 4.      Gudoomiyuhu wuxuu kormeerayaa shaqada Golaha iyo hawl-maalmeedka ay qabtaan xoghayntu.
  •  
  • 5.     Gudoomiyuhu wuxu matalaa, kuna hadlaa magaca Golaha Wakiilada.  Wuxuu xidhiidhiyaa Golaha iyo baarlamaannada adduunka ee dhiggiisa ah.
  •  
  • 6.     Haddii Gudoomiyuhu heshiis caalami ah soo galo, wuxu Goluhu ku ansixinayaa heshiiskaas cod haldheeri, (aqlabiyad fudud).
  •  
  • 7.     Gudoomiyuhu wuxu saxeexaa heshiisyada caalamiga ah ee Goluhu la galayo baarlamaannada adduunka ee dhigiisa ah.
  •  
  • 8.     Gudoomiyuhu wuxu dhaariyaa Xoghayaha Guud, ku-xigeenkiisa iyo la-taliyeyaasha.
  •  
  • 9.      Gudoomiyuhu wuxuu saxeexa go’aamada Golaha iyo waraaqaha kale ee rasmiga ah. Marka uu maqan yahay ama uu buko waxa saxeexaya Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha marka labaduba maqan yihiina Gudoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha.
  •  
  • 10.Gudoomiyuhu wuxu iska leeyahay furista Golaha marka kooramku buuxsamo, iyo xidhitaankiisa hadaan Golaha soojeedin kale ka iman.
  •  
  • 11.  Gudoomiyuhu wuxu ahaanaya mid u dhex ah mudaneyaasha marka laga reebo xaalada codkiisa loo baahdo.

     
  • Qodobka (15’aad)
  • Xilka Gudoomiye ku-xigeenada
  •  
  • 1.     Gudoomiyaha Goluhu markuu maqan yahay ama aanu qaban karin xilkiisa sabab kasta ha ahaatee waxaa dhammaan hawshiisa fulinaya Gudoomiye- ku-xigeenka 1’aad, hadduu isna maqnaado waxaa xilka gudoominta la wareegaya Gudoomiye- ku-xigeenka 2’aad ee Golaha Wakiilada.
  •  
  • 2.      Guddoomiye ku-xigeenadu waxay qabtaan xil-kasta oo Gudoomiyuhu u igmado.

     
  • (Qodobka 16’aad)
  • Xilwaayida Gudoomiyaha & Ku-xigeenadiisa
  •  
  • 1.     Waxa xubin kasta oo Shir-gudoonka ka mid ah xilka lagaga qaadi karaa marka ay soo jeediyaan toddoba iyo labaatan (27) Xubnood, shan iyo konton (55) Xubnoodna u codeeyaan xil ka qaadistooda, marka laga reebo xubnaha banaanaaashahooda la baahiyay.  Waxaa Shir-gudoonka waajib ku ah marka mudanayaasha tiradoodu kor ku xusan tahay ay qoraal ugu keenaan soojeedintooda inay codeyn u mudeeyaan iyaga oo u qabanaya muddo aan ka badnayn saddex maalmood (3) oo shaqo, kana yarayn afar iyo labataan ( 24 ) saacadood.

     
  • 2.     Marka loo codeynayo xil ka qaadista saddexda xubnood waxa fadhigaas gudoominaya mudanaha ugu da’da weyn Golaha.

     
  • 3.     Waxa kale oo Gudoomiyaha Golaha ama ku-xigeenadiisu ku waayi karaan xilka arrimaha soo socda:-

     
  • b.     Geeri.
  • t.      Istiqaalo qoraal ah Goluhuna ka ogolaaday.
  • j.       Maqnaasho cudurdaar la’aan ah oo gaadhaysa  soddon (30) maalmood oo shaqo.
  •  
  • 4.     Xil gudasho la’aan joogta ah sida:-
  •  
  • b.     Xiskiisa oo ay wax u dhimaan (Waalli) taas oo ay caddeeyaan guddi dhakhaatiir ah oo la aqoonsan yahay .
  • t.                  Caafimaad darro joogta ah ama awood beelid uusan xilka gudan Karin, oo ay caddeeyeen guddi dhakhaatiir ah oo la aqoon san yahay.
  • J.   Xukun ciqaabeed kama dambays ah oo ku dhaca, sida Dastuurka waafaqsan.
  •  
  • 5.     Marka ay Gudoomiyaha ama mid ka mid ah ku-xigeenadiisu ay waayaan xilka,  waxaa lagu dooranayaa Gudoomiye cusub ama ku xigeen cusub muddo shan iyo toban (15) maalmood gudahood ah, iyada oo loo raacaayo qodobka 44aad ee Dastuurka iyo xeer-hoosaadka Golaha.
  •  
  • 6.     Haddii waqtigaa Gudoomiyaha ama ku-xigeen waayay xilka, Goluhuna fasax ku jiro Xubinta cusub ee shir-gudoonka waxaa la dooranayaa ka dib marka uu bilawdo Kalfadhiga ugu horeeya.
  •  
  • 7.     Haddii Gudoomiye ku-xigeenadu (G/X/1aad & G/X/2aad) isu sharaxaan xilka Gudoomiayaha markay bannaanaato, waa in ay u soo gudbiyaan iscasilaad Gudoomiyaha fadhiga, Goluhuna ka ogolaado.
  •  
  • (Qodobka 17’aad)
  • Awoodda Shir-gudoonka
  •  
  • Awoodda shir-gudoonka waxaa caddaynaya Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka waxaa kale oo ka mid ah awoodahooda.
  •  
  • 1.                 Inay soo diyariyaan miisaaniyadda Golaha iyaga oo kala tashanaya Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada.
  • 2.                 Inay u xulaan saraakiisha gudan kara xilka jagooyinkan:-
  •  
  • j.                   Xog-haye guud
  • k.                 Ku-xigeenka xog-hayaha guud iyo shaqaalaha kale ee Golaha.
  • l.                   La-taliyaha Sharciga
  • m.              Iyo la taliyeyaasha kale ee Dastuurku jideeyey.
  •  
  • 3.                 In ay u magacabaan xubno ka tirsan Golaha Wakiilada hawlo dalka debediisa, ama gudihiisa ah marka loo baahdo.  Shir-gudoonku wuxuu xidhiidh la yeelan karaa  Shir-gudoonada dhigiisa ah ee ka jira dalalka shisheeyaha ah.
  •  
  • 4.                 Hawlaha ku saabsan xidhiidhka dalka debediisa iyo gudihiisaba waxaa hogaaminaya xubinta uu Shir-gudoonku u garto.
  •  
  • 5.                 Soo diyaarinta anjandaha kal-fadhi kasta ee Golaha Wakiilada.
  •  
  • 6.                 Xubnaha Shir-guddoonku kama wada maqnaan karaan fadhi-shaqo oo Goluhu leeyahay haddii aanay ku war-gelin Golaha fadhiga maalinta hore.
  •  
  • 7.                 Awoodda Shir-gudoonka waxa ka mid ah dalacsiinta, darajo hoos u dhigga kala bedelka iyo shaqo ka joojinta shaqaalaha Golaha, markay sidaa ugu muuqato Shirgudoonka ama ay Xoghayaha Guud ka helaan soo jeedin.
  •  
  • (Qodobka 18’aad)
  • Guddiyada Golaha
  •  
  • 1.     Golaha Wakiiladu isaga oo xilkiisa u gudanaya si waafaqsan Dastuurka waxa uu yeelanayaa Guddi-hoosaadyo Joogta ah iyo kuwo gaar ah, kuwaas oo ka koobnaan doona:-
  •  
  • 1.    Guddida Joogtada ah iyo Anshaxa.
  • 2.    Guddida dhaqaalaha, maaliyada iyo ganacsiga.
  • 3.    Guddida arrimaha bulshada iyo diinta.
  • 4.    Guddida arrimaha deegaanka, xoolaha, beeraha, iyo khayraadka dabiiciga.
  • 5.    Guddida arrimaha gudaha, nabadgelyada iyo difaaca. 
  • 6.  Guddida siyaasada arrimaha debedda, iskaashiga caalamiga ah iyo                                                                       qorsheyn ta qaranka                         
  • 7. Guddida dastuurka, garsoorka, cadaalada iyo xuquuqal-iinsaanka.
  • 8. Guddida ilaalinta iyo daryeelka hantida qaranka.
  •  
  • 2.                 Waxaa xubnaha guddiyada xilka xulistooda iska leh shir-gudoonka, iyagoo tixgelinaya aqoontooda cilmiyeed iyo waayo aragnimada ay xubnuh u leeyihiin hawlaha loo xilsaarayo.
  •  
  • 3.                 Guddi hoosaad kasta waxa ay ka koobnaanaysa ugu yaraan toddoba (7) xubnood marka laga reebo guddida joogtada ah oo ka kooban toddoba iyo toban (17) xubnood
  •  
  • 4.                 Muddada xilka Guddi kasta waxay ku ekaandoonta ugu yaraan hal sano.
  •  
  • 5.                 Xubnaha guddida layskuma shaandhayn karo sanadka u horeeya iyo ka u dambeeya ee muddada Golaha Wakiilada mana bannaana in xubnaha Guddi dhammaantood la wada beddelo mar keliya.
  •  
  • 6.                 Haddii muddada Guddiyada ee ku xusan faqrada afaraad (4) Guddi shaqayn waydo shir-gudoonka ayaa bedelaya ama isku shaandhaynaya.
  •  
  • 7.                 Haddii baahiyi keento in xubin ama laba xubnood oo Guddi ku jira looga baahdo Guddi kale waa lagu dari karaa.
  •  
  • (Qodobka 19aad)
  • Guddi Hoosaadyada Gaarka ah
  •  
  • 1.           Goluhu wuxu yeelanayaa guddiyo gaar ah (AD HOC COMMITTEE) waxaanay jirayaan inta hawsha loo magacaabay socoto.
  •  
  • 2.                 Guddiyada gaarka ah waxa xilka xulistooda iska leh Shirgudoonka.
     
  •  (Qodobka 20’aad)
  • Xilka Guddi Hoosaadyada Golaha
  •  
  • 1.     La socodka maamulka xukuumadda iyo hay’adaha dawladda ee madaxa banaan, Wakaaladaha, iyo shirkadaha dawladda ee ay guddi walba isku shaqada yihiin.
     
  • 2.     Waxaa guddi walba Shir-gudoonka Goluhu u gudbinayaan Xeerarka khuseeya hawlahooda inta aan la horkeenin Golaha iyada oo loo qabanayo muddo ay ku keenaan talo bixintooda.
  • 3.     Xubnaha guddi kasta waxa iskugu yeedhi kara Guddoomiyaha Guddiga, haddii uu maqan yahayna Xog-hayaha guddida.
  •  
  • 4.     Guddi kastaa waxay iska sii dhex dooran karaan guddi-hoosaadyo.
  •  
  • 5.     Dhammaan guddiyada Golaha bud-dhigga xilgudashadoodu waa wadatashi, waxaanay ku go’aan qaadanayaan aqlabiyad fudud.
  •  
  • 6.     Guddi kasta waxa ay Golaha u soo gudbinayaan warbixin, talo soojeedin mashruuc sharci oo la xidhiidha shaqadooda iyagoo qoraal ahaan ugu soo gudbinaaya shir-guddoonka Golaha Wakiilada.
  •  
  • 7.     Guddiyada Golaha Wakiillada waajibaadkooda iyo shaqadooda waxa lagu caddaynayaa lifaaq la socda xeer-hoosaadka oo Golaha loo horkeeno si waafaqsan Dastuurka.
  •  
  • 8.     Xubnaha Guddiyadu waxay leeyihiin gunno hawleed iyo adeegyada kale ee hawshooda looga maarmi waayo.
  •  
  • 9.     Shaqada Golaha Wakiilada waxaa saldhig u ah hawlaha ay qabtaan guddi-hoosaadyadu waxayna noqonaysa shaqo maalimeedkooda gaarka ah Arbacda iyo Khamiista. Guddiyadu way shaqayn karaan maalimaha shaqo iyo fasaxyadaba haddii loo baahdo.
  •  
  • 10.Guddi hoosaad kasta waxa ay samaysanaysaa Barnaamijkeeda shaqo.
  •  
  • 11.  Guddi hoosaadyada Goluhu way shaqayn karaan haddii loo baahdo muddada Goluhu fasaxa ku jiro.
  •  
  • 12.  Guddi kasta waxay iska dhex dooranayaan Guddoomiye iyo Xoghaye. Shirgudoonku wuxuu Guddi kasta u magacaabaya xoghayn ka kaalmaysa arrimaha ay u xil saraan yihiin.
  •  
  • (Qodobka 21’aad)
  • Guddiga Joogtada ah.
  •  
  • 1.                Tirada guddida joogtada ahi waa toddoba iyo toban (17) xubnood.
  •  
  • 2.                Marka ay kulmaan labada guddi joogto ee Baarlamaanku tirada guddida joogtada ahi waxay noqonaysaa toddoba iyo labaatan(27)xubnood oo kala ah:-
  •  
  •                                                              i.     Toddoba iyo toban (17) xubnood oo ah guddiga joogtada ah.
  •                                                            ii.     Toddoba (7) xubnood oo Guddoomiyeyaasha guddi-hoosaadyada ah.
  •                                                          iii.     Saddex (3) xubnood oo Shirguddoonka ah.
  •  
  • (Qodobka 22’aad)
  • Xilka Guddiga Joogtada ah.
  •  
  •    Guddiga joogtada ah waxaa Xilkeedu yahay sidan:-

     
  • 1.     Guddida joogtada ah waxa soo magacaabaya shir-guddoonka Goluhuna wuxuu ku ansixinayaa cod hal-dheeri ah (aqlabiyad fudud).
  •  
  • 2.     Guddida joogtadu waa in uu ugu yaraan ka mid noqdaa hal mudane (1) oo garyaqaan ah haddii la heli karo.
  •  
  • 3.     Guddiga Joogtadu wuxuu awood u leeyahay muddada jiritaanka Golaha in uu soo jeediyo wax ka beddelka ama wax ku kor-dhinta xeer-hoosaadka Golaha iyo fasiraadda qodobbada Xeer-hoosaadka.
  •  
  • 4.     Guddida joogtadu waxay u xilsaaran yihiin anshaxmarinta mudanayaasha.
  •  
  • 5.     Guddida joogtadu waxay u xilsaaran yihiin wixii ka yimaada isqabad iyo tarjumada Xeer-hoosaadka iyaga oo la tashanaya La-taliyaha sharciga ee Golaha.
  •  
  • 6.     Guddida joogtada ahi waxay u xilsaaran yihiin in ay ku sameeyaan xaqiijin xaaladda burin karta xubinnimada mudanaha iyo wixii ka horimanaaya masuuliyadda uu xambaarsan yahay Mudanuhu.

     
  • 7.     Guddida Joogtada ah Waxaa u bannaan inay u gudbiyaan Shir-gudoonka arrimaha loo xil-saaray ee waafaqsan xeer-hoosaadka haddii ay go’aan ka gaadhista uga maarmi waayaan.
  •  
  • 8.     Guddida joogtada ahi waxay eegayaan talooyina ka soo jeediyaan, dacwadaha Shirguddoonku ka soo gudbiyaan mudanayaasha.
  •  
  • 9.     Guddida joogtada ahi Waxay u xilsaaran yihiin cabashooyinka arrimaha khuseeya shaqaalaha iyo sharciga shaqaalaha Golaha.
  •  
  • 10.Guddiga joogtadu waxay hawlaha Golaha sii wadayaan inta Goluhu fasaxa ku jiro.
  •  
  • 11.  Guddida joogtadu waxay go’aan ka gaadhaysaa cabashooyinka ay uga soo gudbiyaan mudanayaashu shir-gudoonka ama mudane kale waxana mudanaha la siinayaa xaal- marin ku habboon marka gefku caddaado.
  •  
  • (Qodobka 23’aad)
  • Xoghaynta Golaha
  •  
  • Goluhu wuxuu yeelanayaa Xoghayn ka kaalmaysa Shirgudoonka hawlaha xafiiska, arrimaha maaliyada iyo shirarka.
  •  
  • 1.     Xoghayntu waxa ay ka kooban tahay, Xoghayaha Guud iyo ku-xigeenkiisa, agaasime waaxeedyo inta loo baahdo, iyo shaqaalaha kale ee Golaha.

     
  • 2.     Iyadoo qodobka 52’aad ee Datuurka sidiisa loogu dhaqmayo Xog-hayaha Guud ayaa soo jeedinaaya dalac siinta, darajo hoos u dhiga, kala bedelka iyo shaqo ka joojinta shaqaalaha Golaha waxaana go’aan ka gaadhaya shir-guddoonka, wixii rafcaan ah ee la xidhiidha. Cabashada shaqaalaha waxay u gudbinayaan guddida joogtada ah oo awood u leh dib-u-eegista cabashada shaqaalaha.

     
  • 3.     Xoghaynta Goluhu waxay ku hawl galayaan una cuskanayaa gudashada xilkooda tilmaamaha (Directives) iyo awaamirta Gudoomiyaha iyo ku-xigeenadiisa.
  •  
  • 4.     Xoghaynta waxa waajib ku ah in xubin ama xubno ka tirsani ay ka qayb galaan shirkasta oo u qabsooma Golaha Wakiilada, si ay u diiwaangeliyaan doodaha, isweydiinaha, go’aamada Goluhu gaadho, iyo hadal qoraalka (Minutes). Anjende kasta oo doodiisu dhammaatay waa in qoraal ahaan ama maqal iyo muuqaal ahaan loogu kaydiyaa Xusuus dhawrka (Archives) Golaha, mudanayaashuna helaan nuqulo hadal-qoraalka ah, iyadoo ay la socdaan magacyada ka qaybgalay dooda. Way dhici kartaa fadhiyada ay albaabadu u xidhan yihiin inaan hadal qoraal laga reebin.
     
  • 5.     Xoghaynta Golaha waxa xil ka saaran yahay xafidaada hantida Golaha, dhukumantiyada iyo qoraalada la xidhiidha Golaha, isla markaana waxaa masuuliyad gaar ahi ka saaran tahay inay ilaaliyaan wax allaale wixii Shir-gudoonku u aqoonsado (SIR) ciddii faafisana mutaysato ciqaab sharciyeed.
  •  
  • 6.     Si loo sugo kala madax-bannaanida waaxaha dawladda, xoghaynta iyo shaqaalaha kale ee Golaha Wakiiladu, xuquuqdooda iyo waajibaadkooda waxaa nidaaminaya Xeer No.15 ee
  • 26/2/2000 (Xeerka Shaqaalaha Golaha Wakiilada).

     
  •  
  • (Qodobka 24’aad)
  • Xilka Xoghayaha Guud
  •  
  •      Xoghayaha Guud waxa uu u xil saaran yahay:-
  •  
  • 1.     Ogeysiinta mudaneyaasha waqtiyada shirarka Golaha isaga oo qoraal ugu gudbinaya marka Shir-gudoonku oggolaado.

     
  • 2.     Diiwaangelinta codsiyada mudaneyaasha raba inay hadlaan.
  •  
  • 3.     Hubinta tirada codadka la bixiyay iyo arrimaha kale ee Goluhu go’aan ka gaadhay
     
  • 4.     Akhrinta qoraalada la soo jeediyay marka shir-gudoonku ogolaado sida xaadirinta mudaneyaasha iyo hubinta inaan wax laga bedelin hadal qoraalka (minutes).

     
  • 5.     Hubinta in go’aamada Goluhu soo saaray ay si sax ah u diiwaangalaan ugana saxeexo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada.
  •  
  • 6.     Xoghayntu waxay u xil saran tahay gudashada shaqadii kale ee shir-gudoonku u igmado.
  •  
  • 7.     Marka Xoghayaha Guud maqan yahay waxa xilkiisa sii haynaya ku-xigeenkiisa.
  •  
  •  
  • (Qodobka 25’aad)
  • Xuquuqda iyo hab maamuuska Xubinta Golaha Wakiilada
  •  
  • 1.     Dhawrsanaanta iyo xuquuqda xubinta Golaha Wakiilada waa sida ku xusan qodobka 49’aad ee   Dastuurka JSL.
  •  
  • 2.     Xuquuqda mushahar iyo gunno ee xubinta Golaha Wakiiladu waxay ka bilaamaysaa maalinta Maxakamada Sare ku dhawaaqdo natiijada kamadambeysta ah ee doorashada Golaha Wakiilada cusub.
  •  
  • 3.     Faahfaahinta qadarka mushahar, gunno iyo xuquuqaha kale sida: daryeelka caafimaadka, aqoon kor u qaadista mudanaha Iwm waxay ku caddaandoontaa miisaaniyadda Golaha Wakiilada inta laga curinayo Xeer sida ku cad qodobka 47’aad ee Dastuurka.
  •  
  • 4.     Mudanuhu wuxuu xaq u leeyahay in uu ka helo xurmayn iyo maamus dhammaystiran xafiisyada waaxaha fulinta iyo garsoorka, iyo Hay’adaha kale ee dawladda heer qaran,gobol iyo degmo, gaar ahaan ciidamada iyo hay’adaha samafalka caalamiga ah ee ku sugan dalka.
  •  
  • 5.     Mudanaha deegaan kasta oo uu tago waa inay siiyaan hab maamuus madaxda deegaan-kaasi wixii warbixin ah ee u baahadana lagu siiyo si xurmo leh.
  •  
  • 6.     Mudanuhu wuxuu xaq u leeyahay in lagala tashado arrimaha deegaanka laga soo doortay khuseeya oo dhan, loona tix geliyo ra-yigiisa.
  •  
  • 7.     lama baadhi karo mudanaha gaadhigiisa, gurigiisa iyo naftiisaba haddii aan ogolaasho laga helin Golaha.
  •  
  • 8.     Mudanaha tallaabo lagama qaadi karo haddii aan lagu qaban isagoo faraha kula jira dembi aan ciqaabtiisu ka yarayn Saddex (3) Sanno, sida ku cad qodobka 49aad ee Dastuurka Qaranka, iyadoo ay waajib tahay in ogeysiis la siiyo Golaha Wakiilada si deg deg ah.
  •  
  • (Qodob 26’aad)
  • Anshaxmarinta Mudanaha

     
  • 1.           Mudanaha waxa uu waajibaadkiisa gudanayaa, isaga oo u hogaansamaya Dastuurka, shuruucda dalka, Xeer-hoosaadka Golaha Wakiilada, amarrada sharciga ah ee Shir-gudoonka Golaha Wakiilada.
  •  
  • 2.           Mudanaha ku kaca xad-gudub, iyada oo la tixgelinaayo xad-gudubku inta uu le’eg yahay waxa la marinayaa tallaabooyinka anshaxeed ee qodobka soo socda ku xusan. 
  •  
  • (Qodob 27’aad)
  • Noocyada Anshax Marinta mudanayaasha

     
  • Tallaabooyinka anshaxeed ee mudanaha lagu qaadi karaa waa kuwan soo socda:-
  •  
  • b.           digniin afeed.
  • t.             hadal ka joojin.
  • J       ka saarid madasha shirka inta shirku socdo.
  • x.      digniin qoraal ah.
  •  Kh.   ka joojin fadhiyada Golaha iyo Guddiyadiisa saddex (3) maalmood.
  •                 
  • 1.           Digniinta afeed, hadal ka joojinta iyo ka saarista madasha waxa awood u leh shir-guddoonka.
  •  
  • 2.           Digniinta qoraalka ah waxa bixin kara Guddoomiyaha Golaha Wakiillada isaga oo dhegaystay guddida joogtada ah.
  •  
  • (Qodobka 28aad)
  • Digniinta Afeed.
  •  
  • Digniinta afeed waxa lagu qaadi karaa mudanihii carqaladeeya habsami u socodka fadhiyada Golaha iyo Guddiyaddiisa, dhawri waaya saacadaha Golaha iyo Guddiyadiisa sheekaysi iyo dhaq-dhaqaaq sabab la’aan ah la yimaada, ama ku soo gala isla markaana ku jooga qolka shirka muuqaal wax-yeelaynaya haybadda Golaha.
  •  
  • (Qodob 29’aad)
  • Digniinta Qoraalka ah.

     
  • Digniinta qoraalka ah waxa lagu qaadi karaa mudanihi:-
  •  
  • b.   Isaga oo digniin afeed qaba, haddana weli ku sii socda isla falkii hore looga digay.
  •  
  • t.    U hogaansami waaya awaamiirta uu soo saaro Gudoomiyaha Goluhu.
  •    
  • j.    Af-lagaado badheedh ah u geysta Shir-gudoonka ama mudanayaasha Golaha.
  •  
  • x.   Badheedh u la soo gala hub madasha shirka.
  •                                        
  • (Qodob 30’aad)
  • Hadal ka joojin.

     
  • Hadalka waxa laga joojin karaa Mudanihii ka weecda arrinta doodu ka furan tahay ee weli ku sii adkaysta, isaga oo la xusuusiyey inuu mawduuca ku laabto.
  •  
  • (Qodob 31’aad)
  • Ka Saarista Madasha Shirka.
  •  
  • Madasha shirka waxaa laga saari karaa mudanahii ku hadla ereyo gef ah ama ku kaca fal uu ku carqaladaynayo habsami u socodka doodaha isaga oo looga digay hadana mar kale ku laabta ama ku kaca falal ka qalafsan kuwii hore.
  •  
  • (Qodob 32’aad)
  • Ka joojinta Fadhiyada.
  •  
  • Mudanaha waxa laga joojin karaa fadhiyada Golaha iyo guddiyadiisa muddo Saddex maalimood ah (3) markuu ku kaco qodobada ku xusan qodobka 31aad.
  •  
  •  
  • (Qodob 33’aad)
  • Ka Maqnaanshaha Fadhiyada

     
  • 1.     Mudanuhu kama maqnaan karo fadhiyada Golaha idin la’aan, waana inuu saxeexaa diiwaanka imaantinka mudanayaasha (attendance register).

     
  • 2.     Mudanaha saxeexa diiwaanka imaantinka fadhigana ka maqnaada idin la’aan waxaa loo aqoon- sanayaa mudane maqan maalintaas.

     
  • 3.     Mudanuhu waa inuu ka qaataa shir-gudoonka waraaqaha sharciga ah sida, waraaqda fasaxa, shaqada, caafimaadka iwm, waxaana nuqul la siinayaa Guddiga joogtada ah.
  • 4.     Haddii xubin ama xubno Golaha Wakiilada ah looga baahdo hawl Golayaasha xukuumadda, guurtida, ama meelo kale oo rasmi ah waxay qoraal ku codsanayaan baahida loo rabo xubintaas ama xubnahaas iyo muddada. Habeen dhexiisana waxaa siinaya hay’adda soo codsatay.

     
  • 5.      Iyadoo ka maqnaashaha fadhiyada ee ku xusan qodobka 50’aad faqradiisa 5aad ee Dastuurka oo ah ka maqnaasho Labaatan (20) fadhi oo isku xiga idin la’aan, laguna cadayndoono diiwaanka mudanayaashu ku muujiyeen imaantinkooda (attendance register), waxaa fulinta qodobkaa dastuuriga ah go’aan ka qaadashadiisa iska leh Golaha, ka dib marka Shir-gudoonku u soo bandhigo guddiga joogtada ah.
  •  
  • 6.      Shirguddoonku ma fasaxi karo shan iyo toban (15) xubnood wax ka badan kal-fadhi kasta hadaan duruufi qasbin.
  •  
  • (Qodobka 34’aad)
  • Hannaanka Doodaha & habsami u socodka fadhiga
  •  
  • 1-                Nidaamka maamulka shirku waxa uu saran yahay dhamaan xubnaha Golaha Wakiilada waxayna u igmanayaan shir-gudoonka Golaha, wixii anshax xumo iyo nabadgalyo daro timaada shir-gudoonku wuxuu la kaashan karaa guddiga joogtada ah iyo hawl wadeenada nabad gelyada.
  •  
  • 2-               Waxaa waajib ah in shir kasta oo Golaha u qabsooma lagu furo Aayadaha Quraanka Kariimka ah, isla markaana shirka socda waqtiyada Salaadu soo gasho shirka la hakiyo ilaa inta mudanayaashu ka tukanayaan.
  •  
  • 3-               Anjende kasta oo Golaha horyimaada waa in ay mudanayaashu ku helaan qoraal ahaan ugu yaraan 24 saacadood ka hor intaan doodu furmin, wixiise soojeedimo ah ee ka dhasha fadhiga ama loo arko inay muhiim tahay soo hormarintoodu waa laga doodi karaa.

     
  • 4-               Mudanyaasha doonaya inay ka hadlaan ajende waa inay magacyadooda ka diiwaangeliyaan Xoghaynta ka hor intaan doodu furmin, anjendaha ka dhasha fadhiga ama loo arko inay muhiim tahay soo hormarinta doodiisu waa in ay mudanayaashu magacyadooda ka diiwaan- geliyaan Xog-haynta inta aanay doodu furmin.
  •  
  • 5-               Mudanuhu markuu dooda isqoro haddii la waayo xiliga xaadirinta, dooda waa laga saarayaa.
  •  
  • 6-               Ma bannaana in xubini Golaha ka jeediso hadal iyada oo aan shir-gudoonka ka helin ogolaansho, marka shirgudoonku siiyo hadalka waxaa mudanaha waajib ku ah inuu istaago codkana gaadhsiiyo dhammaan dadka jooga madasha shirka islamarkaana dhawro asluubta guud kuna ekaado nuxurka mawduuca.
  •  
  • 7-                Mudane kastaa wuxuu codsan karaa amar toosineed (point of order) ama sixitaan (point of correction) isagoon hadalka lahayn ama uu mudane kale wato hadalka.
  •  
  • 8-               Mudanuhu kama hadli karo arrin ku saabsan isla mawduuca wax ka badan hal mar, marka laga reebo ku noqoshada arrin isaga shaqsi ahaan u khuseysa ama la xidhiidha Xeer-hoosaadka ama caddayn arrin uusan hore uga hadlin kuna saabsan isla mawduuca.
  •  
  • 9-               Haddii mudane hadalka qaato ogolaansho la’aan ama mawduuca ka baxo ama hadalka oo laga joojiyay sii wato ama ay ka muuqato doodiisa ereyo ku xun asluubta habsami u socodka fadhiga ama gef ku ah xubin ka mid ah mudanayaasha Golaha, Xog-haynta ama khalkhal geliyo dooda shirka, Gudoomiyuhu wuxuu ku soo celinayaa anshaxa habboon.
  •  
  • 10. Haddii mudane laba jeer loo digo inuu ku soo noqdo anshaxa habboon mar saddexaadka                       Gudoomiyuhu wuxuu xaq u leeyahay inuu hadalka ka joojiyo
  •  
  • 11.       Haddii mudanuhu amarka shirgudoonka qaadan waayo ama uu sii wato khalkhal gelinta shirka ama abuuro meel kadhac iyo asluub xumo kale, Gudoomiyuhu wuxu xaq u leeyahay inuu ka saaro fadhiga maalintaas.
  •  
  • 12.  Haddii mudanuhu amarka ka saarista qaadan waayo waxaa Gudoomiyaha u banaan inuu mudanaha shaqada ka joojiyo saddex maalmood, haddii uu mudanuhu ku soo laabto madasha muddada oo aan ka dhammaan waa loo laban-laabayaa ganaaxa.
  •  
  • 13.  Haddii gefka uu galay mudanuhu uu yahay mid aad u culus waxaa loo gudbinayaa arrintiisa Guddiga joogtada ah si ay Golaha ugu soo jeediyaan talaabada ku habboon in laga qaado  mudanahaas. Hadddii cidda abuurtay khalkhalka iyo dagaalka ay yihiin mudanayaasha Golaha qaarkood waxaa baadhis iyo talo ka soojeedin ku samaynaya Guddida joogtada ah.
  •  
  • 14.  Haddii dhageystayasha ay yihiin ama gacan ay ku leeyihiin khalkhalgelinta Shirka, waxaa   ciidamada nabad gelyada waajib ku ah in ay ka qaadaan taalabo Sharciga waafaqsan.
  •  
  • (Qodobka 35’aad)
  • Khudbadda Mudanaha.
  •  
  • Waxaa mudanayaasha u bannaan inay Golaha ka jeediyaan khudbad qoran, ama  af ah oo qaadanaysa muddo aan ka badnayn soddan (30) daqiiqo haddii shir-gudoonku ogolaado.
  •  
  • Qodobka 36’aad)
  • Toosin (point of order) ama Sixi taan (point of correction)
  •  
  • 1.      Mudane kastaa wuxuu codsan karaa toosin (point of order) ama sixitaan (point of correction) isaga oo aan hadalka lahayn mudane, kalena wato hadalka.
  •  
  • 2.      Gudoomiyuhu wuxu siinayaa hadalka mudane codsaday toosin ama sixitaan
  •  
  • 3.      Marka la siiyo hadalka mudaneyaasha codsaday wax toosinta ama sixitaanka, waxa laga rabaa in uu si toos ah u abaaro ujeedada, si koobana u tilmaamo arrinta uu codsaday.
  •  
  • 4.      Toosinta ama sixitaanka mudanuhu kama bixi karo wax ka baxsan nuxurka toosinta ama sixitaanka.
  •  
  • 5.      Soojeedinta amar toosineed ama sixitaan ma bannaana inta uu hadalka haysto Shirgudoonku ama  mudane kale oo qaatay amar toosineed ama sixitaan.
  •  
  • (Qodobka 37’aad)
  • Soojeedimo (Motions)
  •  
  • 1.      Waxaa bannaan soojeedimo (motions) Golaha loo soo gudbin karo kuwaas oo xubno mudaneyaal ahi soojeedin karaan.
  •  
  • 2.      Soojeedintu waa inay sharciga waafaqsan tahay, xubnaha soo gudbin karaan waa inaysan ka yarayn toban iyo kow (11) Mudane
  •  
  • 3.       Soojeedintu waa inay qoraal tahay, saxeexan tahay lana soo gaadhsiiyo Guddoomiyaha.
  •  
  • 4.      Shir-gudoonku wuxu soo hor-dhigayaa soojeedinta Golaha, haddii ayna soo jeedintu ka hor-imanayn Dastuurka, shuruucda dalka ama xeer-hoosaadka Golaha, ka dibna wuxuu ogolaanayaa in laga doodo.
  •  
  • 5.      Haddii qoraalka soo jeedinta ay ku jiraan erayo wax u dhimaya Golaha, wada shaqaynta xubnaha wuxu ka codsanayaa soojeediyayaasha in ay erayada soojeedinta wax ka bedelaan ama kuwa turxaanta leh ka saaran qoraalka, hase yeeshee haddii ay diidaan in ay bedelaan erayada wax dhimista ah laga doodi-maayo soo jeedintooda.
  •  
  • 6.      Haddii ay muuqato in soojeedintu aysan waafaqsanayn dastuurka ama xeer-hoosaadka Golaha loo qaybin maayo Golaha, lagana doodi maayo soojeedinta.
  •  
  • 7.      Intii aan laga doodin soojeedinta, qofka mid ah xubnaha keenay soojeedinta ayaa ka caddaynaya Golaha hortiisa ujeedada soojeedinta.
  •  
  • 8.      Soojeedinta (Motion) ku saabsan wax ka bedelka iyo kaabidda Dastuurka waxa loo raacayaa sida waafaqsan qoddobka 126’aad ee Dastuurka JSL.
  •  
  • (Qodobka 38’aad)
  • Haweenka Mudanayaasha ah.
  •  
  •       Haweenka Mudanayaasha ah muddada ay ku jiraan fasaxa umusha: -
  •  
  • 1.      Muddada haweenka mudanayaasha ah ay ku jiraan fasaxa umusha waxay xaq u leeyihiin in la gaadhsiiyo dukumentiga la xidhiidha hawlaha Golaha Wakiilada & go’aanada uu soo saaro Goluhu, fadhiyada caadiga ah & fadhiyada aan caadiga ahaynba bishii hal mar.
  •  
  • 2.      Fasaxa ummusha iyo muddadiisu waxay noqonayaan afar (4) bilood oo ka bilaabanta dhammaadka bisheeda toddobaad (7).
  •  
  • 3.      Muddada fasaxa ay ku jirto ummushu waxay leedahay wixii xuquuq ah ee mudaneyaasha joogaa leeyihiin.
  •  
  •  
  • (Qodobka 39’aad)
  • Mashruuc-sharci Soo bandhigidda Mashruuc-sharci.
  •  
  • Iyada oo la tixgelinaayo qodobka 74aad ee Dastuurka, mashruuc-sharci waxa Golaha wakiillada u soo bandhigi kara:-
  •  
  • 1.  Golaha Xukuumada.
  •  
  • 2.  Golaha Guurtida.
  •  
  • 3.      Tirada xubnaha Golaha ee xeer-hoosaadka Goluhu qeexay.
  •  
  • 4.      Muwaadiniin leh xaqa codbixinta tiradooduna ka yarayn shan kun  (5,000) oo qof, waxaana ka reeban mashruuc qaanuun maaliyadeed.
  •  
  • (Qoddobka 40’aad)
  • Dooddaha Mashruuc-sharci.
  •  
  • 1.                 Goluhu kama doodi karo mashruuc-sharci haddii aan loo qaybin mudaneyaasha 24 saac ka hor marka laga reebo xaaladdaha deg-degga ah.
  •  
  • 2.                 Madaxweynuhu wuxuu qoraal sababaysan oo ku saabsan xaaladda deg-degga ah (state of Emergency) u soo gudbin karaa labada Gole si ay uga doodaan.
  •  
  • 3.                 Goluhu kama doodi karo, go’aanna kama gaadhi karo mashruuc-sharci ama barnaamij kale oo aan ku qornayn ajandaha fadhigiisa marka laga reebo ajandayaasha ku yimaada xaaladda deg-dega ah, ama Goluhu isku raaco soo hormarintooda.
  •  
  • 4.                 Mashruuc-sharci oo doodiisu socoto wuxuu Goluhu awood u leeyahay in uu bedelaad iyo kordhinba ku sameeyo qaybo ka mid ah.
  •  
  • 5.                 Mashruuc sharci kasta oo Golaha la horkeeno waa inay faah-faahin ka bixisaa ciddii keentay. Wixii su’aalo iyo jawaabahooda ah ee mashruucaas la xidhiidha waxa shir-gudoonka u bannaan inay maalin gaar ah u cayimaan.
  •  
  • 6.                 Wixii isbeddel iyo soojeedin ku yimaadda qodob kasta oo mashruucaas ka mid ah goonidiisa ayaa loogu codaynayaa, kadibna mashruuca oo dhan ayaa loo codaynayaa, haddiise qodobo ka mid ah mashruuc sharcigaas waayaan cod, waa laga sarayaa.
  •  
  • 7.                 Waxa Golaha Wakiiladu mudnaan gaar ah siinayaan mashruucyada-sharciyeed ee Xukuumaddu u aragto in fulintooda deg-deg loogu baahan yahay sida ku cad xubinta 1aad ee qodobkan iyo kuwa la xidhiidha maaliyadda iyo nabadgelyadda.
  •  
  • 8.                 Mashruuc-sharci oo Goluhu diido waxa mar labaad loo soo bandhigi karaa Golaha marka ay ka soo wareegto afartan iyo shan (45) maalimood  muddadii diidmada.
  •  
  • (Qoddobka 41’aad).
  • Habka loo raacaayo Xeer dejinta
  •  
  • Hab u socodka mashruuc-sharci ee baarlamaanka waxa loo raacayaa xeer-hoosaadka labada Gole (Baarlamanka). Waxaana xeer-hoosaadka dejinaaya laba Guddi oo labada shir-gudoon (Guurtida iyo Wakiillada) soo magacaabaan.
  •  
  • (Qoddobka 42’aad)
  • Noocyada Cod-bixinta.
  •  
  • 1.      Cod-bixintu waxay u kala baxdaa sida soo socota: -
  •  
  • b)  Cod-bixin qarsoodi ah
  • t)   Cod-bixin gacan taag ah
  •  
  • 2.      Waxa Goluhu uu codayn qarsoodi ah ku gaadhi doonaa go’aanada la xidhiidha: -
  •  
  • b.     Arrimaha nabad-gelyada  saamaynta ku leh ee heer qaran.
  • t.    Markii toban iyo kow (11) mudane   soo jeedin qoraal ah ugu soo
  • gudbiyaan shir-gudoonka  in cod-bixin gacan taag ah laga dhigo qarsoodi, Goluhuna aqlabiyad hal dheeri ah ku ogolaado.
  • j.       Marka ay shir-guddoonka la haboonaato Goluhuna ku jideeyo go’aan Gole oo ah aqlabiyad hal-dheeri ah.
  •  
  • 3.  Cod-bixinta qarsoodiga ah waxay u dhacaysaa habkan: -
  •  
  • b          Guddoomiyuhu wuxu diyaarinayaa Sanduuqa cod-bixinta.
  • t.     Wuxu fasirayaa nooca cod-bixinta.
  •  j    Wuxu amrayaa xaadirinta mudanayaasha & in loo qaybiyo
  • mudanayaasha warqadaha cod-bixinta, haddii tiradii kooramka ee
  • loo baahna joogto.
  • x.   Cod-bixinta qarsoodiga ah Guddoomiyaha Golaha ayaa xaqiijinaya
  • tirada mudanayaasha codka bixiyay, codka khasaaray, ama aan la
  • bixin, wuxuna ku dhawaaqaya natiijada cod-bixinta.
  •  
  • 4.   Cod-bixinta la xidhiidha wax ka bedelka ama kaabidda Dastuurka JSL waa gacan
  •       taag,
  •  
  • 5.  Mudaneyaasha ogolaada, diida, ama ka aamusa codbixinta waxay tagayaan gacanta
  • Markay codayntu tahay gacan taag.
  •  
  • 6.     Codaynta gacan-taaga ah waxa tirinaya Xog-haynta Golaha, una gudbinaya Guddoomiyaha si uu ugu dhawaaqo Gudoomiyuhu natiijada codka.
  •  
  • 7.      Marka codka la qaado haddii ogol iyo diidan tiro is le’eg noqdaan Guddoomiyuhu dhinaca        
  • uu raaco ayuu codku ku ansaxayaa.
  •  
  • 8.      Marka la codaynayo mudanaha aan dhinacna u codayn (Ogol/Diidan/Aamus) isaga oo fadhiya shirka waxa loo aqoonsanaya Mudane aamusay.
  •  
  • 9.      Haddii la arko qaladaad habka cod-bixinta qarsoodiga ah ama gacan-taaga, ama ay muuqato cod-bixin ka badan mudanayaasha jooga fadhiga ama in ka yar, Guddoomiyuhu wuxu Baabinayaa natiijada cod-bixinta waxana si deg-deg ah loogu noqonayaa cod-bixinta cusub ilaa inta ay ka sugmayso codbixintaasi.  Natiijada codbixin kasta waxa ku dhawaaqaya
  • Guddoomiyaha golaha isaga oo caddaynaya tirada ogolaatay, tirada diiday, tirada ka aamustay & tirada xumaatay.
  •  
  • 10.Marka codaynta la isu qal-qaalinayo ama intaan natiijada lagu dhawaaqin mudanayaasha waa ka mamnuuc hadalka iyo doodu, kamana bixi karaan fadhiga ilaa natiijada codeynta lagu dhawaaqo. Mudanaha sidaas ku dhaqmi waayana waxa loo aqoonsanayaa mudane jooga oo aamusay.           
  •  
  • (Qodobka 43’aad)
  • Ansixinta Mas’uuliyiintaQaranka
  •  
  • 1-     Wasiirada, Wasiiro-xigeenada iyo madaxda hay-adaha dawlada ee gaarka ah iyo madaxda kale ee qaranka waxaa loo codaynayaa iyaga oo aan joogin madasha Golaha ka dib marka ay dhamaystaan warbixinta iyo ka jawaabida su’aalaha mudanayaashu ay weydiiyaan.
  •  
  • 2-    Si loo hubiyo shuruudaha Xilka ee qodobka 53’aad ee Dastuurka mas’uuliyiinta qaran ee la magacaabay waxaa ku waajib ah inuu Golaha u soo gudbiyo, waraaqaha dhalashada, caafimaadka, dembi la aanta, tacliinta iyo Taariikh nololeedkiisa (CV) laba toddobaad ka hor taariikhda ansixinta xilkiisa.
  •  
  • 3-    Xaqiijinta dhukomantiga ku xusan xubinta labaad ee qodobkan waxa u xilsaaran Shir-gudoonka, isagoo u gudbinaya marka hore Guddiga ku shaqada leh si ay u soo hubiyaan warbixinna uga soo siiyaan shirgudoonka.
  •  
  • 4-    Waxaa madaxda ku xusan xubinta (2’aad) ee qodobkan loogu codeynayaa masuul kasta gaar ahaantiisa (hal-hal).
  •  
  • 5-   Sida ku cad qodobka 53aad ee Dastuurka iyo qodobka 114’aad ee Dastuurka masuul kasta oo ansixintiisa lagu horkeeni waayo Golaha Wakiilada muddo saddex bilood gudahood ah waa muddo dhaaf Golahana lama horkeeni karo ilaa madaxweynuhu dib u soo magacaabo.
  •  
  • 6-    Masuuliyiinta ku xusan faqrada (2) aad ee qododbkan lama dhaarin karo ilaa Golaha Wakiiladu ansixiyaan.
  •  
  • 7-     Haddii mas’uuliyiinta kor ku xusan ee Goluhu ansixiyey ama kuwa kale ee heer qaran guddiyada ay khusayso xilkoodu ka soo jeediyaan dhalliil culus waxay Golaha soo hordhigayaan talo soojeedin sababaysan oo Goluhu go’aan ka gaadho.
  •  
  • (Qodobka 44’aad)
  • Dhamaadka muddada Golaha Wakiilada
  •  
  • Muddada Golaha Wakiiladu waxay dhamaanaysaa marka Maxakamada Sare ee JSL ansixiso doorashada xigta ee golaha wakiilada cusub sida ku xusan Qodobka 44’aad  faqradiisa (1’aad) ee Dastuurka.
  •  
  • (Qodobka 45’aad)
  • Habka Fadhiga Golaha Wakiilada
  •                                                               
  • Marka la fadhiyo Golaha waxaa xubnaha Golaha hortooda gadhiisanaya gudoomiyaha oo ay labada dhinac ka fadhiyaan G/xigeenadiisa iyo ciddii kale ee Gudooomiyuhu fadhiga u ogolaado.
  •  
  • Hadal-qoraallayaashu waxay fadhiisanayaan meel ka hoosaysa halka Shir-guddoonku fadhiyo, xubnaha xukuumaduna waxay fadhiisanayaan dhanka midigta ee Gudoomiye ku-xigeenka 1aad fadhiyo.
  •  
  • (Qodobka 46’aad)
  • Habka loo raacayo kala dirista Golaha Wakiilada
  •  
  • Talaabooyinka ku saabsan kala dirista Golaha, wuxuu Goluhu u igmanayaa oo wakiil uga noqonaya guddiga garsoorka, caddaalada iyo xuquuqul Insaanka iyo La-taliyaha sharciga ee Golaha Wakiilada.
  •  
  • (Qodobka 47’aad)
  • Sanduuqa ra-yi Dhiibashada Dad weynaha
  •  
  • 1.     Goluhu wuxuu yeelanayaa sanduuq ra-yi dhiibasho, oo muwaadiniintu ku soo gudbiyaan talooyinkooda iyo cabashadooda kaas oo la dhigayo goob xarunta Golaha ka mid ah.
  •  
  • 2.     Tallooyinka iyo cabashooyinka ka imanaya gobolada iyo degmooyinka dalka waxa loo soo gudbinaya xarunta Golaha, iyadoo loo soo dhiibayo cidda uu igmado shirgudoonku.
  •  
  • 3.    Talooyinkaas iyo cabashooyinka wuxuu shir-gudoonku u gudbinayaa Guddida ay khuseyso.
  •  
  • (Qodobka 48’aad)
  • Miisaaniyadda Qaranka
  •  
  • 1.     Keenista miisaaniyad sannadeedku waa ugu dambayn bisha sannadka ugu dambaysa (Decmber).
  •  
  • 2.         Iyadoo la raacayo qodobka 55’aad ee Dastuurka, waxaa lagu sii dhaqmayaa miisaaniyaddii hore, muddo aan ka badnayn saddex bilood sida ku cad xeerka habka maaliyada iyo xisaabaadka qaranka (Financial and Accounting procedure of the State), haddii ay ku dhammaan waydo muddadaas Golaha ayaa go’aan ka gaadhaya.
  •  
  • 3.         Waxa waaxda fulinta ee Jamhuuriyada Somaliland ku waajib ah in ay Golaha Wakiilada u soo gudbiso Miisaaniyadaha iyo Xisaab-xidhada hay’adaha, wakaaladaha iyo shirkadaha dawladeed ama kuwa ay wax ku leedahay iyo xeerarkii caddaynayay sida ku cad Qodobka 55aad ee Dastuurka Qaranka.
  •  
  • 4.     Maaliyada iyo miisaaniyada qaranka waxa loo raacaya xeerka habka maaliyada iyo xisaabadka qaranka ee Lam: 87/96 ee 1996kii iyo xeerarka kale ee Maaliyadeed. 
  •  
  • (Qodobka 49’aad)
  • Dhaqan-galka Xeer-hoosaadka
  •  
  • 1.                 Xeer-hoosaadkan waxaa saldhig u ah Dastuurka Qaranka, wixii aan waafaqsanayn wuxuu noqonayaa waxba Kama jiraan.

     
  • 2.                 Xeer-hoosaadkan wuxuu dhaqan-galayaa marka Golaha Wakiiladu ansixiyaan Guddoomiyaha Golaha Wakiiladuna saxeexo.
  •  
  •  
  • ALLAA  MAHAD LEH
  •  
  •  
  • (C/RAXMAAN MAXAMED C/LAAHI) (CIRRO)
  • =GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILADA JSL=

 


Jamhuuriyadda Somaliland

GOLAYAASHA BAARLAMANKA

SOMALILAND HOUSES OF PARLIAMENT

STANDING RULES RELATING TO JOINT SITTINGS OF BOTH HOUSES OF PARLIAMENT

 

XEER-HOOSAADKA BAARLAMANKA

 Qodobka 1aad

Labada Gole Qaran (Baarlamanka) waxa ay fadhi wadajir ah ka yeelan karaan qodobka 61aad ee Dastuurka arimaha ku cad gaar ahaan xarfihiisa B, T, X, KH, D, R, iyo S.

 

Qodobka 2aad

Labada Gole (Baarlamanka) waxa kale oo ay fadhiyo wadajir ah ka yeelan karaan qodobadan:

a)    Arrimo siyaasadeed ee dalka ku soo kordha ama soo foodsaara.

b)    Codsi ka yimaada dhinaca Xukuumadda ama labada Gole oo codsi u jeediya Xukuumadda ay ku doonayaan waydiimo, caddaymo, ama warbixin xaaladeed.

c)     Waxa kale oo ay ka kulmi karaan in la iska qanciyo su’aalo ka iman kara dhinacyada; ha ahaaato rayi, ansixin shuruuc, iwm.

d)    Wixii soo jeedin, wax ka bedel ama kaabis ah ee Dastuurka ku saabsan, kana yimaada Xukuuumadda ama Labada Gole midkood.

i.        Labada Gole, waxay uga kulmi karaan qaab gudiyeed, ay Golayaashu iska magacaabaan, iyadoo ansixintu ahaanayso sida ku cad qodobka 153aad ee Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Golayaasha.

e)    Soo jeedimaha iyo ajandaha amuuraha laga kulmayaa waxay ka imanayaan:

    ii.  Labada Shirgudoon, iyadoo loo bandhigayo Golayaasha oo ansixin doona.

     ii. Labada Gole midkood oo ay xubnihiisu aqlabiyad ku soo jeediyaan in uu kulmo Baarlamanku, (aqlabiyadda tirada xubnaha Golaha), iyadoo ay shardi tahay in loo bandhigo Golaha kale asbaabaha codsiga fadhiga wadajirka ah ee Labada Gole; hasa ahaatee Golaha kale wuu diidi karaa haddii ay la haboonaan waydo ama wuu ogolaan karaa, asagoo ku ogolaan kara ama ku diidi kara aqlabiyad la mid ah tan hore.

 Qodobka 3aad

Go’aanada Baarlamanku waxay ku ansaxayaan hal dheeri (simple majority) marka laga reebo wixii Dastuurku si kale u cadeeyay

 

Qodobka 4aad

Mudanahii shirka ama fadhiga wadajirka ah ee Barlamaanka iyadoo lagu jiro ku kaca khal-khal gelin ama abuura buuq, gacan ka hadal, iwm, waxaa laga saarayaa fadhiga ilaa inta uu dhamaanayo, kuna soo noqon mayo.

 

Qodobka 5aad

Habka hogaaminta fadhiyada wadajirka ah ee Baarlamanku wuxuu ahaanayaa:

a)    Gudoomiyaha Golaha Guurtida ayaa Gudoominaya

b)    Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ayaa ahaanaya La-Gudoomiye

c)     Sidaas oo kale ayey isugu xigayaan xubnaha kale ee gudoonada iyo xoghayntu.

 

Qodobka 6aad

Labada xeer-hoosaad ee Labada Gole waa la midayn doonaa iyadoo loo saari doono guddi wadajir ah oo labada Gole ka kooban.

 

Qodobka 7aad

Qodobadan waxay labada Gole ee Baarlamaanku ku ansixinayaan kala gaar, iyagoo ahaan doona lifaaqa Xeer-hoosaadyadooda.

 

Guddiga soo diyaarisay:

1. Xasan Axmed Ducaale                                     Golaha Wakiilada

2. C/raxman Xuseen Cabdi (Baydani)                  Golaha Wakiilada

3. Maxamed Ducaale Qurux                                   Golaha Guurtida

4. Maxamuud Xareed Rooble                                 Golaha Guurtida

5. Cabdilahi Ibrahim Habane                          Xoghayaha G/Guurtida

6. Maxamed Xuseen Cisman                        Xoghayaha G/Wakiilada .  

 

 

[Home] [Introduction to  Somaliland Law] [Somaliland Legal  - Views] [Articles &  Commentaries] [Somaliland  Constitution] [Constitutional  Developments] [Somaliland  Boundaries] [Recognition of  Somaliland] [Somaliland &  International Law] [Administrative Law] [Banking & Finance  Laws] [Business  Law Overview] [Somaliland Citizenship Law] [Civil Law] [Civil Procedure  Law] [Commercial Law] [Communications Laws] [Somaliland Customary Law] [Somaliland Company  Law] [Criminal Law] [Criminal Procedure  Law] [Environmental Laws] [Electoral Laws] [Foreign Investment  Law] [Family &  Personal Law] [Somaliland  Government] [Health Law] [Somaliland Human Rights Law] [Insurance Law] [Somaliland Intellectual  Property Law] [Somaliland Judicial  System] [Labour/ Employment Law] [Land & Planning  Law] [Hargeisa Law  Faculty] [Somaliland Legal  Profession] [Somaliland Lawyers] [Somaliland Livestock  Laws] [Local Government  Law] [Maritime Law] [Military Law] [Somaliland  Mining Laws] [Somaliland NGOs Law] [Press &  Media  Law] [Prison Law] [Police Law] [Somaliland Public  Finance Law] [Somaliland Public  Safety Laws] [Somaliland  Parliament] [Standing Rules of  Parliament] [Cross Party  Parliamentary Group] [Somaliland Security  Committees] [Sharia   A Source of Law] [Roads & Traffic  Law] [Miscellaneous Laws] [Somali Republic  60-89 Laws] [Comparative Somali  Laws] [Somaliland Protectorate  Laws] [Somaliland Utilities Laws]